Sida aynu
qaybtii 1aad kaga soo hadalnay isbedelkii ka dhacay wadanka Itoobiya
wuxuu ku soo beegmay xilli ay qawmiyadda Soomaalidu aad u kala
daadsantahay isla markaana ay dawladdii Soomaaliyeed burburtay wadankana
ay ka socdaan dagaalo sokeeye oo qabiilooyinku iskaga soo horjeedeen.
Aqoonyahano badan arrimaha gobolkan geeska Afrika ka
faalooda ayaa qaba in haddii isbedlkii ka dhacay Itoobiya ku soo beegmi
laha xilli ay dawladdii Soomaaliyeed dhisantahay in maanta xaaladdu sida
ay tahay ka duwanaan lahayd, S/galbeedna ay mari lahayd dhabbe la mid ah
midkii ay Ereteriya martay.
Hadaba waxyaabaha ka dhacayay Soomaaliya ayaa
ahaa kuwo si toos ah u saamaynayay Soomaalida xukunka Itoobiya ku hoos
jira iyadoo ay qaar ka mid ah beelaha S/galbeed dega dhxdoodana colaado
ka aloosmeen..
Dhanka kale waxaa sii xoogeysanayay khatarta
shacabka S/galbeed uga imanaysay dhinaca qawmiyadda Oramamda iyo
siyaasaddooda dhul ballaarsiga ku dhisan maadaama ay Soomaalida ood
wadaag yihiin aadna isku dhex galeen, isla markaana ay jiraan beelo
labada dhinacba sheeegta.
Qowmiyadda Oromada oo iyadu ah tan ugu tiro badan
qawmiyadaha kala geddisan ee ku dhaqan Itoobiya ayaa lahayd ururo badan
oo hubaysan oo qaarkoodna ay xubin ka ahaayeen ibahaysiga EPRDF ee
Tigreegu horseedka u ahaayeen.
Oramadu maadaama ay ugu badanyihiin qamiyadaha
Itoobiya waxay ka qabeen talada wadanka rajo u eeg midda ay maanta qabaan
dadka shiicada ee reer Ciraaq.
Waxaa soo shaac baxayay colaada ay Oramadu siiba
kuwii Soomaaliya joogi jiray ay u hayaan Soomaalida iyagoo ka cadhaysan
siyaasaddii ay dawladda Soomaaliyeed kula dhaqmi jirtay iyo magacyadii ay
ugu yeeri jirtay sida Soomaali abboo oo ay u arkeen mid lagu dhalan
rogaya dadkooda.
Waxay bilaabeen sheegashada meelo badan oo ka mid
ah dhulka S/galbeed ayna ku jiraan mgaalooyin muhiim ah sida Dirdhaba iyo
Jigjiga, waxaana markiiba dagaal ka dhex qarxay Oramada iyo qabiilooyin
ka mid ah Soomaalida. Waxaa ayaan darro ahayd in qabiilooyin Soomaaliyeed
ay la safnaayeen dhinaca Oromada colaada ka dhex jirtay beelaha
soomaalida awgeed.
Dagaalkii ugu horeeyay wuxuu ka dhex qarxay
Ciisaha iyo Oromada oo Gadabuursigu dhinac kala soo jeeday, waxaanay
colaadaasi saamaysay magaalada Dirdhaba iyo hareeraheeda bartamihii
sannadkii 1991. Waxaa xigay dagaalkii Oromada iyo Geriga iyadoo
Jaarsaduna ka soo jeeday dhinaca Oromada.
Dhammaan dagaaladaa aan kor ku soo xusnay waxay
ahaayeen qaar ay sabab u ahayd damaca dhul ballaarsi ee Oromada iyadoo ay
qabiilooyinka Soomaalidu si mintidnimo ah dhulkooda u difaaceen.
Tigreega oo bilawgii markay xukunka qabsadeen ay
ka muuqatay isku kalsooni la'aan ayna ka shakisnaayeen inay xukunka sii
hayn doonaan madaama ay yihiin dad tiro yar oo ku nool dhulka buuraleyda
ee go'doonka ah oo aan muhimad weyn lahayn ayaa istraatijiyadooda
siyaasadeed ee ay rabeen inay wadanka ku maamulaan u muuqatay mid tijaabo
ah. Waxay doonayeen inay soo dhawaystaan qawmiyadihii la cadaadin jiray
sida Soomaalida iyo Oromada si ay isaga gaashaan buuraystaan Amxaaradii
muddada dheer u soo talinaysay Itoobiya.
Soomaalida dhexdeeda oo ay ka jirtay kala
qaybsanaan ay qabyaaladdu u sababtahay iyo xaaladda Soomaaliaya oo si
toos ah u saamaynaysay ayaan u muuqan xoog wax taageeri kara in iyaga la
taageero mooyee.
Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo
bedelaysay fikraddi Tigreegu hore uga qabay Soomaalida waxaanay ugu
dambaystii u aqoonsadeen dad liita oo qabyaaladi dishootay oo dareenka
wadaninimo ka maran.
Arrintaas aan kor ku soo sheegnay ayaa sababtay
in xilligaa wixii ka dambeeyay aanay Tigreegu Soomaalida siday doonaan ka
yeelaan oo aanay waxba isaga tirin.
Arrrimihii ugu muhiimsanaa ee bilawgii Tigreegu
ku dhaqaaqeen waxaa ka mid ahaa dib u habaynta khariidad goboleedka
Itoobiya iyadoo markan lagu salaynayo hab qawmiyaddeed si loogu suurto
geliyo is maamul hoosaad qawmiyadaha kala geddisan ee ku dhaqan Itoobiya.
Waxaa ayaan darro ahayd in aanu jirin shaqsi Soomaaliyeed oo wax laga
weydiiyay ama lagala tashaday qaabaynta khariidaddaas muhiimka ah.
Hadaba arrrintani waa mid inoo muujin karta in
aanay jirin siyaasiyiin wadaniyiin ah oo karti, aqoon iyo waayo aragnimo
leh oo u dhashay Soomaalida dhulkaas waxna la qaybsan kara qawmiyadaha
kale ee Itoobiya.
Nasiib wanaag kharridadaasi Soomaalidii ay
khusaysay aan laga tashani waxay qiyaasti 95% in ka badan dhulka Soomaali
galbeed hoos keentay ismaamulka Soomaalida marka laga reebo meelo muran
ka dhashay oo Oromada la isku haysto, waxaana la yaab lahayd in
khariidaddaas lagu soo qaro magaca Soomaali oo ay si aada uga soo hor
jeedi jireen xukuumadihii hore ee Itoobiya iyadoo ay kooxo Soomaaliyeedna
jeclaan lahayeen in loogu yeero dhulkaas magac qabiil.
Waxaan qabaa in xataa haddii dhul intaas ka badan
Soomalida laga dhaxal wareejin lahaa aanay jirteen cid ka daba hadashaa,
xuquuq kasta oo ay Soomaalidu lahayd oo laga duudsiyay xilligaas waa mid
ay eeddeeda iska leeyihiin Soomaalidu ayna u sababtahay kala
qaybsanaantooda iyo tayo xumida siyaasiyiintooda..
Maanta wadanka Itoobiya wuxuu u qaybsanyahay 9 is
maamul goboleed oo ku salysan hab qawmiyaddeed iyo laba is maamul Magaalo
oo iyagu si toos ah u hoos taga dawladda dhexe. Maamul goboleedyadaasina
waxay kala yihiin:-
1- Cafar 2-Amxaaro 3- Binshangul Gumus 4- Dadka
Gambela 5- Dadka Herer 6-Oromiya 7- Soomaali 8- Tigrey 9- Qawmiyadaha
reer koonfureedka.
Labada is maamul Magaalana waxay kala yihiin
caasimadda Addis Ababa iyo magaalada lagu muransanyhay ee Dirdhaba ee ka
tirsan gobolka Soomaalida.
Waxaa abuurmay xilligii ku meel gaarka ahaa ururo
badan oo Soomaaliyeed qaarkoodna aanay ujeedadooduba dhaafsiisnayn inay
dal ku galyo (visas) kaga raadsadaan safaaradaha reer galbeedka si ay uga
gadaan Soomaalida dibadaha u socda ee dhoobnaa dariiqyada magaalada Addis
Ababa.
Ururada soomaalida bilawgii markaad ka fiirisid
dhinaca abaabulka bulshada iyo ololaha siyaasadeed waxaa ugu
firfircoonayd Jabhadda wadaniga ee xoreynta ogaden (ONLF).
Jabhaddaas oo huwan magaca ogaadeen oo ah qabiil
Soomaaliyeed oo ka mid ah tol weynaha daarood ayaan ahayn mid sinnaba u
meteli karta guud ahaanba Soomaalida dhulkaas ku nool. Qabiilka Ogaadeen
oo isagu magac iyo taariikh dheer ku dhex leh ummadda Soomaaliyeed ayaa
ah kan ugu tiro badan uguna dhul ballaaran qabiilooyinka Soomaaliyeed ee
dega dhulkaas.
Hadaba tiro badnaantaasi ma aha mid siinaysa
xuquuq uu ku sanduleeyo qabiilooyinka kale ee Soomaaliyeed inay qaataan
magaciisa.
Inta qabiil ee ku dhaqan Soomaaliya iyo kuwo kale
oo Soomaaliyeed ayaa ku nool dhulka S/galbeed. Soomaalida oo aan ognahay
sida qabiilku ula weynyahay ayaanay marnaba suurto gal ahayn inay qaataan
magac qabiil kale.
Sida aanay Ogaadeenku u ogolaanayn inay qaataan
magaca qabiil kale oo soomaaliyeed oo dhulkaas dega ayaanay qabiilooyinka
kalena u ogolaanayn inay qaataan magaca Ogaadeen.
Waa magac uu bixiyay gumaystihii Ingriisku kuna
salaysan siyaasaddii qaybi oo xukun ayna hirgelisay boqortooyadii
xabashidu si ay meesha uga saarto magaca Soomaali adduunkana ugu
muujiyaan in aanay dadka dhulkaas degani waxba la wadaagin soomaalida.
Dadka dhulkaasi waxay u baahanyihiin magac
mideeya ee uma baahna magac kala qaybiya iimana muuqato wax Soomaalinimo
lagu heli waayay in ogaadeenimo lagu gaadhi.
qaybtii 1aad ....
Waa socotaa