w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- MAQAAL
|
Feb 15, 2004
S/GALBEED: DADKII IYO DALKII
AYAANKA DARRAA(Q. 1aad)
Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com
"Shacabka S/galbeed kamay dadaal yarayn kamana dadnimo liidan
walaalahooda Soomaaliyeed ee xornimdooda hantay balse waa ka nasiib
darraayeen"
Sannadkii 1991kii wax yar uun ka dib markii xukunka laga tuuray keligii
taliyihii Mingiste ayaa aniga iyo nin aan saaxiib ahayn oo marayna dariiq
ka mid ah dariiqyada magaalada Jigjiga waxaa naga soo hor yimid nin oday
ah oo aan is garanaynay.
Salaan iyo is waraysi ka dib ayaa ninkii odayga ahaa intuu daar dhinaca
midig nagaga toosnayd bakooraddiisii ku fiiqay yiri, daartani waxay ahaan
jirtay xafiiskii SYL waqtigii Ingiriisku wadanka xukumayay.
Sida hadaba aan ka garan karno arrinta aan kor ku soo sheegnay dadka S/galbeed
halgankooda gobonimo doon wuxuu ahaa mid ay la wadaageen oo la saanqaaday
walaalahooda Soomaaliyeed ee gacanta ugu jiray gumaystayaasha reer yurub
sida ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska.
Sida ay dadku u kala nasiib badan yihiin oo kale ayaa ummadduhuna u kala
ayaan roon yihiin.
Shacabka S/galbeed kamay dadaal yarayn kamana danimo liitaan
walaalahooada Soomaaliyeed ee xornimadooda hantay balse waa ka nasiib
darraayeen.
Haddii Hargeysa, Xamar iyo Jabuuti ay u gacan galeen saancaddaalayaal
qaarad kale ka yimid oo la hubay goor ay noqotaba inay mar uun
xamaantooda laalaaban doonaan Goday, Jigjiga iyo Dirdhaba waxaa hantiyay
gaalo madaw la deris ah oo waligood dirir iyo dagaal ka dhexeeyay.
Dhulka S/galbeed oo ah mid aad u balaadhan dadkiisuna u badanyahay reer
guuraa ayaa aad arkaysaa inuu yahay mid aad u dambeeya dhinaca nolasha
dadka iyo horumarka bulshada. Waxbarashada, Caafimaadka iyo wayaalaha
kale ee la xiriira horumarka bulshada ayaan wax badan laga qaban mudadii
dheeereyd ee uu dalkaasi ku jiray gacanta Itoobiya.
Marka aad ku dhex socdaasho dhulkaas waxa keliya ee ishaadu ku dhacaysaa
waa xeryo milateri oo waaweyn oo magaalo iyo tuulo kasta oo dhulkaas ka
mid ah ku gadaaman.
Ciidamadaas tirade badan ayaa ahaa kuwo lagu cabudhiyo shacabka dhulkaas
islamarkaasna loogu talo galay inay caabiyaan haddii wax weerar ahi kaga
yimaado dhinaca Soomaaliya oo ay dhukaas ku muransanaayeen.
Cadaadiskii xad dhaaafka ahaa ee shacabka S/galbeed lagu hayay ayaa
keenay in aqoonyahankii iyo waxgaradkii ay ka cararaan wadankooda soona
bidhaansadaan iftiinka xornimo ee ka baxya Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee
da'da yarayd.
Xukuumadihii soomaaliyeed ee kala dambeeyay waxay dadaal af iyo addinba
leh u galeen sidii dadka Soomaaliyeed ee ku harsn gacata gumeysigu u
hanan lahaayeen xornimadooda.
Dagaalkii 77kii wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee soo
mara taariikhda ummadda Soomaaliyeed qarnigii aan oo dhaafnay, wuxuuna
ahaan doonaa mid weligiiba ku xusnaada halganka gobanimodoonka ee
shacabka Soomaaliyeed inkatoo ay waayadan dambe jiraan dad badan oo si
gurracan u fasira ujeedooyinkii dagaalkaas.
Burburkii dawladdii Soomaaliyeed ee bilawgii 91kii iyo dagaaladii sokeeye
ee wadanka ka bilawday ayaa sababay in qaxootigii S/galbeed ee ku noolaa
Soomaaliya ay dib ugu soo noqdaan degaanadii ay hore uga bara kaceen.
Keligii taliye Mingiste oo isagu waqtigaa xukunka ku sugnaa oo aan wax
naxariis ah u hayn dadkaas iyo hantidii ay hore uga qaxeen oo laga dhaxal
wareejiyay mudaddii ay ka maqnaayeen ayaa dadkaasi ay mar kale soo
foodsaartay xaalad adag oo nololeed iyagoo isla markaana dalkoodii ku
noqday marti iyo qaxooti cusub.
Kii guri lahaa wuxuu u yimid gurigiisii oo dad kale deganyihiin oo aanu
ka saari Karin, kii beer lahaana beertiiisii oo dad kale qodanyaan oo
aanu ka hadli Karin iyo kii dhul banaan ka tagay oo yimid iyadoo dad kale
dhisteen.
Umaanay dacwoon karayn hantidoodaaas kuwana waxay ku qasbanaayeen inay
subax walba iska xaadiriyaan xafiiska ciidanka nabad sugidda ee
degaankooda. Qofkii xilligaas ku sugnaa dhulka S/galbeeed ayuunabba fahmi
karaya xaaladdihii qalafsanaa ee meeshaas ka jiray.
Hadaba markii xoogaggii mucaaridka ahaa ee ay horseedka u ahaayeen
Tigreegu ay xukunka ka tureen taliskii naxariista darraa ee Mingiste
Xayle Maryam ayaa waa cusub u baryay dadka S/galbeed iyo guud ahaanba
qawmiyadaha kale ee la cadaadin jiray ee ku dhaqan wadanka Itoobiya.
Xilligaas oo aan ku sugnaa magaalada Jigjiga ayaa runtii waxaad
dareemaysay farxadda iyo rayraynta ay dadku ku soo dhaweeyeen isbedelkaas
taariikhiga ah iyadoo isla markaana laga dul qaaday culays iyo cadaadis
badan oo saarnaa oo ay rajadoodii dib u soo noolaatay.
Hadaba nasiib darro isbedelkaas ka dhacay Itoobiya wuxuu ku soo beegmay
xilli ay qawmiyadda soomaaliyeed ee Itoobiya aad u kala daadsantahay oo
aanu jirin urur siyaasaddeed oo xoog leh oo matela dadkaas una dooda
xuquuqdooda iyadoo isla markaana ay Soomaaliya ku sugantahay xaalad
dawlad la'aan iyo dagaalo sokeeye oo ay isku gumaadayaan qabiilooyinku.
Maalmo yar ka dib waxaa magaalada Jigjiga ka dhex muuqday niman
dhalinyaro ah oo dibadaha ka yimid oo abaabul ka bilaabay magaalooyinka
waaweyn ee Soomaali galbeed.
Waxay ahaayeen rag ka tirsan waxa loogu yeero ururka wadaniga xoreynta
ogaadeeniya afka qalaadna loogu soo gaabiyo ONLF.
Inastoo markii ugu horeysayba ay dad badani ka biyo diideen magaca qabiil
ee ay huwanaayeen kooxdaasi hadana waxay isku qanciyeen in aanay jirin
wax kale oo u diyaarsan oo ay kaga maarmi karaan koox qabiileedkan si ay
uga qayb galaan shirka qawmiyadaha oo waqtigaas lagu balansanaa magaalo
madaxda Addis abeba.
Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga
ee BBC-du ku hayso Soomaalida Ogaadeenya iyo Guud ahaanba Dadka
Soomaaliyeed
.
1aad
|
2aad |
Ka dib markii guddi aqoonyahan iyo wax garad u badan oo ku socda magaca
ururkaasi gaareen madashii shirka ayaa nin doc ka yeer ah oo matelaya
ururkaasi ka hadlay BBC-da kaasoo hadalkiisii uu rubadgooyo ku noqday
gudigii shirka joogtay ka dib markii uu sheegay in aanay wax wada xaajood
ah la yeelanayn Tigreega dhulka qabsaday.
Qawmiyadda Soomaalida oo ka mid ah qawmiyadaha ugu badan Itoobiya ayaa
qolooyinka xukunka qabsaday ee Tigreega ay ka go'nayd in cid matesha oo
shirka uga qayb gasha la helo, sidaas dared ayaa iyagoo la kaashanaya
dawladda Suudaan ay soo kaxeeyeen dhawr oday oo Xamar ku sugnaa kana mid
ahaa madaxdii sare ee Jabhaddii Xoreynta S/galbeed.
Hadaba kooxdan S/galbeed ka socday iyo laba urur oo magac qabiil ku
socday oo kala ahaa Ciil tire oo matelayay Ciisaha iyo Gurguraha iyo
Horyaal oo ay ku socdeen Gadabiirsigu ayaa waxay ka heleen golihii
wakiilada afar xubnood. Waa tiro marka aad u eegto baaxadda dhulka iyo
tirade dadka Soomaalida Itoobiya ku dhaqan aad u yar.
Waa qayb u muuqata quudhsi iyo xaqdarro lagula kacay dadka Soomaaliyeed
ee dhulkaas, mase jirin cid ka dhiidhiday ee sidii Soomaalida lagu yaqiin
ayay u kala dhuundhuunteen Tigreegii oo iyaguna bilawgii aad ugu jaha
wareeray ka dib markii qabiilba gaarkiis ugu tagay ayagoo markasta ugu
soo jawaabi jiray anagu Soomaali baanu naqaanaaye Soomaalinimo xaqiina ku
raadsada laakiin dareen Soomaalinimo meesha kama jirin.
Qaybta labaad... Guji
Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com
QORAALADII HORE EE KHALIIL
Feein: SomaliTalk.com | Feb 15, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
|

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|