Jawaab: Abdulwaaxid Khaliif
“JABALJAAN”
by: Nuur Suufi
email:
nuur_suufi@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato
Walaal Cabdulwaaxid marka u horeyso raali ka ahoow cinwaanka qoraalkeyga
waxaan ula dan leeyahay ula jeedo aan rajeynaayo in aad garan doontid markaad
dhammeysid aqrinta qoraalkaan.
Walaal aad iyo aad ayaan u jeclahay in aan aqristo qoraaladaada waxaana ka
helaa sida aad iskuugu xirtid ula jeedada qoraalkaada iyo sheeko xariirta aad
ka hormarisid.
Qoraalkaada u dambeeyay oo ahaa cinwaankiisa “Alhu-Sun Wal-Jabaljaan”
markaan aqriyaay kama helin waxi aan filaayi aad iyo aadna waan ka xumaaday
wax yaalo badan ku jira waxaana jeclahay in aan halkaan kuugu soo gudbiyo.
Sideeda markii qoraal la qoro waxuu xambaanrsanyahay fariin
oo u socoto in la gaarsiiyo aqristaha, fariinta waxeey noqon kartaa aragti ku
saleysan wax aad ka hadleysid ama fariin wax u sheegid ama fariin ah aqoon
kororsi oo ah cilmaani ama diineed.
Qoraalkaadi waxuu ku saleysnaa sheeko maalmihii la soo
dhaafay socotay oo laysku haystay arrin diineed oo ka dhax dhalatay
go’aamadii u dambeeyay uu soo jeediyaay Maxamed Dheere, kuwaaso ka soo
horjeestay culuma’udiin kuwa kalena ku raaceen Maxamed Dheere.
Markaan arkay qoraalkaada oo ka hadlaayo arrintaas socotay
maalmahaan waxaa ugu han weynaa in aan fariin diineed ama aqoon diineed ka
kororsodo oo xal loo helo dooda maalmahaan socotay. Laakiin sidaan horey
kuugu sheegay qoraalkaada aad iyo aad ayaan uga xumaaday waxuuna igu dhaliyay
su’aalo hore oo aan horey jawaabohoodi aan helin.
Midda kale qoraal markii la qoraayo waxaa sal u ah wax la
yiraah adaab iyo aqlaaq gaar ah uu leeyahay qorrista iyo ayadoo la
ixtiraamaayo qofka aad ka soo hor jeedid aad qilaafeysid aragtidiisa sababtoo
ah ula jeedada meesha laga leeyahay ayaa waxeey tahay in horey loo socdo oo
waqtiga iyo juhdiga iyo aqoonta qoraalkaas ku jirta laga faaideysto ma aha
wax in la tuuro oo qashinka lagu shubo, haddaan tusaale ku siiyo ka waran
macalin iskuul oo duruus dhigaayo oo ardayda caynaaya ma aha kaliya in ugu
dambeysta caayo oo waxa waaye casharki asagoo sheegin oo bilaabin waxuu
sheegaayo ayuu caay ka bilaabay oo haddana intaas kuma joojine intuu casharka
socday caydi meesha ka waday. Waxaa caadi ah, markii xisada dhammaato in
ardayda isweydiinayaan oo intee casharka ka sheekeysan lahaayeen waxeey is
weydiinayaan maxuu macalinki caydi ula dan lahaa?????Yaa macalinka ka soo
xanaajiyaay, ma diritoorki iskoolka may is dirireen???? Marka meeshaas waxaa
kaaga cadaanaayo in casharkii maalintaas uu noqday qasaaro sida qoraalkaadi u
dambeeyay oo lahaa cinwaan cay ah oo qaldan oo aad naceysid intaadan
aqriskiisa bilaabin “Ahlu Sun Wal-Jabaljaan”.
Sidaan horey u sheegay qoraalka waa in uu lahaada fariin
aqrista ka faa’ideesta iyo adaab iyo aqlaaq ayadoo sidaas tahay ayaa
qoraalkaada waxuu ku saabsanaan arrin DIIN ISLAAM ah, markeey arrinta diin
noqoto waa in taxaddir heer sare lahaataa sababtoo ah haddaan Muslim nahay
waxaan aamin sannahay in gudbinta diinta ciyaar ciyaar ahayn iyo wax la
fududeysto oo waxii sax ah uu ajir kuugu jiro oo waxii qalad ka imaan lahaa
lagu deg degin, haddana dadka aad wax ka sheegeysid waan in aad xaqiijisid in
warkaas ayaga ka yimid, haddaba in qodobka laysku haysto ka fogaanin iyo in
aad iska ilaalisid fikirkaada ku darted iyo mala awaal oo aad iska qiyaastid.
Haddaan kuu bilaabo ula jeedada qoraalkeyga waxeey tahay in
marka u horeyso erayga “JABALJAAN” uu yahay eray lagu oran jiray dadka
qamriga dilooday oo u hooyan jiray jamalada badda ku yaalo oo habeenki oo
idil meeshaas alkoolka iyo sbiritka ama qamriga ku cabbayaan gabdhaha meesha
mara ku kufsada.
Marka waxaan qaadan waayey Cabdiwaaxidoow in aad cinwaanka ka dhigtay magaca
urur isku magacaabo Islaam oo la yiraah Ahlu Sun Wal- Jameeca” in aad
badashid oo aad ka dhigtid Ahlu Sun Wal-Jabaljaan, waxaa meeshaas igaaga
caddaaday in ururkaas oo eey ku jiraan dad badan oo culumo kala heer gadisan
ku jiraan in aad u quurtay ereygaas qamriyo cabka ah oo ah JABALJAAN.
Aniga haddaan dhaho Cabdulwaaxid jabaljaan waxaan caayey
adiga kaliya laakiin adiga oo urur dhan aan qabiil ahayn, siyaasad ahayn,
degaan ahayn oo diini ah oo eey ku jiraan dad diinta u adeegaayo aad adiga
xukuntay oo aad siisay magacaas oo cayda ah. (Allaha kaa cafiyo).
Intaas waa inta ku saabsan cinwaanka qoraalkaada.
Waxaad tiri Maxamed Dheere waxuu sheegtay in uu yahay
Ilaahay (Istaaqfurulaah), waxaad kaloo sheegtay ururkii diineed aad ka
hadleysay waxaa tiri waxuu sheegtay in uu yahay Ilaahay (Istaaqfurulaah).
Qofkasto oo Muslim ah oo ku hortaagan oo aad dhihi lahayd
waxaad sheegatay in aad tahay Ilaahay asagoona dhihin, qofkaas iyo adiga ma
garanaayi sidaad ku kala bixilaheedeen.
Cabdiwaaxidoow sidee ahayd markaad qoraalkaas qoreysay???????
Qofka Muslimka ah haduu ka hor yimaado aayad Qur’aan ah,
waa banaantahay in la qabsado laakiin qof aayad Qur’aan ah wax ka sheegin
sidee ugu eedeyn kartaa in uu sheegtay Ilaahanimo???????????
Xijaabka waa waajib oo manta hadii Maxamed Dheere mabnuuci lahaa xijaabka
arrintaada iyo doodaada waan kuugu raaci lahaa, laakiin Indhashareerka waajib
ma ah waa qofkii rabo, sidaad caddeysay Indhashareerku qofkii yiraahdo waxuu
ka mid yahay xijaabka waxaa laga rabaa daliil.
Waxaan is weydiiyay Soomaalida waayahaan dambe markeey diin
ka doodayaan maxeey u adeegsadaan erayo xag jir ah oo qallafsan oo aad iyo
aad u adag, maadaama dooda eey tahay dood diineed maxaa noo diiday in aan
isku naxariisano oo si qof walba aqoontiisa kal gaceyl ku jira wax laysku
fahan siinwaayey maxaa loo adeegsadaa erayo qofka afkiisa aan laga haynin oo
lagu tilmaamaa in uu Fircoon yahay.
Diinteean mar weey fudutahay oo waa war toosan oo aan dood ku jirin sida 2 +
2 = 4, marna waa la fasiraa waxaana fasiraada lagu duwa naanjiray xataa
afartii Imaam oo Fiqiqa fasiray weey kala fasiraad duwanayeen marka qofka
fasiraadiisa in loo fasiro si xun oo lagu sheego wax uu afkiisa ku oran ama
ku fikirin in lagu xukumo sida Cabdiwaaxid xukunkiisa ku xukumay ururkii iyo
Maxamed Dheere sheegteen in eey Ilaahay yahiin. (Istaaqfurulaah).
Midda kale oo aad iyo aad ugu calool xumaa qoraakaada waxuu
ahaa wax aad noo kordhisay aan cay aheen ma jirto, inti Maxamed Dheere
sheegay iyo inta uruka aad cayday sheegeen wax ka baxsan ma aadan sheegin oo
diini ah laakiin waad iska caytantay adigoo ku darsaday sheeko xariir iyo
qodobo aan meesha oolin aad kaliga durbaanka u garaacatay.
Maxamed Dheere waxuu mabnuucay Indhashareerka asagoo ku mar
marsiyoonaayo nabadgelyada waxuuna ku tiirsaday mabda’a Imaam Shaafici oo
dhahaayo wajiga cawra ma aha, waxuuna raali ka yahay in mowqifkiisa
baddelaayo hadii daliil loo keeno oo go’aankaas ka soo horjeedo dinta
Islaamka. Bal u fiirso ninka sidaas u hadlay siduu ninkaas Ilaahay ku
sheegtay? Meeshuuna ku yiri?….. bal soo cadeey?
Adiga waxaad caddeysay in daliil aadan haynin oo go’aankaas jibinaayo laakiin
waxaad tiri anigana kuugu raacsanahay in Maxamed Dheere ka qaaday xorriyadda
dumarka indha daboolan lahaayeen taasna danbigeeda asaga masuul ka ah laakiin
taas micnaheeda ma aha in uu Ilaahay sheegtay (istaaqfurulaah)
Ururkii diineed aad meel cidla ka eedeyneysay waxeey yiraahdeen dadka ku deg
degaayo in eey yiraahdaan Maxamed Dheere diinta ayuu ka baxay yaana lagu deg
degin oo daliil looma haayo Indhashareerka qofkii kohor yimaado in la
yiraahdo diinta ayuu ka baxay. Adigan waxaad tiri ururkaas Ilaahay ayeey
sheegteen (Istaaqfurulaah).
Sow ma ogid in kulligeen isku meel wax u wadno oo ah
fahanka diinta oo waxii mugdi naga gala si wanaagsan loo tafatiro loo
bandhigo loona caddeeyo waxii laysku afgartana oo loo badan yahay laysku
ixtiraamo.
Sow ma ogid diinta in eey u baahneyn in dad loo dilo ama
dhiig loo daadiyo Maxamed dheere xorriyadda dadka uu ka qaaday oo diinta
aadka ugu qushuucsan asagaa masuul ka ah ama aaqiro ama adduun xisaabtankiisa
wey sugeysaa laakiin ma aha sideey dad yiraahdeen diinta ayuu ka baxay iyo
sida adiga aad sheegtay oo uu Ilaahay sheegtay.
Dadka yiri Maxamed Dheere diinta ayuu ka baxay waa dad
fasax u qaadanayaan sideey nafta ugu jari lahaayeen ayagoon daliil haysanin.
Adigana iska daa xukunkii aad Maxamed Dheere saartay oo
dhiigiisa ku xalaaleysatay waxaad kale xukun saartay urur diineed oo
tiradiisa Ilaahay ogyahay ayaa ayagana dhiigooda dhan xalaaleysatay.
Warkeyga waxaan ku xirayaa Cabdiwaaxid waad ku qaldantahay waxuuna
sheegananin ama falkeeda sameeyn in aad ku tilmaamtid Maxamed Dheere.
Qolyaha kale ee Culimada Ahul Sun Wal-Jameeca waxaan u
maleynayaa in caydooda bilawday intaad qoraalka bilaabin marka waxaan ilaa
iyo hadda isweydiinayaa ma arin hore maa jirta??????
by: Nuur Suufi
email:
nuur_suufi@hotmail.com
<><><>
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com