Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi
Muxamed korkiisa ha ahaato.
Sida dadweyne badan la socdo waxaan si aad ah uga
hadlay dagaal-oogayaal badan. Waxaan si gooniya diiradda u saartay qaar ka
sii mid ah markay ila noqotay inay ka raad-gateen waxyaalihii fidrada,
Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed xeerin jireen. Waxaan aamminsanaa haddana
weli aamminsanahay in dadka Soomaaliyeed oo dhami usu baahanyahay ooysan
jirin koox laga maarmo. Waxay dadka Soomaaliyeed muujiyeen in haddii
dagaal-oogayaashaas heshiiyaan, loo ogolyahay inay na horboodaan oo dowlad
dhalato bal si meeshan loo dhaafo. Nin sheekadiisu maqaalkan sababtay,
Maxamed Dheere, waxaan usoo jeediyey bal inuu dagaal-oogayaashiisa kale wax
la qabsado markaan arkay in wax kale is-tuseen oo uu meel daran ku socdo. Ugu
dambayntii waxaan talo usoo jeediyey qabiilkuu ka dhashay anoo leh war
ninkaas qabsada. Fiicnaan lahaydaa haddii la is-maqli lahaa! Bal qisadaan
milicso, qisadu waxay dhexmartay hogaamiye muslin iyo nin reer miyi ahaa.
Waxaa maalin ugaarsi (dalxiis ahaan) tagay boqor
Cabbaasiyiintii ka mid ahaa. Waxaa horay usii raacay la-taliyayaashiisii,
waardiyayaashii iyo qolyihii ku shaqada lahaa fardaha waa halka ay maanta
darawaladu joogaan. Boqorku wuxuu ka lumay kooxdiisii, sahay la’aan baana ku
dhacday dabadeedna isagoo asqo ah buu ku soo baxay nin reer miyi ah oo
gurigiisa ka soo jeeda. Markii la isa salaamay buu yiri war biyo ii dhiib.
Reer miyigii wuxuu soo baxshay sibraar uu casiir ka buuxo markaasuu koob ka
siiyey. Boqorkii markuu ka laacay buu reer miyigii ku yiri ma i taaqan? Reer
miyigii wuxuu yiri maya. Boqorkii wuxuu yiri waxaan ahay ninka gar-hayeenka
ka ah fardaha boqorka. Reer miyigii koobkii labaad oo casiir ah bii siiyey
ilayn waa nin aad u harraadanaaye. Boqorkii markuu dhamaystay koobkii labaad
isagoo weli sharaab raba buu haddana ninkii ku yiri ma i taqaan? Reer miyigii
wuxuu yiri sidaas baad igu tiri (gar-hayeen). Boqorkii wuxuu yiri mayee
waxaan ahay ninka la-taliyaha u ah boqorka. Reer miyigii haddana koob
seddexaad oo casiir ah buu siiyey. Markuu boqorku cabbay buu mar kale yiri ma
i garanaysaa? Reer miyigii wuxuu yiri waxaad igu tiri sidaas iyo sidaas.
Boqorkii wuxuu yiri mayee waxaan ahay amiirkii muuminiinta. Reer miyigii
markuu intaas maqlay buu daadshay casiirkii oo dhan. Boqorkii wuxuu yiri
maxaa jira? Reer miyigii wuxuu yiri waxaan ka baqay haddaan koob kale kuugu
shubo inaad tiraahdid Nabi Muxamed (SCW) baan ahay! Boqorkii jeegaduu qosol
dartii goostay. Boqorkii oo qoslaya baa waxaa ku soo baxay kooxdiisii.
Akhristayaal inta Soomaalidu inkaar-qabe kasta qabiil
ku raacaan baa markii xeero iyo fandhaal kala dhacaan oo meel daran ka dhaco
(qabqablihii) baad maqlaysaa iyagoo dhawaaqaya ood mooddo inaysan arrimaha
odorasi karin. Diinta iyo dadkay caayaan markaasaa la dhahaa dhib ma leh oo
qabiil hebel buu naga dhicin, madaxweynanimana wuu noo keenayaa. Wallee
ninkii madaxweynanimo saan ku doona, aakhiruu ku madaxweynaan isagoo iligiisu
buurta Uxud le’ekaandoono. Marka qofka halkiisa ilig, buurtaas le’egyahay
imisuu madaxiisu le’ekaan doonaa?
Usoo noqo kooxda culimada sheegatay ee ku andacooday
inay metalaan ama la dhaho Ahlu-sunnah Wal-Jamaacah ee Maxamed Dheere
difaacaya. Horta kulligeen waan wada ognahay in Allaah kaliya wax xalaaleeyo
waxna xarrimo. Qofkii Qur’aanka iyo Axaadiista wax ka yaqaan wuxuu fahmayaa
in waxyaalaha bannaan (mubaaxa ah) ay badanyihiin. Marka Qur’aanku ka hadlayo
cuntada khaasatan hilibka wuxuu xusaa intaan la cuni karin maxaa yeelay inta
bannaan waa tiro badanyihiin. Haddii Qur’aanku tirin lahaa cuntada bannaan
sida sonkorta, saliidda, bariiska, burka, sarreenka, haruurka,…, iyo
raashinka kalaba imisa bog bay qaadan lahayd bay idin latahay? Sidoo kale
haddii xayawaan kasta oo hilibkiisa la cuni karo la xuso imisa bog bay qaadan?
Iska daa dharka iyo waxyaalaha kalee.
Xaddiiskii saxiixa ahaa ee labada sheekhba weriyeen
markii Nabiga (SCW) la weydiiyey waxyaalaha qofka muxrimkaa qaadan karo,
Nabigu (SCW) wuxuu tiriyey waxyaalaha aan la qaadan karin sida qamiiska,
cimaamadda, saraawiisha iyo waxyaalo kale.
Waxaan uga danleeyahay qofkii yiraahda xijaab dumarku
ma qaadan karaan waa qof ilaahnimo sheegtay. Qofkii yiraahda dumarku waa inay
xijaab qaataan ilaahnimo ma sheegan maxaa yeelay Allaah baa sidaas yiri.
Dooddii dadkaas culumada sheegtay waa mid raqiis ah oo Ilaah ka fogaansho ah.
Sabab? Horta indho-shareerku xijaabka maka mid baa mise ka mid ahan waa arrin
hadal geli karta sidoo kale wajiga dumarku ma cawraa mise maahan iyaduna waa
arrin laga hadli karo. Culumada Maxamed dheere, waa qolyaha sheegtay "Ahlu-Sunnah
Wal-Jamaacee” wuxuu hadalka u ekaan lahaa haddii qolyaha kale dhihi lahaayeen
dumarkoo dhan waa inay indho-shareer qaataan ama wajiga dedaan maxaa yeelay
indho-shareerku waa waajib laakiin taasi ma dhicin.
Ka warran qoftii dumar ah oo goosata inay indho-sheer
qaadato, yaa u diidi kara? Ma filayo in labo qof oo muslim ah muran gelin
karto arrintaas iska daa dad culumo ahe. Waxaa intaas dheer ninkii yiraahda
raggu koofiyad ama cimaamad ma qaadan karo waa nin ilaah sheegtay. Cuntadaan
aad u naqaanne, qofkii yiraahda bariis lama cuni karo oo dadka u diida isna
waa qof ilaahnimo sheegtay. Kama hadlayo haddii qof la yiraahdo bariiska haku
cayiline iska kala yaree.
Waxaan ognahay in ragga cawradoodu tahay inta u
dhaxaysa lowga iyo xudunta (xundhurta). Ka warran qofkii yiraahda raggu ma
dedi karaan wax xudunta ka korreeya? Marka Maxamed Dheere iyo “Ahlu-Sunnah
Wal-Jamaaca” waxa haysta aayadda 32-baad ee ku jirta Suurat Al-Acraaf ee
haddaan Afsoomaali ahaan qaarkeed usoo qaato oranaysa (Dheh yaa xarrimay
quruxdii Allaah usoo bixiyey dadka,…). Maaddaama uu raggu muujin karo inta ka
sarraysa xudunta laakiin inta badan waan qarsannaa markaan bannaanka joogno
sababo badan owgood. Tusaale ahaan haddii kulayl ama qaboow jiro, in dabaysha
iyo wasakh nooga dhacdo iyo waxyaalo kale.
Yaa shaki uga jiraa in wejigu yahay meelaha qofka
binu Aadankaa ugu qiimo badan uuna si aad ah uga taxadaro khaasatan dumarka?
Waa wejiga meesha qofta dumarkaa ku sido macluumaad badan sida quruxda iyo
da’da. Waxaa dhici karta inaadan kala garan karin, kii weyn gabar iyo
hooyadeed aadan wejigooda u jeedin laakiin waxaan shaki lahayn haddaad
wajiyadooda aragto inaysan isaga kaa khaldami karin farqiga da’daa ee jira
xitaa haddii tan la dhalay ka hilib badnaato hooyada (ka buurantahay). Marka
qofkii dumar ah ee wajigeeda dadata waxay leedahay in loo duceeyo maxaa
yeelay fidnadaa yaraanaysa. Ninkii yiraahda indho-shareerku waa qayb xijaabka
ka mid ah isna waxaa laga rabaa daliil laakiin ninkii yiraahda lama qaadan
karo waa nin ilaahnimo sheegtay. “Culumadii” ninkaas oo kale qiil u
baarbaarta waa kasii liitaan isaga ilaahnimada sheegtay waxayna la midyihiin
madaxyo-weyntii Fircoon. Dan kama lihi waxay arrintaas u dhaheen sida iyagoo
is leh dad kale raaligeliya ama qolo kale ku duraya.
Mar radiyoow SBC uu waraysanayey Maxamed Dheere wuxuu
yiri waxaan hagoogta (indho-shareerka) ah ee dadku qaataan haweenkuba ha u
badnaadee. Waxaa halkaas ka cad miisaan la’aanta hadalkiisa, waxaad mooddaa
inay jiraan rag qaata indho-shareerka. Isagoo indho-shareerka sii caayaya
wuxuu yiri waxaas la moodo gacan maroodi. Laakiin wuxuu sheegay oo uu xusay
mad-habta Shaaficigaa isagoo leh ma jirto meel lagu leeyahay wejigu waa cawro.
Wuxuu intaas sii raaciyey in haddii laga gar-helo, hadalkiisa uu ka noqonayo.
Runtii Maxamed Dheere xooggaa buu ka sokeeyaa qolyahaas uu sheegay oo
qaarkood Xamar ka taageereen iyagoo culumo isku nisbaynaya. Waxaan leeyahay
Maxamed Dheere haddii la dhihi lahaa dumarku kulligood wejiga ha dateen ama
indho-shareerku waa waajib ayaad sheekadaas keeni kartay laakiin hadda wax
baad xarrintay waanna arrin khalad ah marka Ilaahay uga toobad keen.
Waxaan shacabka u sheegayaa inaan labo arrimood la
isku khaldin:
1. Indho-shareerku ma waajib baa mise maahan,
sidoo kale wejigu ma cawraa mise maahan? Waa arrin hadal gasha.
2. Laakiin qofkii yiraahda indho-shareer lama
qaadan karo waa qof ilaahnimo sheegtay, qofkii isku daya inuu qiil u
raadshana waa qof Ilaahay ka furtay ilayn arrinta koowaad iyo tan la
iskuma qasi karee.
Marka waxaan Maxamed Dheeree iyo dadkaas u
doodaya kula talinayaa inay sheekadaas ka noqdaan, dadkana aysan wareerin.
Haddii kale ma fogayn waqtigii dad culumo sheegtaa lahaayeen Nabi Muxamed
(SCW) wuxuu isu quuray oo ahayd guursigii Caa’isha (RC) oo yar, annagu
isuma quurno.
Dadkaas maangaabka ah ee culumada sheeganaya waxaan
ku celinaynaa warankey soo tureen waxaanna leeyahay markuu ugu yaraado
indho-shareerku waa u mubaax dumarka. Marka qofkii qof dumar ah u diida inay
indhaheedii Ilaah siiyey dadato waa maxay xukunkiisu? Qofkii arrintaas diida,
qofkii sii taageera oo culumo sheegta waxaan siinayaa cinwaanka maqaalka oo
ah:
Ahlu Sun Wal-Jabaljaan.