Warbixin
ku saabsan shirkii ardada soomaalida ee Minnesota & doorashooyinkoodii.
Warbixin: Qaybtii 1aad
| 2aad
Wq.C/raxman Ceynte
MPLS, MN- Galabta saacadda
minnesota markey shantii & barkii galabnimo aheyd ayaa lagu dhawaaqay
furitaanka kulankii ardada soomaaliyeed ee ujeedadiisu aheyd: doorashooyin lagu
baddalayo maamulkii hore ee naadiga.
Guud ahaan maamulka ardadu
wuxuu ka kooban yahay 5 ruux oo kale ah : Gudoomiye, ku xigeen, xogheyn,
maaliyadda & xiriirinta. wuxuuna maamul walbaayi jirayaa hal sano oo kaliya,
dabadeedna doorashooyin xor ah ayaa lagu soo dooranaa maamulka cusub.
waxaa xiisa laheyd in inta
badan xarumaha waxbarashada gobolka laga soo wada hayaamay, iyadoo ilaa & 8
xarun waxbarasho si rasmi ah loo soo matalay.
si kastaba ha ahaatee
xafladdani waxa eey aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo soo jiidatay
indhaha & dhagaha ka soo qeyb galayaasha xafladda.
doorashooyin si xor ah loo
qabtay ayaa durbadiiba billowday (Democracy). waxaana halkii lagu doortay
guddoomiyaha ururka ardada soomaaliyeed ee Minnesota ee cusub Mr C/rizaaq Cabdi
- oo ah arday heer qalin jabin maraya oo baranaya culuumta computer-ka.
gudoomiyaha oo ka hadlaya
qorshihiisa maamuleed ayaa balan qaaday " inuu ku dadaali doono dhisid ama
isukeenid dhamaan ardada soomaalida ee woqooyiga ameerica" Mr C/rizaaq
ayaa raaciyey " waxan ku dadaali doonaa in la helo macalimiin si gaar ah
wax u barta ardada soomaaliyeed ee waxbarashada u ooman".
guddoomiye ku xigeenka ururka
ayaa loo doortay Mudane Cali koonforow oo isna ah arday baranaya cilmiga
farsamayaqaan sheeybaarka.
Safiyo Yassin Farax ayaa loo
doortay xogheynta ururka, iyadoo runtii khudbad soo jiidasho leh ka jeedisay
kulanka, kuna celcelisay baahida loo qabo ineey gabdhaha soomaaliyeed ka qeyb
galaan dhaqdhaqaaqa ururka ardada soomaaliyeed.
Gabdhihii ayaa guubaabo &
hanaqaad ka helay hadalka Safiyo markaas beey misana go'aansadeen ineey isu soo
sharaxaan jagada muhiimka ah ee " Maaliyadda" waxaana loo doortay
Ubax Nur oo iyadu horeyba isla jagadan ugu heysa naadiga ardada soomaaliyeed ee
kulliyada farsamada St.paul.
Ubax ayaa ku celcelisay in
qorsheheedu yahay " ineey aasaasto sidii lacag loogu uruurin lahaa naadiga
ardada soomaaliyeed, ee eeysan khasnaji noqon doonin".
dhanka xiriirinta waxaa loo
doortay Mr Khadar Saciid oo arday ka ah kulliyada jaaliyada ee Normandale, oo
ah meel eey soomaali badani waxbarasho u tagaan.
Arrinta sheegida mudani wexeey
tahay in guddoomiyihii hore ee isla naadiga Mr Samatalis Hussein Haille uu noo
qeybiyey warqado uu dabooka uga qaadayo inuu iska casilay jagada
guddomiyanimada ururka sababo dhowr ah oo uu sheegay darteed, oo eey ka mid
yihiin
." waxaa jira dad aan
saaxiibo nahay oo ku jira ururka oo sababo aan ka jaahil ahay u diidan
fikradaha horumarka, wexeeyna sideey doonaan ka yeeleen dhamaan shirarkii
ardadu qaban qaabisay oo eey caburiyeen fikradaha eeysan dooneyn."
. " ururku wuxuu ku
fashilmay inuu soo jiito arday soomaaliyeed oo kala nooc ah, maxaa yeelay si
dhib ah ayeeyba wax nacfi leh ku soo saaraan.
sababaha uu Mr Samatalis tixay
weey badnaayeen, ha yeeshee wexeey isugu soo biya shubanayeen inuu saluugsan
yahay naadiga & intii ka seed caleeysaba. wuxuuna raaciyey " ma
doonayo inaan jago qabto 10-ka sano ee soo socda.
Maamulka ardada ayaa mar aan
weydiiyey halka eey marsiiyeen lacag eey ka gureen dadweynahay kal hore oo eey
sheegeen ineey ardada soomaalida ee soomaliya wax ugu qabanayaan ayaa ii
sheegay ineey lacagtaas wali hayaan, isla markaana u qoondeeyeen ineey affar
jaamacadood oo somalia ku yaal oo kala ah : Jaamacada Xamar, Jaamacadda
boosaaso, Jaamacadda camuud & jaamacadda hargeysa. eey u qeybin doonaan
qalab waxbarasho ama deeq waxbarasho hadba tii leysku waafaqo, wexeeyna ii
sheegeen ineey darsayaan arrintaas hadda, isla markaana eey dadweynaha la
socodsiin doonaa wixii eey taa ka yeelaan.
isku soo duuboo xafladu wexeey
ku dhamaatay jawi wanaagsan, reynreyn & farxad, wexeeyna arday badani ii
sheegeen ineey la dhacsan yihiin qaabka uu u socdo naadiga ardada.
C/raxman Ceynte
Carlson school of managment.
University of Minnesota.
Minneapolis, MN
ceynteyare@hotmail.com
Warbixinta: Qaybtii 1aad - Ka Akhri Halkan
SomaliTalk |
30.9.2002 |
Qoraalkaan
waxaa isku soo dubaridey: Maxamed Cali | webmaster@somalitalk.com
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|