Maxaa ka soo baxay shirkii Johannsburg, S-Africa.
WQ.
Abdi Abshir Dorre
Ma yareeyn intii leeysku hayey sidii
ajande ku haboon dhamaan caalamka loogu suubin lahaa xaga horumarka, deegaanka
iyo caafimaadka (sustainable development). Inkastoo sanadkii 1992, Agenda 21
dhib badan laga maray sidii leeysugu raaci lahaa, gaar ahaan wadamada danyarta
ah oo soo jeediyey in loo hormariyo qodabka ah in la ciribtiro faqrinimada iyo
gaajada, markaa ka dib eey suura gal u tahay, insaanku marka uu qadeeyo inuu
xaq dhoowro nadaamyada leeysku raacay, isla markaana uu xaq dhoowro deegaanka.
Aqoonyahana fara badan ayaa marar badan soo jeediyey ineeysan suura gal
aheeyn in hal ajande loo helo wadamada dhaqaalahoodu sareeyo, kuwa uu hooseeyo
iyo weliba kuwa lagu tilmaamo dowladaha faqriga ah. Tusaale, wadamada faqriga
ah in eey yareeyaan/dhaafaan jarida geedaha, weey ku adkaatay maadaama eeysan
heeysan dhinacyo kale oo lagu bedelo tamarta dhuxusha. Dhinaca kale USA waxeey
diiday ineey saxiixdo goobo badan sidii loo yareeyn lahaa qiiqa hawada lagu
wasaqeeyo oo badankiisu ka yimaado gaadiidka iyo warshadaha. Halkaa baad ka
garan kartaa in arrinku yahay laba kalla bariday walee war isuma hayaan. Ayadoo
xaal halkaa taagan yahay, ayaa Agenda 21 sidiisa lagu saxiixay 1992, magaalada
Rio dalka Barazil.
Sanadkan aad baa looga soo qeeyb galay, dhamaan madaxweeynayaasha iyo
hogaamiyayaasha dowladeed weey yimaadeen. Marka laga reebo USA , oo ayagana soo
diray xoghayahooda arrimaha dibada. Sidoo kale toban sanno ka horna USA waxaa
uga qeeyb galay madaxweeyne ku xigeenka, sanadkii 1992, magaalada Rio.
Waa
leeysku heeystaa tirada dadka iyo kheeyraadka dunida: GUJI
WQ.
Abdi Abshir Dorre
|
Hadaba maxaa laga kororsaday kullankii u danbeeyey ee ka dhacay qaarada
Afrika koofurteeda, magaalada Johannsburg 26/8---4/9 ee sanadkan. Dad badan
ayaa waxeey rajeeynayeen maadaama qaarada Afrika lagu kulmayo, xarunta aduunka
ee deegaankuna(UNEP) ku taal Afrika, magaalada Neirobi, in markan qaaradu
fursad heeysato. Shirarka, inta badan waxaa ka soo baxa qodobo farabadan, oo
baalal badan buuxiya, ha yeeshee sida eey u qoran yihiin, aad isleedahay waa la
mid kuwii hore, oo farqi la taaban karro ma muuqdo. Waxaa markan aad leeysugu
howlay sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaabihii suurageli waayey sanadihii la
soo dhaafay. Qododbada faraha badan ee leeysku raacay wada hadalo iyo dulqaad
badan ka dib waxeey ku qoran yihiin boqol iyo dhoowr bog, oo halkan laguma soo
koobi karro. Ha yeeshee inta dunida aan wadaagno faqriga ka quseeysa hadii aan
soo koobo waa sidan:
Markii u horeeysay, ayaa la sameeyey ajendayaal ku kalla wajahan daafaha
dunida oo lagu dayayo bal in lagu gaaro horumar waara, oo waa la fahmay ineey
adag tahay in caalamka oo dhan loo sameeyo hal ajande.
Sidan baa ajandeyaalka loogu kalla
qeeybiyey:
- Sustainable development for Africa
.in Latin A and the Caribbean
.in Asia and Pacific
.in the West Asia Region
.in the Economic Commission for
Europé Region.
Si hadaba loo gaaro himiladaas, waxaa leeysku
waafaqay:
in dowladaha quwada dhaqaale iyo tan aqooneed eey gacantooda ku jirto eey
masuuliyad gaar ah isa saaraan, ayadoo hadana wadan walba asaga eey saaran
tahay masuuliyadiisa dal ahaaneed.
In wadamada eey la yimaadaan hab maamuldowladeed wanaagsan
si loo helo nabad, degenaansho, xuquuqul insaan iyo xoriyad buuxda
In deeynta daba dheeraatay ee wadamadaas lagu leeyahay loo hello nadaam
looga cafiyo ama qorshe lagu bixin karro, oon ayaga kaliya lagu haleeyn.
In la abuuro qorshe dhaqaale oo loogu tala galay wadamadaas eey sida
xoogleh u heeysato faqrinimadu, loona maamulo si hufan, oo laga dhex akhrisan
karro sida eey wax u socdaan. Si looga dhabeeya goolka leeysku raacay ee ah,
in ugu yaraan kalla bar wax laga qabto tirada dadka gaajeeysan iyo kuwa aan
heeysan biyo nadiif ah oo ku filan, sanadku marka uu yahay 2015.
In dowladahaas tabaaleeysan wax soo saarkooda beeraha iyo xoolaha loo suura
geliyo ineey ka helaan qeeyb suuqa ganacsiga aduunka.
Hadaan soo gunaanado, waxaad dareemeeysaa qodobo aad muddo dheer maqli
jirtay, oo wax ka qabashadooda eeysan howl sahlan aheeyn. Dunida maanta aan ku
nool nahay inkastoo dana badani isku xiran yihiin, haba ugu horeeyso sidii
kheeyraadka dabiiciga ah, wax soo saarka dunida iyo aqoonta leeysu dhaafsan
lahaa, oo dal iyo dad walba waa u baahan yihiin ineey waxa eey hayaan soo iib
keenaan (nin walba ceesaantii suuq keen,…waa maahmaah cimri fog), weeydiinta
weli taagan ayaa waxeey tahay dunido diyaar ma u tahay ineey wax isdhaafsadaan
oo dalwalbaa kan kale waxa uu hayo uga bedesho, mase arinku waa:
a) In kheeyraadka dabiiciga ah ee dunida lagu isticmaalo waqooyiga dunida,
koofurta aduunkuna eey soo saarto kheeyraadkaas.
b) In badeecade qaaliga ah loo iib geeyo dunida koofurteeda, toodana ayadoo
awalba iska raqiis aheeyd(wax soo saarka
beeraha iyo xoolaha) aan laga iibsan.
c) Maadaama suuqa aan waxba lagaa iibsaneeyn, nololna aad rabto waxaa kuu
banaan deeynta sanadwalba eey fuuleeyso dulsaar aadan dib u bixin karin.
Markaana dadkii iyo dalkii aad masuulka ka aheeyd leeys cuno qofba qofkuu ka
itaal roon yahay, intii markaa ka gaartana eey soo qaxdo, oo wadamada
badeecadoodu qaaliga tahay eey marti u noqdaan.
Hadaba aniga waxeey weli illa tahay, gurigaaga cid kuu dhiseysa ma jirtee
Biyo sacabadaadaa looga
dhargaa.
Abdi Abshir Dorre
abdi.dorre@skarholmen.stockholm.se
SOMALITALK.COM
| sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii
Uruka SANU
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|