Abdi Abshir Dorre
Environmental coordinator (Agenda 21)
Direct 0046 8 508 24 026
Mobile 0046 704 724 026
abdi.dorre@skarholmen.stockholm.se
Waa leeysku heeystaa tirada
dadka iyo kheeyraadka dunida:
Ugu horeeyn, waxaan aad ugu
abaal hayaa dalkii iyo dadkii nagu soo daalay iyo nadaamka iyo dariiqa fasaxaya
in qofku asagoo leh dal iyo dad uu u dhashay eey hadana suuragal u tahay inuu
ku noolaado meesha uu ka helayo nabad iyo nolol. Ha hilmaamin in aniga iyo
adigaba aan marti u nahay(si toos ah /dadbanba) dal asal ahaan eeynaan u dhalan
oo nabad, naxariis, iyo horumar kalla duwan(cidii kasbatay/nasiib u yeelatay)
aan kalla kulanay.
Taasina waxeey u fududahay
inuu ka abaalgudo cidii aan hilmaamin in dhowr sano ka hor
aan ka soo cararnay dhibaato (weliba sii xoogeeysaneeysa) oon anagu isu
geeysanay.
Hadaba aan isla eegno qormadan
hoos ku qoran, oon hubo inaadan ku farxeeyn.
Caalamka maanta aan ku
noolnahay waxaa leeysku heeystaa saddex arrin:
Tiradda dadka, -
Kheeyraadka dabiiciga iyo -Aqoonta.
Waxaa dhici karta in saaxiibo badan dhahaan tirada dadka ka reeb, Afrikaba
waayaga iska dhooban, ha yeeshee cid wax laga iibiyo aad baa loogu baahan yahay
si dhaqaalaha dal leeyahay u kobco(tusaale dalka Shiina). Mar aan akhrinayey
dhibaatada qaxootigu ku hayo wadankan, ayaa waxaa ii soo ifbaxday in faa`iidana
lagu qabo oo hadii xoogaa lacag ah la geliyey, eey suuqa la aadayaan si eey u
noolaadaan, markaa waxaa kordhaya wax kalla gadashada, wax soo saarka iyo
lacagaha dib ugu noqda canshuurta wadankan iyo gaboladuba helaan ee ganacsiga
ka soo baxa, hadaba dadkii yimid khasaare kaliya lama eeysan imaan, waa kaliya
marka sida qaxootiga lagu sifeeyo eey sax tahay micnihii mashaqeeystayaal
ceeyrta(welfare) ku nool, taasoo sida aan ognahay xaqiiqda ka fog. Marka aad u
fiirsato gaar ahaan Sooomaalideena dalkan iyo dunida daafyadeed u soo nabad
galay ee aadka u dhalin yar watana dhaqanka ah in caruur la dhalaa eey muhiim
tahay, waxeey ku dhaleen dunida caruur aad u fara badan, tusaale ahaan dalkan
Sweden soomaalidu 60% waxeey ka yar yihiin 16 sano(micanaheedu waa intuu ku
dhashay ama caruur ahaan buu ku yimid). Dadka asal ahaan u dhashay dalkan,
ee aan aheeyn indheergaradka khasaaro ayeey u arkaan, ha yeeshee waxgaradka,
aqoonyahanka iyo hogaanka dalkani faa`iido badan buu u jeedaa, oo tusaale yar
hadaan tilmaamo, tirada wadankan aad beey u yaraaneeysay mudadii u danbeeysay(islama
ekeeyn inta dhimatay/dhalatay), markaa waxaa miisanka dhameeystiray soow ma
aha dadkii ka yimid meesha caruurdhalida looga heeysto (cidii oo ciidan u
heshay ceelka leeysku heeysto). Sweden gabadhii iyo odaygiidba howl aduun
beey ku tartamayaan, oo caruur waqtigii baa diiday. Dhowaan dad baa looga
baahan dunida in laga keeno, shaqaale xirfado kalla duwan leh, ha hilmaamin dal
iyo dad baa shaqsiyaadkaas wax barayey ilaa eey noqdeen dad xirfado leh, Sweden
laakin xataa lagama iibinayo (oo ganacsiga dadka waa khalad, weliba meesha
eey dadka ka soo qaadanayaan ayagaa dooranaya). Maalmo dhaweed S-Africa iyo
USA baa isku heystay kalkaaliyayaal caafimaad oo S-Afikaan ah oo nolol
wanaagsan iyo shaqo loogu bishaareeyey (saaxiib suuqa shaqadu waa xor……..xoriyada
dadkuna waa tan koowaad), ma lahaa waa la jiifiyaana banaan, mase globalisation
baa u biloowday si dardar ah.
Yaa haya tirada dadkeeygii
soomaaliyeed dhalatay/dhimatay?cidaan wax xisaabin waa la xisaabin buu arinku u
muuqdaa. Dhinaca dhimashada marka aan eegno dadka ku dhintay Soomaaliya ama
Afrika, halkaa oo leeynta dadku tahay wax caadi ah, ha hilmaamin qofkaasi
caalamka horumaray dhib buu kalla tagay, kheeyraad fara badan oo Afrika ku
aasan baa dunidu eey si wadajir ah ugu baahan tahay, ishaana lagu hayaa,
(international resources), hadaba arinku waa wiilkii dhaxalka kulla lahaa
dhimay (tacsidiina aad beey kaaga fogtahay oo wax qaaraan ah lagaama rabo). Markaa
da`yarta galbeedka kheeyraadka waa u cidlo. Inkastoo dadka waa la dhali karaa
saaxiibo badan isleeyihiin, hadana waxaan ku xasuusin qodob muhiim ah oo
AQOONTU sal u tahay ee la`aanteed loo baaba`ayo: haraad, gaajo, cudur iwm.
Bal marka aad damacdo inaad
arinkaas danbe ee aqoonta ah aad ka fakarto waa arrinka kaliya oo wadamo badan
oo dunida ku yaal ku kalifay ineey silic ku jiraan. Anoo kuu soo gaabinaya
waxaad arkeeysaa wadan kheeyraad dalkiisii ka buuxo:
Bad iyo dhulbeereed, -
Shidaal iyo macdan, -Tirada dadka(ee
wax laga iibin lahaa)
laakiin ku jirra silic aan kor
ku soo xusay (tusaale Nigeria), waayo saaxib?? AQOONTA.
Bal ka waran hadii intii lagu
tabcay ee wax la baray eey nabadgalyo aawgeed wadankii uga soo hayaamaan, una
yimaadeen dalkale, soow ma aha kheeyraad(Aqoonta) kaa guuray oo dib loo heleeyn.
Waxaa ka muuqata meelaha lagu keeydiyo tirooyinka kala duwan, in si hal qof
dalkan looga saaro ilaa dugsiga hoose/dhexe eey lacag farabadani ku baxeeyso.
Bal ka waran hadii xoog
dhameeystiran, aqoon jaamacadeed wata, oo nabad raadis ah albaabka ka soo galo,
asagoo isla markaa ku faraxsan inuu nabad iyo nolol kaliya helo.
Isweeydiintu waxeey tahay, yaa
ku deeymin adiga hadaba aqoon loo soo jeeday, la geliyey dhaqaale fara badan oo
ku baxay cilmi baaris iyo tijaabooyin kalla duwan, waa CIDNA. Waxaan
filaa inaad maqashay erayo farabadan oo laga yaabo in aan loo kuurgelin BASAASIDA
CILMIGA, waa waxyaabaha maanta aan cid kugu marti qaadeeysaa eeysan jirin,
hadaad adigu kheeyraadkaagii, dadkaagii iyo aqoontaadii yareeyd aad martiqaad
ku bixisay. Ogoobeey diinta muslimka oo soomaalideenu weliba eey aad u kala
dhaxleen, waxaa u horeeya IKHRÀ, oo weliba Nabiga (nnk), asagoo waxna
qorin, waxna akhrin lagu amray. Nasiibdaradu waa wax la dhaxlay lama xafido oo
lagama faa`iido (waayo laguma daalin barashadeeda iyo fahamkeeda, ee awoowaheen
baa muslim ahaa).
Qofkii /dadkii /dalkii aan wax
akhrin, cilmi baarisna la imaan, dunidan waxeey ku tahay kuna waari doontaa
marti AAD LOO SILCIYO.
Abdi Abshir Dorre
abdi.dorre@skarholmen.stockholm.se
SOMALITALK.COM
| sept 26, 2002 | AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
WARKA XIGA: Warsaxaafadeedkii
Uruka SANU
WARARKII
AGOOSTO
| WARARKii
July» GUJI
»
June | MAY
APRIL |
MARCH | FEBRAAYO |
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
em@spam.com
|