Dood Gaar ah oo Ku Saabsan Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya oo Lagu Qabtay London, UK::
DAAWO
:::
Video-ga wuxuu socon doonaa hal-saac oo
daqiiqad dhiman (59:00).
Video-ga halkan ka
Daawo... GUJI...
Sawirada dadka ka qayb
qaadanaya dooda:

  
Video-ga halkan ka
Daawo... GUJI...
Video-ga waxaa isku soo dubaridey, isla mar
ahaantaasna duubay, lehna xuquuqda waa SomTV, London, UK.
Talo iyo tusaalayn ku saabsan Video-ga
fadlan ku hagaaji:
Cabdishakuur
Cali Mire
Faafin: SomaliTalk.com | June 12, 2005
Afeef: Muusiqa ka
horeeya dooda waxaa mas'uuliyadeeda leh TV-ga duubay.
Shirweynihii
Golaha Midnimada Soomaali Weyn oo ka dhacay Galbeedka Magaalada London.
Cabdishakuur
Cali Mire
Waxaa maalinkii ay taariikhdu aheyd
31/5/2005 ka dhacay galbeedka magalaada London shir sanad le ah oo uu
Goloha Midnimada Soomaali Weyn sanadkiiba mar qabto, waxaana shirkaan
ka soo qeybgalay qaar ka tirsan xubnaha golaha, guddiga fulinta, iyo
marti sharaf kale oo shirka lagu martiqaaday.
Shirka oo sacdey saacado badan yaa waxaa
laga soo jeediyey khudbooyin iyo doodu ku wajahnaa xaaladda siyaasaddeed
ee geeska afrika waxaana si gaar ah tooshka loogu ifiyey dhibaatooyinka
ka taagan dalka Soomaaliya oo uu shirku ku tilmaaamay mid murugsan.
Dr: Cabdi Caydiid Xiireey oo ah
gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaali weyn ayaa furitaankii shirkaas
khubad uu ka jeediyey waxaa uu war bixin dheer u soo jeediyey ka
qeybgalayashii shirka asagoo faah-faahin ka bixiyey ujeeddooyinka golaha
midnimada somali weyn iyo wixii u qabsoomay mudadii ay jireen, wuxuuna
ku nuux-nuuxsadey sida ay uga go`an tahay golaha uu madaxda ka yahay
inay sii wadaan siyaasadda ay ku baadi goobayaan in la helo Midnimo
Soomaaliyeed iyo in ummadda Soomaaliyeed laga badbaadiyo
hagardaamooyinka shisheeyuhu u maleegayo.
Waxaa sidoo kale ayaguna shirkaas khudabado
iyo xog waran kala duwan kasoo jeediyey xubno ay ka mid ahaayeen Axmed
Sheel, Sheekh Cumar Dheere, Maxamed Mukhtaar iyo xubno kale oo waxayna
dhamaantood diiradda ku saareen hadaladii ay kasoo jeediyeen shirka xaaladda
siyaaasaddeed ee geeska afrika iyo danaha dowladaha ku xeeraan Soomaaliya
oo shirku isla gartay in mushkilada Soomaaliya ka aloosan ay tahay mid
ay hurinayaan dowladdaha Jiiraanka la ah Soomaaliya oo ayagu aaminsan Soomaaliya
oo qaranimadeedii dib ula soo noqota inay khatar ku tahay jiritaankooda.
Qodabadii sida gaar ka ah uu shirku uga
dooday ayaa waxaa ka mid ahaa.
-
Hanaanka Fadraalka ee ay Ergadii
shirka Soomaalidu ku heshiisay inay Soomaaliya qaadato.
-
Ciidamada shisheeye ee la doonayo in
Soomaaliya la keeno.
-
Faragalinta Siyaasaddeed ee ay
dowladdaha qaarkood ku hayaan arrimaha Soomaaliya.
-
Dagaalada kasoo cusboonaadey gobolka
ka mid ah Soomaaliya.
-
kaalinta ay madaxda Soomaalidu ka
ciyaarayaan mush-kiladda ka jirta dalka.
qodobadaas iyo kuwo kale ayey ahaayeen
qodobashii looga doodey shirkii Golaha Midnimada Soomaali Weyn ee ka
dhacay magaalada London.
gebagebashii shirkaas ayaa waxa khudbad
gunaanad ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha Golaha Midnimada Soomaali weyn
Dr: Cabdi Caydiid Xiireey oo asagu mahad naq ballaaran u soo jeediyey ka
soo qeyb galayaashii shirka asagoo amaan gaar ah ujeediyey xubnihii ka
hadlay shirka iyo mowduucyadii ay ka hadleenba.
Dr: Cabdi Caydiid waxaa uu sheegay in uu
Golahoodo mowquf ahaan diidan yahay in dalka Soomaliya la keeno ciidamao
shisheeye wuxuuna cambaareyey madaxda iyo shaqsiyaadka ka shaqeynaya in
dalka la keeno ciidamo shisheeye, Dr: Cabdi Caydiid waxaa uu ku
celceliyey in Golahoodu ka shaqeynayo in maxakamad caalami ah lasoo
taago dambiilayaashii shacabka Soomaliyeed baday dhibaatada ay maantay
ku sugan yihiin, wuxuuna sidoo kale Dr: Cabdi Caydiid intaas ku daray
in Golaha Midnimada Soomaali weyn uusan ka daaleyn raadinta Soomaali
weyn iyo in la badbadaaiyo jiritaankii Jumahuuriyadda Soomaaliya.
Ugudambeyntii Dr: Cabdi Caydiid waxaa uu
shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey nabad iy baraare ay sanadkaan kiisa
kale ku gaaraan ayadoo ummadda Soomaaliyeed ku sugan tahay xaalad ka
duwan midda ay maantay ku sugan tahay oo ah xaalad muragsan loona baahan
yahay in qof kasta oo damiir leh ka dhidhiiyo.
Guud ahaan shirkaas ayaa waxaa ku
dhamaadey jawi wanaagsan iyo is afgarad dhamaan qodoabadii looga doodey.
Cabdishakuur
Cali Mire
Jen. Cadde Muuse:
Hay'adaha shisheeye waxay rabaan in Dalka Maamulaan
Waraysi dheer oo uu Madaxweynaha DGPL siiyey
Telefishanka ETN ayuu shaaca kaga qaaday in...
Guji.. May 29
|