Fidrada
Sida Loo Bixin Lahaa
Fidrada
macnaheeda: Waa sadaqo
labixiyo soonka markii la furo
Qaybta: 8aad ee Taxanaha Ramadaanka
Fidrada
waajibnimadeeda waxa cadayn u ah
Ibanu cabaas wuxuu yiri (alaha
ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay
daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la'aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah.(1)
Waqtiga ay
waajibto iyo qofka ay ku waajibto
Waxay wajibtaa maalinka ugu
danbeeyo bisha soon,(2) (asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay
bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,(3) waxaa ugu
danbaysa bixinteeda marka salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta
oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno asaga iyo dadka uu masuulka kayahay
maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah.(4)
Cabirka
labixinayo iyo noocyada lagu bixinayo
Abii saciidul khudri alaha
ka raali noqdee wuxuu yiri waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga SCW (saac
oo raashin ah)(5) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam,
cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, baastada,
burka, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.(6) Nabiga SCW iyo asxaabtiisa alaha ka
raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu
yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in
raashin loogu gadaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.
Yaa la
siinayaa
Qofkasta oo miskiin ah iyo
todobada kale ee ay aayda sheegtay,(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah
inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,(8) miskiinka waa qofkasta oo
wixiisa aysan ku filnayn.
See loo
bixinayaa
Qofkasta inuu raadiyo
miskiinka(9)
1 ehelkiisa.
2 dariskiisa.
3 qofkasta oo muslima ah.
###
Fure:
- (1)Abuu Daawuud 1371. Can
Ibnu Cabaas.
- (2)Ibnu Qudaama fii
Almuqnii Kitaabka 2 fasal waqtu wujuub zakaat
alfitir.
- (3)Albukhaari Can Naafic
Can Ibnu Cumer.
- (4)Almajmuuc LiANnawawii
Kitaabka 6.
- (5)Bukhaari 1414.
- (6)Iclaam Almuwaqiciin Li
Ibnu Qayim Kitaabka 2.
- (7)Alum li Alshaaficii baab
daycatu Zakaatu Alfitir qabla qasmihaa.
- (8)Muwata’a Maalik
Kitaabka 1 Baab fii ikhraaj almusaafir zakaat alfitir.
- (9)Almukhtasar Li
Alshaaficii walmajmuuc Li ANnawawii Kitaabka 6.
kulaabo
Qaybta 7aad | Akhri Qaybta 9aad.... Guji
WQ. OsmanBilad
osmanbilad@hotmail.com
-------Asalaamu
caleykum--------
Waxaan Kuu
Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro
Dec 1, 2002 | Oct 18, 2003
www.Somalitalk.com/ramadan |