HABEENKA
LEYLATUL QADRIGA
Qaybta: 7aad ee Taxanaha Ramadaanka
Asalamu caleykum yaa muslimiin
Marka hore Ramadan Wacan. Wabacdi, sidaa la wada soconaba waxaaa ku
dhex jirnaa tobankii habeen ee bisha Ramadan ugu danbeysay, tobankaas
habeen oo ay ku jirto habeen la yiraahdo "Habeenkii
Leylatul-Qadri". Marka waxaa su'aal u baahan inaa is weydiino
maxey habeenkaas habeenada kale uga duwantahay ama uga fadli badan tahay?
Jawaabtu waa sida soo socota.....
Laylatul-Qadriga waa habeen fadligiisu aad iyo aad u wayn yahay,
waxaa ka mid ah....
(1) waa habeen camalka la qabtaa uu ka khayr badan yahay midka la
qabto kun bilood (yacni 83 sanno iyo 4 bilood) oo habeenkaas uusan ku
jirin.
(2) waa habeenkii Quraanka Lawxul-Maxfuudka laga soo dejiyey, iyadoo la
keenay meel la yiraahdogurigii Cizziga iyo Sharafta, dabadeedna
qayb-qayb Nabiga SCW loogu soo dejiyey, muddo saddex iyo labaatan sano
gudohood ah.
(3) waa habeenka Lawxul-maxfuudka laga soo dejiyo oo laga soo qaado
sannadka waxyaabaha dhacaya, sida wixii dhimanaya, wixii dhalanaya,
risiqa iwm, iyadoo loo keenayo oo loo dhiibayo malaa'igta u xilsaaran
arintaas.
(4) Waa habeen malaa'igta la soo dejiyo, iyadoo uu ka mid yahay Malaku
Jibriil, habeenkaa Allaah SW ayaa karaameeyey, kitaabkiisa ku xusay.
Waxaana qof kasta oo muslim ah u haboon ah inuu ku dadaalo sidii uu u
haleeli lahaa habeenkaas qaaliga ah, oo uusan u seegi lahayn,
habeenkaasi waa habeen Ilaaheey uu ummaddaan u gaar yeelay, qofkii
haleelana khayr dhamaantiis ayuu haleelay, Rasuulkuna SCW isagoo fadliga
habeenkaas ka hadlaya ayuu wuxuu yiri: "Qofkii
Laylatul-Qadriga kaca (yacni habeenkaa
cibaado sameeya) isagoo aaminsan, ajar iyo xasanaadna Ilaahey ka
dalbanaya waxaa loo dhaafayaa dambigiisii hore". Waxaa
wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Habeenkaas maadaama uu yahay mid fadli wayn leh, ahna mid aad iyo aad
qofka muslimka ah ugu muhiim ah, ayaa asaxaabtu waxay jeclaysteen inay
ogaadaan habeenka uu yahay, qaar iyaga ka mid ahi waxayba ku riyoodeen
inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, markaa ayaa Nabiga SCW wuxuu
yiri: "Ku dadaala Laylatul-Qadriga habeennada
tirada is-dheer (kisiga) ah, sida 21, 23,
25, 27, iyo 29, oo ku jiraan tobanka ugu dambeeya Ramadaanka."
Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.
Markii uu Rasuulku SCW sidaas yiri ayaa waxaa la ogaaday inay ku
jirto tobanka ugu dambeeya soonka, gaar ahaan habeennada kisiga ah,
laakiin axaadiista badankood waxayba sii cayimeen oo ay sheegeen inay
tahay habeenka 27-aad, iyo kuwa kaleba waxaa haboon in dadaal dheeraad
ah la sii-siiyo, oo si fiican loogu dadaalo, iyadoo cibaado lagu soo
jeedayo.
HADAAN OGAADO HABEENKA LAYLATUL-QADRIGA MAXAA LEEYAHAY?
Maadaama asaxaabtu aysan ogolayn in waqti muhiimaddaas lehi uu dhaafo,
ayaa Caa'isha oo ahayd xaaskii (sowjadii) Nabiga SCW waxay Rasuulka SCW ku
tiri: Haddii aan ogaado habeenka uu yahay Laylatul-Qadrigu maxaan
leeyahay? Markaas ayuu ku yiri: Waxaa aqrisaa ducadatan:
"ALLAAHUMMA INNAKA CAFUWWUN, TUXIBBUL
CAFWA, FACFU CANNII"
....oo ay macnaheedu tahay "Ilaaheeyoow waxaad tahay Ilaah cafin
badan, jecelna cafinta, ee i cafi." Waxaa xaddiiska wariyey Axmed
Ibnu Maajah iyo Tarmidi.
kulaabo
Qaybta 6aad | Akhri Qaybta 8aad.... Guji
WQ. OsmanBilad
osmanbilad@hotmail.com
-------Asalaamu
caleykum--------
Waxaan Kuu
Dardaarmayaa Ku Dhaqanka Diinta Islaamka oo ah Jidka Badbaadada Aduun iyo
Aakhiro
Nov 8, 2002 | Oct 18, 2003
www.Somalitalk.com/ramadan |