Warka madaxdiisii
1-SARAKIIL ITOOBIYAAN AH OO KU SUGAN MAGAALADA MUQDISHU
2-SUCUUDIGA OO DEEQ U FIDIYAY DOWLADDA KU MEELGAARKA AH EE SOOMALIYA
3-ITOOBIYA IYO ERITREA OO SII DAYNAYA MAXAABIISTA AY KALA HAYSTEEN
Warkii oo faahfaahsan
1-SARAKIIL ITOOBIYAAN AH OO KU SUGAN MAGAALADA MUQDISHU
Saraakiil ka tirsan xukuumada Itoobiya ayaa ku sugan magaalada Muqdisho,
kuwaasoo u yimid labada hooggaamiye kooxeed ee kala ah Muuse Suudi Yalaxoow &
Maxamed Dheere, oo ka mid ah hooggaamiye kooxeedyada soomaaliyeed ee
gacan-saar la leh xukuumada Itoobiya, waxayna saraakiishaasi haatan ku sugan
yihiin xaruunta Muuse Suudi ee magaalada Muqdisho.
Saraakiishani waxaa la sheegay inay labada hooggaamiye kooxeed kala talin
doonaan dhinaca shirka dib u-heshiisiinta soomaaliyeed ee lagu wado inuu
badhtamaha bisha soo socota ka dhaco dalka Kenya.
Sida ay warar xog-ogaal ahi sheegayaan waxay saraakiishan, oo u sii gudbi
doona magaalada Jawhar oo xaruun u ah Maamulka Maxamed Dheere, ka qayb qadan
doonaan qalabayn lagu samaynayo xaruunta Maxamed Dheere, oo fadhi u noqon
doonta saraakiisha sir-doonka ah ee Itoobiya.
2-MADAXWEYNE CABDIQAASIM OO LA KULMAY WAFDI KA SOCDA DOWLADDA SWEDEN
Madaxweyaha Dowladda Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad
Xassan ayaa dhamaadkii todobaadkii hore madaxtooyada kula kulmay wafdi ka
socda dalkaasi Sweden.
Wafdigaasi oo u kuurgalayay xaalada siyaasadeed iyo tan nabadgalyeed ee
magaalada Muqdishu ayaa la filayaa in ay warbixin ku celin doonaan
dowladooda Sweden oo wada qorsho ay iyada iyo dalalka kale ee lasku dhaho
Scandinavia, ay deeq u fidin doonaan DKMG ee Soomaaliya.
Wafdigan oo ka koobnaa 3 xubnood ayaa ka dib kulanka ay la yesheen
madaxweynaha, kulamo la yeesha sarakiisha bangiga dhexe iyo wasaarada
dhaqaalaha ee dowladda ku meel gaarka ee soomaliya.
3-SUCUUDIGA OO DEEQ U FIDIYAY DOWLADDA KU MEELGAARKA AH EE SOOMALIYA
Dowladda Sucuudiga ayaa dowladda KMG ah ee Soomaaliya ugu deeqday 45-Milyan
oo dollarka Mareykanka ah oo loogu talagalay dib u dhiska dalka Soomaaliya,
sida uu sheegay madaxweynaha dowladda KMG Mudane C/qaasim Salaad Xasan oo u
warramay Golaha Barlamaanka iyo Golaha Wasiirada ee Dowladda Ku meel gaarka
ah ee Soomaliya.
Ra'iisul wasaaraha dowladda KMG Mudane Xasan Abshir Faarax ayaa muddo
toddobaad ka badan ku sugnaa dalka Sucuudiga, kaasoo wada-hadallo muhiim ah
kula jiray madax sar sare oo uu ka mid yahay Boqor Fahad iyo saraakiil ka
tirsan hay’adaha kala duwan ee xukumada Sacuudiga.
4-ITOOBIYA IYO ERITREA OO SII DAYNAYA MAXAABIISTA AY KALA HAYSTEEN
Dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaa labaduba waxay si gooni-gooni ah ugu
dhawaaqeen inay sii dayn doonaan dhammaan maxabiistii ay ku kala qabsadeen
dagaalkii dhex maray.
Tilaabadan ayaa timid, ka dib wadahadalo dhex maray hay’adda caalamiga
ah ee ICRC iyo xukuumaha labadaasi dal.
Ilaa iyo hadda lama oga goorta la sii dayn doona askarta labada dal ay kala
haysteen, lakiin waxaa la filayaa in dhowaan la bilaabo.
==================================
5-WASIIRKA ARRIMAHA DIBBEDA ERITREA OO LA KULMAY HOGAAMIYAHA LIIBIYA
Wasiirka arrimaha dibbeda Eritrea Cali Sayyid Cabdalla iyo wafdi uu
hogaaminayo ayaa 23 bishi August magaalada Tripoli ee dalka Liibiya kula
kulman hogaamiyaha dalkaasi Liibiya Mucamar Al-Qadaafi.
Kulankaasi oo ahaa mid looga hadlayay arrimo la xiriir xiisadaha siyaasadeed
ee Geeska Afrika ayay kaga wada hadleen Labada Dawladood shirka dib uu
heshisiinta soomaliya oo la filayo in bisha sebtembar uu ka dhaco dalkaasi
Kenya.
Wasiirka Arrimaha Dibbeda waxuu kale oo uu la kulmay wasiirka qaabilsan
arrimaha Afrika ee dowladda Liibiya Dr Abd-al-Salam Abturek.
6-Banaanbax lagu sameeyey Waftigii Itoobiya ee Shirka Caalamka ee Koonfur
Afrika ka qaybgalay.
Shacab uu dhashay qowmiyadda Oromada oo tageersan Jabhadda Xoreynta Oromiya
(OLF) ayaa mudaharaad ku sameeyay waftigii ka socday Itoobiya ee ka
qaybgalayay Shirka Aduunka ee ka socda Koonfur Afrika.
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen wafuud ka kala socdo inta badan dalalka
caalamka ayaa shacabka Oromada oo ku mudaharaadayay goobta shirka hortiisa
muujiyay in taliska Melez Zenaawi uu yahay mid ku caan baxay xasuuq, dil iyo
kufsi Shacabka aan waxba galabsan.
Bananbaxaas ayaa ku noqotay wafdiga Itoobiya mid waji gabax ku keenay, oo
Indhaha Caalamka kusoo jeediyay, waxaana aad usoo qatay saxafada Calamka.
wararka nagasoo gaadhayay Jaaliyadda Oromiya ee Koonfur Afrika Waxay
sheegayaan in ay sii wadi doonaan Mudaharaadkaas ilaa intuu socdo shirka
Calamka ee laga ga had layo Horumarka Aduunka.
Hibaaq Samatar
Radio Xoriyo