Dr. C/Raxmaan Maxamed
oo hadalkii uu soo jeediyey aad u xiisa badnaa, kabacdi
waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Siciid Saalax oo ka hadlay "Soomaalida
Shalay iyo Maanta".
Siciid Saalax waa abwaan iyo macallin
Soomaaliyeed, wuxuuna durbadiiba bilaabay hadaladiisii xigmada ahaa ee uu
dadka madasha isugu yimid oo arday u badnaa uu ugu tilmaamayey faraqa u
dhexeeya Soomaalidii hore iyo Soomaalida Maanta iyo wada dhaqankii
Soomaalida hore iyo wada dhaqanka Soomaalida cusub. Erayada Siciid Saalax
waxay u badnaayey kuwo aad u facweyn oo marka aad dhuuxdid dhammaantood ku qotoma suugaanta ay Soomaalidu hidaha u lahaayeen weligood.
Siciid Saalax oo tusaalayaashiisa
bilaabayey waxa uu yiri "shalay waa taariikh la tixraacay, maantana
waxa ay tixraacaysaa dhacdadii shalay", halkaas waxa uu Siciid ku
tusaalaynayey sida ay taariikhdu muhiimada u leedahay.
Siciid Saalax oo ka hadlayey dhaqanka
Soomaalida waxa uu sheegay in dhaqanka Soomaalidu uu yahay dhaqan nabadeed
oo asalka ku haya diinta Islaamka. Wuxuuna aad u ammaanay dhaqanka qotada
dheer ee isbadbaadinta, istixgelinta, isxurmaynta, iyo ismaamuuska lahaa ee
Soomaalidu soojireenka u lahaayeen. Taas asagoo tusaalaynayana Siciid wuxuu
yiri dhaqanka nabada ah ee Soomaalida waxaad ka arki kartaa habka uu dhisnaa
dhaqanka xeerarka (Soomaalida), dhaqan wanaaga, isbariidinta, iyo
isbadbaadinta xiliga colaadaha.
Asagoo Siciid sii wata kahadalka dhaqanka suuban ee
Soomaalidu lahaanjireen waxa uu yiri waxaad ka garankartaa habka "marti
Soorka", taas asagoo faahfaahinayana waxa uu yiri waxaa dhacda in qof
safro oo uu maro meel cidla ah, inta u dhexaysa labada minqaadna reerkii uu
la kulmo ama kusoo hoydo ayaa sooraya, ayagoo aanba wax aqoon ah u lahayn
qofkaas sodaalka ah, waayo ayuu yiri
wuxuu marti soor qofkaasi ku leeyahay ciddii uu u soo hoydo, waana xeer, oo
xataa jaraysimo ayaa la siinayaa si uusan subaxdii hamuun ugu jarmaadin.
Siciid Saalax oo sii wata kasheekaynta
dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu yiri xataa kelmeda Soomaaliya ayaa lagu
sheegaa in ay ka timid "SOOMAAL" oo ah ayuu yiri xoolaha kaama
lihiye soomaal. Waxana uu hadalkaas kusii lifaaqay xoojina uu uga
dhigay in xataa la sheego in kelmeda "XAMAR" ay ka timid sheeko
ahayd in nin lahaa hal Xamar ah (guduud ah), ninkaas oo degaan halka ay
Xamar hadda tahay, xoolo oo
dhana ka lahaa hashaas uu carruurta u liso, ayaa maalintii dambe markab
kujabay badda (ama ku qaraqmay), dadkii saarnaa markabkaasna naftoodii oo
keliya ayaa kasoo badbaadey, markaas ayey soo martiyeen ninkii lahaa hashii
Xamar, markaas ayuu hashii fiiriyey wuxuuna is tusay in hasha haduu soo liso
aysan caaneheedu deeqayn dadkaan gaajaysan, carruurtiisana wuxuu isyir Allah
ayaa berri quudinaya, markaas ayuu hashii bireeyey oo
dadkii sidaas hilib uga dherjiyey, sidaas ayaa kelmeda "XAMAR"
kubaxday ayuu yiri sida la sheego. Halkaas waxa uu ku tusaalaynayey
deeqsinimada iyo marti-soorka Soomaalidu ay weligood hidaha u lahaayeen. Intaas
oo dhan Siciid wuxuu ku muujinayey sida uu ahaan jirey dhaqankii Soomaalidii
hore, waxana uu tilmaamay in dhaqankaas uu meelo badan iska bedeley hadda,
waa marka laga hadlayo Soomaalida cusub'e. Siciid
Saalax oo ka hadlayey kelmedda "TOL" waxa uu yiri waxaad arkeysaa
in kelmedaasi ay hadda iska bedeshey macneheedii hore. Waxana uu ku qeexay
"TOL" waa tolane waana intii isku tolan ama kuwo dantu kugu toshay,
sida kan aad iskuulka wada dhigataan oo aad isku danta tihiin. Mar uu ka
hadlaayey sida loo bedeley kelmedda "REER" waxa uu yiri "reer" waxaa loo adeegsan jirey sida reer (magaaladaad doontid),
taas oo muujinyesa inta magaaladaas wada degta. Halkaas asagoo hadal
suugaaneed ku muujinaya, isla mar ahaantaana sii qeexaya in kelmedda Reer ay
ahaan jirtey mid si guud oo intii meel kawada biya cabta adeegsadaan,
tusaalena soo qaadanaya, waxa uu yiri waxaad arkijirtey Reer Xamar (inta
xamar kawada biyo cabta), taas oo xaafad xaafad sii kala ahayd oo aad
arkeysey sida Ciyaal Shangaani ama ciyaal Deyniile iwm, oo ah intii
xaafadahaas wada dega. Waxana uu siciid dadkii kaga qosliyey markii uu yiri
dhawr wadan oo aan safar kusoo maray dadkii sida gaarkaa ah iigu soo
dhoweeyey waxay ahaayeen "ciyaalkayga kuwii ay la ciylaalka ahaayeen"
halkaas oo uu ku muujinayey sida uu ahaa dhaqanka deris wanaaga ah iyo is
xiriirinta ah ee ka dhexeyn jirtey Soomaalida. Mar
uu Siciid Saalax xusay sida uu noqday dhaqankii Soomaalidu maanta waxa uu
yiri waxaad arkeysaa inay maanta kelmedo cusub soo bexeen sida: Mooryaan,
Jirri, Dayday, Jidgooyo, Burcad, iwm. Dhammaantood waa kuwo aan Soomaalidu
dhaqan u lahaanjirin. waxa uu halkaas Siciid ku muujinayey sida dhaqankii
wanaagsanaa ee martisoorka, iyo isbadbaadinta ahaa loo bedeley. Siciid
waxa uu yiri Soomaalida hadda waxay is weydiiyaan oo "Soomaaliya
nalalka gawaarida kala haga ma lahaanjirtey, basket ball malahayd, iwm".
Dabcan Soomaaliya waxay ahaan jirtey dal iyo dad jira oo xadaarad dheer
lahaan jirey sida dhawr qof oo madasha ka hadlay ay cadeeyeen. Mar
uu Siciid Saalax la hadlayey Soomaalida maanta waxa uu yiri "Kuwa hadda
(soomaalida maanta) waa in ay u arkaan in umdu iswada lahayd oo is jeclayd."
Su'aal ahaan asagoo u weydiinaya madasha waxa uu yiri "Dhulka
lakala sheeganyo yaa leh?. Su'aashaas asagoo ka jawaabaya Siciid waxa uu
yiri eeg juqraafiga Soomaaliya, eeg Bari ilaa woqooyi ilaa koonfur, eeg
hawdka, deexda, aroorka, dooxada, baliga, qarka, iyo..... webiga. yaa leh? waxaa leh ayuu
yiri "NABADDA", nabada ayaa leh ayuuna ku adkeeyey. Nabada
macaankeeda ayuuna aad ugu xeel dheeraaday, asagoo xusay in nabadu ay
tahay tan qofku meeshii uu doono degayo oo ka furano (dukaan) iwm, ku
dhaqanayo reerkiisa, ku macaashayo, ku baraarayo...... waa NABADDA. Da'yartoy
yaan la idin khaldin ayuu Siciid Saalax kusoo xiray hadalkiisa, asagoo ku
lingaxaya "Da'yartow yaan la idin marin habaabin, waa lawada lahaan
jirey
dalkaan, nabada ayaadna halkaad doontid ugu noolaankartaa."
Xaqiiqadii hadaladii Siciid Saalax habeenkaas
halkaas kasoo jeediyey oo ahaa murti lasoo miiray oo kasoo maaxanaysey
hal-abuur Soomaaliyeed halkan laguma soo koobikaro, bahda SomaliTalk.com oo
isku deyey inay soo koobaana waxaa u soo baxay in ay boggag badan
buuxinayaan hadaladii qotada fogaa ee Siciid.
SOMALITALK.COM kala soco
Qaybta Saddexaad insha Allah.....
SomaliTalk.com kala soco
Qayta saddexaad ee shirka ardayda oo ay ka hadleen: C/Risaaq Bille (isku xirnaanta Soomaalida), Safiya Yaasiin (oo u mahad naqaysa ganacsiyadii Soomaaliyeed ee ka qayb qaatay fulinta shirka) iyo Professor Samatar oo soo gabagabeeyey shirka shahaadooyin sharafyadii la bixiyeyna guddoon siiyey arday
Soomaaliyeed.
Qaybtii 1aad ee Qoraalka ka akhri halkan --- GUJI
Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Cali (SomaliTalk Editor-in-chief)
Email: webmaster@somalitalk.com
Xuquuqda Qoraalkan waxaa leh SomaliTalk,
lama daabacan karo ayadoo aan ogolaansho laga haysan qoraaga.
Minneapolis, MN, USA | SOMALITALK.COM
December 30, 2002
Habeenkii
Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Minnesota
waxaa Minneapolis lagu qabtay shir ay
soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Ardada Somaliyeed ee Minnesota, kaas oo... GUJI
29/12
Habeenkii
Showrka Soomaalida Minnesota
waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u
heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda..
GUJI... 23/12
QORAALKII
HORE EE ARDAYDA SOOMAALIYEED EE JAAMACADAHA MINNESOTA
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|