Aayadaha qur'aanka kariimka oo uu akhriyey
Cabdullaahi ayaa lagu furay shirka.
Kaddib
durbadiiba waxaa cod-tebiyaha lagu wareejiyey Cabdirisaq Cabdi oo ah
guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacada Minnesota, waxana uu ka hadlay taariikhdii
ururka ardayda Jaamacada Minnesota (MSSU) iyo yoolka ururku higsanayo. C/Risaaq
waxa uu sheegay in ururkani uu ka bilowday fikrad dhawr arday oo is tusay
baahida loo qabey urur ay yeeshaan ardayda wax ka barta Jaamacadaha
Minnesota, ayagoo fikradaas u soo bandhigayey ardayda kale. Sidaas darteed
ayuu yiri ururkani wuxuu soo maray marxalado kala duwan oo ay ka mid yihiin
in marka hore ardayda ay is-bartaan, isu-faa'iideeyaan, iyo in ay dadweynaha
u soo bandhigaan fikradohooda si qowmiyaddu uga faa'iideystaan. yoolka
ardayda mar uu tilmaamayey waxa uu sheegay in ay ka mid tahay inay xiriir la
samaystaan ardayda Soomaaliyeed ee dhigta dugsiyada sare si ay ugu
faa'iideeyaan. C/Risaaq oo taas sii adkaynaya waxa uu yiri "Ururka
yoolkiisa waxaa ka mid ah in uu helo goob u gaar ah oo noqon doontaa xarunta
ardayda Soomaaliyeed, taas oo noqon doonta buundada isku xirta ardayda
Jaamacadaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka. Kaadib aan taas uga gudubno
in la helo urur ka dhexeeya ardayda Soomaaliyeed ee Woqooyiga
Ameerica (CANADA & USA), isla markaana hal-mar xaflad loo qabto dhammaan
ardaydaas Soomaaliyeed si ay isu bartaan. Yoolka kale ee ururka ayuu C/Risaaq
ku tilmaamay in uu yahay sii xoojinta ururka MSSU, taas oo uu ku tilmamay
arin aan la dhaafi karin. Asagoo taas sii watana waxa uu yiri waxaa lagu
qiyaasay in ilaa 800 arday oo Soomaali ah ay dhigtaan Jaamacada Minnesota
wax yar ayaana ka yimaada shirarka, hadaba ayuu yiri waa in la xoojiyaa isku
xirnaanta ururka.
C/Risaaq oo hadalkiisii sii wata waxa uu
sheegay in ururku rajaynayo in Afarta Jaamacadood ee ka jira dalkii
Soomaaliya ay xiriir la samaystaan. Waxa kale oo uu xusay arinta deeq
waxbarasho oo loo fidiyo arday Soomaaliya jooga inay tahay wax aad u weyn,
taas oo sida uu tilmaamay ay ahaankaro in deeqdaasi ay gaarto arday iskuulka
kaga dhuumanaya xabbad. Wax qabadka kale isagoo xusayey waxa uu sheegay in
uu jiro barnaamij buugaag ururin ah oo ardayda Jaamacada la weydiiyo in ay
soo ururiyaan buugaagta aysan ku takhasusayn ee maadooyinka ay ka gudbeen.
Asagoo tilmaamayey sida dhibaatooyinka jira wax looga qabankaro waxa uu yiri
waa in aan midownaa haddaan nahay ardayda gobolkan, sidoo kale la midownaa
ardayda Yurub iyo aasiya, markaas waxaa cad in aan wax qaban karo ayuu yiri.
Waxana uu hadalkiisa kusoo xiray isagoo dhahaya dalkeenii cid kale uma maqna
aan ka ahayn dadka wax barta, markaan midownona waxaan Soomaaliya la tegi
karaa fikrad midaysan, taas ayaana wax qabankarta.
Kaddib
Jamaal Daahir ayaa lagu soo dhoweeyey masraxa, waxana uu ka hadlay jidka
dheer ee ardaynimada. Waxase uu Jamaal hadalkiisa ku furay isagoo dadkii
madasha joogey xusuusiyey in aysan bannaanayn sacabka ama in la sacbiyo,
asagoo taas ka hadlayana waxa uu yiri "Sacabka dumarka ayaa leh, diinta
Islaamkana kuma banaana in la sacbiyo". Qof gadaal fadhiyey ayaa
markiiba yiri "Shiikhow maxaad sabab arintaas u haysaa", taas oo
uu ugu jawaabey waxaan ka jawaabayaa hadhow markaan halkaas fariisto.
Jamaal Daahir oo hadalkii madasha u soo
laabtay waxa uu yiri "diinta Islaamku waa diin dhiiri gelisa cilmiga,
gaar ahaan cilmiga sharciga, iyo cilmiyada kale ee anfacaya dadka. Jamaal waxa
uu si weyn ugu nuuxnuuxsaday habkii ay waxbarashadii Soomaaliya ahaan jirtey,
taas oo uu sheegay in macallinka, jeesada, sabuurada iyo waxkasta oo
waxbarshadaas la xiriira ay diyaar ahaayeen oo adiga keliya lagaa rabey
in aad iskuulka tagtid, halka dhulkaan intaas oo dhan iyo in aad iskuulka
tagtidba lagaa rabo. Waxa kale oo uu aad uga hadlay sidii ay macallimiintii
Soomaaliya u ahaanjireen sidii Aabe oo kale, dadka oo dhami markaad wadada
mareysid oo iskuulka ka timaadid iney ku gartaan ayaa dhici kartey, halka
macalimiinta dhulkaan ayba adagtahay in aad kulan gaar ah yeelataan, dadka
dhulkaana ay mashquul iyo orod ku jiraan amaba shaqeeyaan sagaalka (subaxdii)
ilaa shanta (galabtii). Waxa kale oo uu xusay sida uu faynuus wax ugu soo
bartay, halka dhulkaan la haysto nal.
Jamaal Daahir oo ka hadlayey jidka loo maro
waxbarashada waxa uu yiri jidkaasi waa kugu dheeraan karaa haddaadan helin
wax kula taliya ama kugu haga talada toosan. Jamaal waxa uu ardayda ku
waaniyey in ay si xigmad leh u qaabilaan su'aalaha kala soo gudboonaada
qowmiyadaha kale, iyo in ay hab xigmadaysan oo cilmi ku dheehan yahay u
dhiibtaan araa'dooda. Isla ma ahaantaana ayuu yiri waa in aad qiimayn sare
siisaan naftiina. Waxana uu hadalkiisa kusoo xiray isagoo dhahaya "idinkoo
bedqaba soo gala jaamacada, idinkoo bedqabana ka baxa, si taas loo helona
waa in aad barataan diintiina" taas oo uu kusii xoojiyey oraahda ah
"Niyadiina wanaag u sheega, is-kaashada, haysta diintiina, xuquuqna
waad leedihiine ogaada".
Waxaa
markaas cod-tebiyaha lagu wareejiyey Dr. C/Raxmaan Maxamed oo ka hadlay waxa
ay jaaliyaddu ka sugeyso ardayda. Dr. C/Raxmaan waxa uu hadalkiisa ku
bilaabay is-bar-bar dhig uu ku sameeyey Minneapolis iyo Jawhar oo uu yiri
soo qaado Jawhar, soona qaado Minneaplis oo fiiri wax ka dhexeeyaa ma jiraan.
Asagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri toban sano ka hor ayaa Soomaalidu
dagaalantaay dagaalkaas ayeyna ku dhaawacantay. Weli asagoo tusaalihiisii
siiwata waxa uu yiri weligay intaan Maraykanka joogey ma calaamadin kelmedda
(halka ay foomamka kaga qorantahay) madow (BLACK) waxaan calaamadiyaa
"OTHER", waayo ayuu yiri qayb gooni ah ayaa lagu gelinayaa. Waxaas
oo dhan waxa muuqatey in Dr. C/Raxmaan uu ku tusaalaynayey qabiilka halkaas
dadkeena dhigay. Taas asagoo ka hadlayana waxa uu yiri qabiilka diinta ayaa u
soo degtey in ay la dagaalanto (qabyaaladda). Taas
qabiilka asagoo daba jooga waxa uu Dr. C/Raxmaan yiri Soomaalino ayaan wax
kusoo bartay, booliska Soomaaliyana waxay ii difaaci jireen Soomaalinimo.
Dr. C/Raxmaan Maxamed oo hadalkiisii sii
wata waxa uu yiri Kelmedii u horeysey ee rasuulka ku soo degtey ma ahayn
reerkaaga badbaadi ee waxay ahayd "IQRA" (akhri), halkaas waxa uu
ku tusaalaynayey cilmiga qiimihiisa, taas isagoo sharaxaad ka bixinaya waxa
uu yiri "Haddii aadan cilmi lahayn waxaad tahay sida qalinka aan wato
oo kale oo meeshii la doono ayaa laguu kaxaysan karaa (ama laguu adeegsan
karaa)". Waxaad baratayna mujtamaca uga faa'iidee ayuu yiri.
Dr. C/Raxmaan oo tusaale u soo qaadanay
dhibaatada qofka kasoo gaari karta aqoon la'aanta luqada, waxa uu ka sheekeeyey qiso ka dhacday Minnesota
maalin dhowaan sida uu
sheegay, taas oo ahayd in gabar ay hooyadeed u kaxaysay
cisbitaal degdeg ah xilli habeenimo ah, hooyadu waxa ay ka cabaneysey laabta,
luqada ingiriiskana ma taqaan,
dhakhtarkii markii loo geeyey ayuu weydiiyey xagee laga hayaa, gabadhii
tarjumeysey ayaa tilmaantay meeshii hooyada xanuuneysey, dhakhtarkii markaas
ayuu yiri ma waxaa haya laab-jeex kaas oo luqada ingiriiska ku ah "heartburn",
gabadhii waxay ku turjumtey wadne hurid, markaas ayaa hooyadii loola
cararay qaybta wadnaha, habeenkii oo dhan ayaa xaga raajo kasaar, xaga ka
eeg, wadnaha k afiiriya lagu hayey, waxba intaas oo dhan uma tarin ileyn
wadnuhuba xanuunimayee, ilaa subaxdii la
iikeenay ayuu yiri Dr. C/Raxmaan, mase waxa jiraa waaba is faham la'aan
turjumaanka iyo dhakhtarka oo waxay hooyadu u baahnay daawo laab-jeex.
Asagoo cilmi in labarto ku adkaynaya waxa
uu Dr. C/Raxmaan yiri bini-aadamku wuxuu isticmaalaa 10% maskaxdiisa ah,
sidaas darteedna wax aan labaraan karin ma jiraan haddii maskaxda laga
shaqaysiiyo.
Dr. C/Raxmaan oo toos ula hadlayey ardayda
Soomaaliyeed waxa uu yiri ardaynimada waa halgan, waxaana loo baahana yahay
in aad yeelataan yool dhow oo ah in aad waxbarashada dhamaystirtaan, iyo
yool dheer oo ah in aad mujtamaca wax u qabataan.
Markale asagoo Dr. C/Raxmaan dadka
xusuusinayey xigmada fahamka, waxa uu yiri mar aan tegey afqanistaan ayaan
arkay kitaab ay sidan jiren xerteenii Soomaaliya, kitaabkaas waxaa dusha
kaga qoran qofkii Allah khayr la doono diintuu fahamsiiyaa. Sidaas darteed
ayuu yiri waa in aad faahamsan tahay waxaad baraneysid.
Markale asagoo xusuusinaya waxqabadka waxa
uu Dr. C/Raxmaan yiri "Waxaa ku qeexaya waxaad mujtamaca u qabatay, ma
isku dirtay mase kan jiran ayaad daaweysey, kan mugdiga kujirana waad kasoo
saartay mugdigii". Taas asagoo sii adkaynayana waxa uu yiri waa in
qofka uu ku jiraa "jiheeye" kaas oo maalinkasta hal meel abbaaraya,
taas oo weliba Allah raali ka yahay. Waa in aad lahaataa meel tixraac ah, taas oo ah
Soomaaliya, waad dhehi kartaa afSoomaaligii waan ilaawey laakiin ogow adigaa
ah Soomaali.
Dr. C/Raxmaan Maxamed waxa uu hadalkiisii
ku soo xiray isagoo yiri "Sharaf ku xiro Soomaalinimada iyo
Islaamnimada, ogaadana dhamaanteen safiiro ayaan u nahay Soomaaliya"
waxana uu intaas ku daray asagoo dhahaya "Wixii aad samaysid mujtamaca
oo dhan ayey taabanayaan".
Qaybta 2aad ee Qoraalka ka akhri halkan --- GUJI
Waxaa isku soo dubaridey
Maxamed Cali (SomaliTalk Editor-in-chief)
Email: webmaster@somalitalk.com
Xuquuqda Qoraalkan waxaa leh SomaliTalk,
lama daabacan karo ayadoo aan ogolaansho laga haysan qoraaga.
Minneapolis, MN, USA | SOMALITALK.COM
December 29, 2002
Habeenkii
Showrka Soomaalida Minnesota
waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u
heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda..
GUJI... 23/12
QORAALKII
HORE EE ARDAYDA SOOMAALIYEED EE JAAMACADAHA MINNESOTA
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|