DIB
UGU NOQOSHO MAQAALKII SOMALILAND WAA BEER.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
November 30, 2003
Caado iima-aysan ahayn inaan qoraal kadabo qoro
maqaal aan horay u qoray, inta badan akhrista-yaasha maqaalka aan qoro, goorta
ay Email isoo diraan, waxaan ugu jawaabi jiray Email kale. Arintaasna waxaa iga
soo maray qisooyin aad u badan, tii iigu cajab-badneyd waxay ahayd koolkii uu
akhriste ismoodsiiyey inaan magaaladooda ugafay, oo uu iisoo qoray fariintan, (
waxaad caadaysatay inaad magaaladayada wax ka sheegto, waxaad ogaataa hadaadba
timaado magaaladaas inaadan nabad ku soo noqon doonin). Waxaan u qoray hadalkan.
( Dhawaan ayaan iman rabaa magaaladaas, waxaana jecelahay inaan ku soo dago
gurigaaga oo ii ah guri uu leeyahay nin Walaalkey ah oo hada ka hor Email iisoo
diray, waxaana hubaa inaad si qiima leh ii marti galin doonto). Jawaabtiisii
labaad waxay noqotay. “Karaali noqo Emailkii hore ee aan kuu soo diray, waxaan
soo qoray mar uu Sheydaan ila talinayey”.
Goortii ay Somalitalk.com daabacday maqaalkii
aan ugu magac daray ( Somaliland waa Beer. Beerna hilibkaa
lagu sugaa) waxaa isoo dhacay Emaillo aad u tiro badan, sidoo kale maqaallo
jawaab ah ayey Somalitalk.com daabacday, oo aan wada akhriyey. Fariimahaas
qaarkood inaan saxsanahay oon maqaal fiican qoray ayey la’ahayd, dhiirigalin iyo
boogaadinna wey ku soo dareen. Qaar kalana inaan hadalkii gabi kala dhacay, oon
tawfiiqdii la gafay ayey tilmaameen, waxayse u badnaayeen hadalo aad u
usluubeysan, walow ay ku jireen qaar aan anshax lahayn, ood moodo in caro lagu
soo qoray. Guud ahaan intaan arkay Emaillo la ii soo diray oo ay akhrista-yaashu
kaga jawabayaan fikradooda, maqaalkan Somaliland ayaa ahaa kii ugu asluubsanaa.
Aan ku hormaro maqaalkii uu qoray Saaxiibkeen
Dirirdhabe, ugu horeyn Dirirdhabe waa nin dhalinyaro ah, oo uusan qalinkiisu
nasiino helin, mas’uuliyad weynna iska saaray meel marin Somaliland, kolka aad
akhriso maqaalada uu Somaliland ugu suuq raadinayo, waxaad ka dareemeysaa sida
ay daacadda uga tahay iney Somaliland ka go’do Soomaaliya. Su’aasha ah
Dirirdhabe waaba nin yaree maxaa ku kalifay, ku dadaalida kala goynta Soomaaliya.
Jawaabteeda kama aad heleysid qoraaladiisa, malaha hadaad la sheekeysto waad
heli lahayd.
Maqaalkiisii waxa uu ku cadeeyey inuusan fahmin
macnaha dhabta ee aan u la jeedo cinwaankii aan maqaalka u sameeyey, ee ahaa
“Somaliland waa beer hilib lagu sugayo”, hadana wuxuu soo qoray jawaab uu ku
radinayo maqaalkaas, bal dib uga fakar, maqaal aad ciwaankiisa fahmi weysay
sideed nuxurka gudaha ku jira u fahmi doontaa, misana aad ugu dhiiratay inaad
kaba jawaabto adoo radinaya. Waxaa taas ka sii daran, mamoodayn qoraa wax qoris
badan sida Dirardhibe oo kale inuu ku doodayo wax dhaafsiisan qoraalka qofka,
taas ma dhicinee Dirirdhabe wuxuu hadalkiisii ku bilaabay. Fahad oo aanan
garanayn qolada uu yahay, maqaalkiisa ayaa ii sahlay inaan garto qolada uu yahay!!.
Hadalkaas oo aan ka naxay, iyadoo ay hal xiraale igu noqotay inaan helo qolada
uu ii fahmay, waxaana hubaa in aan qabiil qof lagu ogaan karin aragtidiisa ood
akhristo oo kaliya.
Waxaan moodayey in qalin wax ku qorayaasha ay
ka gudbeen haybta
qabiil, ayna ka daaweynayaan cudurkaas, qori wax ku
qabtayaasha, laakiin fikradaas Dirirdhabe oo kalaa waa been yiri, Eebbaanse
weydiisan inuu malahayga run iiga dhigo. Waxaan kaloo murugooday goortii aan
arkay Dirirdhabe oo Kitaab ku maraya in shacabka W/Galbeed ay rabaan iney ka
goostaan Koonfurta, waxaan walaalkey xusuusin lahaa marka Cilmibaarista lagujiro
ineysan dhaari aqoon soo kordhin, dhaartuna sideedaba waxay timaada marka lagu
rumeysan waayo, saas awgeed Saaxiibkey waxaan dhihi: Haddeyba dhaar gaartay maad
naga deyseen magacan dhaarta lagu daba wado.
"Saaxiib Dirirdhaboow Aqoon-yahanka yuusan noqon farriin wadaha Siyaasiga."
Fahad |
Si kastaba ha’ahaatee Saaxiibkeen Dirirdhabe
waa nin mudan dhiirigalin, maqaalkii uu iigu soo jawaabayna waa mid ku dayasho
mudan, wuxuu cashar lama ilaawaan ah ka bixiyey inaad qofka diido qoraalkiisa
adoon shakhsiyadiisa wax u dhimin, isagoon igu xadgudbin ayuu si bareer ah isu
difaacay, si geesinimo leh ayuu u muujiyey aragtidiisa, qadarin farabadanna waan
ka helay, anna wuxuu iga mudan yahay xushmeyn iyo tixgalin, anigoo ku leh,
Saaxiib Dirirdhaboow Aqoon-yahanka yuusan noqon farriin wadaha Siyaasiga.
Waraaqihii la isoo diray oo kala duwanaa waxaan
ka soo qaadayaa labadan waraaqood, kan hore hadaladiisii waxaa kamid ahaa (
Qadaf weyn ayaad u geysatay R/Somaliland. Mana aysan kaa mudneyn. Hadaad
Hargeysa tagtay miyaadan soo arag taallada loo dhisay dadkii baaba’ay ee ay
Doladii M/S/Barre sida xilka leh u leysay?). Erayadaas markaan akhriyey waxaan
dib ugu laabtay qoraalkeygii, waan ku noqnoqday, wey ii soo bixi weysay Qadaf
aan dad Muslim ah u geystay, waliba walaalahay Soomaaliya ah, waxaan kolkii
danbe isku qanciyey in Qadaf macnaheeda uusan aqoon walaalkii warqadda isoo
diray. Su’aasha ah taallada ay ku sawiran yihiin dadkii baaba’ay miyaadan arag?
Haa waan arkay, waxaana iiga muuqday Sawirro in laga tiiraan-yoodo ay mudan
tahay.
Waxaase haboon in maanka lagu hayo in
Sawiradaas ay yihiin sawir gacmeed, ee aysan ahayn dhacdo si run ah loo sawiray,
Sawiraduna waxay turjamayaan dareenkii uu qabay ninkii amray in Sawir gacmeedkan
la sameeyo, caqliguna wuxuu diidayaa in Sawiradaas ay yihiin kuwo dhab ah,
waxaanse kuu sheegayaa in maalintii aan booqday Taaladaas anigoo fiirinaya oo
yara murugeysan ayaa waxaa dhinacayga soo istaagay nin oday ah oo aad moodo
anigoo kale inuu yahay oo ay taaladu hada ugu horeyso, wuxu yiri ( Waar baladatan
goormay dhacday? Waa dhibtii dhamaadkii Sideeta-maadkii nagu dhacday, ayaa loogu
jawaabay. Inta qoslay ayuu yiri. Dee maxaa loogu soo dari waayey dhibtii nagu
dhacday Bartamihii Sagaasha-maadkii.)
"waxaan kuu
balanqaadayaa hadaan aqoon-yeesho inaanan taageeri doonin kalagoynta Soomaaliya."
Fahad |
Waraaqdii kale hadalkeedu wuxuu u dhignaa
sidatan ( Waxaan ku moodayey inaad aqoon leedahay sidaad sheegato, marka waxba
ma taqaanidee waxbaro. Soomaaliyada aad naleedahay soo raaca sow kuwii aad
Taariku-Salaadyada ku sheegtay ma’aha? Somalitalk.com-na la’aanta ayey ku
fiicnaan lahayd). Maxusuusto qoraal aan qoray aan ku sheegtay inaan wax aqaan,
weyna adagtahay inuu qof la soo dhiirado inuu aqoon leeyahay, waana ogahay
inaanan waxba aqoon, anoo kaaga mahad-celinayaa talada ah inaan waxbarto, ayaan
kuu balanqaadayaa inaan qalin iyo buug qaadan doono. Sidoo kale waxaan kuu
balanqaadayaa hadaan aqoon-yeesho inaanan taageeri doonin kalagoynta Soomaaliya.
Sidoo kale ma’aannan oran soo raaca Koonfur oo
Taariku-Salaad ah. Ilaahay mahaddii Salaada Koonfur iyo Waqooyiba aad ayaa looga
tukadaa oo magaala kastood tagto Masaajiddu waa ku badan yihiin, kuwii aan iri
waa Taarikiin waxay ahaayeen tiro yar oo kamid ah Dagaal-oogayaasha Soomaaliya,
kuwa hadda Waqooyi jooga qaarkoodna kamid bey ahaayeen Taarikiintii aan
tilmaamayey. Haddey jirto xitaa inaan Koonfur laga tukan, Waqooyina laga tukado,
mataageereen inaad goostaan ee waxaan idinka codsan lahaa diinta
 inaad ku soo
celisaan meelaha aan Salaada laga tukan. Waaba haddey jiri lahayd maba jirtee.
Dadka ay ku weyntahay midnimada Soomaaliya
waxaan ugu bishaarey-nayaa ineysan dhici doonin Soomaali oo kala go’da ilaahay
idankii, walaalaha Somaliland la baxayna iney Koonfur ka sugayaan
Hilibkii
Qadada ay wada cuni lahaayeen.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com
FAALLO:
Maxamedoow inoo Yare Kaadi
Jawaab ku socota
Qoraladii Maxamed Diridhaba.
GUJI
[Cali Shirwac]
Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay! [Cabdiwaaxid]
Taariikhda Lagama Been Sheego...
GUJI...
»
Qowleysatada Waqooyi Soo Dhigatay
[Dr. Saciid]
..
SNM Waxay Meel Marisay Aragtidii Xasayn-Kayd
[Caqiil]
DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ...
Diridhaba June
7, 2003
Sool iyo Somaliland
Yaa Ugarnaqa [Assad]

|