Bishii 8aad ee sanadkan ayaan booqday W/Galbeed halkii aan u niqiinay, ee
dhawantan loogu walqalay Somaliland, shacabkana loogu khiyaali waramay dowlad
gooni u taagan ayaad tihiin, 13.Sano oo maskax daalin ah ayey ku jiraan
Siyaasiyiinta Somaliland, waxaase ugu fog ninka da’da yar ee dhawaan Yurub ka
soo laabtay, ururna furtay waa Faysal Cali “Waraabe” oo ay shacabka Hargeysa u
yaqaanaan Muuse Suudiga Somaliland, xagey isaga egyihiin hadaan irina, waxay
yiraahdeen: hadal adayga, iyo isticmaal la’aanta erayada Siyaasada. Taasna
waxaad rumeysanaysaa hadaad wakhtiga isaga lumiso dhagaysiga waraysiyada laga
qaado Faysal, waxaad moodaa inuu run u qaatay macaga la isku madadaaliyo ee
Somailland.
Waxaan booqday Boorama, Barbara, iyo Burco, intaba degmooyinka u dhaxeeya waan
sii wada maray, dareenkii aan ka fahmay goboladaas intaan joogay waxaan ku soo
koobi karaa qodobadan.
NABAD GALYADA:
Bogoladaas waxay heerka ugu sareeya ka gaareen nabadgalyada, G/Afrika laguma
arko meel soo dhawaysa nabad ahaan, ama kula tartami karta. Waxaad arkeysaa qof
Ajnabi ah oo Bac gacanta ku sita, waxa bacda ugu jirana ay tahay lacag Doolar
ah, isaga oo aan wax shaki ah ka qabin armaa lagu dhacaa. Jidadka Safaradana
kolka aad hayso waxaad arkeysaa qof Dumar ah oo kaligeed gaari wadata ruuxna
uusan la socon, baqdinna aysan hayn, runtiina waa nimco weyn oo haboon in laga
mahadnaqo.
Nabada iney saas noqotana waxaa sabab u ah laba qolo: tan hore waa hogaanka
dhaqanka, oo iyagu xil cad iska saaray ilaalinta nabada, waxay hoosta ka
xariiqeen in tuuggu uusan tol lahayn, iyo inaan loo soo hiilin inta uu
faldanbiyeedka ku dhex jiro, taasi waxay meel dheer ku laashay Burcaddii,
waxayna u hiilisay nabadii.Qolada labaad waa shacabka oo dhaqan ahaan aan soo
dhawayn shuftada iyo dadka tuugada ah, waxayna isla qaayibeen in danbiilaha
nolosha ka dhacsan uusan mudnayn xanaano inta uu faldanbiyeedka ku dhexjiro.
NIDAAMKA:
Maamulka hada jira oo dhawaan tartan doorasho loo galay waxaa heley Daahir
Riyaale Kaahin oo ahaa Madaxweyne kuxigeen, kadibna noqday sii hayaha jagada
Madaxti-nimo, hadana ku guuleysta Madaxweynaha Somaliland, waxa uu ahaa
dhalanteedkan ka hor sargaal ka tirsan ciidanka nabad-sugida ee dalka
Soomaaliya, waxay warbaahinta Hargeyso qoreysay iyadoo lagu Ammaanayo in xiligii
uu ahaa Ciidankii nabadsugida uu caawin jiray dagaal-yahaniintii S.N.M..
Shacabka deegaankana waxay si daacad ah u ogol yihiin nidaamka talo ee u
arimiya, iyagoo aad arkeyso in qofka loo keenayo warqad ka socota Saldhiga
Xaafadiisa oo la leeyahay imow Saldhiga, kadibna uu toos u aadayo halkii looga
yeeray, taasoo marag u ah sida shacabku uu u ogol yahay nidaamka iyo kala
danbeynta.
Waxaa jira Siyasiyiin aad u diidan natiijadii Doorashooyinka iyagoo leh si
cadaalad ah uma aysan dhicin Doorashadu, raggaas waxaa kamid ah “Siilaanyo”
wuxuuna hada iska ogolaaday inuu sidaas ku aqbalo natiijada.
Somaliland:
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta
Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Haddii dib
loogu noqda Taariikhda waxaa cad in shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay
rumeysnaayeen Somaliweyn. Taas si loo raadiyo ayey shacabku qabeen in laga
bilaabo midowga labadan gobol ee xoroobay waa Waqooyi iyo Koonfur,
Siyaasiyiintiina taasey ku shaqeeyeen, waxaadna ka garaneysaa in shacabka
Waqooyi ay midnimada xiisad iyo kalgacalo u qabeen sida ayba wax walba ugu
tanaasuleen walaalahooda Koonfureed.
Aragtida shacabka ee hadeerna, waa in la raadiyo Somaliweyn iyadoo laga
bilaabayo soo celinta dhulkii loo bixiyey Jamhuuriyada Somaaliya, oo ka kooban
Koonfur iyo Waqooyi: si heerkaas loo gaaro waxay shuruud ka dhiganayaan horta
Koonfur ha heshiiyaan, markaas aanu wada hadalno anagoo siman, si aan usoo
ceshanno dowladii Jamhuuriyada, waxayse dhahaan yeeli meyno shuruud la’aan sidii
60.kii, oo hadda shuruud ayey wadtaan.
Marka la iska ilaawo dawakhinta warbaahinta Somaliland, iyo dano ku gaarka
madaxda Siyaasadeed oo Goboladaas, waxaa shacabka dhab ka ah soo celinta
calankii Soomaaliyeed iyadoo xuquuqda loo wada siman yahay. Aqoon-yahan
Soomaaliyeed ayaa iigu waramay inuu Habeen arkay isagoo fadhiya Hoteel ku yaal
Hargeysa, dad tira badan oo si xiise leh u daawanaya waraysi uu Talafishinka
Alajazeera la yeeshay, Madaxweynaha D.K.G. ah C/Qaasim Salaad Xasan, kolkaasuu
aqoon-yahankii weydiiyey nin shacabkii daawanayey kamid ah “ Maxay tahay sababta
loo xiiseenayo waraygisa C/Qaasim? Waxaa loogu jawaabay . Dee waa Madaxweynihii
Soomaaliya, walaal Somaliland-taad maqleysaa waa Beer, Beerna dee qadadaa lagu
sugaa.
Waxaa muuqata in shacabka Waqooyi ay magacan Somaliland ku sugayaan Koonfur oo
heshiisa, waxayna u arkaan magaca Somaliland neef subixii la qashay oo hada
Beerkiisii lagu sii Quraacanayo si loogu Qadeeyo marka la helo Somaliweyn.