13. OO DOWLAD DUMIS AH. IYO 13. OO DOWLAD LA’AAN AH.
Sanadku markuu ahaa 1978kii Ayaa qaar kamid ah Saraakiishii Xoogga dalka
Soomaaliyeed, ka baxsadeen Dowladii Soomaaliya, waxayna u galeen Itoobiya, rag
farabadan ayaa wadadaas qaaday, qofkii ka soo carooda dowladiisa wuxuu gaashaan
ka dhiganayey Itoobiya, waxaana wadan-kaas isugu tagay tiro aad u badan oo kamid
ahaa hawl-wadeenadii xukunkii Soomaaliya.
Gacansiintii dowladii Mingiste awgeed ayey fariisimo ciidan ka samaysteen
gudaha wadanka Itoobiya, magacyadii lagu hawlgalayey waxaa kamid ahaa.
S.S.D.F.,
kadibna S.N.M. waxaa ku soo xigay U.S.C. iyo S.P.M. intuba waa magacyada
jabhadihii xarumaha ciidan ka samaystay gudaha Itoobiya.
Intoodaas waxay ka mideys-naayeen in la rido dowladdii Siyaad Barre, laakiin
majirin qorshe Siyaasadeed oo u abuurnaa, qaarkood caadifad qabiil bey ku
abuurmeen, qaarna sababtii loo aasasay maba aysan aqoon raggii aasaasay.
Ciidanka dagaalka loogu yeerayana waxaa loo sheegay in beesha Madaxweynaha ay
dhibaato u geystay beeshiisa, saas darteed ay haboon-tahay inuu daafac tolkiis.
Dagaallo lagu hoobtay ayaa la is weydaarsaday, dhibtuna waxay cirka isku
shareertay goortii ay Jabhadaasi soo gaareen gudaha Somaaliya, halkaasoo ay
xadgudubyo badani ka dheceen, oo ay dowladiina dad aan waxba galabsan u geysatay
dhibaato, iyadoo eryaneysa ciidamo ay ugu yeertay MAHBAR.
Laga soo bilaabo 1978kii ilaa 1991kii waxay jahadahaasi ku hawlanaayeen
sidii ay u dumin lahaayeen maamulkii Siyaad Barre. Abaabulkii ay 78kii bilaabeen waxay ku guuleysteen 91kii Intaas shacabka Soomaaliyeed ayaa ku
dhimanayey dagaaladii u dhaxeeyey dowlada iyo mucaaradkeeda, maadama aysan
jabhadahaasi lahayn Barnaamij Siyaasadeed oo ah iney gacanta ku dhigaan hanaanka
maamulka ee dalka, waxaa la oran karaa hawl-galkii ahaa iney ridaan dowladda wey
ku guuleesteen, maxaa yeelay hadaf intaa ka weyn maba aysan lahayn.
"Wax dumintu aqoon uma baahna ee wax garad la’aan
ayey u baahan-tahay, laakiin wax dhisiddu aqoon iyo xilkasnimo ayey rabtaa" |
Sida lawada ogsoon yahay wax dumintu aqoon uma baahna ee wax garad la’aan
ayey u baahan-tahay, laakiin wax dhisiddu aqoon iyo xilkasnimo ayey rabtaa. Taas
waxaa marag u ah, jabhadihii mucaaraday dowladii markaa jirtay mid waliba
danteeda waxay ahayd Siyaad meesha ka saar, xilkaaguna intaas haku ekaado.
HALKEY KU DANBEEYEEN MADAXDII JABHADAHA:
C/Laahi Yuusuf Axmed:
Waxaa raggaas ugu magac dheer Col C/Laahi Yuusuf Axmed, oo ah aabihii
bilowgii burburka Soomaalida, waa maskaxdii hindistay wiiqinta Dowladii
Soomaaliyeed ee uu taladeeda hayey Jen Maxamed Siyaad Barre. C/Laahi markaas
wuxuu islahaa intaad M/S/Barre xukunka ka eridid adigu ku fariiso, laakiin
nasiib xumo iyo nasiib wanaag midey u noqotaba maanta wuxu gogol la fadhiyaa
qaar siyaasiyiin Soomaaliyeed sheeganaya oo wiilshiisa lada’ ah.
Dhawr jeer wuxuu ku celceliyey inuu ka shalaysan-yahay bilaabistii baladatan,
wuxuu yiraahdaa, ma moodeyn inuu xaalku saan noqon doono, ee hadaan ogaan lahaa
maba aanan bilaabeen, wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyaa hadeerna xal
Soomaaliyed baan Diyaar u ahay.
1978kii ayey ku dhalatay inuu dowlada ka horyimaado, wuxuu dhisay jabhaddii
S.S.D.F. dagaallo culculus ayuu la galay dowladii dalkiisa, isagoo hubka ka soo
qaadanaya codowgii dalkiisa, kuma guuleysan inuu miro ka dhaliyo, kadib isla
dowladii uu gacanta ka helayey ayaa garatay iney xabsi u taxaabto, waxaa la soo
daayey 91kii. Somaliya oo uusan Siyaad Barre ka talineyn, wuxuu lugta la galay
Dagaaladii Sokeeye, dagaal hubeysan ayey isaga horyimaadeen isaga iyo raggii ay
shalay mucaaradka isla’ahaayeen, waa Jen Caydiid, hadana Xamar bey ku shireen C/Laahi
iyo Caydiid si ay dowlad u dhisaan, laakiin iskuma aysan afgaran, iyadoo nin
waliba is yiri beeshaada saan uma cuntanto.
1998kii ayuu C/Laahi xaar-xaartay 5.gobol oo ugu walqalay Puntland, Magacii
uu raadintiisa bilaabay 78kiiina halkaas ayuu ka helay, waa Madaxweynaha D/G/P.
Sadax sano oo doorasha ah ayaa u dhamaatay, kadibna iyadoo muruq ah ayaa hadana
loogu yeeraa Madaxweyne. Misana waxa uu kala qayb galayaa shirarka dib-u-heshiisiinta
Soomaalida qaar socodka bilaabay 2.ama 3. sano kahor.
C/Laahi waa nin kalya adag, waxa uu rabana yaqaan, siduu ku heli lahaana
yaqaan, xaq iyo xaqdarro tey rabto ha u noqotee. Waa nin u sabraa dantiisa,
dunida oo dhan hadey mucaaraddo tiisa ayuu ka wataa, noloshiisa iyo wax kastaba
waxaa kala muhimsan sidee baad Madaxweyne ku noqotaa. Siyaasiyiinta Soomaalidana
waa ku yar yihiin hadda nin isaga oo kala ah dabci ahaan.
JEN: MAXAMED FAARAX “CAYDIID”.
Mucaaradkii dowladii Soomaaliya hadii la soo qaado waa ninka dunida ugu
magaca dheer, taasoo uu ku gaaray waagii uu Sadaamka Soomaaliya ahaa, ee uu
dunida oo dhan la dagaalsanaa,
Waa madaxii U.S.C. maadama uu Jenan ahaa, wuxuu noqday hogaamiyaha ciidan ee
jabhaddaas, hadafkiisii ahaa inuu rido dowlada waa u meel martay, waxaa la
sheegaa inuu maanka ku hayey isaga oo Madaxweyne mar un laga dhahayo dhamaan
dalka Soomaaliya, si uu taas u gaaro, waxaa ciidankiisa u suura-gashay inuu Gado
ka saaro Siyaad Bare, Kismaaya uu qabsado, dhinaca kalana uu ilaa Gaal-kacayo
gacanta ku dhigo, mudo yar gudahood Gedo, G/Kacayo, Kismaayo, B/Weyne waa laga
soo wada ceshay, kolkii danbe waxaa isugu soo hartay K/Muqdisho, ilaa Jilib
agteeda iyo ilaa Baydhabo.
Intaas isaga oo gacanta ku haya ayaa isla K/Muqdisho lagu qabsaday oo
ururkiisii qaar ka falliiq-meen, dagaallo culus ayaa gudaha xamar ku qabsaday,
ilaa ay tiisiiba ku gashay, maalintuu dhintay ayaan Idaacaddo badan daaray si
aan bal war u helo, waxaan furay Idaacadda dalka Suuriya oo warkeedii sidan u
dhigtay.
(Waxaa maanta magalada Muqdisho ku geeryooday Jen.Caydiid oo kamid ahaa
dagaal-oogayasha Soomaaliya, iyadoo ay toogteen dad aan la’aqoon, Caydiid wuxuu
sheeganayey inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuse maanta dhintay isagoo ku
dhex dagaalamayey K/Muqdihso).
Jananku wuxuu geeryooday isagoo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya, wuxuuna dhisay dowlad ka kooban Madaxweyne,Madaxweyne ku xigeenno
iyoWasiirro, mase lahayn goloyaal Barlamaan. Wiilkiisii Xuseen Caydiid ayaa
dhaxal u helay, isagana sanado yar kadib wuuba kala aftaxay dowladii, halkii uu
salkeeda balaarin lahaa.
Jen Caydiid wuxuu ahaa nin qofkii jecelna soo dhawaysta, kan necebna la
dirira, xabad ayuuna u qaadan jiray qofkuu ka dareemo inuusan
Madaxweyne-nimadiisa meel u dhigayn.
C/Raxmaan Axmed Cali “Tuur” .
Waa siyaasi ruug caddaa ah, Alaha u naxariistee dhawaan ayuu geeryooday,
dagaalkii 77kii wuxuu ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Itoobiya, mudo kadib
Dowladiisii ayuu ka carooday wuxuu ku biiray mucaaradkii, isagoo gabaadsaday
isla dowladii uu shalay maqaamka Safiireed ku joogay, isagoo leh dowladii aan
shalay matalayey ayaan hada ka horjeedaa.
Madax ayuu ka noqday Jabhaddii S.N.M. haddii dowladii dhexe la riday, wuxuu
mahad naq u helay in Madaxweyne looga dhigay Somaliland, waana Madaxweynihii
Koowaad ee ay yeelato Somaliland, wax yar kadib jagadii waa lagala noqday,
misana waxaa soo dhawayn loo siiyey M/Cigaal.
Tuur hadii laga qaaday jagadaas, Xamar ayuu iska soo xaadiriyey, wuxuuna qayb
ka noqday dowladii salballaar, oo uu madaxweyne ku xigeen ka helay, haddii
iyadiina wiilkii kala diray oo uu xoogaa wareeray, wuxuu si xal kale waa ah,
isku qanciyey inuu Siyaasadda isaga fariisto, go’aankaas isagoo ku taagan ayey
tii Alle u timid. ALAHA U NAXARIISTO.
Dadkii yaqaanay waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin qabow, oo dagan.
Axmed Cumar Jees:
Waa sargaal sare oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay
walaalo ahaayeen M.Cumar Jees oo ka tirsanaa Golihii sare ee kacaanka. Markii uu
ka goostay Dowladdii Soomaaliya, waxa uu ku biiray Jabhadihii joogay Itoobiya,
kadibna ciidankii S.P.M. ayuu Ammaan-duule ka noqday, wuxuu watay Jabhaddii
qabsatay Gobolada Bay iyo Bakool isagoo fulinayey heshiis ay wadagaleen
Saaxiibadiis.
Waxa uu qayb firfircoon ka qaatay dagaaladii sokeeye ee dalka, magaalada
Kismaayo ayuu marna gacanta ku dhigayey, marna looga adkaanayey. Maxaqiijin karo
inuu hankiisu ahaa Madaxweyne noqo, waxaase muuqatay inuu islahaa bal marka hore
Siyaad Barre meesha haka baxo. Kadib wuxuu wax ka dhisay dowladii fadhiidka
ahayd ee Salballaar loogu magac daray.
Mar dhawayd ayaa la weydiiyey inuu islahaa maalintuu dagaalka Soomaaliya ku
soo qaadayey, in xaalku uu saan ku danbeyn doono, wuxuu ku jawaabay inuusan
sidan filayn, laakiin uu islahaa ugu badnaan 30.cisho kabadan dalka ma qasnaan
doono.
Kadib waxaa aad u daciifay dowrkii uu ku lahaa Siyaasada Soomaaliya, hada
shirka Soomaalida uga socdo Kenya, wuxuu ku guuleysan waayey in dowlada Kenya ay
u aqoonsato inuu kamid noqdo madaxda Siyaasadda Soomaaliya. Haddeerna waxaa soo
hinqiyey golaha samata-bixinta Soomaaliyeed. Ee Balcad lagu dhisay.
Su’aasha isweydiniita leh waxay tahay. 4.taas oday ee ay labana geeryootay,
labana noo shahay, hankoodii magaareen? Hadeysan gaarinna maxay ku danbeeyeen?
Haddii ay 13. ku hawlanaayeen duminta Dowladdii Soomaaliyeed oo misana ka qayb
qaateen 13.kii sano ee Dowlad la’aanta, maxaa talo ah oo ay hadda hayaan? .
"Hadaf la’aantu waxay dhashaa inaad qiima dhacdo"
|
Hadaf la’aantu waxay dhashaa inaad qiima dhacdo, waana waxa ay hada la
kulmeen, malaha inkaartii umadda ayaa ku dhacday, haba ku dhacdee, ma ogyihiin
iyagu iney inkaaran yihiin? Ma umalayneysaa inuu garaad leeyahay ninkii 13. sano
ku hawlanaa inuu dowladiisa dumiyo, hadana 13. oo dowlad la’aan ah kadib faylka
raashinka lagalay 800. qof oo ergo ah, isagoo ka soo qayb galay shir looga
hadlayo sidii Somaaliya Dowladdii loogu soo celin lahaa, xusuusnow Dowlada la
soo celinayo waa tii uu isagu gacantii ku dunshay.
Kuwaas waxaa ka xun, shacbiga wali ay la tahay inuu yahay kan beeshooda
matala, kaba sii daranee waxay u haystaan inuu isagu yahay badbaadi-yahoodii,
waxaaba macquul ah, sababta aan dowladayada u la’nahay ineyba tahay, kuwii 13.ka
sano ka shaqaynayey iney dowladii dumiyaan, oo hadana 13. kale oo Dowlad la’aan
ahna masuul ka ah, misana isla iyagii baa 26.sano kadib dowlad laga sugayaa.
Anigu quustayee akhristoow talo keen, maadaama aan kuu soo koobay 26.sano oo
shido ah, oo ay Soomaalidu soo martay, bal xalka ii sheeg.