Wax akhrin:
Waxaan akhriyey taariikh nololeedka Madaxda dunida, waxan ogaaday in
badankood ay ka qalin jabiyeen Jaamacaado, waliba ah kuwa la xiriira Siyaasada,
makra laga reebo Jon Mejar oo la ii sheegay inuusan ka qalin jabin Dugsi-Sare ,
lakiin ka talo wacan kuwa badan oo Jaamiciyiin ah, markii aan damcay in aan
ogaado taariikhda Siyaasi-yiinteenna waxa uu ahaa midka ugu aqoonta badan
askarinimo mid darajo fiican ka gaaray, sida Janeraal ama Koloneyl ( waa
horudhici maqaalkii:
SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!!).
Wax akhrintu waa asaaska aqoonta qofka, waana tilmaanta sharafeed ee
diyaarsanaanta shakhsiga, hogaan ahaan iyo dadnimo ahaan. Xilka uu waaridku
ilmihiisa iska saaro waxaa ka mid ah inuusan dhalaanku kolka uu kobco noqon ummi,
taasna waxaa loo maraa in la geeyo goobaha waxbarashada, waa dadaalka ay u badku
goorta ay garaad-sadaan ay waalidiintooda uga duceeyaan.
Tirakoob qayaxan laguma samayn Siyaasiyiinta Soomaalida intooda wax qorta iyo
kuwooda umiga ah, laakiin xansiyo farabadan oo lagu sameeyey, waxaa lagu ogaaday
in Siyaasiyiinta soo shaac baxday burburkii dalka kadib intooda badan ineysan
waxna qorin waxna akhrin. Waxaa la yaqaanaa qaar kamid ah oo warqadaha loo
saxiixo, kuwooda fahmada lehna fartaa loogu fiiqaa halkii ay qalinka saari
lahaayeen, iyadoo horay loo soo xafidsiiyey xuruufta uu wax ku saxiixo oo kaliya.
Siyaasiyiinta qaarkood aad ayey ugu fiican yihiin wax qorista iyo wax
akhrintaba, qaarnkoodna heer aad u sareeya ayey ka gaareen aqoonta, hadey tahay
Milatariga, Afkaarta Shuuciyada, (hadiiba aqoonta lagu daro) iyo luqado badan,
C/Laahi Yuusuf Axmed waxa uu ka mid yahay raga aqoonta xeesha dheer u leh
cilmiga Caskariga, waana aqoon ay u qirsan yihiin cadawgiisa iyo saaxiibadiisba.
Waxaa isagana cilmigaas aqoon qoto dheer u lahaa Jen. Caydiid oo isaguna looga
danbeeyey cilmiga Milatariga.
Xagga cilmiga luqada Siyaasiyiinta Soomaalidu qaar badan oo kamid ah ayaa
yaqaana luqadda Ajnabi ah C/Qaasiim Salaad Xasan waa Luqadyahan. Waxa uu ku
hadlaa luqadaha kala ah, Carabiga, Talyaaniga, Ingiriiska, iyo Ruushka,
luqadahaas qaarkood waxbuu ku bartay, taasoo u sii sahleysa isticmaalka luqada.
Siyaasiyiinta Soomaalida intoodii wax noqotay burburkii ka hor waa rag wax
akhrin yaqaan qorina yaqaan. M.Cigaal wuxuu isagu si aad ah u yaqaanay luqada
Carabiga iyo tan Ingilishka, oo kolka uu ku hadlayo aad moodeyso inuuba u
dhashay.
Maxamed Qanyare Afrax, waxa uu ku hadlaa Luqada Ingilishka iyo Sawaxiliga.
Sidoo kale Xuseen Caydiid isna wuxuuba ku barbaaray dalka Maraykanka oo uu
waxbarasho ilaa heer Jaamacadeed ku gaaray. Jaamac Cali Jaamac isna Carabiga iyo
Ingilishka wuu ku hadlaa. Xasan Abshir isna Carbiga waxbaa uga baxsan,
Ingiliishkana waa ku hadlaa.
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga
waa jaahil—Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?.
Wardheere... |
Tiro kale oo aad u badan baa jira oo luqado qalaad ku hadla, Afsoomaaligana u
dheeryahay. Su’aashuse waxay tahay Luqadi ma’aqoonbaa? Jawaabta waxaad ka
akhrisaa maqaalkii uu dhawaan qoray “Wardheere” ee uu uga hadlay arintaa, dabcan
aqoonta luqada waa jaranjarada cilmiga, laakiin waxay luqadi agab leedahay
kolka ay la socoto aqoon kale, Siyaasiyiin-teena-se waxaa ku badan kuwa aan ku
hadlan afkoodii Hooyo luqad aan ahayn, waliba iyadana aanba qori aqoon.
Waxaa jira kuwa badan oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan Afsoomaliga
xitaa qori aqoon, hadii aan damco inaan magacaabo wey fara badan yihiin intooda
badanna waan wada aqaanaa, magacyadooda iyo dhacdooyin ama aan goob joog u ahaa
ama marag leh ayaan u hayaa, laakiin aan u ceeb asturno. Iney fulaynimo iga
tahayna way u badan tahay oo aanan ku dhicin sheegistooda baqdin awgeed.
Wax qoris:
Inta aan Internet-ka ama joornaalada wax ka akhrinayey waxaan marar badan
akhriyey maqaallo ay qoreen madax dunida soo martay ama kuwa hada madaxda ka ah,
waxaa arintaa aad ugu badan dalka Mareykan oo aad arkeyso iney madaxdooda ay
Jornaalada Caalamiga ah ku leeyihiin maqaallo muhim ah, doraad ayaan akhrinayey
maqaal uu qoray W/A/Dibadda ee Maraykanka, maqaalkaas oo uu uga hadlayey arimaha
Suudaan. Sidoo kale waxaa lamid ah W/Gaashin-dhigga, waxaan kaloo arkaa Maqaallo
uu qoro R/Wasaaraha Biritin, tusaalayaa-shaasna waa badan yihiin.
Hada ugama fadhiyo inaan ku khasbo Siyaasiyiinta Soomaalida iney wax qoraan
oo ay maqaallo usoo diraan warbaahinta Somaalida. Waan ognahay iney hadlaan oo
ayba wareeriyaan BBC-da iyo Idaacadaha gudahaba, qaarkood waxay jecel yihiin in
maalin walba la waraysto oo la dhagaysto, laakiin caado uma lahan iney wax
qoraan oo ay qalin qaataan, sababtana waxay noqon kartaa, Soomaalida oo dhaqan
ahaanba aan ahayn umad qalinka agtooda qiima ka leeyahay, oo waa umada hadalka
aad u jecel. Saas awgeed waligaa ma aragtay maqaal uu qoray Siyaasi Soomaali ah.
Hadaanan ka rabin iney maqaallo qoraan, aan is weydiinno ma akhriyaan
qoraalada laga qoro, ha’ahaadaan kuwa iyaga laga qoray shakhsiyan ama kuwa
kalaba. Qorayaasha Soomaalida ayaan maanta sir u kashifayaa. Sirtaasi waxay
tahay in Siyaasiyiinta Soomalidu badankood ineysan waxba akhrin, saas awgeed
haddii aad Siyaasi Soomaaliyeed wax ka qorto si shakhsi, habaqin oo hamoodin
inuu ku ogaaday ee ka soo qaad inaad wax ka qortay xiligii Daraawiishta.
Aniga waxaan moodi jiray in Siyaasiyinta Soomaalidu ay yihiin sida ku Carabta
oo kale, waxaan muddo arki jiray qoraa Carbeed oo maqaal ka qora Siyaasi R/Carbeed,
oo ama naftiisa u waaya ama uu xumaado xiriirkii isaga iyo Siyaasiga, wuxuuna
ogaadaa inuu akhriyey qoraalkiisii colaad weynna u hayo, laakiin nasiib wanaag
ama nasiib xumo key noqotaba Siyaasita Soomaalidu waxba ma akhriyaan oo
joornaalada ma fiirshaan, xitaa marka iyaga la waraysto dib uma akhriyaan.
Maalin ayaan dalbaday lakulanka Siyaasi Soomaaliyeed anoo waraysi ugu socda,
waxaan islahaa koley ku yeeli uu mayo marka uu arko magacaaga, isla markiiba
waxaa la ii soo sheegay inuu aqbalay lakulan-keyga, wuxuuna ahaa Siyaasi aan
qoraal aad u adag ka qoray, tilmaamo kululna ka bixiyey oo keeni kartay inuusan
igu soo dhawayn, intii aan usii socday lakulan-kiisa waxaan islahaa malaha inuu
adiga ku canaanto ayuu rabaa, laakiin goortii aan u tagay madhicin oo sidii
qofaan waligii imaqal ayuu isoo dhaweey, umana ekeyn nin u adkeystay qoraalkii
aan ka qoray oo iskala weyn inuu igu soo qaado, malaha waraysigii aan ka
qaadayna inaan daabacay iyo inkale ma sii raadin.
Taasi waxay marag ka tahay ineysan jirin faariin ay rabaan iney gaarsiiyaan
dadweynaha, manalahan waax warbaahineed oo u daba gasha arimahaas, dhacdadaas
aan ka soo sheekeeyey markii ay igu dhacday, waxaan iskula hadlay tolow armeyba
saan ku fiican yihiin ineysan waxba akhrin, oo haday wax akhrin lahaayeen sow
mushkilad kale oo Somalida ku soo biirta manoqoteen?. Anna sow maalintaa ma
sigteen?. Waxaase xaqiiqo ah hadey ahaan lahaayeen kuwa wax akhriya inuu
garaadkoodu intaa ka sarayn lahaa.
Sheekhul Islaam “ IBNU TAYMIYA” ayaa isaga oo xertiisa maalin wax u akhrinaya
oo ay fadhiyaan, waxaa soo agmaray xubno sarsare oo ka tirsanaa madaxdii
TATAARKA iyagoo cabsan, kolkaasaa nin ardaydii kamid ah sheekhii ku yiri, aan
wacdiyo nimankan oon u sheego Khamradu iney Xaaram tahay iyo iney ilaahay ka
cabsadaan, Sheekhii wuxuu ugu jawaabay iska daa ha cabaan khamradooda oo sidaas
ha u miyir beelaane, waayo hadey soo miyir sadaan dhibta muslimka unbey ka
shaqaynayaan.
Ibnu taymiya malaha wuxuu ka fakaray ka celinta khamri cabidda iyo balo u
fakarkooda marka ay soo jeedaan, iney dhib yar tahay khamro cabidooda, waxaan
hadda uga danleeyahay Siyaasiyiinta Soomaalida ineysan waxba akhrin armey u
fiican tahay nabadgalyada qorayaasha Soomaalida, si ay fursad ugu helaan
badbaadin umadda, qoraalkaanna waxaan hubaa inuusan gaari doonin qaar badan oo
kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida laakiin adiga akhristaha ayaan kuugu talagalay.