SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
QOWMIYADDA CARAB SOOMAALIDA OO CABATAY

 

Ibraahim Mohamedeeq

 imdeeq@hotmail.com

Oct 28, 2002 

I  I  D  H  E  H

 

 

Ergooyinka shirka dibu heshiisiinta soomaalida Eldoret ka jooga qowmiyadda carabtu qoraal ay Somalitalk soo gaadhsiiyeen ayeey kaga cawdeen inaan wax xubna ah laga siin madaxda siyaasadda soomaalida ee had iyo goor ay gudiga farsamada Igad kala hadlaan nabadaynta soomaalida iyo dibu heshiisiinta, qoraalkas oo aad u dheeraa ayeey xubnaha carabtu ku dalbadeen in loo aqoonsado wixii ay xaq u leeyihiin Carabta Soomaaliya ku noolaa oo ay sheegeen inay beled iyo baadiye, Waqooyi iyo Koonfunba soomaaliya afarteeda dacal ku nool yihiin.

Cadi Kariin Maxamed oo ku magac dheer Cabdi Dheeg oo ka mid ah raga arintan sida wayn ugu doodaya isla markaana ah ergeyga Somalitalk.com qormadan soo gaadhsiiyey ayaa sheegay in iyagoo aad ugu faraxsan shirkan iyo heshiiska durba lagu gaadhay haddana ay u halgamayaan xaqooda,.

Qoraalkaas waxay Carab Soomaalidu ku xuseen inay taageero wayn u hayaan shirka balse ay eedda ah inaan lagu darin xubnaha sare ee shirka ayeey dusha ka saareen gudiga farsamada Igad, waxayna caddeeyeen inaysan ka hadhayn ilaa iyo inta loo ogolaanayo waxa ay tabanayaan, waxay kaloo warqadooda ku xuseen in loo ogolaaday qawmiyadda Banaadiriga xubintoodii taasna iyagoo ku faraxsan ay iyana doonayaan in loo ogolaado xubintooda.

Waxaa soo koobay: Ibraahim Maxamedeeq
Somalitalk.com
Eldoret, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com


 http://somalitalk.com/eldoret  

.... TALO SOO JEEDIN AY AY BOQORADA SOOMAALIDA ELDORET JOOGAA SAMEEYEEN

....ELDORET: Taxanaha Wararka


WARARKA KALE EE OCTOBER -GUJI


SEPTEMBER 
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD