SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
TALO SOO JEEDIN AY AY BOQORADA SOOMAALIDA ELDORET JOOGAA SAMEEYEEN

Ku: Guddoomiyaha Guddiga Farsamada IGAD, ee shirka dib-u-heshiisiinta Somalida, ahna ergayga gaarka ah ee Dawladda Kenya Mudane Elijaha Mwangale,

Og. Wakiilada dawladaha safka hore ee Igad shirka uga wakiilka ah,

Xoghayaha Guud ee IGAD,

Ururka Jaamacadda Carabta,

Taariikh 26/10/2002

Eldoret, Kenya,

Ujeeddo. Talo soo jeedin

I  I  D  H  E  H

 

Marka hore, waxaan mahad ballaaran u celineynaa, dawladaha IGAD, iyo beesha caalamka oo dadaal weyn ugu jira xal u helidda arrimaha Somalida.

Waxaan kale oo mahad gaar ah u jeedineynaa, dawladda iyo shacabka Kenya, oo si walaaltinimo, erisnimo iyo afrikaanimo ah u xanaaneeyey, dadkayaga ay masiibadu ku habsatay, haddana ay weli dalkooda joogaan qaxooti fara badan oo Somali ahi. Sidaas oo kale, waxaan mahad u celineynaa dawladaha Jabuti iyo Ethiopia, iyo kuwa kale oo iyaguna gargaarka u fidiyey qaxootiga Somaliyeed. Somaliduna waa og tahay saaxiibadeeda dhabta ah, abaalna waa u haysaa.

Intaas kadib mudaneyaal,

Boqorrada Somaliyeed waa hoggaamiyaasha dhaqanka, dhaqankana waxaa saldhig u ah NABADDA, taariikh fog bayna ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Sidaas darteedna door weyn ayey ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta QARANKA SOMAALIYEED. Maxaa yeelay, waxay ahaayeen weligood, garsooreyaal marjac u ah bulshada.

Sidaas darteed, in kasta oo aan u aragno in IGAD ay lumisay doorkii

boqorrada, haddana maanta waxaan haysanaa fursad qaali ah oo tii ugu dambeysay ah, mar haddii IGAD iyo Beesha Caalamkuba ay aragtidoodii Somaliya ay mid tahay.

Haddaba, boqorrada Somalidu waxay talo ku soo jeedinayaan qodobada soo socda:

1.In boqorrada Somaliyeed la siiyo doorka ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta Qaranka, IGADna ay u sahasho kaalintooda.

2.In Somalidu ay si dhab ah u heshiiso, oo aan marna laga tegin shirkaan, iyada oo aan la dhisin dawlad Qaran oo loo dhan yahay.

3. In midnimada Somaliyeed ay muqadis tahay,sidaas darteedna la keeno shirka, ergadii Somaliland uga qaybgeli lahayd.

4. In Beesha Caalamku ay diyaariso barnaamij degdeg ah, oo isugu jira:

b. hub ka dhigis dalka oo dhan ah, si loo badbaadiyo hambada maatida

ka hartay.

t.In Somalida lala soo gaaro gargaar ballaaran oo hiil iyo hooba,(maaddi iyo macnawiba) leh, si loo dabaqabto masaakiinta ay macluusha iyo daawo la’aantu ku haysato, dalka gudihiisa.

j.In la abuuro mashaariic isugu jira , horumarin iyo dhaqan-celin, si dalka xasilooni loogu soo celiyo, nololna looga abuuro.

5. In Beesha Caalamka, dawladaha waaweyn iyo kuwa daneeya Somaliya ay gacan weyn ka geystaan, fulinta iyo meelmarinta natiijada ka soo baxda shirkaan.

FIIRO GAAR AH:

Boqorrada Somaliyeed oo ay ka go’an tahay in shirkaani uu najaxo, ayaa haddii shirkaani uu guulaysan waayo, waxaa ka go’aan ah in ay ka soo saaraan beyaan cad.

Raalina kama noqon doonaan, taariikhduna saamiximayso, in Beesha Caalamku ay Somaliya sidaas ku sii fiirsato.

Magacyada iyo saxiixa boqorrada warqaddaan qoray waxay kala yihiin:

  • 1.Ugaas Abdulkadir Ugaas Hashi Faradde
  • 2.UgaaS Abdullahi Ugaas Farah
  • 3.Ugaas Issa Ugaas Abdulle
  • 4. Ugaas Hassan Ugaas Yaasiin
  • 5.Ugaas Abdi Dahir Ugaas Nur
  • 6.Ugaas Muhyadiin Ugaas Farah Foodey
  • 7.Ugaas Ali Ugaas Hassan Rage
  • 8.Ugaas Aden Ali Ma.alin
  • 9.Malaaq Shawri Malaaq Olow
  • 10.Boqor Ali Mahadi
  • 11.Suldaan Abdullahi Ali Idd
  • 12. Suldaan Issa Hassan
  • 13.Suldaan Ahmed Jama Hersi
  • 14.Boqor Abdulkadir Mohamed
  • 15.Suldaan Ahmed Shiikh Ahmed Rashiid
  • 16.Suldaan Mohamed Mire Botan
  • 17.Ugaas Bilaw Hassan Haydar
  • 18. Ugaas Abdullahi Ma’alin
  • 19.Suldaan Ahmed Suldaan ;;Mohamed Ali
  • 20. Boqor Abdullahi Boqor Muse
  • 21. Sadiq Abshir Garaad
  • 22.Wabar Ahmed Wabar Abdi
  • 23.Suldaan Abdullahi Siikh Ahmed
  • 24.Ugaas Haji Yaquub Shiikh Ismail

Waxaa qoraalkaan lasoo gaarsiiyey SomaliTalk Eldoret, Ibraahim Maxamedeeq
E-mail: imdeeq@hotmail.com


 http://somalitalk.com/eldoret  

 ELDORET: Taxanaha Wararka


WARARKA KALE EE OCTOBER -GUJI


SEPTEMBER 
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD