SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
SHIR JARAA’ID OO AY GUDIGA HOGAAMIYAYAASHU MAANTA ELDORET KU QABTEEN

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 16 2002

imdeeq@hotmail.com

Hogaamiyayaashii xalay heshiiska ku saxeexay guriga uu Mwangale ka degan yahay magaalada Eldoret ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen ku nuux nuuxsaday inuu dhamaaday khilaafkii dhexooda yaalay ayna u baahan yihiin inay bulshada caalamku tageero la soo gaadho geedi socodka nabadda ee Eldoret ka socota. Shirkaa oo ay madaxda soomaalida ka sokoow ka soo qayb galeen ergayga maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, ergayga Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, ergayga Itoobiya ee soomaaliya iyo wakiilka shirka u jooga dawladda Jabuuti ayuu Gen. Gabyow oo magaca madaxda soomaalida ku hadlayey sheegay inay muddaba ka qayb qaatayaasha shirku iska daba wareeg ku jireen balse uu Illaahay xukumay inuu shirkii ay shalay yeesheen ku dhamaaday sidii ay rabeen, waxaana hadaladiisii maanta ka mid ahaa: “Tuhumo iyo shaki ayaa dadka ku kala dhex jirey, taasna shalay ayaan ka bugsoonay, taasina waxay ka dhalatay markii uu walaalkayo Mwangale shirkii uu noo qabtay xaqiiqda noogu sheegay, markaas oo aanu ogaanay inaanaan waxba la socon, maantase wuxuu Mwangale hayaan ognahay o wuxuu adduunku shirka ku caawiyaan ognahay”. Gen.gabyow wuxuu intaas ku daray inay markii hore moodayeen inuu caalamku lacago fara badan Kenya ku soo dal dalay oo ay hadda xaqiiqsadeen inaysan taasi run ahayn oo aysan Kenya oo lacagta shirka ku baxday sii bixisay weli xisaabteeii loo soo celin. 

Hoos Akhri

“Hadda laga bilaabo wax nagu dhex jiraa ma jira oo hal yool ayaanu wada higsanaynaa, wax kasta oo aanu shalay isla soo qaadnayna waanu ku heshiinay” ayuu yidhi Gen. Gabyow oo raali gelin iyo cudur dar ka bixiyey arimihii todaabadkii tegey Mudane. Mwangale ka soo gaadhay dhinacooda.alkarama

Waxa kaloo shirkii jaraa’id ka hadalay raysal wasaaraha DKG oo sheegay in guusha heshiiska ay gaadheen ay sabab u ahayd markii ay Mudane Mwangale ka codsadeen inuu maamulka shirka ku wareejiyo oo uu ka aqbalay dabadeedna uu weliba u sheegay inuu la garab taagnaan doono wixii ay uga baahdaan,. Wuxuu sheegay in shalay laga bilaabo ay masuuliyadda shirka madaxda siyaasadda soomaalidu hogaamin doonaan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Cid shirka laga leeyahay ma jirto, hogaankase waxaa iska leh inta saxiixday, waxaan maqlayey dad la wareegaya bulshada rayidka ah ayaa laga tegey, kamaanu tegin” ayuu yidhi Xasan Abshir oo intaas raaciyey inay saacado badan afarta qodob ee ay ku heshiiyeen ka shaqaynayeen, wuxuuna gudiga farsamada ka codsaday inay wixii talo iyo tusaale ah hogamiyayaasha la garab is taagaan, isagoo xusay inay talada iyo taageerada bulshada caalamkana u baahan yihin, wuxuuna soomaalida ugu baaqay inay tageeraan talaabooyinka lagu baadi goobayo inuu shirku ku najaxo si uu qarankii soomaaliyeed u soo laabto.

“In badan ayaan dad badan u sheegay inay soomaalida wax ka xumaadaan ee aysan ahayn dad caqli xun, waxaan filayaa inay dadkii figradahaas qabay ay hadda ka bixi doonto marka ay arkaan heshiiska aan afar iyo lbaatanka saac ku soo saaray, bulshada caalamku hadday rabtay inay soomaaliyi heshiiso waanu heshiinay, haddii ay jirto qaab ay doonayeen inaanu u heshiino ha noo soo ban dhigeen, waxaan bulshada caalamka ka codsanayaa inay geedi socodka nabadda soomaaliya ee Eldoret tageerto” Erayadaasi waxay ka mid ahayen khudbad dheer oo uu maxamed Qanyare Afrax ka soo jeediyey shirkii jaraa’d ee ay maanta hogaamiyayaashi xalay heshiiyey qabteen, Mudane Qanyare oo markuu hadlayey ay ka qayb galayaasha shirku hadalkiisa si weyn ugu bogen ayaa yidhi: “Inay soomaaliya dawladi ka dhalataa waxay dani ugu jirtaa wadamada jiiraanka iyo caalamka oo dhan waayo meel uusan sharci ka jirin waxay noqon karataa meel ay dambiilayaashu ku dhuuntaan”.

Wuxuu kaloo Mudane Qanyare manta la hadlay bulshada caalamka isagoo yidhi: “waxaa soomaaliya ka jirta siyaasad la yidhaahdi bal adba I garo oo uusan qofku wuxuu rabo sheegayn, bulshada caalamku waa kaas oo kale, hadday doonayaan inay somaaliya madax iyagu u sameeyaan taasi waa mida dhibka daba dheeraysay, mana soconayso”.

Mar uu ka hadlayey madaxda kooxaha iyo sida lo taageersan yahay Mr Qanyare wuxuu xusay inuusan jiri Karin qof aan cid la soconi wuxuuna yidhi; “dad baa jira dhahaya madaxa kooxaha dad lama jiraan sidee buu u jiri karaa qof aan cidi la jirin”. Wuxuu sheegay inuu hadaladiisa uga jeedo inay soomaalida iyo bulshada caalamku is fahmaan ee uusan isagu ku jirin dadyoowga bulshada caalamka neceb, wuxuu kaloo Qanyare ka hadlay dadka danaynaya inay soomaliya madax ka noqdaan wuxuuna yidhi: “ninkii madaxnimo rabaa baarlamaan afar boqol iyo konton ahaan ku heshiinaye madaxnimo ha ka dhex raadsado, qofkii aysan dadku rabina ma soconayo, dimuqraadiyada ay reer galbeedku sheeganaa siaa qabta, anaguna sidaasaan qabnaaye ha nalagu taageero”.

Maxamed Qanyare wuxuu hadakiisa oo aad u dheeraa una nuxur badnaa ku soo geba gebeeyey inuusan jirin wadan dhamaantiis wada argagixiso ah isla markaana uusan jirin wadan aysan wax dambiilayaal ahi joogin.

Shirkii jaraa’id ee manta ka dhacay xarunta shirka ee hotel Sirikwa waxaa ugu dambayntii ka hadlay gudoomiyaha gudiga farsamada Igad Hon. Elijah Mwangale oo isagu maanta ku tilmaamay inay tahay malin weyn oo qiimo weyn u leh dadyoowga geeska afrika, wuxuuna socodsiinta shirka iyo talabooyinka ay horay u qaadeen ku amanay madaxda soomaalida, wuxuuna dublumaasiyiinta shirka ka soo qayb gashay faray inay dareenka wanaagsan ee soomaalida ka yimid ay wadamadoodii gaadhsiiyaan.

Soomaaliya Xoog ayaa Lagu Muquunin doonaa hadii shirka Eldoret Burburo
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday ergeyga Kenya u qaabilsan arimha shirka Eldoret, isagoo sheegay in Soomaaliya laga qaadan doono tallaabo caalami ah haddii aysan dawlad yeelan bilowga 2003.....Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 15/12

Mwangale wuxuu ka sheekeeyey qiso dhex martay isaga iyo ergayga maraykanka ee soomaaliay iyagoo dhowaan Nairobi jooga, wuxuuna shegay inuu Mr. Gallen Warren u sheegay in haddii ay rabaan inay ku edeeyaan dib u dhaca ku yimid shirka Eldoret uusan keligii eeddaas lahayn ee ay la wadaagi doonaan Waliid, Chiristian, iyo isaga Gellen Warren, wuxuna shegay inay iyagu macalimiin ugu ahaayeen arimaha soomaaliya maadaama uusan isagu waxba ka aqoon markii hawshan loo xilsaaray oo uu siday wax ugu shegen u raacay sidaana ay dembiga ku yeelan doonaan.

Mudane Mwangale wuxuu manta shirkii dawaldda maraykanka ugu soo jeediyey codsi waxaan hadalkiisii ka mid ahaa: “Si gaar ahaaneed waxaan uga codsanyaa Dawladda Maraykanka oo ah dawlad aad u baaxad weyn oo aanu mar kasta uga baahanahay inay gacan ka geeyatoarimaha geeska afrikawaxaan codsi u sii marinyaa walaalkay Gellen Warren inanu weli u baahanahay kaalmada maraykanka, waxaanu kalo ka codsanaynaa inuu nagu sii dhex jiro oo uu naga mid noqdo intuu shirku socdo”.

“Waxaan ku faraxsanahay inay necaw cusubi u dhalatay soomaaliya, inay wax weyn oo aan la soo koobi Karin ay soomaaliya qabsatay, hawshan aad qabateen haddii soomaaliya la gaadhsiiyo oo go’aanka aad gaadheen meelo badan laga dhegaysto waxaan hubaa in muwaadin kasta oo soomaaliyeed meesha uu joogo ku rayn rayn doono, xalay intii dooddu socotay oo dhan gurigaygaan ku dhex jirey mar dambe ayaa la I kiciyey oo ay ii sheegeen inay heshiiyeen, markaan soo degayna waxay indhahygu ku dheceen soomaalidii oo midiba midka kale xabadka ku hayo oo aan farxadda ka muuqata la soo koobi Karin”. Sidaa waxaa yidhi Mwangale oo laftiisa farxad ka dhalatay rejada shirka e soo noqotay wejigiisa laga dareemayey, wuxuuna hadalkiisi ku soo geba gebeyey hadal uu u soo jeediyey siyaasiyiintii ka maqnayd heshiiskii xalay wuxuuna yidhi: “waxaan ka dalbaya hogaamiyaasha kale ee halkan jooga isla markaana dibedda ka taagna shiraka oo an ka qayb gelin oo ah kuwo loo soo shaqeeyoo hawl loo so qabtay inay lahaadaan dareen ah in arin soomaaliyeed laga soo shaqeeyey oo aan wax la kala goo goosan”.

Mudane Mwangale wuxu madaxda soomaalida ka codsaday inay si deg deg ah ugu soo gudbiyaan liiska sadexda boqol ee ay u raaan inay halkan sii joogaa iyo liiska dadka ay u rabaan inay soomaaliya ku noqdaan si uu diyaarado ugu diyaariyo, madaxduna waxay u sheegeen inay berri liisaskaas u soo gudbindoonaan.

 Heshiiska ay hogaamiyaashu xalay ku saxeexay Eldoret - GUJI

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD