1- waxay mahad celin balaadhan u celiyeen
dadka, dawladda iyo madaxweynaha Kenya Md. Daniel Arap Moi, dadaalka hagar
la’aanta ah ee uu la garab taagan yahay xal u helidda arimaha soomaaliya
iyo soo dhoweynta qiimaha leh ee lagu xurmeeyey wufuudda soomaaliyeed. Waxay
kaloo mahad celin balaadhan u jeediyeen dhamaan xubnaha gudiga farsamada ee
Igad, dawladaha safka hore, beesha caalamka iyo dawladaha deeq bixiyayaasha
ah.
2- In ergooyinka wejiga labaad ee shirku ay
noqdaan 300 oo ergey, laguna qaybsado qaabka beelaha soomaaliyeed oo ah 4.5
formula. Inay qaybta 5aad yeeshaan beelaha aan ka tirsanayn Hawiye, Daarood,
Dir iyo Digil iyo Mirifle.
3- In tirada xildhibaanada baarlamaanka
federaaliga ah ee xiliga kala guurka ay noqdaan 450 xildhibaan, laguna
qaybsado qaab beeleedka 4.5, iyadoo la waafajinayo dastuurka qaranka
soomaaliyeed ee qoristiisa lagu guda jiro.
4- In Mudane Danial Arap Moi madaxweynaha
dalka Kenya dhamaystiro dibu heshiisiinta iyo bad baadinta qaranka
soomaaliyeed xitaa hadduu xilka madaxweynanimada wareejiyo ilaa ay
soomaaliya cagaheeda isku taagayso.
Waxaa heshiiskan oo afartas qodob ka koobna
si rasmi ah u saxeexay madaxda kala ah: Gen. Aadan Gabyow, Xasan Abshir,
Col. Cabdilaahi Yuusuf, Cabdalle Deerow Isaaq, Maxamed Qanyare, Xuseen
Caydiid, Cismaan caato, Mawliid Macane, Shaati Gudud, Xasan Cabdillaahi
Qalaad, Hilowle Iimaan Cumar, Cabdillaahi Shiikh Ismaaciil, Maxamuud Seyid,
Maxamed Cumar Xabeeb, Cumar Finish, Cabdirisaq Biixi, Barre Hiiraale, C/casiis
Shekh Yuusf, Maxamed Aadan Waayeel, Sheekh Aadan Madoobe, Gen. Moragan,
Maxamed Cismaan Manye, madaxda soomaaliyeed ee Eldoret ku shirsan waxaan uun
heshiiskan saxexin Muuse Suudi oo isagu markii hore ee ergooyinka 300 ah
laga wada hadlayey shirkiiba ka baxay kuna andacooday ilaa loo ogolaanayo 20
xubnood ee loo casuumay inuusan shirka ku soo noqon doonin.
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|