Haddaad akhrisato oo fahamto maqaaladaan,waxaad helaysaa cilmi kaa maqnaa,
waxaad ka biskoonaysaa cuduro badan,waxaad fahmaysaa sababta keenta wax kasta,
shar ama khayr,waxaad jawaab u ehelaysaa su’aalo badan ee naftaada ku
wareegayay.Waxaad xallinaysaa mushkuladdada iyo mushkulaadka dadka
kale.Inkasta oo ay le’egtahay iyo nooc kasta oo ay tahay.Dhamaan
duruustaan waxay ku salaysantahay“ Quraanka” kariimka ah iyo “Xadithka”
Nabiga NNKtee. Waxay ku salaysantahay “ Aayaadka Alle ee Kownka iyo Nafta”.
Shardiga kaliya ee ku xiran waxaas aan kuu ballan qaaday waa inaad fahamto oo
u dhabagasho duruustaan.
Mowduuca guud waxaan u bixiyay “Islaamka iyo Ilbaxnimada
Muslimiinta”. Waxaan rabaa inaan saleeyo (2)laba shay.
1-In ilbaxnimada iyo aqoonta muslimiintu ay ku salaysantahay oo katimid
Islaamka.
2- In fahamka Muslimiitu ka haystaan Islaamka uu yahay mid jirran oo aan
dhab ahayn isla markaasna aan keeni karrin faa’iidadii laga rajaynayay.
Waxaan marka halkaan ku cadaynayaa in ilbaxnimadda muslimiintu jirrantahay oo
loo baahanyahay in la daaweeyo.
Cuduradii ku dhacay Yahuud &Nasaar(Christians)
ALLE Quraanka wuxuu inoogu sheegay cuduro Bulsho (Ijtimaaci) oo ku dhacay
umadihii Muslimiinta ka horeeyay, Yahuud & Nasaar.Isla cuduraddaas ayaa ku
dhacay Muslimiinta.
Suuradaha Madaniga ah ee Quraanka sida: BAQARA,ALU-CIMRAAN,ANNISAA
IYO MAA’IDDA waxaa lagu sheegay qissooyin dhaadheer oo looga hadlayay
cudurada ku dhacay umadahaas.Cuduradaas waxaa cuduro bulsho/mujtamac (social
deceas) waxayna ku dhicikaraan Bulsho Muslimiin ah sida cudurada jirku ugu
dhicikaraan Gaal iyo Muslim.Cuduradaas waxaa ka mid ahaa:
1- Cudurka isla-fiicnaanta iyo isla-qumanaanta.
“Waxay yiraahdeen (aaminsanaayeen) Annaga nalama caddaabayo oo naar nama
taabanayso waxaan ka ahayn dhowr maalmood oo tirsan”. Aayadda 80 ee Baqara.
Jawaabta quraanka: “Ma ballan ayaad Alle la dhigateen oo heshiis
ayaad sidaas kula gasheen mise waad isaga been abuuranaysaan.Haddaad Alle
heshiis sidaas kula gasheen Hadde Alle ballanka kama baxo”.
“Yahuud iyo Nasaaraa waxay yiraahdeen annagu waxaan nahay carruurtii
ILAAHay, Waana najecelyahay oo dadkale ula mid manihin”. Aayadda 18 ee
Maa’idda
Jawaabta quraanka: “Oo haddaad carruurtii Alle tihiin oo uu ini
jecelyahay muxuu idiin caddaabaa? Sidaa ma ahee, waxaad tihiin Bashar kamid
ah basharka Alle Abuuray”.
Waxay yiraahdeen “ waxba hakadhagaysanina hana ka rumaysanin qof aan
yahuudi ahayan. Hana u malaynina in qofkale la siiyay cilmiga iyo Diinta
idinka la idinsiiyay”. Aayadda 73- Alu-cimraan.
Jawaabta quraanka: “Fadliga iyo naxariistu gacanta Alle ayay ku
jiraan wuxuuna siiyaa qofkuu doono Allana waa waasac oo ciriir iyo
cilmi daro ma hayso wax walbana assaga ayaa og”.
“Waxay yiraahdeen Jannada magalayo qof aan yahuuddi ahayn ama Nasaar”
Aayadda- 111, Baqara.
Jawaabta quraanka: “Taasi waa filashadooda iyo waxa ay iska
dhaadhiciyeen ee ma aha wax sal leh,usheeg xujjo hakeenaan hadday run
sheegayaan”
“Arrintu ma aha sida aad idinku rabtaan (Muslimiin) Mana aha sida
Ahlul-kitaabku rabaan ama ay jecelyihiin.Ee arrinta dhabta ah ee waa faqsan
qaanuunka Alee, waa in lagu abaal-mariyo qofkasta xumaantii uu sameeyay.Mane
heli karo meel uu uga dhuunto qaanuunkaas caamka ah” Aayadda 123- Annisaa.
Taas macnaheedu waxaa weeye,majiro qof ama qol ka fakan karta caddaaladda
Alle. Magacay rabaa ha sheegteen,Diintay rabaanna ha aheedeen qaanuunku waa
ku fulayaa waana caddaaladda Alle.
CUDURKU WAA CUDUR BULSHO OO CAAM AH.
Maanta fiiri xaaladda muslimiinta. Waxay aaminsanyihiin inaan qofkale
lasiin waxa ayaga lasiiyay. Waxay aaminsanyihiin inay umatul-khayr yihiin oo
kaligood jannada galayaan.Waxay aaminsanyihiin inaysan u baahnayn inay wax
bartaan ama cidkale cilmi ka kororsadaan. Is xijin badan oo Alle la
isxijinayo iyo islaqumanaan badan oo dadka kale laga fiicanyahay ayay qabaan
muslimiintu.Waana tii ay qabeen Yahuud iyo Nasaaraa.Allana uga digay
Muslimiinta.
Nabi Maxamed, Nabad iyo naxariis korkiisa ha’ahaatee ayaa sheegay in
muslimiinta uu ku dhacayo cudurkii ku dhacay YAHUUD IYO NASAARAA.
Xaddiith saxiix ah oo la isku waafaqan inuu sax yahay ayuu Nabigu ku
sheegay in cudurkaasi ku dhacayo Muslimiinta wuxuuna yiri “Waxaad raaci
doontaan waddadii umaddihii idinka horeeyay,taako-taako ayaad u raacidoontaan
xattaa haday galan gud Abeeso waad galaysaan”. Bukhaari ayaa wariyay.
Rasuulka agtiisa ayaa arrin lagu sheegay,markaas ayuu yiri “Taasi waxay
dhacaysaa marka cilmiga la koryeelo oo cilmi la’aan la noqdo”
Saxaabi la orranjiray Zayaad ibnu lubayd ayaa Nabiga su’aal
waydiiyay oo yiri “Sidee cilmiga loo qaadayaa annaga oo quraanka akhrinayna
oo caruurtannadana barayna oo ayaguna caruurtooda barayaan,sidee cilmi loo
koryeelayaa?” Rasuulku wuxuu ugu jawaabay “Wayxaka” Ina lubaydoow,
waxaan kugu tirinayay inaad ugu kasmo roontahay raga Madiina jooga, miyaynan
kuwaan ahayn Yahuud iyo Nasaaraa, waxay hastaan Towreed iyo Injiil maxay kaga
intifaaceen”
Axaadiithtaas Nabigu sheegay waa daliil cad in cudurku Ijtimaaci yahay oo
uu ku dhacayo Umad kasta. Horay wuxuu ugu dhacay Yahuud iyo Nasaar, Nabiguna
wuxuu sheegay inuu ku dhicidoono Muslimiinta.oo quraanku noqondoono sidii
Tawreed iyo Njiil ahaayeen markii quraanku soo dagayay.
Aayadaha Muslimiinta uga waramay cuduraddii ku dhacay umadihii hore iyo
digniinta Rasuulka nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, muslimiintu kuma
intifaacin oo waxay uqaateen sikale. Waxay u qaateen sidii Aayadihii shirkiga
loogu qaatay inay ka hadlayeen kaliga Carabtii sanamka caabuddaysay.
Muslimiintu wakhti dheer ayay u haysteen in aayadaha ka hadlaya shirkiga
aysan khusayn muslimiinta, ee kaliya ay ku wajahanyihiim ama ka sheekaynayaan
“Mushrikul-carab”
Haddii quraanku inoo sheego umadkale dhib kudhacaday iyo cudur ku dhacay,
macnaheedu waa digid uu inooga digayo inaan ku dhacno mushkuladdaas oo kale.
Kaliya ma aha iska sheeko hore oo la inoo sheegayo.
Xaalaadda dhabta ah ee muslimiintu ku saganyihiin manta waxay tusinaysaa
inay jirranyihiin oo ay qabaan cudur halis ah oo Ijtimaaci ah. Majiro wax
kale oo sidaas ka dhigi kara umad.Kaliya umad waxay sidaas noqotaa marka ay
qabto cudur kamid ah cuduraddii ku dhacay Umaddihii hore. Hadda waxaan
tusaale kooban ka bixiyay cudurka Isla-fiicnaanta iyo Isla-qumanaanta, kaas
oo Muslimiintu ka shabahaan Umaddihii hore.
Waxaa laga yaabaa in qofka Soomaaliga ah ee caadiga ah uu is dhaho, maxaa
iga quseeya mushkulad guud oo muslimiin oo dhan ay qabaan. Anigu Soomaali
ahaan taydii ayaan la liitaan, waxaan u baahanahay xal quseeya Soomaali in la
ii sheego ama la ii keeno. Dareenkaas waa jiri karaa, laakiin anigu waxaan
aaminsanahay in assalka mushkuladda soomaali ay ka timid xaddaradaas ama
Ilbaxnimaddaas jirran ee Muslimiin oo dhan qabaan.Marka daawada
Soomaaligu waa daawada Carabka iyo guud ahaan Muslimiinta.Sidaas
awgeed inkasta oo luqad soomaali warkaan aan ku sheegayo haddana wuxuu daawo
u yahay guud ahaan Muslimiinta.
Fadeexada
Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah |
Maqaalka danbe ayaan ku sheegi doonaa cudurka 2aad. Lasoco Alle idimki.
Abdiraxmaan Maxamed Jibriil
Jibriil1950@yahoo.com
Nairobi,Kenya.
1aad | 2aad
Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2004