SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DIGNIIN

بسم ألله ألرٌ حمن ألرٌ حيم

MICROSOFT OO SOO SAARAY DIGNIIN KUSAABSAN VIRUS CUSUB OO HALIS AH

Waa Virus saameeyey kumanaal computer iyo shirkado waaweyn, waxaana muuqata in uu yahay virus halis ah. Waxana uu toos u weerarayaa Computerada kushaqeeya Windows.

TALOOYIN

Cusboonaysii Windows
Had iyo jeer windows-ka aad adeegsatid cusboonaysii, waxaana laga cusboonaysiin karaa shabakada
http://www.windowsupdate.com
.

Computerka soo gasho "Firewall"
Derbiga difaaca ama 'firewall' waa barnaamij computerka ka difaaca weerarka kaga iman kara shuftada Internetka. hadaba booqo bogga
ZoneAlarm

Computerka soo gasho 'Anti-virus'
Waa barnaamijyada ka hortegaya viruska, booqo bogga Trendmicro

Iska Ilaali Emailka wadata  "Lifaaqa"
Inta badan Viruska computerka waxaa lasoo raaciyaa email ayadoo laga soo dhigayo lifaaq ama attachment, marka haddii aadan aqoon waxa uu yahay lifaaqu, ha furin ee iska masax.

"Back-UP"
Faylasha computerka kuugu jira ka samayso koobi "back-up" si haddii uu computerku kaa xumaado aad u heli kartid koobi.

Kataxadar 'Dowload-ka"
Marka aad fayl kasoo roganeysid Internetka waa in aad ku baraarugsanaataa waxa uu faylkaasi yahay.

Fure (Password) wanaagsan
Samayso password aad xusuusan kartid laakiin aan si fudud lagu jabsan karin...

Qoraal kusoo baxay shabakada Microsoft ayaa shaaca ka qaaday halista uu yeelan karo Viruskii shalay kufaafay Internetka ee magaciisu ahaa Blaster Worm ama W32.Blaster.Worm ama Lovsan.

Viruskani waxa uu kuwii hore kaga duwan yahay asagoo aan soo raacayn emailka, balse ku faafaya Internetka islamarkaasna soo weeraraya computerka ayadoo aan qofkii computerka lahaa arintaas wax war ah u hayn. Kaddib waxa uu Viruskani buuxinayaa xusuusta (memory) computerka ama khadka computerada isku xiriirsan, taas oo sababeysa in computerku is-damiyo.

Waxa uu Viruskani saamaynayaa computerada kushaqeeya barnaamijyada:

  • Microsoft Windows XP
  • Microsoft® Windows NT® 4.0
  • Microsoft Windows® 2000
  • Microsoft Windows Server™ 2003

Waa haddii computerada aan lagu samayn ka hortagii aan soo daabacnay 4tii Bishan August ee kusaabsanaa difaaca iyo ka hortaga Internetka ee halista kusoo fool lahayd Internetka, taas oo waqtigaas uu Microsoft soo daabacay sida looga hortegi lahaa virsuskaas [eeg MS03-026]. [ Haddii aad akhriday digniintii hore, islamarkaasna aad computerkaaga soo gelisey barnaamijka difaaca ah, markaas digniintan cusubi computerkaaga wax saamayn ah kuma yeelan doonto.]

Computerka uu Viruskani ku dhacay

Computerka uu viruskani kudhaco waxa uu soo saarayaa dhambaal sheegaya in computerku uu damayo 60 ilbiriqsi kaddib, markaas ayuu computerku isdaminayaa, marka uu daarmona waxa uu bilaabayaa in uu internetka weeraro, ama mar labaad ayuu damayaa, sidaas ayuu marna ku daarmayaa, marna ku damayaa.

Dhambaalka kasoo baxaya computerka waa:

This system is being shut down in 60 seconds by NT Authority/System  due to an interrupted Remote Procedure Call (RPC).

Laakiin waxaa jira dhambaal qarsoon, kaas oo ay ku qoran taahy hadal loogu sheegayo Bill Gate in uu joojiyo lacagta uu helayo uuna saaweeyo software-ka uusameeyey, waxaana dhambaalka qarsoon u qoran yahay sidan:

  I just want to say LOVE YOU SAN!!
  billy gates why do you make this possible ? Stop making money and fix your software!!

Maxaa hadda kula Gudboon:

Haddii aad akhriday digniintii 4tii Bishan August, isla markaasna aad wixii ka horeeyey shalay (Augut 11, 2003) aad computerkaaga kushubtay barnaamijkaas difaaca ah, markaas computerkaaga viruskan cusub ee W32.Blaster.Worm ma saamayn doono. Haddii aadan qoraalkaas hore akhriyin, ugu horayn waa in aad ogaataa barnaamijka uu kushaqaynayo computer-kaagu in ay kamid yihiin kuwa kor ku xusan, markaas raac habka hoos ku qoran:

Computerada ku shaqaynaya Windows XP

Haddii computerkaagu uu ku shaqaynayo Windows XP waa in aad hirgelisaa barnaamijka loo yaqaan derbiga difaaca ama 'Firewall' oo la socda Windows XP, barnaamijkaas oo loo yaqaan "Internet Connection Firewall (ICF)"si aad u hirgelisid raac habkan:

1.  Guji Start, kaddib guji Control Panel, kaddib laba-jeer guji Network Connections

2. Kaddib hagaha (mouse-ka) ku calaamadi ama tartiib halmar u guji batoonka muujinaya khadka Internetka ee aad adeegsatid (kaas oo noqon kara Dial–up, LAN ama High–Speed Internet ama DSL)

3. Kaddib dhanka bidixda ee shaashada eeg meesha ay kuqoran tahay Network Tasks hoosteeda, guji Change settings of this connection.

3. Guji batoonka Advanced , kaddib eeg cinwaanka Internet Connection Firewall, halkaas hoosteed calaamadi sanduuqa yar ee ka muuqda barta ay kuqoran tahay Protect my computer and network by limiting or preventing access to this computer from the Internet.

Kaddib guji "OK"
Kaddib soo rogo (download) barnaamijka  ku sharaxan boggan... guji

Windows NT 4.0 & Windows 2000

Haddii aad adeegsaneysid Windows NT 4.0 or Windows 2000 waxaad soo rogan kartaa mid kamid ah barnaamijyada difaaca ama 'Firewall" oo laga heli karo cinwaanada hoose:

Sidoo kale barnaamijyadaas sare ee derbiga difaaca waa loo adeegsan karaa Windows XP.

Haddii uu Virskaasi saameeyey computerkaaga waxaad booqataa websiteyada hoose oo aad ka heli kartid sida loo daaweyn karo viruskaas:

Intaas marka aad samaysid tallaabada kuugu xigtaa waa in aad soo rogatid (download) barnaamijka Windows-ka lagu kabayo ee ku qoran digniintii hore... [Guji.... Halkan]

Qore: Inj. Maxamed Cali
Minneapolis, MN
somalitalk@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

» DIGNIIN VIRUS CUSUB: Computerka oo Xogta Laga Xadayo

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD