بسم ألله
ألرٌ حمن ألرٌ حيم
VIRUS ALERT: DIGNIIN VIRUS
Qore: Maxamed Cali
SomaliTalk | Minneapolis, MN
somalitalk@hotmail.com
Sida ay qortay shabakada
esecurityplanet
waxaa maalintii Jimcada ee inasoo dhaaftay ay shabakado badan oo qaabilsan
barnaamijyada ammaanka computerada iyo Internetka ay qoreen in halis weyn oo
xagga amaanka ah ay soo foodsaartay barnaamijyada
Windows NT 4.0, 2000, XP iyo Windows Server 2003. Waxayna shabakadahaasi sii
xiganayey qoraalkii Microsoft ee
July 16, 2003 kaas oo dadwenaha adeegsada barnaamijyadaas ku wargelinayey
in ay soo rogtaan barnaamij halistaas difaaci kara oo laga helikaro boggaas
Microsoft. [sidii aad usoo rogan lahad barnaamijkaas hoos ka eeg].
Halistani waxa weeye in
shuftada Internetka ee loo yaqaan "hackers" ay computerka meel fog ka hagayaan
ayagoo computerka ka xadi karaa waxyaabaha ku jira sida macluumaadka xasaasiga
ah, waxayna masaxi karaan dhammaan akhbaarta iyo faylasha kujira computerka.
Arintaan waxaa Microsoft ku
sheegay in ay tahay mid halis sare ah. Maadaam aay dhibaatadani saamyn karto
computerada caadiga ah (PC) iyo kuwa gacanta (Laptop). Sida aan kor ku
xusnayna Microsft waxa uu daabacay sidii halistaas looga hor tegi lahaa.
Microsft waxa uu sheegay in barnaamijyada ay halistaasi saamayneyso ay yihiin:
- Microsoft Windows NT® 4.0
- Microsoft Windows 2000
- Microsoft Windows XP
- Microsoft Windows Server™ 2003
Arintaan halista ah waxay
cirka isku shareertay kaddib markii koox shuftada Internetk ah ay Internetka ku
daabaceen xeer (code) awood u leh in uu weerari karo meelaha ay ka jilcsan
yihiin (ama ka nugul yihiin) barnaamijyada Microsft ee aan kor kusoo xusnay.
Taas oo lagu macneeyey in ay sababi karto arin u dhiganta daacuunkii Internetka.
Sarkaal ka tirsan
Panda Software's Virus Lab waxa uu arintaan nuglaanta ah ku tilmaamay mid aad
halis weyn u ah, waxana uu dadweynaha adeegsada barnaamijyadaas Microsoft kula
taliyey in ay si degdeg ah computerkoodu usoo gashadaan barnaamijka
kahortagga ah [hoos ka eeg sida aad barnaamijkaas usoo rogan lahad].
Tallaabooyinka aad
qaadeysid si aad usoo rogatid barnaamijyada difaaca u ah halistan cusub:
Ugu horayn hubi in
computerkaagu uu yahay kuwa ay saamaynta ku leedahay halitani, waxaad taas ku
hubin kartaa:
- Guji Start, kaddib guji Run.
- Khaanada Run ku qor winver
- kaddib guji OK.
- Waxaa markaas soo bixi doona shaashad ay ku
qoran tahay nooca barnaamijka ee computerkaaga kujira, hubi in uu
barnaamijkaasi yahay mid kamida kuwan: Windows NT® 4.0, Windows 2000,
Windows XP, Windows Server™ 2003. Haddii uu mid kamid ah kuwaas computerkaagu
ku shaqeeyo markaas halistaasi waa ku saamayn kartaa. Waana in aad markaas
soo rogataa barnaamijka microsoft ee
ka hortagga ah.
Kaddib marka aad boggaas booqatid raac farriimaha kuqoran halkaas.
Faahfaahin sidii aad
barnaamijkaas usoo rogan lahayd:
Ugu horayn hubi in computerkaaga ay kujiraan barnaamijyada kor ku xusan ee
lagayaabo in halistu soo food saari karto, si aad u hubisid raac habkan:
Guji
Start, kaddib guji Run.
Kaddib shaashada soo bixi doonta ee
cinwaankeedu yahay Run sanduuqa ka bannaan ku qor
winver
Kaddib guji "OK"
Waxaa markaas kuu soo baxaya shaashad
muujineysa nooca "Windows" ee computerkaagu adeegsanayo ama ku shaqaynayo.
Guji "OK" si aad shaashada sare u xirtid.
Marka aad xaqiiqasatid in computerkaga uu
kujiro mid kamid ah: Windows NT® 4.0, Windows 2000, Windows XP, ama aad
adeegsaneysid Windows Server™ 2003 markaas raac habka hoos ku qoran si aad
halista computerkaaga kusoo foolyeelankarta uga hortagtid.
1. Booqo website-ka microsoft u qoodeenyey
cusboonaysiinta barnaamijyada halista u ah shuftada Internetka [Guji
Halkan]. Kaddib bogga soo
bixidoona dhankiisa ugu hoose guji meesha ay kag aqoran tahay
Get this and other available Windows updates waxaa
markaas soo bixi doona boga kale.
2. Marka uu boggaasi kuu soo baxo, guji halka ay kaga qoran tahay
Scan for updates.
3. Waxaa markaas bogga Microsoft uu fiirin doonaa ama (Scan) kusameeyo computerkaaga, waxyar kadibna waxaa
shaashada kasoo bixi doona qoraal kuu tilmamaya inta wax ee Windows ee
cusboonaysiinta u baahan. Kaddib guji halka ay bogga soo bixi doona kaga qoran
tahay
Review and install updates.
4. Waxaa markaas soo bixi doona bog sharaxaad kooban ka
bixinaya waxa ay yihiin waxyaabaha cusboonaysiinta u baahan iyo sababta ay
cusboonaysiinta ugu baahan yihiin. Kaddib guji halka ay ku qoran
tahay
, waxaa markaas soo bixi doona shaashad ku xusuusineysa
waxyaabaha aad cusboonaysiin doontid, kaddib guji "OK".
5. Waxaa markaas Microsoft kuweydiin doonaa in aad akhridid
qoraal kuqoran shaashad, kaddib hadii aad aqbashid waxa ku qoran guji
"Accept"
6. Waxaa markaas computerka kusoo xawilmi doona
barnaamijyadii cusboonaysiinta.
7. Marka barnaamijyadii loo baahnaa ay kusoo
xawilmaan computerka, waxaa furmi doona shaashad kugu hagi doonta sidii
barnaamijyadaas loogu xafidi lahaa computerka. [Tusaalahan waxaan u adeegsadey
Windows XP]. - Waxaa xusid mudan in shaashada hoose ay ku xusuusin doonto in ay
haboon tahay in aad dhammaan faylasha computerkaga kujira koobi kasamaysatid
inta aadan nidaamkan bilaabin (back-up) iyo in aad xirtid dhammaan faylasha
markaas furan.
Kaddib guji "Next>"
8. Microsoft waxa uu markaas marlabaad kuweydiin doonaa in aad
aqbashay xeerka ku qoran shaashada hoose, haddii aad aqbashay guji "I
Agree".
9. Kaddib shaashada soo bixi doonta guji "Next>"
[marka aad dooratid mesha ku haboon]
10. Waxaa markaas bilaabmi doona in si rasmi ah
internetka looga soo xambaaro macluumaadka uu computerkaagu u baahan yahay. [ogow
waxaa lagayaabaa in xawilaadaasi ay qaadato saacado badan taas oo ku xiran
xawliga computerkaaga iyo xawaalaha khadka computerka kuugu xiran. Waxaan
ashardi ah in xiligaas uu computerku ku xiriirsan yaha ykhadka Internetka]
11. Marka dhammaan macluumaadkii loo baahnaa uu kusoo
xeroodo computerka waxaa kuu soo bixi doona shaashad ku tilmaami doonta in ay
shardi tahay in computerka ladamiyo oo la daaro si uu u hirgalo barnaamijkii
lasoo xawiley.
Kaddib guji "OK"
Waxaad markaas ku guulaysatey in aad barnaamijkii ku
hubsatay compuetkaaga. Ogow markasta waxaa haboon in aad la socotid waxyaabaha
halista ah ee kusoo kordha Internetka. Waayo markasta oo ay shuftada Internetku
xeelad u helan in ay computerada burburiyaan, waxaa markiiba soo baxa daawadii
looga hortegi lahaa, haddii markaas aadan feejiganyan waxaad ku dhici kartaa
dabinka shuftadaas - waa in marka ay shuftadu hal tallaabo horay u qaadaan aad
adigun alaba tallaabo horay u qaadaa si aysan weligood kuusoo gaarin.
VIRUS KALE OO HALIS AH
Emailkaaga Waqtigeedii Waa Dhammaaday
[waa Virus been ah oo Kelmedahaas
xambaarsan]
Waa email maalmahaan kucusub Internetka taas oo xambaarsan erayo muujinaya in emailkaaga
waqtigeedii dhammaaday ama ay dhacayso (expire). Waxaana markaas emailkaasi ku
kuu sheegeysaa
in aad furtid lifaaq la socda oo ay kuu sheegeyso in uu muhiim tahay in aad
lifaaqaas furtid maadaama uu ka yimid madaxa websitekaaga ama websiteka aad
emailkiisa adeegsatid. [taas oo ah been abuur aan waxba
ka jirin].
Emailkaasi waxay u qoran tahay sidan:
From: Admin (ADMIN@websitekaaga.com)
Subject: your account %user%
Importance: High
Hello there,
I would like to inform you about important information regarding your email
address. This email address will be expiring. Please read attachment for
details.
--- Best regards, Administrator
Attachment: message.zip
|
Haddii aad furtid lifaaqa
.ZIP ee emailkaas la socdaa, waxaa furmaya faylasha lifaaqaas kujira oo uu kamid
yahay faylka MESSAGE.HTM kaas oo durbadiiba samaynaya fayl lagu magcaabo
foo.exe kaas oo ah
'program' awood u leh in uu hubiyo in computerkaagu ku xiriirsan yahay
Internetka asagoo ka bilaabaya bogga google.com marka uu ogaado in computerkaagu
internetka ku xiriirsan yahayna wuxuu computerkaaga kabaarayaa waxa email ee
kujira, halkaas uu usii diri doono dhambaal dhammaan intii email uu ka helay
computerka.
Xalka Viruskani waa in la
masaxo emailka uu la socdo ayadoo aan la furin faylka liqaaqa ah. Akhbaar
dheeraad ah oo la xiriira Viruskan ka eeg shabakadaha
Network Associates
iyo
Trend Micro.
Waxaadna xusuusnaataa in aadan furin lifaaq la socda
email aadan garanayn meel ay ka timid. Waxaa kale oo xusid mudan in beryahan ay
jiraan email uu la socdo Virus kuwaas oo wata cinwaanka qof aad garaneysid,
emailadaas hubi lifaaqa la socda nooca uu yahay. Haddii aad ka shakidid isla
markaasnaa aad emailkana qofka leh garaneysid, qofkii email u dir adigoo
weydiinaya waxa uu yahay lifaaqu. LAAKIIN OGOW WELIGAA HA U JAWAABIN EMAIL
AADAN AQOON QOFKA LEH, waayo haddii aad u jawaabtid wuxuu qofkii emailkaas
lahaa ogaanayaa in emailkaagu shaqaynayo oo markaas wuxuu kuu sii diri doonaa
boqolaal kale, tan kale haddii uu yahay shuftada Internetka oo aad u jawaabtid
wuxuu heli karaa cinwaanka computerkaaga (IP Addrss) kaas oo uu markaas si gaar
ah kuu soo weerari karo, waa haddii aadan haysan wax kaa difaaca sida
"Firewall". Sida uu u shaqeeyo IP Address iyo Firewall waxaan ku sharaxi doonaa
CD-ga HTML, FrontPage & Networking ee aan soo saari doono [inkastoo
waqtigii aan qorsheynayey in aan soo saaro uu ka dib dhacay hadana insha Allah
waa qorshaynayaa in uu dhowaan soo baxo CD-gaasi].
AKHRI VIRUSYADII HORE OO QAARKOOD AY WELI HALISTOODII JIRTO
Qore: Maxamed Cali
Minneapolis, MN
somalitalk@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|