Diinta Islaamka say tahay ku qaado, sayniskase
su’aal baa kaaga furan
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
May 11, 2003
Asalaamu calaykum.
Ilaah baa mahad leh,
Caalamiinta Rabbigood ah. Naxariis iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed korkiiisa ha
ahaato.
Dayaxaa la tagay baa la
yiri, markaasaa la yiri daliil baa looga helikaraa Diinta, dabadeed inta
Suurat AR-RAXMAAN loo qasday la yiri fiiriya Aayadda 33-aad. Afsoomaali
ahaan:
Jinni iyo insiyoow haddaad
awooddaan inaad ka baxdaan samada jihooyinkeeda iyo dhulka, ka baxa, kamana
bixi kartaan xujjo la’aan.
Dad baa xujjadii ku sheegay
dayax-gacmeed. Waxaa taas ka darnayd maalin aan dhex mushaaxayey internet-ka
ayaan waxaan galay website magac qof Carbeed leh oo aan filayo inuu muslim
yahay maaddaama uu mucjisooyinka Qur’aanka ka hadlayo. Markaan akhrinayey
mucjisooyinka uu qofkaasi soo gudbiyey ayuu soo bandhigay sawir xiddig
gubanaysa oo ay dhaheen ubax (wardi) bay u egtahay. Sawirkaa waxaa qaaday
bay dhaheen diirad/xoqoto (telescope) la yiraahdo Hubble iyadoo NASA loo sii
maray. Aayad kale oo Qur’aan ah ayaa lasoo qaatay oo isla Suurat AR-RAXMAAN
ku taal waa aayadda 37-aad. Afsoomaali ahaan aan Aayadda ku sheegno. Markay
Samadu dillaacdo oo ay noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhallaasho)
markaas dadkaa la abaal marin. Bal ninkaas Dr sheegtay wuxuu qoray arka:
“SUBJECT : From Quran
Surat Ar-Rahman Ayah 37 and the Hubble Telescope via NASA See the attached
picture file, the RED ROSE NEBULA, see what Quran said at Surah 55 (Ar-Rahman),
Ayah 37!We see it now in the years 1999/2000! and Quran mentioned it almost
1400 years ago. The picture is taken by the NASA Hubble Space Telescope of
the "Cat's Eye Nebula." It is an exploding star 3,000 lightyears
away. They should have called it the "Oily Red Rose Nebula." As
the Quran states in Ar-Rahman, "When the sky is torn apart, so it was
(like) a red rose, like ointment." Quran[Surah55:Ayah37]”
Address-kan ka fiiriya
xiddigtaas:
www.dr-umar-azam.com/aspects_of_islam
Sida muuqata waxay
isticmaaleen hawadooda marka dhowr waxyaalood aan milicsano.
1. Maxaa iska galay
samada (Cirka) iyo xiddigaha? Quraanku markuu aakhiru samaanka ka
hadlayo Aayado kala duwan ayaa Ilaahay samada iyo xiddigaha uga hadlaa
sida Suurat Al-Takweer (Idaa Shamsi Kuwirat) iyo Suurat Al-Infidhaar (Idaa
Samaa’un Fadharat). Daadashada xiddigaha iyo dildilaaca samada isku
shay ma ahan.
2. Diiradda (telescope)
Reer Galbeedku ma aakhiru samaanka ayey aragtaa ilayn dillaacii samada
wali lama gaarine.
3. Ilaahoow waqtiga
samadu dillaacayso hana joojin maxaa yeelay waa qiyaamu saacah. Saacadu
waxay ku dhacdaa dadka ugu shar badan khalqiga. Marka ninkii raba inuu
Samadaas arko oo waliba uu ku arko diirad (telescope) Reer Galbeed waa
qof jaahil ah oo aan waxgaranayn.
4. Soow kuwan
dayaxgacmeedyada reer Galbeedku maalin kasta beenta noo sheega sida
markay dhaheen waxaan aragnay warshadaha hubka halista ah ee Ciraaq.
Marka dayax-gacmeed Ciraaq arki waayey ma arki karaa samo iyo waqti aan
wali la gaarin?
5. Hadda ka hor baan ka
hadalnay dad Soomaali ah oo diiday Masiixu Dajjaal maxaa yeelay waxay
dhaheen meel kasta oo adduunka ah waa la tagay marka may
dayax-gacmeedyadu arkaan. Iyaga waxaa la xusuusiyey iska daa Axaadiistoo
waxa Qur’aanka ku jira qisadii Ya’ Juuj Wa Ma’juuj, illaa haddana
lama sheegin wax dayax-gacmeed ah oo arkay ee marka ma Qur’aankaan
beeninnaa?
6. Isaguse diiradda
indhaha ma saaray suu u arko xiddigaas la sheegayo?! Dadkaan kutubadii
la siiyeey bedelay sideen uga aqbalnaa arrimo ay iyaga kaliya horboodaan
oo qaarkood aan ognahay inay dacaayad usameeyaan si ay dadka maskaxda
uga xadaan.
7. Teeda kale waxaan
ognahay waxyaalaha habaynkii wax lagu arko (night vision equipment),
Kaamarooyinka kulayka raadsada (thermal images taken with infrared
cameras) waa kuwa ay boolisku isticmaalaan markay dambiilayaal dabo
joogaan ama loo isticmaali karo waxyaale kale, iyo diiraduba waxay soo
saaraan humaag loogu talo galay oo khasab ma ahan in uu noqdo tan ishu
aragto marka iftiinka caadiga ahi jiro. Marka haddii xiddigtaas diirad
kale oo qolo kale leedahay lagu eego waxaa dhici karta in ay soo saarto
maluug ka tayo fiican ama ka tayo hoosaysa. Marka waa arrin khatar ah in
muraadka Eebe u danleeyahay halbeeg looga dhigo waxay dad kale dhaheen.
Haddii aad aragtid sawirada
qaarkood waxaad arkaysaa cajaa’ib haddii sawriku sax yahay sida geedaha Ashahaadada qoray iyo meelo kale oo Magaca Allaah ku qoranyahay.
Waxaad kaloo arkaysaa
kalifaad badan oo dadkaas isku hayaan markay dhaheen waxaan “garaph” ka
samaynaynaa caddadka Suuradaha Qur’aanka iyo aayadihiisa, markaasay waxay
xarriiqo iskula xiriin meelihii ay dhibcuhu ay garaafka ka dhaceen, waxay ku
doodeen inuu halkaas ka soo baxay qoraalka Magaca Allaah oo Carabi ah!
Waxay i xasuusinaysaa
sheekadii ay Soomaalidu oranjireen labada calaacalood (sacab) oo qofka waxaa
ku qoran tiro xisaab ah oo sheegaysa 99 Magac oo Allaah! Waxaa midigta ku
qoran 18, bidixdana 81. Runtii waa jeexjeexyada ku samaysan sacabbada
gacmaha oo ay faruha iyo calaacaluhuba ka laab-laabmaan. Waxaa la orankaa
jeex-jeexyada qaarkood waa u egyihiin lambarada xisaabahaas ay sheegeen
laakiin waxaa iswaydiin leh dhowr arrimood:
1. Qaabka xisaabta
Carabiga ay culumada badankeedu u qoraan ma Carabtaa leh mise waddamo
kale sida Faaris.
2. Maxaa keenay in
midigta 18 ku qornaato bidixdina 81. Mise bidixda aan ku qabsano
waxyaalaha aan najaasada isaga suulino ayaa dani naga gashay inaan
tiradaas ka fiirano oo ay tiradii badnayd qaadatay?
Ka warran haddaan intaan u
qasadno is-goysyada baabuurtu marto aan dhahno waa calaamadda macatabka?
Sidoo kale inta alwaaxda ama biraha dariishadaha iyo albaabada fiirino
dhahno waxaa ka muuqda calaamaddaas. Waxaad kaloo xariiqyo is-gooya ku arki
kartaa katiifadaha ladhigo masaajidda iyo guryaha.
Waxaa jira Xaddiis saxiix
ah oo Bukhaari wariyey sidoo kalana Abuu Daa’uud iyo Tirmidba iyo rag
kalaba wariyeen in uu Nabigu (SCW) reebay in qofku tukado isagoo kalyaha
haysta (gacmuhu usaaranyihiin kelyaha korkooda). Xigmada ku jirta Ilaah baa
og. Waxay misiixiyiintu macabka ka wadaan waa qaabkay sheegaan in Ciise (CS)
loo dilay in kastoo aan Nabi Ciise (CS) la dilin. Marka haddii Nabigu (SCW)
uu sheegay in marka cibaadada sharafta badan ee salaadda lagu jiro aan saas
la yeelin waa arrin fahankeeda uu dhibyar yahay.
Waxaan aaminsanahay in aan
dayaxa la tegin. Iska daa 1969 hadda oo la joogo ayeyna Maraykan iyo Ruush
isku dayi karin marka inta filimada la sameeyey iska daysaan indhihiina fura.
I I D H
E H
|
|
Haddaad rumaysanwaydaan
arrintaan miyeydaan arag in hadda uusan Maraykanku haysan wax uu ku tago
saldhigga dayaxgacmeedka ee ku yaal meel dhowr boqol oo Kiilomitir u jirta
dhulka kaddib markii “Shuttle” Columbia uu burburay. Hadda tagidda
halkaas wuxuu Maraykanku ku xiranyahay Ruushka oo haysta dhowr gantaal “shuttle”
oo aad uga yaryar Columbia. Marka hadday 1969kii tageen dayaxa oo ay dhahaan
wuxuu dhulka ka fogyahay masaafo ku dhow 200,000 Km (labo boqol oo kun oo
Kiilomitir) maxaa sababay in aysan Maraykanku awoodin inuu dhowr boqol oo Km
uu tago, waa markaan ka hadlayno aalad dad saaranyahay.
Muxuu noqonayaa xukunka
qofkii dayaxa ku dhinta? Haddii gaalo tagtay, muslimiintuna waa tagi karaan.
Sidee loo tukan? Anigoon maqal khilaafka reer Galbeedka ee ku saabsan
tagidda dayaxa ayaan diiday maxaa yeelay waa arrin wayn oo ka baxsan nolosha
dunida marka laga reebo intifaaciisa. Teeda kale qofkii yiraahda meel baan
tagay daliil baa laga rabaa, ilaa haddana Maraykan waxaan filim been abuur
ah ahayn ma hayo.
Hadda waxaad arkaysaa in
baryahan dambe sheekada noocaan ah ay usoo jeesteen dad wata shahaadooyin
sida “Professor, PhD” iyo kuwo kale oo qaarkood laga qaatay jaamacado
Islaam.
Sida aad cinwaankaas ku
arki kartid waxaad arkaysaa dheg ilmo carruur ah oo la leeyahay magaca
Allaah oo ku qoran baa laga fahmi karaa, sidoo kale gacanta midig ee qofka
waxaad mooddaa dhigaalka magaca Allaah. Faryarada waa alifkii, tan udhaxaysa
iyada iyo far-dhexada waa laam iyo saasoo kale. Waayahee bidixdu ma Magaca
Allaah oo rogan baa? Uur ku jirka qofka waxuu u ekaadaa magaca Allaah, waa
say dhaheen.
Ma jacayl ay u qabaan
Magacaas ayaa duulka ku dhaliyey is dhibkaas? Mise arrimahaas bay ka helaan?
Bal muslimiinay qofkii raba inuu ka bogto Magacaas Allaah waa inuu
kitaabkaas Qur’aanka ah iyo kitaabada kale ee diinta laga barto uu
akhristaa isagaa helaya Magacaas isagoon is dhibin. Soow Qur’aanka Allaah
kuma oran markuu ka hadlayo Aayadaha waanada ah waxay ku qoranyihiin kitaabo
sharaf leh. Allaah wuxuu mar kale leeyahay Qur’aanku waa shay sharaf leh.
Wuxuu ku suganyahay kitaab la dhowray.
Waxaad halkaas ku arkaysaa
sawir uu ninkaasi leeyahay waa xasharaad ay ku qorantahay magac uu leeyahay
wuxuu u egyahay Allaah.
Ilaah baa tusaalaha sare
leh. Waxaan Xamar ku arki jiray xasharaad ur badan oo ay dusheeda ku
qorantahay wax u eg/la mid ah tirada xisaabta ee siddeed (8). Waxaan
oranjirnay wuxuu ka ciyaaraa dhexda maaddaama uu lambarka siddeedaad wato.
Qaabka xisaabtaa loo dhigana Carabtaa lahayd. Marka lambarkaas mala dhihi
karaa waa mucjiso ama lambarada kale ayuu ka fiicanyahay?
Yeey raali gelinaysaa in la
yiraahdo lo’du ama xayawaanka kale ee afarta addin lihi waxay
usamaysanyihiin sida loo qoro Carabi ahaan Magaca Allaah. Waxay dhaheen
saynta/dabada/dibka waa alifkii, labada lugood oo dambe waxay udhigmaan
Laamkii, labada lugood oo hore Laam kale, madaxuna Ha’da yar. Ma fiicna in
magacaas halkaas laga baaro.
Marka haddii aynaan
maskaxdaan diin ku baranayn aan cilmigaas adduun ee kale ku barano ee aan
iska dayno wax haddii xitaa ay dhab tahay aan wax kuu kordhinayn.
Ilaah baa mahadleh, Muslim
naga dhigay. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiis ha ahaato.
-dhammaad-
Maxay
Kiristaanku (Christians) Nabi Aadam u eedeeyaan?
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|