Maxay Kiristaanku (Christians) Nabi Aadam u
eedeeyaan?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
April 23, 2003
Asalaamu calaykum.
Ilaah baa mahadleh.
Naxariis iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaatto.
Run ahaantii waxaad mooddaa
inuu mowduucan iga waynyahay oo aanan ku fiicnayn inaan galo. Waxaan isku
deyeyaa inaan ka hadlo waxaan ka arkay kiristaanka oo eedeeya Nabi Aadam
(CS). Marka hore aan iswaydiino su’aalahan:
-
1. Geedkee buu
Aadam cunay, Ma mid xaaraan buu ahaa?
-
-
2. Jannada uu
joogay oo laga soo saaray ma tan la isla yaqaan baa mise waa beer
kale?
-
-
3. Yaa ugu horeeya
cid cisyaan la timaadda?
-
-
4. Maxsuulkii kasoo
baxay wixii uu Nabi Aadam sameeyey.
Ilaah baa og nooca geedka
uu ahaa. Ma maqal Xaddiis sheegay nooca geedka iyo inuu ahaa geed xaaraan ah
iyo in kale midna. Kiristaanku waxay sheegaan geed sida inuu tufaax ahaa
laakiin lama rumaysankaro lamana beenin karo.
Culumada qaar baa dhaha
jannada la sheegayo ma ahan tan aan wada naqaan oo waxay leeyihiin jannadu
ma ahan meel la isku imtixaamo ee waa meel lagu raaxaysto. Si kastaba ha
ahaatee Allaah wuxuu rabo ayuu yeelaa. Anigu waxaan ku dabo dhegannahay
Culumada qabta in jannada loo daayo jannadaas qofkasta maskaxdiisa kusoo
dhacaysa haddii aan la helin wax ka sarfinaya oo daliil cad ah.
Haddii amarka Ilaah oo la
diido uu Nabi Aadam ugu horaynlahaa, eedaynta kiristaanka waa la
dhagaysanlahaa laakiin axadkii ugu horeeyey ee Ilaah hortiisa awaamiirtii
khilaafay Ibliis buu ahaa, isaga laftiisana ayaa Aabaheen iyo hooyadeen
luggooyey.
Kiristaanku waxay tusaale
usoo qaataan sidii nin carruurtiisa inta sun u qooshay/qasay siiyey. Laakiin
waa hadal baadhil ah oo dib baan ka sheegayaa haddii Ilaah idmo.
Maxsuulka soo baxay waa mid
Ilaah ugu talo galay. Waxaa ka mid ah in aan dhulkaan nimaadno oo jannada
laga soo baxo. Waxaa ka mid ah Qaddarta. Waxaan ka baranay Towbadda.
Sida Xaddiis saxiix ah ku
cad waxaa dooday Nabi Muuse iyo Nabi Aadam. Nabi Muuse wuxuu yiri waad na
hoojisay oo duriyadaadii ka soo saartay Jannada. Nabi Aadam wuxuu
tusaaleeyey Muuse hadalkii Ilaah la hadlay iyo kitaabkii uu u qoray. Wuxuu
xasuusiyey in arrintaasi qaddar ahayd oo uu Ilaahay qaddaray Aadam oo aan la
abuurin. Halkaas waxaa xujadii helay Nabi Aadam.
Sida Qur’aanka iyo diinta
ku cad Nabi Aadam wuxuu cisyaanka la yimid kaddib markuu uu Allaah uu uga
digay inuusan geedka cunin, Shaydaankana maqlin ee uu cadow ka dhigto.
Waxaan ognahay in
Nabiyaasha iyo Rusushu ay macsuumo yihiin.
Waxaa la arkaa haddii arrin
aan horay loogu waxyoon Nabiyada lasoo gudboonaato in uu Nabigu ijtihaado
ama uu waxyi sugo. Haddii uu ijtihaadka ku gefo waxaa saxa Ilaah. Kaddib
dagaalkii Beder waatii Nabigu uu kala tashaday Abuu Bakar iyo Cumar waxay ay
ka yeeli lahaayeen dadka Quraysh laga soo qafaashay. Waatii Nabiga (SCW) iyo
Abuu Bakar ay isku moowqif istaageen, Cumarna wowqif kale qaatay waatii uu
Ilaah Quraanka ku sheegay in haddii la la’yahay naxariista Ilaah oo u
hormartay ay cadaabi taaban lahayd. Yacnii Cumar baa asiibay xukunka markaas.
Sidii qisadii Suurat Saad
ee ay labadii doodaysay usoo galeen Nabi Daa’uud. Waatii Nabi Daa’uud uu
ku degdegay jawaabta isagoon kii kale dhegaysan oo uu xukun gaaray. Kaddibna
waatii uu Ilaah ka toobad aqbalay.
Arrinta Aadam waa ka
duwantahay oo isaga si cad baa Ilaah ugu digay. Ilaah baa xaqiiqada og.
Waxaan ognahay in Nabi
Muxamed uu salaad afar ahayd uu labo rakco tukaday sidoo kalana in iyagoo
safar ah markay habaynkii seexdeen ay salaadii Subxigu ka caddaatay. Waxaan
ognahay in Nabigu ay indhihiisu seexan jireen laakiin uu qalbigiisu soo
jeedi jiray. Labadaas arrimoodna waxay la xiriirtay salaadii uu Nabi Muxamed
(SCW) ku raaxaysan jiray.
Waxaa dhici karta in
Ilaahaygii qalbiga Nabi Muxamed ka dhigay mid aan seexan uu dhacdooyinkaas u
iloowsiiyo si halkaas xukun faa’iido noo leh uu uga soo baxo, culumadaa
horay u tiri arrintaas.
Qur’aankaa Ilaahay ku
cadeeyey oo uu na baray inaan ku ducaysano in Ilaahay noo dhaafo wixii aan
hilmaano ama aan ku gefno. Naxariista Ilaah waxaa ka mid ah haddii qofku wax
hilmaamo in aan loo qaban oo qalinka laga qaado.
Haddii uusan Nabi Aadam
dambaabin sidee ku ogaan lahayn Towbadda? Waxaan waydiinayaa culumada?
Iblays cisyaankiisii towbad
kamaynaan baran oo halkii uu ka toobad keeni lahaa wuxuu gudagalay in uu
Binu Aadam sii baadiyeeyo.
Nabi Aadam ma dhib buu noo
geystay? Miyeynaan ka baran Towbadii uu Nabigu ku sheegay xaddiiska ku yaal
saxiixaynka ee uu Imaamul Muslim sii faahfihiyey marka Nabigu yiri, Ilaah
wuu uga farxad badan yahay toowbada adduunkiisa mid ka badan sida haddii
qofkii soconayey dhul bahgooyo ah (lama-degaan) oo uu qofkaasi watay daabad
(neef geel ah ama wax kale) oo ay u saaranyihiin cuntadiisii iyo cabbiddiisa
oo ay ka luntay oo markii uu ka quustay geed iska hoos seexday si uu halkaa
ugu dhinto. Kaddib makruu indhaha kala qaaday yiri Ilaahow waxaad tahay
addoonkaygii anna rabbigaa baan ahay. Farxad darteed buu hadalkaa gefka ah
yiri.
Xaddiiskii kale oo uu
Tirmidi, Axmed, Ibnu Maajah, Xaakim iyo rag kale wariyeen waatuu ahaa kuli
Binu Aadamku wuu gefaa , kuwo gefana waxaa ugu kheyr badan kuwa toowbad
keena. Imaamu Dahabi wuxuu leeyahay Xaddiiska layin baa ku jira.
Jannada in aan ka soo baxno
Ilaah baa doonay, Nabi Aadam oo aan la abuurin marka maxaan Nabi Aadam ugu
eedaynaynaa?
Qaddarta: Waxaan qisada
Nabi Aadam ka baranay qaddarta. Nabi Aadam inkastoo qaddartii uu xusay wuxuu
na baray in markiiba la toowbad keeno. Dhabcan Nabi Ilaah buu ahaa oo
shuruudaha toowbada waa yaqaanay. Marka waxaa halkaas laga fahmayaa in uu
waxa Ilaah noo diray aan kasoo baxno intii tabarteen ah ee aynaan qaddarta
oo aynaan wax ka qaban karin indhaha la raacin.
Ma maqal qariino tusinaysa
in uu geedkaasi xaaraan ahaa. Ilaahay markuu doono ayuu wax xarrimaa iyo
waliba meeshuu doono iyo cidduu doono oo uu ka xarrimo. Fiiri sidii uu Nabi
Israa’iil uu wax iskaga xarrimay kaddibna waa tii uu Nabi Ciise u
xalaaleeyey.
Sidoo kale, wax aan isla
ognahay xalaashooda ayaa Ilaahay mar mar xarrimaa waqti ama meel darteed
sida in qofka Xaajiga ah laga xirrimay/reebay ugaarsiga berriga. Markuu
xalaaloobo waa u fasax.
Marka haddii geedkii uu
Aadam cunay uu ahaa geed xalaal ah, cunidda geedkaas, Aadam oo kaliya ayey
imtixaan iyo dambi ku noqonaysaa laakiin waxa dhib ah oo naga soo gaaraya ma
leh.
Ilaah Nabi Aadam wuxuu
baray magacyada shay kasta waxaana rajaynayaa inuu yaqaanay magaca geedkaas.
Hadduu uu geedkaasi ahaa xalaal ma dhici kartaa in cilmiga uu geedkaas u
lahaa Nabi Aadam uu ufududaystay amarkii Ilaahay? Ilaah baa ku cilmi leh.
Qofkii ugu horeeyey oo
muslim ah oo isagoo xaaji ah dila ugaar ma jirto wax cilaaqo ah oo ay la
leedahay xalaalnimad ugaarta iyo cunida hilibka ugaarta ee ay muslimiini mar
dambe cunaan. Qofkaasi Ilaahay buu dambi ka galay laakiin ugaartu asal ahaan
waa xalaal.
Qisadaas waxaan ka baranay
Cadaawada Ibliis. Koow cisyaan isagaa bilaabay. Kaddib Aabaheen iyo
hooyadeen buu luggooyey. Marka haddii axad la eedaynayo waa Ibliis kan
hooggaas oo dhan na baday.
Xikmada Ilaah qisadan nagu
baray waxaa ka mid ah in cisyaanka Eebe ay ka dhalan karto dhibaato weyn
sida Jannadii dhamayd oo aan uga soo baxday cinnidii geedkaas. Marka bal aan
fahanno dhibta ay leedahay gaalnimo, dil, kufsi, dhac IWM.
Ilaahoow nagu hanuuni
dariiqa saxda ah. Nabadgelyo iyo Naxariisi ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.
Wixii aan asiibay Ilaah baa
mahadeeda leh wixiise aan ku gefay naftayda iyo Shaydaan bay ka ahaatay.
WABILLAAHI TOWFIIQ.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|