Wasiirradu ma waxay noqdeen
wax warasada “Somaliland” loo waasiciyo?
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
July 5, 2003
I I D H
E H
|
|
"C/hi inuu dadka ugu sheekeeyo inuu yahay
nin Soomaaliya daneeya wuu ku faani karaa markuu arko 25 wasiir koowaad ee
Riyaale samaystay."
Asalaamu calaykum
Ilaah baa mahad leh, naxariis iyo
nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Akhristayaal nin shiikha ayaa maalin ku soo
baxay macallin Qur’aan oo arday u akhrinaya Qur’aankan la is dhex gashay:
وإذ قال لقمان لإبنه وهو يعظه يابني لا تقصص رء ياك على إخوتك فيكيدولك كيدا
واكيد كيدا
(Wa id qaala Luqmaanu li ibnihi wa huwa
yacidhuhu yaa bunaya laa taqsus ru’yaaka calaa ikhwatika fayakiiduu laka
kaydaa wa akiidu kaydaa)
Shiikhuu wuxuu macallinkii ku yiri inkaar
kugu dhacday war wiilka suuradihii baad isu dhexgalisay. Macallinkii wuxuu
yiri haa maxaa yeelay aabbihiis baa bilaha isu key dhexgaliya anna waxaan
rabaa inaan wiilka suuradaha isu dhexgaliyo. Anna yaanan lacag bileed qaadan,
wiilkuna yuusan Qur’aan baran!
Wuxuu isu dhexgashay Suurut Luqmaan, Yuusuf
iyo Adh-Dhaariq.
Madaxweynaha “Somaliland” wuu ogyahay inaan
la isku raacsanayn taageeradiisa oo waxaa taageera dad dano gaar ah leh ama
qabiil kale u diidan inay wax noqdaan. Marka waxaad mooddaa inuu rabo
inaysan goboladaasi horumar gaarin.
Nin Axmed Maxamed la yiraahdo oo sheegay
inuu Hargeysa ka soo noqday ayaa yiri waxa meesha horbooda waa nabad sugid
iyo hangashtii Soomaaliya ka soo shaqeeyey. Waxaanan ula yaabayn hadalkiisa
aan fiirino wasiirada cusub. Waxaan magacyada wasiiradda cusub ka soo xigtay
Somaliweyn oo nagu xirtay Jamhuuriya.
Bal aan wasiirrada saan rabo isugu aad
aadiyo. Toddobadii hore iyo 18 cusub.
1. Axmed Xasan Cali-Libaax, Wasiirka
Wasaaradda Caddaaladda;
2. Sheekh Maxamuud Suufi Maxamuud,
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Shiikh La yiraahdo Ciz Binu C/Salaam ayaa
maalin nin boqor ah oo faras kooraysan inta xakamihii qabtay yiri: aabbahaa
baa kaa fiicnaa. Boqorkii isagoo yaaban buu yiri maxaa jira? Shiikhii wuxuu
yiri waagii aabbahaa xukunka hayey meelo khamri lagu gado oo si cad ufaran
maanaan arki jirin. Shiikhii wuxuu yiri xariga sii dayn ma hayo ilaa
meelahaas la xiro. Boqorkii siduu buu yeelay.
Marka Riyaaloow aabbahaagii Maxamed Siyaad
saas ma yeeli jirin oo labadan wasaaradood hal buu ka yeelay isagoo u
baxshay:
Wasaaradda Garsoorka iyo arrimaha Diinta.
Inkastoo ay ka muuqato in Diinta iyo siyaasada lakala saaray laakiin
dowladii Maxamed Siyaad way murmi kareen mar haddii ay hal wasaarad hoos
yimaadeen. Laakiin idinku caddaaladdii iyo Diintii Islaamka waad kala
rarteen. Waxaan filayaa in caqliga saliimka ah iyo idinkana la kala raray.
Marka qofkii muslinimo ku dambaysoow,
“Somaliland” xaq ma uleedahay in ay caddaaladda iyo Diinta kala celiyaan?
Waa sheekadii khawaarijigii Nabi Muxamed (SCW)
ku lahaa: Muxamadoow caddaalad sameeye. Nabigu (SCW) wuxuu yiri: haddaanan
annigu caddaalad samayn yaa caddaalad samaynaya? Marka haddaysan Diintii
Ilaahay caddaalad lahayn xaggay caddaaladdu taal?
Bal kuwanna aan fiirino:
I. Cabdillaahi Maxamed Ducaale,
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta,
II. Xasan Cabdi Khayre, Wasiirka
Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta.
Maxay ukala qaadayaan?
A. Dr. Idiris Ibraahim Cabdi,
Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha;
B. Maxamed Jaamac Belel, Wasiirka
Wasaaradda Beeraha;
C. Mudane Maxamed Siciid Gees
wasiirka wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda.
Miseysan ku fiicnayn in hal wasaarad laga
dhigo. Britian mar waxay ahayd hal wasaarad oo seddexdaasi hoosyimaadaan.
“Walaalayaal yaabnaye ma yaabteen?” Bal
kuwana fiiriya:
Ø
Fu’aad Aadan Cadde, Wasiirka
Wasaaradda Horumarinta iyo Reer Miyiga;
Ø
Axmed Xaaji Cali Cadami,
wasiirka wasaaradda qorshaynta.
Ø
Cabdi Xasan Buuni: Wasiirka
Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha
Ø
Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal),
Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta;
Ø
Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka
Wasaaradda Horuminta Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.
Soomaalidaa caado u leh in haddii qof
dukaan furto kuwo kalana kadaba furtaan. Marka qabiil kasta iyo laf kasta
waa in wasiir loo sameeyo haddii kale wax kala soconaya ma leh.
Maxamuud Siciid Maxamed, Wasiirka
Wasaaradda Ciyaaraha.
Wasiirka ciyaaruhu wuxuu qabanayo hadda ma
garanayo. Hadday tahay ciyaaraha siyaasadda waa macquul. Kalmadda “Sport”
ciyaar ahaan maloo turjumi karaa?
Nin baa maalin igu yiri waxaan aragnay nin
caddaan ah oo Tarabuunkii Xamar ku ruclaynaya markaasa qof (ma xasuusto
haween iyo rag kuu ku sheegay) nala socday yiri waa dad caqli badan oo
caafimaad ka raadinaya. Nin kaloo nala socday baa yiri dadkeenu shilinkii
bay cayrinayaane xaggee orod ay caafimaad ka raadshaan ka imaanayaa. Waa
runtiis ciyaaro waxay yimaadaan markii waddan la dhiso oo waxyaalaha
daruuriga ah la xaliyo.
Reer Baadiyahaa ka caqli badan dowlada
riyaale. Reer baadiyuhu dhaantada waxay tuntaan badanaa waqtiga roobka oo ay
carradu barwaaqo tahay.
Sheekadan hadda aan soo wado waxay ka
dhexdhacday niman u shaqaynayey wasaaradda waxbarashado ee Soomaaliya. Marka
magacyadii mawada xasuusto sidoo kale haddaan sheekada is dabo mariyo iga
raali ahaada.
Waxaa la sheegaa Maxamed C/hi Riiraash oo
olalihii horumarinta reer miyaga ka shaqaynayey buuraha Gollis in ay
warbixin soo waydiisteen labo nin oo saaxiibbadiis ah oo aan filayo inay
wasaaraddaa iskala shaqaynayeen. Maxamed wuxuu tirshay qabay dheer oo aan ku
soo qaadanay suugaanta dugsiyada sare. Waxaa ka mid ahaa:
……………………………duni abaaroowday
- Dab cadaab ah oo la isku shiday dooxyadii
gubanka
- Oo haaddu soo daadatoo deeradii dhimatay.
- Wuxuu sii yiri:
- Dusha Gollis cadceeddii nimay dubatay oo
leeftay
- Oo socodka diidaayoo cagaha maro ku
duubaaya
- Oo degtii waysada ugu jirtay deeqi kariway.
- Wuxuu ku soo xiray:
- Adna sheeko ii soo dir baad igu dilaysaaye
- Dacas laguma waaree markay doogsin roob
curato
- Diifta olalaha markaan dib uga raaxaysto
- Adi iyo daalinkii kaa yaraa doodda way
furiye
- Ha dadnaato xaajada marbaan diirka ka
caddayne.
Waxaan shakki ku jirin in uu ninkaasi ahaa
nin wasaarad waxbarasho ka shaqeeya. Fiiri xigmadaas. Waxaan filayaa in
Maxamuud C/hi Riiraash uu ka soo jeedo qabiilka Riyaale.
Sidoo kale waa kii abwaankii lahaa:
- “Dhoobadaba waa tii rahu uu ku dhuuntee
- Isaguba dhawaaq maleh intuu dhibicda
sugayee”
Marka Somaliland hadda ciyaar ma
ubaahantahay? Miyeysan ahayn meeshii aan isbitaalkeeda bilo ka hor ka
fiirsanaynay TV BBC ee Ingiriiska. Iyadoo gabar inan ah oo jabtay la waayey
wax lagu daweeyo ama meel la dhigo oo gurigeedii loo ceshay dabadeedna
halkaas ku dhimatay.
Nin kale oo gabyaa Carbeed ahaa waxaa laga
sheegay:“Wa hal duu shaybin yalcab” oo ah nin cirro lihi ma ciyaaraa? Ka
waranse adoo calooshaadu marantahay hurdan ma ciyaari kartaa. Ninkii
cibro-qaadasho rabaa dib ha ufiiriyo sawirradii Baydhabo laga soo qaaday
90-naadkii horaantoodii.
Nuux Axmed Cismaan, Wasiirka
Wasaaradda Madaxtooyada.Sidoo
kale waxa uu qabanayo wasiirka madaxtooyadu ma garanayo. Waan arki jirnay
jananno aan haysan xafiis ay u shaqo tagaan iyo wasiiro madaxtooyada turub
iyo dumnad ku ciyaara.
Toloow maxaan kornayl C/hi u cayrsanjiray?
Isagoo xukuma dhul ka wayn kan Riyaale xukumo waxa uu samaystay 9 wasiir
inta aan Jabhadda Badbaadinta “Puntland” soo noqon.
Gaalkacyo markii la joogo Xamar, Hargeysa
iyo Boosaaso waa kuu simanyihiin. C/hi ilaa Boosaaso kaliya ma hoos timaadee
waxaa hoos yimaada Sanaag Bari, Laascaano iyo Buuhoodle.
C/hi inuu dadka ugu sheekeeyo inuu yahay
nin Soomaaliya daneeya wuu ku faani karaa markuu arko 25 wasiir koowaad ee
Riyaale samaystay.
Miyeydaan u fiirsan Maraykan iyo Ingiriis?
Imisa wasiiro ayey leeyihiin?
Waxaad mooddaa in lacagtii, hogaamiyaasha
dhaqamada iyo wasiiraduba noqdeen wax la iska koobigareeyo.
Waxaa fiicnaan lahayd in Riyaale
wasaaradahan ku darsado oo qaarkood laga yaabo gobolada kalana inay la
samaystaan.
- Wasaaradda la dagaalanka “argagixisada” iyo
dadka Diinta jecel,
- Wasaaradda diididda Soomaaliya iyo magac
udoonista Somaliland.
- Waxaa kaloo loo baahanyahay in wasaaradda
dekeddaha ee Itoobiya laga dhiso “Somaliland”.
Marka ma ahan canshuurtan yar ee Berbera
iyo garoonka Hargeysa laga qaado in niman wasiiro ku sheega mush-haar lagu
siiyo ama xafiisyo loogu sameeyo.
Waxaan aaminsanahay in aan loo baahnayn
wasiiradan tirada badan ee dhowr wasiir ay samaystaan. Xitaa waddama horay u
maray waxaan oo wasiiro ah ma samaystaan.
Taasina waxay i xasuusinaysaa maqaalkii
Axmed Maxamed markuu lahaa meesha waxaa isugu yimid nabad sugiddii iyo
hangashtii dowladii hore.
Waxaa taa daliil u ah nimanka noocaas ah ma
daneeyaan dadweyne iyo horumartoona ee waxay la xisaabtamaan kaabo qabiilo
oo ay dhahaan intaas oo wasiir baan ku siinay. Canshuurtii dadkaa dan yarta
ah waxay aaddaa jeebabka wasiirrada.
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 5,
2003
AabBayaasha laqdabada (beenta) iyo
luggooyada oo 1-da Luuliyo lixdankii xusaya!
Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku
sheegay! [Cabdiwaaxid]
» Haddaynu
60-kii Xornino qaadana, "mawaalii” baynu nahay [C/wxid]
» Dowlad
Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]
»Michael H.
Hart:
Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa
u mudan (No. 1) [A/Waxid]
» Ma
Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|