AabBayaasha laqdabada (beenta) iyo
luggooyada oo 1-da Luuliyo lixdankii xusaya!
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
July 1, 2003
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Ilaah baa mahad dhamaanteed
leh, nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaatto.
Markaan damco inaan iska
loox-jiito oo aan damco inaan lafahayga wax ubarto waxaa halkaan soo
liqdaaran niman laqdabo iyo luggooyo ay u tahay labadii lugood ee ay ku
soconayeen. Shacabku waa lulmaysanyahay haddaynaba daawada suuxiska la siin.
Salaan Carrabeey mar la
yiri haweenay uu qabay baa nin kale guursaday ayuu wuxuu tirshay gabay.
Waxaa ku jiray:
-
Rag wax gaara gabadhuu
qaboo guurna lagu sheegay
-
Iyo gamas mariid leh oo
galay jirkiisiiye
-
Labadaas garbuu raggabu
gama’ la diidaaye.
Allaha u naxariisto Salaan
Carrabeey. Haddaad ufiirsatid labadaas bayt ee hore waxaa kusoo baxaysa in
ninkaas caqligiisu caqli dhaafay. Bayt-ka hore waa siduu u yiri oo wax ka
daran ma jiro nin haweentiis isagoon furin la guursado laakiin gamas mariid
leh oo gala jir nin ma yahay waxa ugu daran ee rag gaara? Salaan Carrabay
wuu ogaa laftiisu inuusan ahayn laakiin wuxuu yiri: labadaas garbuu ragguba
gama’ la diidaaye. Waa runtiis oo qof qaba dhaawac intaas leh iyo hurdo kala
tage. Marka ma jiro qof gabaygiisa faraha la gali kara ilayn wuu ogyahay
waxa lagu qabsan karo iyo waxa kale waana in uu meel uga soo haraa.
Qaybtii kale hadda ma
xasuusto laakiin wuxuu cabbiray lo’ inta maalintii u dambaysay soo cabtay
biyihii ugu dambeeyey ee harada oo haddana maalintii dambe is kaga soo
aroortay meel eber ah ee garanwayday in ay dorraad ay biyihii laysatay.
Ma usoo taagnaydeen
qab-qablayaal qaadaya Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada ee? Bal
qab-qable iyo isku tiirsanaan! Oo haddana leh: hadba kiina taagdaranee
taageera waligiinee? Bal qab-qable iyo taageerid qof taag daran!
Soomaalidu waxay tiraahdaa
ninkii mindida ku dhufta iyo kii inta iska dhiga inuu kaa bixinayo hadba
dhinac udhufta wax isma doorshaan ama sidii uu Qamaan u lahaa:
-
Daabaca ninkii kugu
dhuftee, daabka kuu celiyey
-
Iyo kii duleelshaay ku
yidhi, wax isma doorshaane.
Maxay qab-qablayaashu ku
keeneen inta wixii la ogaa sameeyeen oo qarankii dumiyeen oo ummaddii ka
dhigeen mid ay qalaan, mid ay qafaashaan, mid ay qowsaar ka dhigtaan iyo mid
dibad u qaxay in ay inta Mbagathi xaflad ku qabtaan oo heeso iyo hadalo
qiiro leh qaadaan ay ilmo ka soo qubato?
Qab-qablayaashu meeqa jeer
na dileen? Jees-jeeska ayaa ani iiga daran.
Muxuu Khaliif u lahaa:
-
Nabi Muuse tii soo martaa
maanta la hayaaye
-
Ninkii gaalku muudiga ku
raray oo miskaha buuxshay
-
Maqligiisa waa tuu ku
dilay meel aan la arkayne
-
Doqontii nin kale
maamushaa malaha Iimaane
-
Aalaaba waa gargaar meel
maruu dib ugu meershaaye
-
Mushrigii Fircoonna u
tagyoo maaddadii usheegye.
Yaa hadda maamula
qabqablayaasha? Maraykan muran baa ku jira laakiin Amxaaradu qaar badan bay
maamushaa.
Tixdaan waxaa loo
isticmaali karaa marka inta qof walaalkiis oo cadow dulminayo inta ka cesho
kaddib axadkii la caawiyey uu cadowgii usheego in hebel uu saas iyo saas
falay. Waa waxa hadda haysta qof kasta oo ku yiraahda qabqablayaasha Ilaahay
ka baqa oo dadkan sidaan u dhaama, ayaa qab-qablayaashii iyo qaar taageera
inta cadowga u tagaan dhahaan waa argagixiso!
Bal Juxaa iyo nin wax kala
qabsaday aan aragno.
Juxaa wuxuu yiri anoo
maalin safar ah oo dariiq maraya ayaa gaajo xun iqabatay kaddibna waxaan is
iri gaajadu waa malage maad cuntadaada iska cuntid kaddibna jidka
bartankiisa ayaan cuntadii la fariistay.
Wuxuu yiri: nin i garanayey
ayaa igu soo baxay isagoon i salaamin buu yiri: war Juxoow maxaad ku dhex
jirtaa? Juxaa wuxuu igu jawaabay waa arrin ay dadku sameeyaan. Ninkii wuxuu
yiri maya waa arrin aan dadku samayn. Juxaa wuxuu yiri maxaad igu aragtaa?
Ninkii wuxuu yiri ma u qalantaa adoo fadligaas iyo cilmigaas leh inaad
dariiqa dhexdiisa wax ku cunto? Juxaa wuxuu yiri oo maxay dhib leedahay?
Ninkii wuxuu yiri: miyaadan ogayn in arrintaasi ay qofnimadaada dhaawacayso
oo aad dadka indhahooda ka soo dhacaysid? Juxaa wuxuu yiri inta ninka
doqonimadiisa ku qoslay ayaan iri: meeye dadkaad sheegaysid? Ninkii wuxuu
yiri: waa kuwaas iyagoo koox koox ah kugu soo maraya adoo cunto meesha la
fadhiya. Juxaa wuxuu yiri waxaani dad ma ahan ee waa Lo’.
Juxaa wuxuu yiri waxaan ka
baqay in dadka dariiqa maraya inta maqlaan doodda ay nagu soo leexdaan ilayn
dadku wax ka war jecele oo uu markaa iga guulaysto in wuxu dad yihiin.
Juxuu wuxuu yiri markuu
ninkii damcay inuu dhaqaaqo ayaan iri sug wax yar aan ku tuso waxaan
sheegayee.
Juxaa wuxuu yiri inta liqay
wixii afka iigu jiray ayaan dhawaaqay anoo leh dadoow kaalaya waan idin
wacdinayaaye. Wuxuu yiri dadkii meel kasta waa iiga yimaadeen iyagoo isku
soo buuranaya meeshii aan taagnaa.
Kaddib waxaan gudagalay buu
yiri wacdigii. Waxaan ku iri buu yiri: dadoow waxaad tihiin xoolo oo kale
bal waa ka liidataan. Waxaad tihiin xaabada naarta jahanamo maalinta qiyaame.
Wuxuu yiri qofkasta oo ka mid ahaa waxaa soo dhaafay ilmadii oo dhabankiisa
qoysay, qof kasta goradda (madaxa) ayuu hoos u laad-laadshay. Wuxuu yiri
halkaas baan ka miisay annoo iyaga haysta oo ku dul akhrinaya Aayadihii iyo
Axaadiistii ka sheekaynayey ummaddihii la halaagay. Wuxuu yiri waxaan
sheekadii ku soo xiray oo aan ku iri: waxaan khabar ku helnay in qofkii
carrabkiisa soo saara oo foodiisa taabsiiya sanka dushiisa in dambigiisii
hore iyo kiisa dambe loo dhaafayo! Wuxuu yiri qof kasta oo iyagii ka mid ah
wuxuu isku dayey inuu inta carrabkiisa soo saaro sankiisa taabsiiyo. Wuxuu
yiri iyagoo la rafanaya arrintaas oo isku dayaya inay ajarkaas helaan ayaan
ninkii saaxiibkayga ahaa ku iri: fiiri xaggooda ma dad baa mise waa lo’?
Waxaan leeyahay ka warrama
dadkeena inta qabqablayaashu tagaan Mbagathi oo hadalo qiiro leh ku hadlaan
leh waxaan ku faraxsanahay 1-da Luuliyo, marka ma shacbi baan nahay mise
shimbiro?
Waxaan aaminsanahay in
aysan qab-qablayaashu dad noo arag maxaa yeelay inta mid dhintay iyo mid
dhimanaya naga dhigeen ayaa dadka badankiisii nin walbaa wuxuu raacay kay
qabiil isku xigeen. Intii kalana waxay ka dhaadhiciyeen inay yihiin dad
dhibta na haysta ka damqanaya. Waxay keeneen inay sidii fannaanniintii ay
riwaayado jilaan.
Sharwadayaashu xaggay
dhibta ka keenaan? Aan u fiirsano sida ay akhbaarta u helaan.
Shaydaan xaggee buu Aadam
(CS) iyo Xawaa (CS) ka soo galay? Wuxuu ogaa sha’niga geedkii la yiri ha
cunina. Markaas ayuu Aadam iyo Xawaa oo akhbaarta geedka Ilaah u sheegay u
tagay oo yiri geedka arrintiisu waa saas. Waa been abuur ma Ilaah baa yiri
haddaad geedka cuntaan dhiman maysaan ama waxaad noqonaysaan malaa’ig?
Ilmo yacquub beentii ay
abuureen xaggee ka keeneen? Waxay ka qaateen hadalkii Yacquub (CS) ee ahaa
waxaan ka baqayaa in ay uubato cunto, iyaguna markay ceelka ku rideen sidee
bay ku hadleen oo waxay dhaheen yeey baa cuntay. Arrimahan culimadaa sidaas
uga hadashay.
Qab-qablayaashu inay 1-da
Luuliyo udabbaaldagaan xaggee ka keeneen? Waxay ogyihiin in ay shacabka
agtooda qiimo ku leedahay. Iyaguna ilayn wax saas ah nooma arkaane waxay
bilaabeen inay noogu soo dhuuntaan 1-da Luuliyo.
Sidoo kale halkeey
qabqablayaashu ka keeneen in qofkii ay is qoonsadaanba dhahaan waa Al-Qaacida?
Qof kasta waa ogyahay in ay Bush ka soo barteen iyo Maraykan ka soo barteen.
Marka sidii Ilmo Yacquub
inta qarankii iyo Soomaali oo dhan god ku rideen in haddana ilmadu kasoo
qubato iyagoo dhibka nala qaybsanaya, waa aakhiru samaan.
WIBILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 1,
2003
Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku
sheegay! [Cabdiwaaxid]
» Haddaynu
60-kii Xornino qaadana, "mawaalii” baynu nahay [C/wxid]
» Dowlad
Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]
»Michael H.
Hart:
Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa
u mudan (No. 1) [A/Waxid]
» Ma
Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|