Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi u diray ehelada
Soomaalidii ku geeriyootay Jaziiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga
Muqdisho,
October 5, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane
Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal
Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay
doonta ku degtay xeebaha Lampadusa, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska, iyo
ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi
dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha
dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday doontaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kula dardaarmay
dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla
markaana si macno darri ah ay ugu le’daan badaha caalamka, wuxuuna xusay in
xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo
abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.
“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku
halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda
si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal
kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Saacid.
--Communications office
media@opm.gov.so
###
Akhri qoraaladii hore ee
Tahriibta
Madaxweyne Xasan “Booliiska waa inuu dishibiliinka adkeeyaa si shacabka
kalsooni looga helo”
Muqdisho, 05 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta furay tababar ay 450 layli saraakiil
booliis ah ay muddo 45 cisho ah ku qaadanayaan Muqdisho. Xafladdan furitaanka
tababarka Booliiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Wasiir ku
xigeenkiisa Xasan Japan, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo Taliyaha
Nabadsugidda Soomaaliyeed.
Xafladan ayaa waxaa ka soo qeybgalay saraakiil, saraakiil xigeen iyo dabley ka
tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Waxaan munaasabadda maaweelo iyo suugaan
ka soo jeediyey ciidanka Heegan. Waxaana goobta ka hadlay Taliyaha Booliiska,
Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo
khudbad dheer goobta ka soo jeediyey ayaa yiri “Ciidanka Booliiska waa inay
illaaliyaan dishibiliinkooda oo saldhig u ah kalsooni siinta shacabka
Soomaaliyeed. Tababarada noocan oo kale ah waa inay noqdaan kuwo tayadii, iyo
khibradiii ciidanka sare u qaadda si ay shacabka ugu adeegaan oo ay u
badbaadiyaan.”
Madaxweynaha oo tababarka maanta si rasmi ah u furay ayaa sheegay muhiimadda
ciidanka iyo sida ay dowladda mudnaanta koowaad u siisey amniga oo lafdhabar u
ah horumarka bulshada. Madaxweynaha oo sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ay wax
badan u qabsoomeen, ayaa yiri “ Waxaan marka hore u hambalyeynayaa ciidanka
Soomaaliyeed oo marwalba diyaar u ah difaaca dalka, diinta iyo dadka
Soomaaliyeed, oo duruufo adag ku soo shaqeeyey in muddo ah, welina u taagan bad-baadada
shacabka Soomaaliyeed. Dowladdu waxey mudnaanta koowaad siisey amniga, tayeynta
ciidanka iyo helitaanka xuquuqdooda. Waxaan labo jibaarnay raashinka ciidanka,
waxaana bixinaa mushaaraadka ciidanka wallow ay aad u yaryihiin marka loo eego
baahida iyo baaxadda ciidanka.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey muhiimadda tababarka cidianka ayaa yiri “Aqoontu waa
iftiinka dalka oo ciidanku waxuu si joogta ah ugu baahanyahay in tayadooda iyo
aqoontooda la kordhiyo, isla markaana khibradda ciidanku ay keento in shacabka
la badbaadiyo. Sidoo kale dishibiliinka ayaa muhiim ah oo keeni kara in shacabka
kalsooni ku qabaan ciidanka Soomaaliyeed.”
- DHAMAAD -
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia
Oct 5, 2013
Dawladda Federaalka oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas
Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalak Soomaaliya
ay "heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration
ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain."
Sida ku cad diiwaanka companieshouse.gov.uk, Shirkaddan
waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka hor, taariikhdu markay ahayd
22/07/2013 (July 22, 2013). TixraacHalkan
http://wck2.companieshouse.gov.uk/, si aad u eegtid xilliga la diiwaan
geliyey website-kaas ku qor magaca shirkadda cusub oo ah: Soma Oil and Gas
Exploration ltd. (Date of Incorporation in UK: 22/07/2013). Sidoo kale website
shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013. Tixraac: http://who.is/whois/www.somaoilandgas.com .
Warsaxaafadeedkii ka soo
baxay DFS Halkan ka akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2013
|