Dawladda Federaalka oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and
Gas Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalak
Soomaaliya ay "heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas
Exploration ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain."
Sida ku cad diiwaanka
companieshouse.gov.uk, Shirkaddan waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka
hor, taariikhdu markay ahayd 22/07/2013 (July 22, 2013). Tixraac
Halkan
http://wck2.companieshouse.gov.uk/, si aad u eegtid xilliga la diiwaan
geliyey website-kaas ku qor magaca shirkadda cusub oo ah: Soma Oil and Gas
Exploration ltd. (Date of Incorporation in UK: 22/07/2013). Sidoo kale website
shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013. Tixraac:
http://who.is/whois/www.somaoilandgas.com .
Warsaxaafadeedkii ka soo baxay DFS hoos ka akhri:
Heshiis dhexmaray Dawladda iyo Sharikad Sahminaysa Shidaal
Wasaaradda Khayraadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya waxaa ay ku dhawaaqday
maanta in ay heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas
Exploration ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain.
Heshiiska waxaa uu u ogalaanayaa Sharikaddan in ay ka sahmiso Soomaaliya in
Saliidi ku jirto , soona ururiso xog ku saabsan jiritaanka Shidaal, si ay qayb
uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.
Waxaa la rajaynayaa in heshiiskan uu qayb ka noqdo dhiirigalinta maalgashiga iyo
soo saarista khayraadka dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa uu muujinayaa xiriirka xoogan ee u dhexeeya Somalia iyo
Britain.
Wasaaradda Kheyraadka
Xukuumada Federaalka
Wixii faah faahin ah la xiriir
Afhayeenka Xukuumada
Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Mob.+252-61-6969105
ridwaanhaji@gmail.com
6th August 2013
Dowladda Federaalka oo Heshiis la gashey Shirkad Shidaal ka Baareysa
Soomaaliya oo laga leeyahay ingiriiska
Maanta oo Taariikhdu tahay 6-8-2013 waxay Wasaaradda Kheyraadka Dalka la gashay
Shirkad sahmin ku sameyneysa in Soomaaliya ay leedahay Shidaal iyo Saliid, oo
fadhigeedu yahay dalka Britain, waxaana lagu magacaaba Soma Oil And Exploration,
taas oo ay ku jiraan khubaro dhinaca Baarista wixi heshiiskan Khuseeya.
www.somaoilandgas.com
Kulanka Heshiiska lagu kala saxiixanayey ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid
) sidoo kale Wasiirka Kheyraadka dalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed
ayaa Warbaahinta u sheegay in Shirkadani ay ku soo kordhin doonto dalka Horumar
balaaran inay ka baarto dalkeena Saliid iyo Shidaal taa oo haddi lagu Guuleysto
sare u qaadi doonto Horumarka dhinaca Dhaqaalaha Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiyaha shirkadda maanta heshiiska lala gaaray Michel Harwood
ayaa isagana tilmaamay in Heshiiska Sahminta in uu qeyb weyn ka qaadanayo
Kobcinta Dhaqaalaha Soomaaliya, isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysto.
Heshiiska Sahminta Saliidda iyo Shidaalka Soomaaliya ee Badda iyo Berriga ay
Shirkaddan Soma Oil And Exploration ka sameyneyso Soomaaliya ayaa dhaqan galaya
marka ay ka doodaan Golaha wasiirrada Soomaaliya, waxaana heshiiska uu qaadan
doonaa muddo Sannado ah, iyadoo ay ka shaqeynayaan khubarro caan ka ah dalka
Ingriiska oo Dalal badan horey baaritaano dhinaca Shidaalka ah uga soo sameeyey.
Dabayaaqadii Bishii insoo dhaaftey ayaa ayaa Dowladda Federaalka waxay Heshiis
la gashey Shirkada lagu Magacaabo Atlantic Marine And Offshore Group oo laga
leeyahay wadanka Holland taasoo Qandaraas lagula Heshiisyey in ay Ilaaliso
Khayraadka Bada Soomaaliya sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale waxay
Heshiis la gashey Shirkad lagu Magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection taasoo
Ilaalin doonta islamarkaana Hubin doonta Raashinka iyo Daawada dalka la soo
gelinayo
Hadaba Dhowr Todobaad ayaa Dowlada Federaalka waxay Heshiisyo la gashey ilaa
Seddex Shirkdood taasoo la yaab ku noqotey Bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood ay
sheegeen in Shirkadaha qaarkood waxa ay qabanayaan ay qaban karaan dadka
Soomaaliyeed kuwaa oo Awooda in ay yihiin kuwa ka soo dhalaali kara oo
Aqoontooda u leh, iyadoo Shirkadahaan ay Dowladu la gashey Heshiisyada looga
baahan yahay in ay Marsiiyaan Golaha Baarlamanka
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Ministry of National Resources
Federal Republic of Somalia
Somalia signs Oil & Gas Seismic Agreement
The Minister of National Resources, on behalf of the Federal Republic of
Somalia, announced that the Government has today signed an Agreement with Soma
Oil and Gas Exploration Ltd, www.somaoilandgas.com a United Kingdom company.
Under the agreement the company will conduct seismic surveying to assist the
development of Somalia’s hydrocarbons sector.
It is expected that this will attract further investment and facilitate
exploration in an area of immense economic potential for the nation.
The agreement reflects the strength of the relationship between Somalia and the
United Kingdom.
6th August 2013
Ministry of National Resources
Federal Republic of Somalia
For more info. Contact
Government Spokesman
Ridwaan Haji Abdiweli
Mob.+252-61-6969105
ridwaanhaji@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2013
|