Golaha Wasiirada oo Ogolaaday Heshiiskii ay Dawladda Federaalku la gashay
shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in
"Golaha Wasiirada ay ogolaadeen heshiis shidaal Sahmin ah oo ay Wasaaradda
Kheyraadka dalka la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration,
taasoo sahmin ku sameyn doonta qeybo ka mid ah badda iyo berriga oo baaxadiisu
dhan tahay 60’000 oo KM Square."
DFS ayaa 6dii Agoosto 2013 heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabay Soma Oil
and Gas, oo fadhigeedu yahay dalka Britain.
Warsaxaafadeedkii Golaha wasirada ee Khamiistii Oct 3, 2013 hoos ka akhri.
Warsaxaafadeed: Golaha Wasiirada oo shirkooda uga dooday qodobo
muhiim ah
Muqdisho, October 3,2013-----Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya
ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa kaasoo uu shir guddoominayay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo
kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin shirka dib u heshiisiinta ee Jubba,
heshiiskii shirkadda Sahminta shidaalka ee Soma Oil and Gas Exploration, iyo
warbixinta safarkii Ra’iisul Wasaaraha ee dalalka Switzerland iyo Turkey.
Ugu horeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa warbixin dheer ka siiyay golaha,
safaradii uu dhowaantan ku tegay dalalka Switzerland iyo Turkey, wuxuuna xusay
in safaradaasi ay ku soo idlaadeen natiijo wanaagsan, isaga oo si gaar ah u
xusay in shirkii horumarinta xaquuqul insaanka ee ka dhacay Geneva in lagu
ammaanay dawladda Soomaaliyeed dhowrista xaquuqda bani’aadamka, gaar ahaana soo
dhoweynta bulshada rayidka, sinnaaanta beelaha, xuquuqda dumarka, ka hortagga
kufsiga, ka hortagga askaraynta caruurta iyo siyaasadda difaaca howlwadeenada
warbaahinta.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyay golaha Wasiirada kulamadii
madaxda dalka Turkey, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay heshiisyo iskaashii oo ay la
soo galeen, taasoo hay’addaha gargaarka dawladda Turkey ay ka fulin doonaan
gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha ayaa warbixin dhanka
amniga ah siiyay golaha, waxaana Wasaarada arrimaha gudaha ay xustay inay
todobaadkan howlgalo la sameeyey lagu soo qabtay xubno dhagar qabayaal ah oo ka
tirsan kooxda Shaabab, kuwaasoo maleegayay falal ka dhan ah amniga, gaar ahaana
howlgal ay ciidanka amnigu ka sameeyeen degmada Shibis oo lagu soo qabtay 4
xubnood oo ka tirsan nabadiidka iyo hub fara badan.
Golaha Wasiirada ayaa shirkoodan caadiga ah maanta sidoo kale uga hadlay
xaaladda nololeed ee gobolka Bakool, gaar ahaana Degmada Xudur oo laga soo
sheegayo duruufo nololeed oo aad u adag, waxayna goluhu u magacaabeen guddi heer
wasiir ah uuna madax u yahay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha, kuwaasoo ka soo
talo bixin doona sida ugu macquulsan ee gargaar loo gaarsiin karo.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa maanta dib u dhigay shirkii dib u heshiisiinta
ee arrimaha Jubba, waxaana shirkaasi qabsoomi doonaa 21-ka bishan October,
waxaana inta ka horeysa jiri doona diyaar garow buuxa oo ku saabsan qaban
qaabadda shirka guud ahaan.
Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa ogolaaday heshiis shidaal Sahmin ah oo
ay Wasaaradda Kheyraadka dalka la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas
Exploration, taasoo sahmin ku sameyn doonta qeybo ka mid ah badda iyo berriga oo
baaxadiisu dhan tahay 60’000 oo KM Square. Waxayna goluhu soo dhoweeyeen
siyaasada dawladda ee horumarinta maalgashiga iyo kobcinta dhaqaalaha si looga
baxo faqriga.
---Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
##DHAMMAAD##
Dawladda Federaalka oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas
Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalak Soomaaliya
ay "heshiis la gashay sharikadda lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration
ltd, www.somaoilandgas.com oo fadhigeedu yahay dalka Britain."
Sida ku cad diiwaanka companieshouse.gov.uk, Shirkaddan
waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka hor, taariikhdu markay ahayd
22/07/2013 (July 22, 2013). TixraacHalkan
http://wck2.companieshouse.gov.uk/, si aad u eegtid xilliga la diiwaan
geliyey website-kaas ku qor magaca shirkadda cusub oo ah: Soma Oil and Gas
Exploration ltd. (Date of Incorporation in UK: 22/07/2013). Sidoo kale website
shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013. Tixraac: http://who.is/whois/www.somaoilandgas.com .
Warsaxaafadeedkii ka soo
baxay DFS Halkan ka akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2013
|