SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisul Wasaare Shirdoon oo soo Eegey Xaalada Nolosha ee Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar

Waxaa maanta Xabsiga dhexe Magaalada Muqdisho Booqdey Raiisul Wsaaraha Dowladda Federaalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weliyaan Masuuliyiin ka tirsan wasaarada cadaalada iyo Garsoorka , wuxuuna Kormeerkaasi ahaa mid uu Raiisul Wsaaraha ugu Kuur galayey Xaaladda Xabsiga Dhexe ka dib markii dhawaan ay Xabsiga Dhexe ay ka soo yeertey Qayla dhaan la Xiriirta Xaalad Caafimaaddaro.

Raiisul WAsaaraha ayaa markii uu Xabsiga Dhexe ee Xamar Booqdey waxaa uu u kuurgaley Xaalada Maxaabiista , Dhismaha Xabsiga , Xaalada Ciidamada Asluubta ka dib waxaa uu warbxin ka dhegeystey Saraakiisha maamusha Xabsiga Dhexe oo ka warbxiyey Xaalada Maxaabiista qaabka ay tahay Noloshooda gaar ahaan dhinaca Caafimaadka iyio Mida Cuntada.

Xabsiga oo ay ku jiraan 1700 oo Maxbuus waa tiro aad u badan oo Xiligaan aan Xamili Karin Xabsiga dhexe oo la dhisey Sannadkii 1910 kii waxayna Masuuliyiinta wasaarada Garsoorka iyo Saraakiisha Xabsiga isla qireen in Xabsiga Dhexe ay haysato daruuf aad u daran waxayna Dowladda Federaalka ka Codsadeen in lala soo gaaro Caawinaad Dhinaca Maxaabiista iyo mida Dhismaha

Raiisul Wasaaraha oo si weyn u eegey Cuntada laga Kariyo Xabsiga Dhexe islamarkaana mid mid u Wareystey Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ayaa waxaa uu sheegey in ay Dowlada wax badan ka qaban doonto Xaalada Xabsiga Dhexe gaar ahaan Dhinaca Cunta iyio Caafimaadka waxaana uu kormeerkaan uu yimid Xili ay Cabasho weyn ay ka soo yeertey Saraakiisha Xabsiga Dhexe

Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari soo Fiiriya Xabsiga Dhexe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;