Xasan Shiikh, Saacid iyo Jawaari soo Fiiriya Xabsiga Dhexe.
“Ma Ogidiin Miyaa in Shiikh Shariif laga adkaadey”
( Ha la yaabin waa Xaaladaha ka jira Xabsiyada )
Koox Wariyayaal ah oo Dhawaan Booqatey Xabsiga Dhex si ay u soo ogaadaan Nolosha
Maxaabista halkaa ku jirta waxayna si gaar ah u Daneynayeen Xaalada Wariye
Cabdicasiis Koronto oo dhawaan Maxakamada Racfaanka Ku Xukuntey Lix Bilood oo
Xariga ah markii uu wareystey Haweeney Sheegatey in la Kufsadey wuxuuna
Taliyihii Xabsiga si weyn u soo dhaweeyey Wariyayaashii ka dib waxaa uu u
gudbiyey Xafiiskiisii waxaana Dhex martey Sheekadaan
Mid ka mid ah Wariyayaashii ayaa Taliyihii weydiiyey Taliye waxaan kaa rabnaa in
Wariye Cabdicasiis Koronto aad geyso Qol ka wanaagsan midka hadda uu ku jiro ?.
inta Qosley ayuu ku jawaabey”Qolka hadda uu ku jiro waa mid VIP ah “Markaasaa
Wariye ka tirsan Wariyayaasha la soo boodey “Ma Qolkaas baa VIP ah oo ay ku
jiraan 45 Qof “Taliyihii ayaa qaatey oo yiri” Soo fiiriya Qololka kale “markiiba
waxay ku soo wareegeen Qololkii kale “ Markii ay soo dhameysteen Kormeerkii ayaa
mid ka mid ah Wariyayaashii ku qayliyey “Taliye waan kuu Mahadcelineynaa
maadaama Wariyaha aad keentey Qol VIP ah”

Wariye ka tirsan Wariyayaashiii Booqdey Xabsiga ayaa hadana Taliyihii weydiiyey
oo yiri “Taliye CabdiCasiis ma siin karnaa Maro Kaneeco” ama Sansayeeri”
Taliyihii ayaa ku jawaabey “ Cabdicasiis Qolka waxaa kula jira 45 Qof mid Maro
Kaneeco haysta ma jiro waxaana sidaa u yeeley arrimo jira “Wariye kale ayaa
weydiiyey “Taliye maxay tahay arimaha kale ee jiro “ markaasuu yiri “ ha iga
hadal siin “ markaasuu ku celiyay Taliye noo sheeg arrimaha jira “inta qosley
ayuu yiri “Xabsiga waxaa la dhisey Sannadkii 1910 kii waa Hal Qarni iyo Toban
Sadex Sanno marka Sansayeeriga wuxuu u baahan yahay Musbaar marka meel looga
muddo Darbiga Kore ma laha oo haddi siidaa loo taabo Darbiga waxaan ka Cabsi
qabaa in uu soo Dumo oo waxyeelo kale uu keeno “ arrin kalena waa jirtaa haddi
Maxaabiistaan helaan Masaabiir waxaa laga yaabaa in ay isku dilaan marka sidaa
baan uga Mamnuucney wax Maro kaneeco ah.
45 Qof ee Qolka kula Jirta Wariye Cabdicasiis Koronto Waxaa ka Dhaxeeya Hal
Musqul oo aan marnaba aan faaruqin weliba Maxaabiista kale waxay sheegeen in
aysan u adkeysan Karin waxa ka soo baxay Suuliga , sidoo kale Maxaabiista aad
bay uga Cabanayaan dhinaca Raashinka oo Subaxii waxaa la siiyaa qofkiiba laba
Rooti ah oo aad u yar yar ,Qadada waa Bariis aad u liita oo adiga wax kaa
raadinaya mararka kalena waxaa la siiyaa Soor , Habeenkiina Canbuulo ayaa loo
kariyaa hase yeeshee taliyaha ayaa sheegey in intaa ay haatan helaan Maxaabiista
ay ku soo helaan si aad dhib badan.
Maalinta Arbacada ayaa loo fasaxaa Dadka in ay booqdaan Maxaabiista hase yeeshee
Qofkii loo keeno Xoogaa Dhigaal ah way adag tahay in keligi Cunno waayo waxaa
Xabsiga ku jira dad aan lahayn qaraabo oo Muddo Xirnaa wixii maalinkaa loo keeno
ayay Dhamaan Maxaabista Afka wada geliyaan waxaana Wariyayayashii Taliyaha uu
kula Dardaarmey in Madaxda Dowladda Sida Madaxweynaha , Raiisul Wasaaraha iyo
Gudoomiyaha Baarlamanka ay gaarsiiyaan fariin ah in ay sida ugu dhaqsiyaba badan
u soo eegaan Xabsiga dhexe haddii kale dhibaato mida Maxaabiista haysto mid ka
weyn ayaa ka imaan doonto haddii aan wax laga qaban Dhismaha Duqoobey ee Xabsiga
Dhexe.
Markii aan u soo baxney Xabsiga ayaA waxaa horey noo soo raacey Wiil Dhalinyaro
ah wuxuuna noo sheegey arrin aan aad ula yaabney waxaana uu yiti “ Xabsigaan
Dhexe waa i Dhunko oo I Qarso ee meel aan soo arkey ayaa ka daran “markaasaa
Wariye kale waxaa uu yiri oo halkee ka daran “markaasuu ku jawaabey “Xabsiga
Baarista Xisbiga ee Mdaxtooyada ku dhow “ oo Maxay ahaayeen waxa kaa yaabiyey
“Markii Bil iyo Bar laga joogo Doorashiidii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la I
geeyey Xabsigaasi markaasaa Maxaabiistii I tiri “Xaalada ka waran “markaasaa iri
“Sow ma ogidiin in Shiikh Shariif laga adkaadey “kuwaa la soo boodey oo yaa ka
adkaadey “markaas baan iri” Nin la yiraahdo Xasan Shiikh “markii uu hadaladaaasi
iga soo baxeen ayaa waxa Maxaabiistii u kala jabeen laba qaybood kuwa soo
Dhawaayey in Xilka laga qaado Shiikh Shariif iyo kuwa ka soo horjeestey” markaas
baan iri “ oo intaa miyeydaan Maqalin “waxay la soo Boodeen “ oo yaaba kuu ogol
in aad Idaacad Dhageystey sidaan baa meeshaan Dhego Xiran ugu nahay ”
Ugu dambeyntii Maxaabiista ku jira Xabsiyadaas waxay isugu jiraan qaar aan la
Xukuimin iyo kuwa la Xukumey marka la fiiriyo Dastuurka Dalka waxaa uu sheegeyaa
in aan aan qofna la hayn karin 24 Saacadood ka badan marka inta badan
Maxaabiista waxay u cabanayeen Dowladda Federaalka oo qaarkood Doonaya in ay
helaan Xukun Cadaalad ah qaar kalena waxay Doonayaan in ay wax laga badelo sida
ay hada yihiin Xabsiyada hada lagu hayo dadka sidoo kale Ciidamada Ilaalada
Xabsiga ayaa iyana ka muuqtaa Daruufo Dhaqaale iyo mid Qalab kuwaas oo doonaya
in ay Dowlada ka helaan Xaquuqdii ay ku lahaayeen weliba waxay doonayaan in
Madaxda Dowlada soo Booqdaan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2013
|