SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Guddiga Ammaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Sheegay in ay la Xisaabtami doonaan Hay’adaha ammaanka Dowladda ka dib markii la laayey Maxaabiis la hayey

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay Siyaabo kala Duwan Dilal loogu gaystay gudaha Magaalada Muqdisho Dad tiradoodu ay gaarayso illaa Tobaneeyo isla markaana la sheegay in Dadkaas qaarkood ay ka mid ahaayeen Maxaabiis Ciidamada Dawladdu gacanta ku hayeen ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga ammaanka barlamaanka Federaalka Soomaaliya Daahir Amiin Jeesoow.

Xildhibaan Jeesoow oo qaar ka mid ah Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan marnaba loo dul qaadan karin in shakhsi Soomaali ah oo Ciidamada Dawladda gacantooda ku jira in la Dilo iyadoo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.

Mudane jeesoow ayaa farta ku fiiqay in Dilalkii Saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho in ay yihiin wax khilaafsan Shareecada Islaamka iyo waliba dhaqanka Soomaalida. Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga ammaanka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaasi ay kala xisaabtamayaan hay’adaha ammaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay baarayaan falalkii u dambeeyay ee ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.

Daahir Amiin Jeeesow ayaa soo hadal qaaday in Dastuurka Qaranku uu Qorayo in 24 tan saac ka badan aan la hayn karin ruuxa la soo eedeeyo wixii xiligaas ka badana loo baahan yahay in Maxkamadi kordhiso sii hayntiisa 24 saac kaddibna uu Muwaadinku xaq u leeyahay in Maxkamad la hor geeyo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in Muwaadiniinta Soomaalida ay Xaq u leeyihiin in la ilaaliyo ammaankooda isla markaana aan xad gudubyo loo gaysan in kastoo Dembiyo loo soo xiro.Hadalkan ka soo yeeray Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga ammaanka ee Barlamaanka ayaa imaanaya xilli Habeenadii la soo dhaafay qaybo kala duwan sida Gubta Ciise Cabdi ee Degda Dayniile iyo Wadada Warshadaha lagu arkay Dad Meeydad ah oo inta Gaadiid lagu keenay halkaa lagu dilay taasoo dadku si aad ah uga xumaadeen.

Muqdisho oo Hadal Haynta ugu Balaaran ay Noqotey markii Xaafadaha Muqdisho la soo Dhigey Maydadka Dhowr Qofood

 “Walaalkey waxaa soo qabtey Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ka dib waxaa la geeyey Xarunta CID , waxaan dooneyney in maalinkaa aan soo furdaamino hase yeeshee waxaa saakey ku soo baraarugney Maydkiisa oo yaala Agagaarka Koka Kola marka ma garaneyno waxa loo diley Walaakey” sidaas waxaa yiri Nin Odey ah o Walaalo ay ahaayeen nin la soo dhigey Meydkiisa agagaarka Warshada Koka Kola ee Degmada Yaaqshiid sii akhri...

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;