SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Muqdisho oo Hadal Haynta ugu Balaaran ay Noqotey markii Xaafadaha Muqdisho la soo Dhigey Maydadka Dhowr Qofood

Hadal heynta ugu Balaaran Shaley iyo Maanta ee Magaalada Muqdisho waxay tahay markii dadka Muqdisho Shaley iyo Maanta ku soo Waabiriisteen Maydka dad Dhalinyaro ah oo inta la soo diley kadib loo qaybiyey Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaana Goobihii la soo dhigey Maydadkaasii ku soo xoomey dad aad u fara badan oo qaarkood ay ka muuqtey wajiyadooda Carro aad u weyn waayo maalmahan Magaalada loogama baran Dilal Noocaas ah.

Dadka Muqdiho ayaa is weydiinaya cida ka Dambeysa Dilalkaasii oo qaarkood sheegey in ay tahay Waji Cusub oo ku soo kordhey Magaalada Muqdisho waayo Meydad intaa la eg waxay sheegeen in ay mar hore ugu Dambeysey iyadoo ay sheegeen in meelo kale lagu soo diley ka dibna Magaalada loo qaybiyey

Nin Odey ah o Walaalo ay ahaayeen nin la soo dhigey Meydkiisa maalintii shaley ahayd agagaarka Warshada Koka Kola ee Degmada Yaaqshiid oo u waramayey Warbaahinta Muqdisho ayaa isagoo arrinkaas Foosha Xun ka hadlaya waxaa uu yri “Walaalkey waxaa soo qabtey Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ka dib waxaa la geeyey Xarunta CID , waxaan dooneyney in maalinkaa aan soo furdaamino hase yeeshee waxaa saakey ku soo baraarugney Maydkiisa oo yaala Agagaarka Koka Kola marka ma garaneyno waxa loo diley Walaakey”

Dilalkaan ayaa waxay dadka ku reebtey Walwal badan waayo Maydadka sidaa u tiro bafdan Muqdisho Mudda ugu dambeysey Sawirada halkaan idiin kaga kaaga Muuqan doona waxaa Afar Qof oo saakey Maydkooda la soo dhigey Xaafada Gubta ee Degmada Dayniile waxayna dadka qaarkii ay sheegeen kuna Tilmaameen Dilakaasi iyo Sicir Bararka Muqdisho ka jira kuwa ay ka dambeeyaan arrimo Siyaasadeed waxay dadka qaarkii ay Codsadeen Dowladda in si deg deg ah wax uga qabto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;