Muqdisho: Weerar lagu qaaday Xarun Caafimaad oo ay Maamulaan Turkigu
iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kulan Amniga looga hadlayo la yeeshay
Taliyeyaasha ciidamada iyo Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo
Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa cambaareeyey
weerarkii gelinkii dambe ee Sabtidii lagu qaaday xarun caafimaad ee ay maamulaan
Turkigu.
Shirdoon "ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday
goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah, halkaasoo ay adeegyo
caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna alle uga
baryay intii dhimatay inuu Janada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo,
“Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya
la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri
Cabdi Faarax Shirdoon.
Sidoo kale waxaa weerarkaas cambereeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud
ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.
Dhanka kale Ra'iisul wasaaraha DFS Shirdoon kulan Amniga looga hadlayo la
yeeshay Taliyeyaasha ciidamada iyo Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo, sida lagu
faahfaahiyey warsaxaafadeedka hoose:
Warsaxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo caawa kulan Amniga looga hadlayo la yeeshay
Taliyeyaasha ciidamada iyo Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo
Muqdisho July 27, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa caawa kulan ballaaran oo afur ah la
yeeshay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, taliye xigeenada, guddoomiye-yaasha
17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale kulanka ku wehliyay Wasiirka
Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Guuleed, Wasiirka
Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud
Axmed Tarsan.
Kulankan ayaa diirada lagu saaray xaaladdaha amniga dalka, gaar ahaana
caasimadda, waxaana kulankan Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixino ka dhegeystay
taliyeyaasha Booliska, Millateriga, iyo Nabadsugida Qaranka, waxayna warbixin
faah faahsan ka siiyeen qorsheyaasha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, iyaga
oo tilmaamay inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda
jiray bishan Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la
doonayay in shacabka lagu dhibaateeyo, waxayna xuseen in caddowgu aad u
taagdaran yahay uuna ku jiro maalmihii ugu dambeeyey.

Kulankan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Afhayeenka
Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli, waxa uuna sheegay in kulankani uu ka
duwanaa kulamadii hore isla markaana Ra’iisul Wasaare Saacid uu si qotadheer u
xog-wareystay taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo
dhamaamba howlwadeenada ammaanka, isaga oo ka dalbaday in looga fadhiyo isbedel
deg deg ah oo dhanka sugida amniga iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale, diirada lagu saaray qaabka dariseynta iyo iskaashiga
dhanka amniga ee degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana halkaasi loogu bandhigay
qorshaha cusub ee amniga ee uu horay ugu dhawaaqay Ra’iisul Wasaaruhu, kaasoo
qeyb weyn ka qaadan doona sugida amniga iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta
lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah, halkaasoo ay
adeegyo caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna alle
uga baryay intii dhimatay inuu Janada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo,
“Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya
la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Kulankan looga hadlayay amniga ayaa daba socda, kulamo horay uu ula qaatay
Ra’iisul Wasaaraha qeybaha kala duwan ee bulshada, taasoo uu kala hadlayay
qorshaha xukuumada ee xasilinta iyo dalka.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha xumuumadda DFS ayaa tibaaxay in "Golaha
Wasiirada ay meel mariyeen heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee
xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad [sic] oo
fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu
sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka.
Waxayna shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada
Badda." Sii Akhri
UN Secretary General's Special Representative for Somalia, Nicholas Kay on
the attack against Turkish targets in Mogadishu
Mogadishu,
27 July 2013 - SRSG Nicholas Kay strongly condemns the suicide attack against an
office housing Turkish staff earlier today in Mogadishu which reportedly ended
in deaths and injuries.
This is one of the several attacks that Al Shabaab has carried out during the
holy month of Ramadan.
SRSG Kay said “My deep sympathy and sincere condolences go to the Turkish
government, the victims and those who have lost their loved ones. Turkey has
been working tirelessly and bravely to help the Somali people over the last few
years.”
“I condemn all acts of terrorism. The United Nations Assistance Mission in
Somalia (UNSOM) and international partners will stand firm in our efforts to
help the Somali people to enjoy the peace and development they so desperately
want and need" SRSG Kay added.
Ends.
Get updates from UNSOM:
www.unsom.unmissions.org
Faafin: SomaliTalk.com | July 27, 2013
|