SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisal Wasaaraha oo dhaleeceeyay kana tacsiyeeyay khasarihii weerarka is-miidaamintaa ee lala beegsaday baabuurta AMISOM


Ra,iisal Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdon "Saacid" ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta galinkii dambe lala beegsaday baabuurta AMISOM. Waxaana uu tacsi u diray dhamaan qoysaskii dadkii rayidka ahaa ee ku wax-yeeloobay weerarkaas, ay qaadeen kuwa nabad diidka ah.

"Waan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii dadka rayidka ah ee ku wax yeeloobay weerarkii nabad diidku maanta ka fuliyeen Muqdisho. In micno daro lagu gumaado shacbiga Soomaaliyeed waa nasiib daro aad u weyn, dawladuna dadaal dheeri ah ayay ugu jirtaa in laga hortago dhagar qabayaash, fuliya gumaadyada noocan oo kale ah," ayuu yiri Ra'iisal Waxaaruhu.

Weerarkan ayaa maanta lala beegsaday baabuurta ciidamada AMISOM xili ay marayeen wadada ka baxda KM4 ee aada dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade. Weerarka ayaa waxaa gaystay gaari is-miidaamiyay oo beegsaday baabuurta qafilan ee AMISOM. Halkaas waxaa ku dhintay sadex qof oo rayid ah iyo laba qof oo la aamin sanyahay inay weerarka gaysteen, waxaana ku dhaawacmay tiro gaarsiisanilaa lix qof oo rayid ah, inta ilaa iyo hada aan xogteeda hayno.

Ahmed Adan
Prime Minister's Media Office
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so
Phone: +252 (0) 616 44 00 28

Dhammaad

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2013


Is Kenya birthing a new country named Jubaland?

A Jubaland warlord backed by Kenya flew to another semi-autonomous region in Somalia and was hailed this weekend as Jubaland's president.

July 8, 2013 / NAIROBI, KENYA
A row on the Horn of Africa between Somalia and Kenya over a border area inside Somalia called Jubaland took another twist -- as a former militia leader backed by Kenya but not recognized by Somalia flew to a prominent northern city and was received there as the president of Jubaland.

In recent weeks the government of Somalia has been claiming Kenya, an old ally, of quietly and tacitly creating a buffer state out of the territory of Jubaland, one that Kenya would hold sway in.

On July 1 Somali authorities said that Kenyan forces, deployed in Somalia as part of an African Union peacekeeping force, were taking sides and should leave, and that they were complicit in a small massacre in May in the Jubaland port of Kismayo that left dozens dead and some 155 wounded. READ MORE HERE...

Over 70 killed in warlord battle for Somali port

FRIDAY JUL 05, 2013 | AGENCE FRANCE PRESSE

Battles between rival warlords in Somalia's key southern port city of Kismayo killed at least 71 people last month, UN officials said Friday, clashes Mogadishu has accused Kenyan troops of encouraging.

"Recent fierce fighting... continues to have a profound impact on civilians and humanitarian aid work in the Lower Juba region," the UN's World Health Organisation (WHO) said, adding the clashes also left more than 300 injured in June.

"Injuries and deaths outside the hospital are estimated to be much higher but cannot be confirmed," the WHO added, which supports hospitals treating the war-wounded in Kismayo.

More READ HERE...


Photo taken on February 27, 2013 shows Kenyan troops patrolling near Kismayo / Source: AFP


A view over the Kismayo seaport in Somalia as ships load with charcoal on March 15, 2013 | Source: AFP


War-saxaafadeed

Shirka Golaha Wasiirada

Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ku meel mariyay sharciga Warbaahinta

Muqdisho July 11, 2013----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan lagu meel mariyay sharciga Warbaahinta (Media Law).

Kulanka ayaa sidoo kale warbixino looga dhegeystay Wasiirka Warfafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, iyo Wasiirka Adeega Bulshada Drs. Maryam Qaasim kuwaasoo safaro ku tegay dalal dhowr ah oo ay la soo galeen heshiisyo horumarineed.

Gabagabadii kulanka kadib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta Mudane Ciilmooge, isaga oo xusay in goluhu ay ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay sharciga warbaahinta, taasoo falanqeyn dheer kadib si buuxda loo meel mariyay.

“Sida aad la socoteen, kulan ballaaran ayaan isugu yeernay qeybaha kala duwan ee warbaahinta bishii Febraayo 9-keedii, waxaana u soo bandhignay howlwadeenada iyo madaxda warbaahinta dalka sharci lagu maareyn doono Warbaahinta, waxaana weydiinay taladooda inay ku biiriyaan sharcigan, weyna ku talo darsadeen bishii May bilowgeedii ayaan ka helnay wixii talo iyo tusaalo ah, waana ku darnay” ayuu yiri Wasiirka oo xusay in qodobada ugu badan ee sharcigani dhigayo ay yihiin kuwii ay soo gudbiyeen bahda warbaahinta si sharcigani u noqdo mid dhaqangal ah oo aan waxba u dhimin dadka ku howlan mihnada saxaafada.

“Runtii marar badan ayaa waxaa dhacday in lagu xadgudbo shuruucda warbaahinta, dawladduna wax talaabo ah ma qaadin, sababtoo ah waxaan sugeynay in sharci la helo si cid kasta ay u hesho xaquuqdeeda” ayuu yiri Wasiirka oo guul ku tilmaamay meel marinta sharcigan, si deg deg ahna loogu gudbin doono Golaha Baarlamaanka si ay u sharciyeeyaan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in ay u suurtagashay in laga qaado xayiraadii garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde International oo muddo 20 sano ay saarneyd xayiraad dhanka duulimaadyada caalamiga ah, haatanse laga qaaday ayna durba ku soo biireen duulimaadyo cusub sida Uganda Air iyo kuwo kale oo mar dhow bilaabi doona.

Wasiirka Wasaaradda Adeega Bulshadu Drs. Maryam Khaasim oo iyadna safar ku tagtay dalka Turkiga ayaa golaha uga warbixisay heshiis ay la soo saxiixatay dawladda Turkiga kaasoo lagu horumarinayo adeegyada bulshada gaar ahaana Caafimaadka, iyadoo xustay in dhowaan la howlgelin doono Isbitaalkii Digfeer kaasoo ay dawladda Turkigu dayactir iyo ballaarin ku sameysay uuna howlbilaabi doono bisha September ee sanadkan “Isbitaalku wuxuu noqon doonaa Isbitaalka ugu weyn uguna casrisan geeska Afrika, waxa uuna dabooli doonaa baahida caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed” ayay tiri Drs. Maryam Khaasin oo intaasi ku dartay in dadka caafimaadkooda wax looga qaban waayo gudaha dalka looo qaadi doono Turkiga, kaasoo qeyb ka ah heshiiska.

Gabagabadii, Golaha Wasiirada ayaa Guddi heer wasiir ah u saaray aaska alle ha u naxariistee marxuum Danjire Sayid Shariif Cabdullaahi oo ahaa safiirkii dalka Koofur Afrika ee Soomaaliya, kaasoo labo cisho ka hor ku geeriyooday magaalada Pretoria, waxaana berri aas Qaran loogu sameyn doonaa dalka gudihiisa iyada oo meydkiisa la keeni doono garoonka Aadan-cadde si madaxda Qaranku ugu tukadaan salaada Janaasada kadibna loo aaso.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

###

Madaxweynaha Soomaaliya oo la Kulmay Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS ayaa u qornaa sidan:

Juba, 11 July 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub oo kala ahaa Erik Solheim oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway, haddana Midowga Yurub u xilsaaray arrimaha Shirka 16ka September 2013 ka dhacaya Brussels iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya Michelle Cervone. Warsaxaafadeedka o dhan ka akhri halkan...

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;