SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Madaxweynaha Soomaaliya oo la Kulmay Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha DFS ayaa u qornaa sidan:

Madaxweyne Xasan oo xafiiskiisa ku qaabilay Erik Solheim iyo Michelle Cervone

Juba, 11 July 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub oo kala ahaa Erik Solheim oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway, haddana Midowga Yurub u xilsaaray arrimaha Shirka 16ka September 2013 ka dhacaya Brussels iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya Michelle Cervone.

Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyey Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Madaxweynaha iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.

Mr Erik Solheim ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha qaabilaadiisa, warbixinna ka siiyey Shirka 16ka September 2013 ee ka dhacaya Brussels sheegeyna in Midowga Yurub ay ka go’antahay sidii shirkaas uu u noqon lahaa mid miro dhal ah, isla markaana ay Soomaaliya la imaan doono COMPACT ku qeexan sidii dalka dib loogu dhisi lahaa iyo sida ay dowladdu mudnaanta u kala siineyso howlaha ay rabto inay qabato. Erik Solheim ayaa sheegey inay muhiim tahay in Dowladda Soomaaliyeed la dhageysto bacdamaa Midowga Yurub uu rabo in Soomaalida waxa ay rabaan la fuliyo.



Madaxweynaha ayaa Erik Solheim uga mahadceliyey booqashadiisa iyo sida ay Midowga Yurub ay uga go’antahay inay hormuud ka noqoto dib u dhiska dalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladdu waxey u xilsaartay guddi ka shaqeeya arrimaha NEW DEAL oo ku saabsan shirka 16ka September si shirkaas u noqdo mid guuleysta oo wax dalka Soomaaliya dan u ah ay ka soo baxaan. Sidoo kale waxaan wadnaa wadatashiyo aan la sameyneyno dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada si COMPACT-ka (dokumentiga) la sameynayo u noqdo mid ka yimid baahiyaha deegaanada iyo shacabka Soomaaliyeed oo ay guddigu booqan doonaan magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Hargeisa iyo Garoowe. Dokumentiga la horgeynayo Brussels 16ka September ayaa noqonaya mid dib u dhiska hay’adaha dalka mudnaanta koowaad siinaya si loo helo hay’adihii u shaqeyn lahaa shacabka Soomaaliyeed.”



Madaxweynaha ayaa Midowga Yurub ka codsaday in shirkan uu ka duwanaado kuwii hore oo Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay ka wada shaqeeyaan isla markaana dabagal ku sameeyaan sidii ballanqaadyada loo fulin lahaa oo dhammaan mashaariicda la ballanqaado ay u hirgeli lahaayeen. Madaxweynaha ayaa sheegey in Dowladdu ay diyaarsay nidaamkii maamulka maaliyadda oo kalsooni siin kara dalalka deeqaha baxsha.

Kulanka ka dib ayaa Safiirka Midowga Yurub Michelle Cervone iyo La Taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa shir-jaraa'id wada qabtay.

Shirka 16ka September 2013 ayaa wada shir-guddoominaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Madaxa Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub Lady Catherine Ashton.

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),  Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,  engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;