SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

"HAWEENKA SOOMAALIYEED, DUMAR AAN RAG LAHAYN"

Tani ma ahan mid loo dulqaadan karo ( We can`t tolerate beyond of this).

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allaha sharafta iyo maqaamka weyn dumarka ka siiyeey diinta Islaamka ee ilaalisa xuquuqda uu qof walbaa leeyahay.

Ugu horeyntii waxaan si tiiraanyo leh ugaga tacsiyeyenayaa gabadha Soomaaliyeed ee sharafteeda sida xun loogu xadgudbay laguna bahdilay ayada oo dalkeedii hooyo joogta, oo waliba joogta xaafadeedii ay ku nooleyd, lagana yaabo inay kuba dhalatay kuna ilma dhashay. Waxaan leeyahay walaal ilaahay dhibkaaga dheef hakaaga dhigo wixii kugu dhacayna ilaahay ayaa kuu qorey waase wax ay masuuliyadeeda leeyihiin raga Soomalaiyeed guud ahaan gaar ahaana kuwii inta ku soo qabtay kuu geeyey niman ajnabi ah, hadan kaaga soo tagay ee aan ku ilaalin, kuna badbaadin markii lagu xumeeyey, waxaaan ku leeyahay raga Soomaaliyeed sidaas ma wada aha raalina kama wada aha adiga iyo kuwa kula midka ah ee la dhibaateeyey, waxaana kuu balan qaadaynaa inaan xaqaaqa u istaagi doono ilaa kuwii ku dhibaateeyey cadaalada la horkeeno, anagoo isticmaalayna awood kasta oo ana leenahay iyo si kasta oo aan kuugu gurman karno.

Marka labaad waxaan canbaareynaya oo waliba aad iyo aad u canbaareynayaa falkaas naxdinta leh ee bahdilka ku ah dhammaan bulsha weynta Soomaaliyeed, dawladda, ciidamada iyo qaraka Soomaaliyeedba.

Waxaan ku baaqayaa oo aan ku baaqayaa, oo aan ku baaqayaa in la soo qabto dhammaan wixii ku lug lahaa falkaan lagula kacay hooyada Soomaaliyeed ee Sharafteedii lagu xadgudbay, lana Kufsaday, iyo kuwa kale ee aamusan ee lagu xadgudbey ee ayagana la sheegayo in ay ku jiraan gabdho yar yar oo aan wali guursan gabarnimadoodiina si xoog ah loogaga qaaday laguna bahdilay, qalbigooda iyo maskaxdoodana dhaawac aan bogsiimaha lahayn loo geystay. Ka dibna la hor keeno cadaaladda ayadoo la marsiinayo Maxkamadda ciidama qalabka sida lana marsiiyaa ciqaab aysan ka soo waaqsan.


Hooyo Amran oo Sheegtey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Dowladda ay Xoog ku Kaxaysteen, islamarkaana lageeyey oo lagu Kufsadey Xero ay Degen yihiin Ciidamada AMISOM

(Dhacdo Xanuun Badan)

Hooyo leh Afar Caruur oo mid ay Nuujineyso Magaceeda ku sheegtey Amran ayaa iyadoo oo Miyir La’ waxaa la keeney Isbitaalka Xayaad ee Magaalada Muqdisho ka dib markii Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka SOS ay Joojiyeen maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga markii lagu Amrey in ay qaado Niqaabka ama Indha Shareerka , markii ay iska qaadey ayaa lagu yiri waxaa laguu qabaa Dacwad ee waa in aad Ciidamadaan raacdaa,hase yeeshee Amran waa ay diidey , waxaana Xoog lagu saarey Gaari oo ay sheegety in markiii la saarayey Indhaha laga Xirey si aysan u ogaan halka loo wado.

Halkan ka akhri...

 

Waa inaan laga harin lana ogaado kuwa Amisom ka tirsan ee danbigu ku cad yahay ilaa laga marsiinayo xukunka ay mudan yihiin ee ah dilka toogashada ah waayo waxay toogteen, oo dileen qalbi ahaan iyo jir ahaanba Hooya Soomalaiyeed ee aan wax danbi ah galabsan.

Madaxweyne Xassan hadda ka hor ayuu ku baaqay in askarigii haweenka Soomalaiyeed kufsada la dilo, waxaan maanta sugaynaa oo aan ka donaynaa inuu hadalkiisaas ka dhabeeyo oo uu tiirka soo istaajiyo kuwii ka danbeeyey ama ku lugta lahaa Kufsiga loo geystay walaasheen iyo kuwa kale ee aamusan.

Waxaan kaloon leeyahay waa in dhammaan xukuumaddu ay gabadhaas u so tacsiyeeyaan oo ay isbitaalka ama guriga ay degen tahay ugu tagaan oo ay ku soo booqdaan, ayna diyadeeda oo shan jibaaran bixiyaan si ay u muujiyaan sida ay ugaga xun yihiin.

Kuma qancayno idaacado laga hadlo iyo guddiyo loo saaro soo baaritaankaa dhacdadaan xanuunka badan, waxaan ku qanci karnaa in aad dhammaantiin haddaad tihiin golaha wasiirada iyo Madaxtooyadaba oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha DAWLADDA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA, INAAD U SOO TACSIYEYSAAN GABADHA SHARAFTEEDII LAGU XADGUDBEY.

Waxaan kaloon codsanaynaa in dhammaan la baaro xeryahaha ciidamda AMISOM kiisaska xadgudubyada ah ee ka dhaca ayadoo la kaashanayo adduun weynaha iyo hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo kuwa maxaliga ah ee Soomalaiyeed haddiinaan adinku awoodin taas, si loo aruuriyo xadgudubyada ay geysanayaan ciidamada Amisom, iyo kuwa Soomaaliyeed ee aan aqoonta u lahayn waxa uu askariga u yahay iyo qiimaha uu shacabka u leeyhaya iyo xaqa lagu leeyahay intaba.

KUFSIGA HAWEENKA SOOMALAIYEED YAA KA MASUUL AH?

Kufsiga haweenka Soomalaiyeed waxaa masuul ka ah raga Soomalaiyeed ee u diiday in dalkoodii dago, oo ay xasiliyaan si sharafta haweenkeena iyo caruurteena aan ugu xafidno. Dalkoodii oo ay sharafta ku lahaayeen kuna asturnayeen.

Kuwa dalkoodii lagu dhex kufsanayo, kuwa dalalka dariska ah lagu kufsanayo, kuwa saxaaraha Yemen iyo Libia lagu haysto. kuwa South Afrika ayagoo uurka leh lagu kufsanayo oo hadana lagu dilayo, kuwa South Sudan iyo SPLA ay duurka ku haystaan oo ilmaha u dhaldhalaya ayagoo katiinado lugaha ugaga xirxiran, iyo kuwa wadamadaan reer galbeedka ku xumaanaya ama ku duloobay, dhammaan waxaa masuul ka ah raga Soomaaliyueed nooc walba oo ay yihiinba, hadday yihiin siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, culima`awdiin iyo aqoon yahayba. Marka aan leeyahay raga Soomalaiyeed anigaa lambar kow ka ah, war ragoow sida aan isku dhaano oo aan ilaahay ka baqno masuuliyadeenana aan qaadano haddii kale magaca iyo maqaamka aan sheeganayno aan iska dhigno, dumarkeenu rag weyn mahayaane.

Waxaa masuul ka ah madaxda u dhaaratay inay qarankaan baabay u adeegayaan, dadkooda u adeegayaan, dalkooda difaacayaan,hadday ahaan lahayd sharafta dadkiisa io difaaca xuduudaha iyo waxa ku dhexloon ama ku dhex jiraba.

Waxaa masuul ka ah nin walba oo ka shaqaynaya burburka dalkeena,dadkeena, iyo horumarkeena.

Waxaa masuul ka ah Kuwii keenay ciidamada shisheeye, hadday joogaan iyo hadday dhinteen ama maqan yihiinba.

Waxaa masuul ka ah kuwa u adeegaya shisheeyaha ee danaha dalal kale fulinaya ayaagoo qabiil ku shaqyanaya.

waxaa masuul ka ah kuwa qabyaalada, goboleysiga, kala qoqobka, iyo qurunka u adeegaya.

Waxan ugu baaqayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed mel walba oo ay joogaan inay arintaan foosha xun iyo kuwii ka horeeyeye ee dhacayba ay ka mudaharaadaan, kana dhiidhiyaan, oo ay muujiyaan inaysan u dulqaadankarin xadgudubyada lagula kacayo duamrkeena sharafta badan ee ah Hooyooyinkeen, walaalaheen, gabdhaheenii, iyo xaasaskeenii intaba.

Ugu danbeyntii waxaan qoraalkaygaan ku soo koobayaa aniga oo ciil daraadiis aysan maskaxdaydu awoodin inay qoraalkaan sii wado diiqadda i haysa awgeed, oo aan wax badan oo xikmad ku fadhiya oo aan oran lahaa ay iga lumeen, xaalada aan ku jiro awgeed, balse waxaa rasuulkeena suuban NNK uu yiri hadal waxaa ugu kheyr badna midkiisa yar ee kheyrka iyo cadaaladda leh, ayaan doonayaa inaan su aashaan waydiiyo madaxda Soomaaliyeed ee la jaarka ah raga ku xadgudbay sharafta haweenkeena Soomalaiyeed..

SUAAL KU SOCOTA MADAXDA DAWLADDA DHAMMAANTOOD..

MUDANAYAAL HADDAAD TIHIIN , MADAXWEYNE, RA´IISAL WASAARE, RAIISAL BAARLAMAAN , WASIIRO,IYO XILDHIBAANO INTABA. FADLAN LABADAAN SU`AALOOD SHACABKA SOOMAALIYEED UGAG SOO JAWAABA.

Hooyada Soomaaliyeed ee la kufsaday waa hooyo 4 caruur ah leh, kuwaas oo aad madax u tihiin, waxay idin su´aalayaan hooyadeen waa la kufsaday? Sharafteedii waa lagu ciyaaray? Maqaamkeedii waa lagu xadgudbay? Qiimaheedii waa la dilay? Nafteediinaa waxaa loo geystay murugo, tiiraanyo, xanuun aan waligeed ka hareyn ayada , aabaheen, anaga oo ay hooyadeen tahay, iyo qoyskeeediiba?

Haddaba hadaad madaxdii dalka tihiin,

1. MAXAAD U SOO DHICISEEN HOOYADEEN? BAHALADDII HILIBKEEDA QAYBSADAY, KUWII SOO XERA GALIYEY, KUWII U XOOG SHEEGTAY, INTABA WAY JOOGAAN, WAY NOOL YIHIN WALI DAREESKII CIIDAMDA AYEY WATAAN HADDAY AMISOM YIHIIN IYO HADDAY SOOMAALI KU SHEEGBA YIHIIN? MAXAAD U QABATEEN HOOYADEEN? MAXAADSE DHIBKA NA SOO GAARAY NAGALA QAYBSAN KARTAAN?

2. Waxaan kaloon idin su´aalaynaa waxaad leedihiin haween xaasaskiina ah, gabdho aad dhasheen, hooyooyin, iyo gabdho walaalihiin ah. haddii intaasba ay dhibka noocaan ah soo gaari lahaa ilaahay kuma keenee, sideed yeeli lahaydeen? xanuun noocee ah ayaad dareemi lahaydeen?,Maxaaad ku dhaqaaqi lahaydeen?

Jawaabta haddiinan hayn waxaan ka sugeynaa umadda Soomaaliyeed, ee damiirka leh, haddii aad jawaab haysaana waxaa ka jawaabaya ficilada aad samaysaan iyo sida aad ugaga dhiidhisaan, ficilkaas oo gaashaan u noqon doona haween badan oo Soomalaiyeed oo dhibaato noocaan oo kale ah ku soo socotay.

Waxay kaloo daweyn doontaa qaar badan oo horey dhibaato loogu geystay oo aan cidina ka warheyn ama la xishoonaya inay banaanka u soo baxshaan, kuwaas oo ku dhiiran doona inay hadlaan oo murugada ka baxaan oo ay dhibkooda soo bandhigaan si ay ula qaybsadaan inta damiirka nool leh ee wali aan qalbiga, iyo jirkaba ka dhiman.

Ugu danbeyn waxaan ku baaqayaa in la sameeyo xarun dawli ah oo aruurisa xadgudubyada dagaalka, kuwa kufsiga, kuwa dhaca, kuwa dilka, iyo hanjabaadaha intaba.

Waxaan kaloon ku baaqayaa in la furo xafiiska arimaha bulshada PUBLIC OFFICE, loona magacaabo hawlwadeeno iyo sharciyaqaano ay dadku u soo gudbiyaan wax kasta oo ay tabanayaan oo xadgudub ah, iyo dhib kasta oo noloshooda ku taxluuuqa.

Waxaan leeyahay dumarku bulsho walba dhexdooda waxay ku leeyihiin sharaf iyo mudnaan lama taabtaan ah oo haddii lagu xadgudbo ay ka dhacaan dagaalo lagu hoobto ayadoo la difaacayo sharafta bulshadaas oo ay haweenku huwan yihiin.

Waxaad ogtihiin in Nabigu, csw uu Madiina yuhuudii ugaga saaray xadgudub uu nin Yahuudi ah uu gabar muslimad ah kula kacay, ka dib markii uu cawradeeda fayday, ayey gabadhii muslimada ahayd qaylisay oo tiri yaa Muslimiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin, ka dib waxaa meesha ka dhawaa nin asxaabi ah, ninkii asxaabigaa aha aayaa ninkii yahuudka ahaa aqoorta ka jaray ileyn waa nin raga oo nool, oo damiir leh, oo aan u dulqaadan karin in gabar walaashiis ah ay kuwa duli ahi ku saqajaamaan, ayaguna inta iskugu soo rogmaden ayeye dileen oo uu sharaf ku shahiiday, sharafna u soo jiiday dhammaan islaamkii oo dhan, gabdhii msulimada ahaydna au ogaatay qiimaha ay leedahay iyo inay tahay qofka dunida ugu sharafta badan maadaama nafta la jecel yahay darteed loo haligay, sharafteedana laga hor mariyey in ay intii ay aduunka dusheeda ku ciishoon lahayd darteed loo dhinto oo adduunkaan la jecel yaahy loogaga tago, sidaas ayaa Madiina looga raray Yahuud.

Waxaad kalood taariikhda Islaamka ku aqrisateen markii Hindiya Islaamku qabsanayey casrigii UMMAWIYIIHNA in ay arintaasi timid ka dib markii gabar Muslimad ah oo ganacsato ah lagu dhibaateeyey, ka dibna ay ciidamdii Islaamku ay duulaan ku qaadeen halkaas oo ay boqoradii Hindiya ku qabsadeen Islaamkuna halkaas ku gaaray sidaas, Waad ogtihiin Bariga dhexe iyo inta ay Hindiya isku jiraan, IYADOO WAQTIGAAS AY CAASIMADDA iSLAAMKU AY AHAYD Dimashiq ( Suuriya), masaafadaas oo aan gaaadiid dheereeya la wadan ayaa lug inta lagu tagay dadkii gabadhaas Muslimada ah dhibaateeyey lagu soo qabsaday oo saldanadoodii iyo dhulkoodii iyo diimahoodiiba lagu duugay. Intaasi iyo inkale oo badan oo aad og tihiinba waxay muujinayaan Sharafta ay Gabadhu leeyihiin.

Waa su´´aale miyeysan hooyadaani ahayn gabar muslimad ah oo Soomaaliyeed? Miyeysan rag lahayn? Miyeysan qof bani aadam ah ahayn?Miyeysan xuquuq lahayn? miyeysan, miyeysan, miyeysan,,,,,,,,,,,,,,,,,

Waxaan leeyahay

  • HAAWEYDA DUMAR WAA WAXAAN LABA HILMAAMEYNE
  • WAAD KA HADAL YAREYSAA HADDII UU HALYEEY LUMA E
  • MARSE HADDII HAWEENKII NA DHALAY HAYBAD LAGA QAADAY
  • WAX KALOOBA NOO HARAY MA JIRO HAAWAD BAAN NAAHYE
  • SOOMAALI HANAD WAXAY LAHAYD MAANTA LA HILMAANYE
  • HOYGEEDI BAA LAGU HILHILAY HOOYO SAAFIYAHE
  • HADDAYNAAN HALQUDHA NOQON RAGAA LOO HAWINAYAAYE
  • SOOMAALAAY HAL DIIDAYE MAXAA HOOGA UGU JEESHAY`?
  • HILINKAAD LAHAYD IYO MAXAA HORUMAR KUU DIIDAY?
  • HAYBADAADI SHARAFTIYO MAXAA HIILKA KAA QADIYEY?
  • HORUKACA ADUUNYADA MAXAA KAA HAKIYEY KHEYRKA?
  • IN HAWEENTU SHARAFTEENA TAHAY AMASE HOYGEENA
  • OO AY NA SOO WADA HABTOO HOOYO NOO TAHAYBA
  • AMA AY HU NOO WADA XIDHAN IYO TAHAY HALBEEGEENA
  • DUMARKEENA INAAN LOO HAWOON HO E MAXAA DIIDAY?
  • BAL MAXAA RAGEEROOW HALYEEY HANADA LOO WAAYE?

Dhammaad.

Ali Hersi ( Ali Kabayare)

alibashir27@hotmail.com

alibashir27@gmail.com

Stockholm /Sweden

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;