SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Hooyo Amran oo Sheegtey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Dowladda ay Xoog ku Kaxaysteen, islamarkaana lageeyey oo lagu Kufsadey Xero ay Degen yihiin Ciidamada AMISOM

(Dhacdo Xanuun Badan)

Hooyo leh Afar Caruur oo mid ay Nuujineyso Magaceeda ku sheegtey Amran ayaa iyadoo oo Miyir La’ waxaa la keeney Isbitaalka Xayaad ee Magaalada Muqdisho ka dib markii Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka SOS ay Joojiyeen maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga markii lagu Amrey in ay qaado Niqaabka ama Indha Shareerka , markii ay iska qaadey ayaa lagu yiri waxaa laguu qabaa Dacwad ee waa in aad Ciidamadaan raacdaa,hase yeeshee Amran waa ay diidey , waxaana Xoog lagu saarey Gaari oo ay sheegety in markiii la saarayey Indhaha laga Xirey si aysan u ogaan halka loo wado.

Amran oo markii Talefishinka SOMALI-CHANNEL uu Wareysanayey ay ilmo mararka qaar ka soo daadaneysey , waxaana Xiligaas la Wareysanayey ag fadhiyey Walaasheed oo iyana ka Muuqatey Walwal iyo Walbahaar , waxayna amran sheegtey , in markii Gaariga laga soo dejiyey iyadoo indha ka xiran lagu tuurey qolkii , ka dibna waxay sheegtey in Cirbad lagu dhuftey taasoo sababtey in ay Miyir Doorsoonto.

Hooyo Amran ayaa waxay intii ay Suuxsaneyd lagula kacay Fal Kufsi oo marka ay soo Naaxdaba hadana lagu dhufanayey Cirbad kale ,iyadoo Daboolka ka qaadey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Ciidamada iyo kuwa Amisom ay kula kaceen Fal Kufsi iyo Faraxumeyn , waxayna Amran ay reekeeda ka maqneyd maalinkii Ciida ee Khamiista iyo maalinkii Jimcaha , waxayna Eheledeeda Sheegeen in Galabnimadii Jimcaha lagu soo tuurey halkii laga Afduubey ee Degaanka SOS halkaas oo la sheegey in ay Degenayaaen Ciidamada Dowladda ,waxayna Qiyaas ku bixiyeen Ehelada Amran in halka la geeyey ee lagu fara Xumeeyey Gabadhooda ay ahayd Xerada Maslax oo Degen yihiin Ciidamada Amisom.


Amran iyo Walaasheed

Hooyo Amran ayaa Dhaqtarkii baarayey waxaa uu sheegey in si Khasab ah lagu Faraxumeeyey,waxaa Xiligaas lagu dhameeyey Dhowr faleebo oo dib u soo Celiya Awoodeedii ,waxayna Ehelada Gabadhaas ay ka Codsadeen Dowladda Federaalka in la baaro Kiiskaas Anxandarada ah sidoo kale waxay ka Codsadeen Hayadaha Xaquuqda Aadanaha in ay Gacan ka geystaan Dhibka loo geystey Gabadhooda


Amran oo jiiftay cisbitaalak Xayaad

Cabdirisaaq Jaamac Cilmi (Black) oo ka mid ah Madaxda Telefihinka Somali –Channel oo ka mid ahaa Wariyayaashii Wareystey Gabadhaas markii ay ku Sugneyd Isbitaalka Xayaat ayaa ii sheegey in uu cadeymo Buuxa uu ka heysto Dhaqatarkii Baarey Gabadhataas oo sheegey in si Khasab ah loo Furaxumeeyey laguna Kufsadey , sidoo kale waxaa uu sheegey Dhaqatarku in markii loo keenayey Hooyo Amran ay ahayd qof Miyir la’ oo aan waxba kala garaneyn .



Dowlada Federaalka iyo Ciidamada AMISOM ayaa weli ka Hadal Eedeymahaan loo soo jeediyey ,sidoo kale waxaan isku daneyney in aan raadino Dhinacyadaas balse waa ay nagu adkaatey iyadoo Falalka Kufsiga uu Waqtiyadaan dambe uu ku soo badanayey Magaalada Muqdisho , waxaa Bishii hore Hooyo la damacay in la Kufsado ay Xoogeeda Isaga dhicisey Ninkii damcay in uu kufsado balse Dhaawac uu ka soo gaarey oo haatan u jiifta mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

Falkaan Naxariisdarada ah waxaa uu imaanayaa in sidoo kale Maalintii labaad Ciida Gabar Soomaaliyeed ay Kooxo Gaari Madow ah wata islamarkaana Hubeysan ay Xoog ku ka xeysteen Xili ay mareysey Xaafadda Wadajir ee Gobolka Banaadir waxayna Gabadhaas iyadoo Miyir la’ oo aan hadli Karin dib loogu soo celiyey Gurigeeda taasoo welwel iyo Murugo ku abuurtey Waalidkii Dhaley Gabadhaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;