Guddigii loo xil saaray baarista eedeynta kufsiga oo maanta howlgalay
Muqdisho, August 17,2013-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa magacaabay 15-kii bishan
laba guddi oo heer wasiir iyo mid farsamo ah kuwaas oo soo baara eedeynta la
xariirta fal kufsi ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed.
Guddigan oo ay madax u tahay Wasiirka Adeega Bulshada Drs. Maryam Khaasim Axmed
ayna xubno ka yihiin Wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa saaka guda galay howshii
baarista ee la xariirtay falkan, waxayna booqdeen xarun ay ku sugantahay
gabadhan, waxaana si gaar ah xog wareysi ula yeeshay gabadha Drs. Maryam Khaasim
oo guddiga horkaceysay.
Hooyo Amran oo Sheegtey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Dowladda ay Xoog ku
Kaxaysteen, islamarkaana lageeyey oo lagu Kufsadey Xero ay Degen yihiin Ciidamada
AMISOM
(Dhacdo Xanuun Badan)
Hooyo leh Afar Caruur oo mid ay Nuujineyso Magaceeda ku sheegtey Amran ayaa
iyadoo oo Miyir La’ waxaa la keeney Isbitaalka Xayaad ee Magaalada Muqdisho ka
dib markii Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada oo ku sugnaa Agagaarka
Isbitaalka SOS ay Joojiyeen maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga markii lagu
Amrey in ay qaado Niqaabka ama Indha Shareerka , markii ay iska qaadey ayaa lagu
yiri waxaa laguu qabaa Dacwad ee waa in aad Ciidamadaan raacdaa,hase yeeshee
Amran waa ay diidey , waxaana Xoog lagu saarey Gaari oo ay sheegety in markiii
la saarayey Indhaha laga Xirey si aysan u ogaan halka loo wado.
Halkan ka akhri...
|
Shir jaraa’id oo ay warbaahinta ugu qabatay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Drs.
Maryam Khaasim kadib booqashada gabadha ayay ku sheegtay in guddigu saaka
booqday gabadha dhibanaha ah ayna la kulmeen, waxayna xustay in ay weli sii wadi
doonaan baaritaanadooda, warbixin buuxdana ay u soo bandhigi doonaan warbaahinta
marka ay soo gabagabeeyaan.
“Wax talaabo ah lama qaadi karo iyada oon la helin xog rasmi ah iyo cadeymo,
sidaasi darteed, weli waxaan ku jirnaa uruurinta xogtaas, waxaana idiin
xaqiijineynaa marka la soo gabagabeeyo xog uruurintan in cid kasta oo ku lug
yeelata loo cuskam doono sharciga meesha ugu sareysa” ayay tiri Drs. Maryam
Khaasim.
Dhanka kale, Drs. Maryam Khaasim ayaa beenisay warbixinada sheegaya in 10-kii
haween ah ee Soomaaliyeed 9 ka mid ah la faraxumeeyey, waxayna xustay in ay
tahay ka badbadis iyo been abuur “Arrintan waa buun buunis iyo ka badbadis,
ragii Soomaaliyeed ee sharafta iyo haybada lagu yaqiinay iyo ciidamadii qalabka
siday ee wadanka u taagnaa in illaa heerkaas la gaarsiiyo been abuur intaas la
eg uma dul qaadan doono.
Guddigan, ayaa ugu dambeyntiina kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyaga oo uga
warbixiyay howlaha guddiga iyo halka ay wax u marayaan.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
## DHAMMAAD ###
Afhayeenka Guud ee Xarakada Shabaab oo ka Hadlay Fal Kufsi ah oo Xerada
Maslax loogu Geystey Gabar Soomaaliyeed
Afhayeenka Guud ee xarakada
Shabaab Cali Dheere oo ka hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Xarakadaas ayaa ka
hadlay Kufsi uu sheegay in dhawaan loo gaystay Gabar Soomaaliyeed oo sida la
sheegay Kufsi loogu gaystay Xerada Maslax ee Duleedka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray inaysan arrintaa ka hari doonin isla markaana ay
u Aari doonaan Gabdhaas Soomaaliyeed ee Kufsiga ay u gaysteen Ciidamada
Amisom.Af hayeenka ayaa ugu Niyad qaboojiyay Gabadhaas in ay iska sabirto maalin
ay noqotana ay u aar gudi doonaan sidii hadda ka horba ay ugu Aar Gudeen gHaween
Soomaaliyeed oo Kufsi loo gaystay.
Sheikh Cali Maxamuud Raage Afhayeenka Xarakada Shabaab ayaa ugu baaqay Shacabka
Soomaaliyeed in aysan ogolaanin in Haweenka Sharafta leh ee Soomaaliyeed
Sharaftooda meel looga dhaco isla markaana ay la dagaalamaan Ciidamada Amisom oo
uu sheegay inaysan iyagu Dalkan lahayn.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in maalin maalmaha ka mid ah ay soo noqon doonto
Sharaftii iyo Karaamadii Haweenka Soomaaliyeed isla markaana aysan dhici doonin
wax Kufsi ah oo loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed.
Hadalkan afhayeenka ayaa imaanaya xilli dhawaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
ay si kulul uga hadashay Haweeney Soomaaliyeed oo la sheegay in Ciidamada Amisom
ay ku Kufsadeen Xerada Maslax ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 17, 2013
|