Shirkii Golaha Wasiirada oo lagu soo qaaday Haweeney Soomaaliyeed oo la
sheegey in ay Kufsadeen Ciidamo ka tirsan AMISOM
Kulankii Golaha Wasiirada ee maanta oo Khamiis ayaa waxaa uu ka dhacay
Xafiiska Raiisul Wsaaraha ee Dowlada Federaalka waxaana Goob joog ka ahaa Golaha
wasiirada oo Diirada lagu saarey Fal Kufsi ah oo lagula kacay Haweeney
soomaaliyeed Maalintii Ciida kaasoo ka dhacay Xerada Maslax oo ay degen yihiin
Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom
Golaha wasiirada ayaa Cambaareeyey falkaas waxayan ku Tiilmaameen in uu
Xadgudub ku yahay Xaquuqda Aadanaha gaar ahaan Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo
Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid mar uu ka Hadley Kulanka Wasiirada
uu sheegey in aan loo Duqaadan doonin Falkaas iyo kuwa la midka ah ee ka dhaca
dalkawaxa uuna Amray in Baarittaan lagu sameeyo.
“Waxaa si Dhow ula shaqeyn doonaa Masuuliyiinta Ciidamada Amisom si loo baaro
Dhacdadaas Xanuunka Badan si loo qaado Talaabo ku Aadan Cadaalada si aysan mar
kale u Dhicin Xadgudubka Noocaan oo kale ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi
Faraax Shirdoon.
Golaha Wasiirada ayaa Dhacadaas Xadgudbka ah u saarey Gudii ay Horkcayso
Wasiirada Adeega Guud Drs Maryan Qaasim, waxaana Guddigaan wixii Baaritaan ah uu
Dib ula Soo laaban doonaa Golaha Wasiirada
Maalintii Ciida ee Khamiista ayaa Haweeney Soomaaliyeed waxaa Qabtey Rag ku
labisanaa Dareyska Ciidamada Dowlada kuwaas oo la sheegey markii dambe u Gacan
geliyeen Ciidamo Amisom ee Saldhiga ku leh Xerada Maslax ee Degaanka Suuqa
Xoolaha kuwaa oo lagu eedeeyey in ay Faraxumeeyey ama Kufsadeen Haweeneydaas
Soomaaliyeed lama oga waxa uu ku dambeyn doono baaritaanka la Amray
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
...........................
War-saxaafadeed
Golaha Wasiirada oo maanta ka hadlay go’aanka MSF iyo qodobo kale
Muqdisho, August 15, 2013----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir
gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”,
iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen go’aankii hay’adda
dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn MSF iyo eedeynta la xariirta fal kufsi ah oo
gabar Soomaaliyeed sheegtay in loogu geystay Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho.
Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii ka dooday xaaladda amniga dalka, gaar ahaana
caasimadda, waxaana goluhu ay warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha
iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, isaga oo xusay in todobaadkii ugu
dambeeyey xaaladdu magaaladu ay aheyd mid degan isla markaana ciidamada amniga
ay gacanta ku soo dhigeen 17 Unug oo ka tirsan kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab,
kuwaasoo khalkhal gelinayay amniga shacabka, wuxuuna xusay in hay’adduhu ay weli
si adag ula tacaalayaan xaqiijinta iyo sugida amniga.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, ka dooday go’aanka hay’adda dhaqaatiirta aan
xaduuda laheyn ee MSF, kaasoo ay ku sheegtay in 16-ka bishan August ay
joojineyso dhamaamba adeegyadii ay ka fulin jirtay gebi ahaan gobolada dalka
Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeega Bulshada Drs. Maryam Khaasim ayaa
gabagabada shirka golaha kadib, waxay warbaahinta u sheegtay in golaha Wasiiradu
ay ka codsadeen hay’adda MSF in sii wado adeegyadii kala duwanaa ee ay ka
fulineysay dalka, waxayna xustay in dawladdu ay aad uga walaacsan tahay
go’aankan oo qatar ku ah kumamaan shacabka taagta daran ee Soomaaliyeed.
“Go’aanka hay’adda MSF aadban uga xunahay waxaana ka codsaneynaa inay ka noqdaan
go’aankooda iyaga oo eegaya dhibaatada ballaaran oo ka dhalankarta ka bixida
Soomaaliya iyo joojinta gargaarka” ayay tiri Drs. Maryam Khaasim oo intaasi sii
raacisay “Go’aankan wuxuu si gaar ah u saameynayaa caruurta iyo haweenka
Soomaaliyeed ee ka faa’iideysan jiray howlaha caafimaad iyo gargaar ee MSF”.
Drs. Maryam Khaasim ayaa xustay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay muhiimada
koowaad siineyso illaalinta hay’addaha ka howlgala dalka ee ku howlan caawimaada
shacabka Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah ugu ammaantay hay’adda MSF sida ay ugu
soo dhabar adeygtay xaaladdii adkeyd ee mudadii 22-ka sano.
Dhanka kale, Afhayeenka Xukuumada ayaa Saxaafada u faah faahiyay eedeynta la
xariirta fal kufsi ah oo ay sheegtay gabar Soomaaliyeed inay u geysteen ciidamo
ka tirsan kuwa nabad illaalinta ee AMISOM, kuna sugan Xerada Maslax ee duleedka
magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in golaha Wasiiradu ay ka doodeen
arrintan loona saaray guddi soo baara dhacdadan foosha xun.
“Dawladda Soomaaliyeed marna uma dul qaadaneyso falal lid ku ah xaquuqda
aadanaha, gaar ahaana kufsiga iyo tacadiyada kale ee loo geysto dadka taagta
daran, sharciga ayaana la tiigsan doonaa cid kasta oo lugyeelata” ayuu yiri
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
mar uu ka hadlayay kulanka golaha Wasiirada.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Dawladda Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Kufsigii Kadhacay Xerada AMISOM ee
Muqdisho.
Hooyo Amran oo Sheegtey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Dowladda ay Xoog ku
Kaxaysteen, islamarkaana lageeyey oo lagu Kufsadey Xero ay Degen yihiin Ciidamada
AMISOM
(Dhacdo Xanuun Badan)
Hooyo leh Afar Caruur oo mid ay Nuujineyso Magaceeda ku sheegtey Amran ayaa
iyadoo oo Miyir La’ waxaa la keeney Isbitaalka Xayaad ee Magaalada Muqdisho ka
dib markii Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada oo ku sugnaa Agagaarka
Isbitaalka SOS ay Joojiyeen maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga markii lagu
Amrey in ay qaado Niqaabka ama Indha Shareerka , markii ay iska qaadey ayaa lagu
yiri waxaa laguu qabaa Dacwad ee waa in aad Ciidamadaan raacdaa,hase yeeshee
Amran waa ay diidey , waxaana Xoog lagu saarey Gaari oo ay sheegety in markiii
la saarayey Indhaha laga Xirey si aysan u ogaan halka loo wado.
Halkan ka akhri...
|
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in
ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu bilaabay sidii baaritaan loogu samayn lahaa,
sharcigana loola tiigsan lahaa cidii ka dambaysay dhacdadii kufsiga ahayd ee la
sheegay in ay ka dhacday xerada Maslax ee ay deggan yihiin ciidanka AMISOM.
Sidoo kale waxaa warsaxaafadeed soo saaaray AMISOM ay ku sheegeen in ay
arrintaas baaritaankeeda kala shaqaynayaan Dawladda Soomaaliya.
Sidoo kale DFS waxay jawaab ka bixisay ka bixitaankii dalka Soomaaliya ay ka
baxeen dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee loo yaqaan Médecins Sans Frontières
(MSF), taas oo DFS sheegtay in ay ka xun yihiin go'aankaas ay qaataday hay;'adda
MSF ee dalka kaga baxday.
Saddexda warsaxaafadeed oo ku qornaa luqadda Ingiriisiga hoos ka akhri:
Press Release
Somali Government response to the alleged rape in Maslah, Mogadishu
Muqdisho, August 15,2013----The Federal Government of Somalia is deeply troubled
by the alleged rape of a Somali woman involving a number of personnel from
AMISOM at Maslah Military Camp in Mogadishu on the 8 August 2013.
“The Somali government will not tolerate violation of human rights, in
particular sexual violence towards the most vulnerable members of our society
and perpetrators will be dealt with the fullest extent of the law”. Prime
Minister Abdi Farah Shirdon said at a meeting with his Senior Cabinet members.
The Prime Minister has launched an investigation into this incident and
confirmed that the Somali Government will be closely working with AMISOM senior
officials to investigate this matter and take all necessary steps to bring
justice to those who committed this incident and ensure that such crimes do not
occur again.
Additionally, the Prime Minister has appointed a team consisting of Senior
Cabinet members led by Minister of Social Services Dr. Mariam Qassim to report
back to the Prime Minister the outcome of this investigation.
Renewing its commitment to protecting human rights, the Prime Minster affirmed
his commitment to the Post Transition Human Rights Road Map.
ENDS
Ridwaan Haji Abdiweli
Government Spokesman, Federal Government of Somalia
Mogadishu, Somalia
+252616969105
media@opm.gov.so
AMISOM PRESS RELEASE
(For Immediate Release)
AMISOM will work closely with the Federal Government of Somalia (FGS) to
investigate allegation of rape against its soldiers in Maslah
Mogadishu-August 15th, 2013; The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is
investigating allegations of rape made against its soldiers in the Somali town
of Maslah.
AMISOM and the Federal Government of Somalia (FGS) have formed a joint team to
investigate the matter and appropriate action will be taken once the facts of
the case have been established.
The Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC)
for Somalia and Head of AMISOM, Ambassador Mahamat Saleh Annadif said AMISOM
takes the issue of sexual exploitation and abuse seriously.
“Our primary role is to protect the civilian population. AMISOM personnel are
ambassadors of peace in Somalia and are expected to demonstrate the highest
levels of integrity” he said. Ambassador Annadif noted that the majority of
AMISOM troops have conducted themselves honourably in Somalia and have
contributed to improving the well being of ordinary Somalis.
“Issues of sexual exploitation and abuse as well as the utmost respect for
Somali culture are a crucially important part of the training every AMISOM
personnel receives prior to deployment. This is reinforced during the course of
our stay in the country” he added.
“As we have done in the past, we will take appropriate action against any
soldier found to have contravened the African Union Code of Conduct,” said
Ambassador Annadif, while at the same time appealing to the Somali people for
patience as the investigations are being carried out in close collaboration with
the Federal Government of Somalia (FGS).
He further noted that the support of AMISOM troops have been crucial in helping
the Somalia National Security Forces push the Al Qaeda-affiliated terror group,
Al Shabaab, out of most of the major towns and cities of south and central
Somalia.
For more information, please Contact;
Eloi Yao and Colonel Ali Eden Houmed, Spokespersons,
Cell phone: (Nairobi) +254702155126 ; Email: amisommediacentre@gmail.com
Response of Somali Federal Government response to MSF Ceasing Operations
in Somalia
The
Federal Government of Somalia is deeply saddened by the decision of Médecins
Sans Frontières (MSF) to withdraw its operations from Somalia. Federal
Government of Somalia recognizes the invaluable contribution MSF has had on
Somali territories during the darkest periods of its history. Their hard work,
commitment and perseverance resulted of many lives being saved.
“We are deeply thankful and extremely indebted to MSF for the extraordinary work
they have done in Somalia. Their involvement over the past 20 years has provided
life saving services to the most inaccessible communities. We understand the
many challenges MSF have faced over the years and stress that the new Somali
Government is ready to help overcome them” Dr. Maryan Qasim, Minister of Human
Development and Public Services.
Federal Government of Somalia reiterates its commitment and is working towards
providing secure working environment to all aid agencies so they are able to
provide the life saving services they do.
Dr. Maryan Qasim strongly encouraged and seriously requested that MSF review its
decision. “It is unfortunate that this decision will directly affect the lives
of thousands of vulnerable people. We fear that this decision will lead to a
catastrophic humanitarian crisis”.
This decision of MSF has created a critical vacuum that needs to be filled. Dr.
Maryan Qasim urgently requests international community and donor countries to
offer their support.
Ridwaan Haji Abdiweli
Government Spokesman, Federal Government of Somalia
Mogadishu, Somalia
+252616969105
media@opm.gov.so
Press Release
Somali Government response to the alleged rape in Maslah, Mogadishu
The
Federal Government of Somalia is deeply troubled by the alleged rape of a Somali
woman involving a number of personnel from AMISOM at Maslah Military Camp in
Mogadishu on the 8 August 2013.
“The Somali government will not tolerate violation of human rights, in
particular sexual violence towards the most vulnerable members of our society
and perpetrators will be dealt with the fullest extent of the law”. Prime
Minister Abdi Farah Shirdon said at a meeting with his Senior Cabinet members.
The Prime Minister has launched an investigation into this incident and
confirmed that the Somali Government will be closely working with AMISOM senior
officials to investigate this matter and take all necessary steps to bring
justice to those who committed this incident and ensure that such crimes do not
occur again.
Additionally, the Prime Minister has appointed a team consisting of Senior
Cabinet members led by Minister of Social Services Dr. Mariam Qassim to report
back to the Prime Minister the outcome of this investigation.
Renewing its commitment to protecting human rights, the Prime Minster affirmed
his commitment to the Post Transition Human Rights Road Map.
ENDS
Ridwaan Haji Abdiweli
Government Spokesman, Federal Government of Somalia
Mogadishu, Somalia
+252616969105
media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2013
|