SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA JAN 26, 2006

  • Haamahii Shidaalka keeydka seddexaad ee jamhuuriyada Soomaaliya ee magaalada Kismaayo oo dib loo hoolgaliyey ,

  • Max’ed Dheere oo canshuur ku soo rogay dadka ka dhoofaya Gaaroonka diyaaradaha..

  • C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Milass Zanaawi..

  • Hay’adda UNDP oo laga codsaday in ay u Diyaargorowdo daadgureynta…

  • Dowladaha Suudaan iyo Uganda oo mar kale ugu yaboohay ciidamo.

  • Labo Carruur ah oo ku geeryootay qarax bam oo ka dhacay Caabud Waaq.

  • Weerar lagu soo qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho..


Haamahii Shidaalka keeydka seddexaad ee jamhuuriyada Soomaaliya ee magaalada Kismaayo oo dib loo hoolgaliyey ,

Haamaha shidaalka keeydka sedexaad ee dalka soomaaliya ayaa dib loo howlgaliyey muddo 15 sano ah kadib oo uu dalku burbursanaa ayadoo haamahas ay haatan ku howl bileebeen ganacsato reer kismayo ah oo ku bahoobay shirkad shidaal oo lagu magacaabo Jubba Energy.

Keedkaan shidaalka oo ah mid ay maalgalinayaan ganacsato soomaaliyeed oo ku midoobay magaca Jubba Energy ayaa waxaa Arabacadii (Jan 25) markii ugu horeysay lagu bilaabay kushubista shidaalka ayadoo in mudo ahna haamahan lagu waday dayactir soconayay mudo ka badan sadex bilood.

Shidaalka lagu bilaabay haamahan ayaa waxaa waday markab aad u weyn ayadoo markabkaas uu shidaalkan ka soo qaaday dalka imaaraadka carabta waxaana uu waday markabkaan shidaal cadadkiisa lagu qiyaasay labo mitirig tan sida uu inoo xaqiijiyay ganacsade Ismaaciil Cabdi oo ka mid ah howl wadeenada shirkada Jubba Energy ayadoo shirkadani Jubba energy ay kala qeyb qaadanyaan shidaal ku keydinta haamahan shirkadaha kala ah Horseed iyo Wadaag petroleum oo labaduba ka mid ah shirkadaha shidaalka dalka soo gasha.

Shidaalkan oo ah mid si ganacsi ah loogu kala safrin doono gobolada Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Joose iyo waliba gobolka waqooyi barri dalka kenya oo inta badan ganacsiga la wadaaga gobolada jubbooyinka ee dalka somaliya, waxaan la filayaa in keydkan shidaalka uu wax badan ka badali doono sicirka shidaalka ee gobolkada aan kor ku soo sheegnay

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

Max’ed Dheere oo canshuur ku soo rogay dadka ka dhoofaya Gaaroonka diyaaradaha..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in maamulka halkaasi ka arrimiya uu canshuur ku soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar, waxaana qofkii ka dhoofaya garoonkaasi ama ka soo degaya laga qaadayaa 20$, waxaana wareegta uu soo saaray maamulku ayaa welwel waxaa ka muujiyay xubnaha Dowladda ee iyagu ku sugan Magaalada Jowhar oo iyagu wareegta lagu sheegay in ay waraaq kala yimaadaan marka ay ka baxayaan garoonkaasi Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha uu Max’ed Dheere u soo rogay wareegtadaasi iyadoo Magaalada Jowhar ay xarun ku meel gaar ah u tahay qayb ka mid ah Dowladda Federaalka. Dadweynaha ku nool Magaalada Jowhar ayaa iyagu markiiba horeba aad uga walaacsanaa canshuurta laga qaado guryahooda iyo badeecooyinka kale ee ay keenaan Magaalada Jowhar. Wareegta uu soo saaray Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa waxay kalloo quseysaa shaqaalaha Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Gobalka Sh/dhexe ha noqdaan shisheeye ama Soomaali waxaana laga qaadayaa canshuur marka ay soo degayaan iyo marka ay ka baxayaan. Dhawaan ayay ahyad markii Max’ed Dheere iyo shaqaalaha Hay’adaha samafalka ee ka howlgala Gobalkaasi ay isku dhaceen kaddib markii uu canshuur ku soo rogay oo la xiriirta inay diyaaraha iyo midda shaqaalaha bixiyaan, balse waxaa markii dambe laga gaaray heshiis waxayna keentay in hay’adihii samafalka ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Jowhar. Canshuurta haatan lagu soo rogay dadka ka baxaya Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar ayaa dadka qaarkii waxay ku tilmaameen mid aad u badan oo keeni karta in diyaarado aysan ka soo deign Magaalada Jowhar, sidoo kale wareegto uu soo saaray Max’ed Dheere lama oga in dowladda Federaalka ay ka war qabto iyo in kale. 

C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Milass Zanaawi..

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qaybgalay shirkii ururka Midowga Afrika ee dhawaan lagu soo gebagabeeyay dalka Suudaan ayaa kulan gaar ah Magaalada Khartuum kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Millas Zinawi oo ay isla soo qaadeen arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in uu soo gebagaboo-bay khilaafkii u dhexeeyay Dowladda dhawaana la qaban doono kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, waxa uuna Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay Dowladda Itoobiya u garab taagan Dowladda Federaalka.

Milles Zanawi oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay si weyn u soo dhaweyneyso heshiiskii Cadan ku dhex maray Madaxweynaha iyo Guddoomi-yaha Baarlamanka, wuxuuna u soo jeediyay in si ficil ah loo fuliyo heshiiskaasi oo uu ku tilmaamay in uu yahay mid keeni kara in Dowladdu a

Hay’adda UNDP oo laga codsaday in ay u Diyaargorowdo daadgureynta…

Iyadoo maalmo yar ka harasn tahay xiliga la iclaamiyay in la qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, ayaa waxaa socda qaban-qaabada iyo diyaargarowga qabsoomidda kulankaasi.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa warqad qoraal ah u gubiyay Ha’adda UNDP oo looga dalbanayo in ay diyaar garowdo sidii ay u daadgureyn lahayd Xildhibaanada Baarla-maanka si uu qabsoomo kulanka ugu horeeya.

Haddii meel ka fog magaalada Muqdisho lagu qabto kulankaasi waxaa loo baahan yahay in Xildhibaanada lagu qaado diyaarado, hase yeeshee haddii Kulanka lagu qabto Magaalada balcad qarashka aad u yaraanayaa waayo waa magaalo dhex taal u ah xubnaha labad Gole oo ay ku imaan karaan gadiidkoosa, waxaana qabashada kulanka ka harsan mudo sagaal maalmdoo ah

Dowladaha Suudaan iyo Uganda oo mar kale ugu yaboohay ciidamo.

Iyadoo dhawaan la soo gebagaboobay shirkii ururka Midowga Afrika ee ka socday dalka Suudaan ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee looga waxaa ka mid ahaa arrimaha Soomaaliya, waxaana la isku afgartay in Soomaaliya loo diro ciidamo shisheeye oo la shaqeeya Dowladda Federaalka, waxayna ciidamadaasi tagistooda ku xiran tahay sida ay Qaramada Midoobey cunaqabateynta hubka uga qaado Soomaaliya oo lagu soo rogay sanadkii a1992-dii.

Intii uu socday shirkii Ururka Midowga Afrika waxaa ballan-qaad sameeyay wadamada Suudaan iyo Uganda oo iyagu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay soomaaliya u diraan in ku dhow ilaa iyo 5,000 oo askari.

Dowladahaan ayaa iyagu markii uu dhamaaday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxay shaaca ka qaadeen in ay diyaar u yihiin in Dowladda ay ku taageeraan ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis ku sameeya kooxaha soomaaliya, isla markaana  soo celiya amnigii iyo kala dambeyntii.

Sidoo kale Dowladaha Nayjeeriya iyo K/afrika ayaa iyagu ballan-qaaday in ay Soomaaliya u soo dirayaan ciidamo nabad ilaalin,  balse dadka u kuurgala siyaasadda Soomaaliya waxya sheegayaan in ay adkaan doonto in Soomaaliya loo soo diro ciidamo Afrikaan ah oo taas oo ay sheegeen in ay u saamaxeen dhaqaalihii ay ku tagi lahaayeen dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa adkaan doona in Qaramaada Midoobey ay cunaqabateynka ka qaado dalka Soomaaliya ee lagu soo rogay  markii ay dowladdii hore meesha ka baxday

Labo Carruur ah oo ku geeryootay qarax bam oo ka dhacay Caabud Waaq.

Wararka ka imaanaya Magaalada Cabud-Waaq ee Gobalka Galguduud waxay sheegyaan in labo carruur ah ay geeryootay labo kalana ay dhaawacmeen kaddib markii ay Bam ay ku cayaarayeen uu kula qarxay.

Bamkaan oo noociisu ahaa Fa-1 ayaa carruurtu waxay ka heleen xero Milatari oo ku dhaweyd halkii ku sugnaayeen.

Carruurta dhaawacantay ayaa dhaawaca waxaa la sheegay in uu yahay mid halis ah, ma ahan markii ugu horeysay oo waxyeelo ka soo gaaro Carruur ku cayaareysa waxyaabaha qarxa.

Hay’adda mina saarista Soomaaliyeed ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in sanadkii 2005-ta ay waxyeelo ka soo gaartay dad aad u fara badan Miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa taasoo ay sheegeen in ay ugu wacan tahay dadka oo aan aqoon fiican u lahayn waxyaabaha qarxa.

Weerar lagu soo qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho..

Shalay galabnimadii ayaa kooxo dabley ah oo ka koobnaa shan waxay weerar ku soo qaadeen isbitaalka Daaru-Shifaa ee Jidka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho waxaana weerarkaasi ku geeryooday ilaaladii Isbitaalka oo fadhiyay afaafka hore ee isbitaalka, kooxdii dableyda ahayd ee oo doonayay in ay horey u galaan isbitaalka ayaa waxa uu howlgalkoodii ku soo afjarmay iridka hore, kaddib markii Ilaalada Isbitaalka ay si aad ah isaga difaaceen.

Isbitaalka oo gudihiisa ku sugnaayeen Dhakhaatiir ajnabi ah ayaa waxa uu weerarkaasi qalqal geliyay howlihii isbitaalka, waxaana arrintaani welwel iyo walaac ka muujiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir, oo iyagu aan fileyn in weerar noocaas ah lala beegsado isbitaala.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababihii loo weeraray isbitaalka, balse warar ayaa waxay sheegayaan in ilaalo laga eryay isbitaalkaasi ay ka dambeeyeen weerarkaasi.  Isbitaalka oo shalay Maqribnimadii howlihiisa ay dib u bilowdeen ayaa waxaa la sheegay in lagu raad joogo kuwii ka dambeeyay weerarkasi.

Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay
“Wiilkeygii Qadar Cismaan dilkiisii waxaa lagu bixiyey kharash fara badan” GUJI

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2006


Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Qoraal u Gudbiyay Qaramada Midoobey..
»
Shirkii Ururka Midowga Afrika oo Qaramada Midoobey ka codsadey in soomaaliya cunqabataynta laga qaado.. iyo warar-GooGoos ah ka akhri halkan Jan 25

Midowga Afrika oo ka fiirsanaya in Maxkamad
la soo taago shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya iyo Warar GooGoos Akhri.. Jan 24