SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

Cismaan Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay

“Wiilkeygii Qadar Cismaan dilkiisii waxaa lagu bixiyey kharash fara badan”

Dhawaan ayaan magaalada Jowhar booqday anigoo u tagey arrimo shaqo iyo kuwo gaar ahaaneed intaba, waxaana halkaa kula kulmay mas’uuliyiin badan, oo ka tirsan labada Gole ee dowladda federaalka ah, oo uu ka mid yahay Ra’isul wasaare Geeddi iyo qaarkood kale oo aan hore isu naqaanay, halka kuwo kalana aan socdaalkeygaasi ku bartay.

Cismaan Cilmi Boqore oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka oo aan hore daris ugu aheyn magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa madaxdii aan Jowhar ku kulanay, waxaana kala sheekeystay arrimo badan, haba ugu sii weynaato siyaasadda hadda taagan, hase ahaatee, waxaa uu guddoomiye ku xigeenku si waadax ah iigaga sheekeeyey qaabkii uu Muqdisho uga tagay iyo sababihii loo dilay ALLE ha u naxariistee wiilkiisii Qadar Cismaan, wuxuuna hadlakiisa ku bilaabayaa:

Waxaan isku mowqif aheyn xildhibaanadii iyo wasiiradii ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxaana aaminsanaa in fikirka aan qaadanay uu ahaa mid sax ah, kaasoo ahaa in magaalada Muqdisho ay dowladdu ku shaqeyso, waxaan aaminsanaa in dowladdii Kenya lagu soo aasaasay ay waxweyn ka badali doonto marxaladaha uu dalku ku sugan yahay, gaar ahaan Caasimadda, waxaan ka mid ahaa raggii u ololeeyey in aan axdiga laga talaabsan, waxaana ayiday fikirkii ahaa in caasimadda aan laga beydh-beydhin, intaas markii ay hawsha mareyso ayaa waxaan sameyney abaabulo la xiriira qaabka loo xareyn karo maleeshiyaadka daadsan jidadka Muqdisho iyo nawaaxigeeda, mar kastana waxaan ku darsanayey talo ku aaddan qaabka loo xareyn karo maleeshiyooyinkaas, waxaana mar kasta diiradda saareyney sidii ciidamo Qaran loogu badali lahaa maleeshiyaadkaas, hase ahaatee, qaabkaasi waa inoo suura gali waaye,y waxaana dhacday in dhawr gowr lagu gacan seydhay talooyin wax ku ool ah oo aan soo jeediyey, waxaana dhacday halkii aan sugeyney in dhammaan la wada xareeyo maleeshiyooyinkii la xareeyey inkooban waxaana ii muuqatay in aysan jirin laba hoggaamiye kooxeed oo is aaminaya, kalsooni buuxdana isku siinaya qaabka xareynta maleeshiyaadka,  isbaaro qaadista iyo wada shaqeynta guud.

Markii ay dhacday in labadaa arrimood ee kala gadisan oo kala ahaa isbaaro qaadista iyo xareynta ciidamada lagu wada fashilmay oo isbaarooyinka qaarkood la qaadi waayey halka qaar-na markii la qaaday ay dib u soo noqdeen oo aanu wareernay, haddii aan nahay raggii sida aadka ah isugu taxalujinayey in caasimadda la hawl galiyo oo la nadiifiyo, hase ahaatee, aynaan taageero dhinaca niyadda ah ka heysan Wasiiradda hubeysan ayaa haddana waxaa dhacday, in la bilaabo qorshe ku aaddan, in maamul loo sameeyo gobolka Banaadir, waxaana dhacday in dhawr mar saxaafaddu ay arrimaha socda wax iga weydiiso waxaana tilmaami jiray habka ugu wanaagsan ee aan ku hawl galin karno hirgalinta hadafkeena, inkastoo ay jireen mararka qaar, inaan u cudurdaaran jiray warbaahinta, waxaana dhacday in markii aan u adkeysan waayey waxyaabaha socda aan go’aansaday ku biirista xubnaha labada Gole ee ku sugan magaalada Jowhar, maadaama guul darrooyin ay ku dhamaadeen, waxyaabihii aan ka wadnay gobolka Banaadir, oo runtii lagu guuleysan waayey.

Intii aanan Jowhar xubanaha ku sugan ku biirin waxaan soo jeediyey talo aheyd, inaan wadahadal la galno xubnaha Jowhar, hase ahaatee, cidina dhag jalaq uma siin.

Sida dad badani ogsoon yihiin markii aan tagey magaalada Jowhar, waxaa idaacadaha laga yiri, “Haddii Cismaan Boqore uu Jowhar aaday waxaa Xamar jooga qoyskiisa, ilmihiisa iyo hantidiisa” waxaana hadalkaasi uu dhawr maalmood igu ahaa mid saameyn weyn ku yeeshay nolosheyda, laakiin, muddo toban beri ah kaddib waxaa dhacday in la dilo wiilkeygii Qadar Cismaan Cilmi, runtii, dilka wiilkeyga loo geystay waxaa uu ahaa, mid naxdin weyn igu noqday, oo aan filan waayey.

Markii uu halkaa sheekada marinayey waxaa guddoomiye ku xigeenka wajigiisa laga dheehan karay dareen murugo leh maadaama uu soo xasuusanayo dilkii xaq darada ahaa ee loo geystay wiilkiisii, isagoo sheekadii noo sii wadana wuxuu sii leeyahay:

Gacan xaq darro ah, ayaa lagu dilay wiilkayga, ma jirin, cid uu wax u geystay, mana jirin cid wax ka tabaneysay, waxaana la soconaa dad badanina ogsoon yihiin in wiilkeyga noloshiisa loo gooyey arrimo siyaasadeed, waxaana ogsoonahay in dilka wiilkeyga lagu bixiyey kharash fara badan, hase ahaatee, Illaahey ayaa dadka u kala xaq gudi kara, dadkii xaq darada ku dilay wiilkeyga Eebbe ayaa ka abaal marinaya, waxaana u mahad celinayaa Eebbe oo markii hore i siiyey haddana iga oofsaday.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka, Cismaan Cilmi Boqore, oo aan u tacsiyeeyey, ka hor, intii aanan wareysan, maadaama, aan aheyn dad daris ah, ayaa sidoo kale, wax ka weydiiyey rajada uu ka qabo dowladda KMG ah iyadoo xiligaasna uu dhinac fadhiyey, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamanka Prof: Dhalxa, wuxuuna yiri, “Aad ayaan ugu hanweynahay in dowladda KMG ah ay shaqeyso, waxaana aaminsahay in uu dhammaanayo khilaafka yar ee u dhaxeeya, xubnaha labada Gole, waxaana shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay taageeraan hannaanka nabadda si ay u helaan dowlad mideysan oo wada shaqeyneysa oo baahidooda dhameystirta”

W/Wareysatay: Faarax Max’ed Cali {Faarax Blue}

E-Mail: farahblue_545@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 26, 2006


Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo Qoraal u Gudbiyay Qaramada Midoobey..
»
Shirkii Ururka Midowga Afrika oo Qaramada Midoobey ka codsadey in soomaaliya cunqabataynta laga qaado.. iyo warar-GooGoos ah ka akhri halkan Jan 25

Midowga Afrika oo ka fiirsanaya in Maxkamad
la soo taago shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya iyo Warar GooGoos Akhri.. Jan 24