WARARKA
JAN 24, 2006
-
Madaxweyne Olusegun
Obasanjo “Waxaan Q/Midoobey u soo jeedinayaa in Soomaaliya laga qaado
Cunaqabataynta Hubka .”
-
Shariif Xasan oo Hay’adda UNDP ka dalbaday
in in la dedejiyo..
-
Ururka Midowga AFrika
oo ka fiirsanaya in Maxkamad la soo taago
shaqsiyaadka iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya...
-
Hay’adaha Ismaaciil
Jimcaale iyo Gaashaan oo cambaareeyey Dilalkii ka dhacay Muqdisho...
-
Dadkii saarnaa Doontii Burcada Looga
Shakiyey ee ay qabteen Ciidamada Mareykanka oo la geeyey wadanka…
-
Xafiiska isku xirka Bulshada iyo Dowlada oo
baaq u jeediyey
-
Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Maxwell Geylard oo maanta soo gaarey Deg.
Garbahaareey.
Madaxweyne Olusegun Obasanjo
“Waxaan Q/Midoobey u soo jeedinayaa in Soomaaliya laga qaado Cunaqabataynta
Hubka .”
Waxaa maalintii
shalay ahayd Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan ka furmay shirkii ururka
Midowga Afrika oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaasha Qaaradda Afrika, waxaana
khudbad ku furay Madaxweynaha wadanka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir waxa uuna
sheegay in loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay is kaashato ayna wax ka qabato
wadamada ay colaaduhu ka jiraan. Mar uu ka hadlaayay arrimaha Soomaaliya waxa uu
sheegay in soomaaliya ay ahatan ka jirto dowlad loona baahan yahay in
Dowladdaasi ay dowladaha Afrika siiyaan, waxa uuna madaxweynuhu soo dhaweeyay
heshiiskii ay Magaalada Cadan ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf
iyo Guddoomiyaha Baalarmaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Mar uu shirkaasi
ka hadlay Madaxweynaha wadanka Nayjeeriya Olusegun Obasanjo ayaa waxa uu sheegay
in loo baahan yahay in deg deg Q/Midoobay cunaqabteynta hubka uga qaado
Soomaaliya si ay u fudaadato in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda wadamada
Afrika si ay hub ka dhigis ugu sameeyaan kooxaha Soomaaliyeed ee carqaladda ku
aha nabadgelyada Soomaaliya, Madaxweynaha waxaa kaloo uu sheegay in loo baahan
yahay in maxkamad la soo taago kooxaha carqaladda ku ah nabadda Soomaaliya,
waxaa la filayaa in ururka Midowga Afrika uu ka codsado Qaramada Midoobey in
Soomaaliya si deg deg ah cunaqabateynta hubka looga qaado si ay Soomaaliya u
galaan ciidamo nabad ilaalin ah, maanta ayaa la filayaa in go’aamo ay ka soo
baxaan ururka Midowga Afrika go’aamo la xiriira arrinta Soomaaliya, maanta ayaa
lagu wadaa in madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed uu hadalo
ka jeediyo shirka Midowga Afrika.
Shariif Xasan oo Hay’adda UNDP ka dalbaday in
in la dedejiyo..
Guddoomiyaha Baarla-maanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa shalay Magaalada Nairobi kulan yeeshay madax ka
socotay Hay’adda UNDP waxayna isla soo qaadeen arrimo fara badan oo la xiriira
sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen abaarta sii baahaysa ee ka jirta qaar ka mid
ah Gobalada dalka, sidii Hay’adda UNDP ay u labalaabi lahayd mashaariicda ay ka
fulineyso Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarla-maanka
waxa uu ka dalbaday Hay’adda UNDP inay dedejiso mushaarka xildhibaanada
Baarlamaanka maadaama ay hay’adaasi horey u balanqaaday in ay mushaar siin
doonto xildhibaanka Baarlamaanka.
Hay’adda UNDP ayaa joojisay in
ay wax mushaar ah siiso Dowladda Federaalka ilaa la soo afjaro khilaafka u
dhexeeyay xubnaha Dowladda, waxaana la filayaa in Hay’adda UNDP ay markaa bixin
doonto mushaaraadkii xildhibaanada Baarlamaanka maadaama la soo gunaaday
khilaafkii xubnaha labada Gole ee ku kala sugnaa Muqdisho iyo Jowhar.
Ururka Midowga AFrika oo ka
fiirsanaya in Maxkamad la soo taago
shaqsiyaadka
iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya...
Wasiirada arrimaha dibadda ee
Ururka Midowga Afrika ayaa kulankii ay ku yeesheen Magaalada Khartuum waxay ka
soo saareen qaraar qabyo ah oo la xiriira in Maxkamad la soo taago shaqsiyaadka
iyo kooxaha hortaagaan nabadgelyada Soomaaliya.
Qaaraarkaan ayaa maanta la
filayaa in si aad ah uga doodaan Maadaxweynayaasha ururka Midowga Afrika, iyadoo
qaraarku uu sheegayo in Q/Midoobey looga baahan yahay in ay gacan ka gaysato
sidii Maxkamad loo soo taagi lahaa ragga hor taagaan nabadgelyada Soomaaliya.
Koox aqoonyahano Soomaaliyeed
ayaa horay uga codsaday Q/Midoobey iyo ururka Midowga Afrika in la dedejiyo
sidii loo sameyn lahaa Maxkamad la hor keeno shaqsiyaadkii dambiyada dagaalka ka
galay Soomaaliya mudadii 15-ka sano ahayd ee Dowlad la’aantu ka jirtay
Soomaaliya.
Inta badan dadka Soomaaliyeed
ayaa si weyn u doonaya dadka dambiyada ka galay Soomaaliya oo Maxkamad la soo
taagayo.
Hay’adaha Ismaaciil
Jimcaale iyo Gaashaan oo cambaareeyey Dilalkii ka dhacay Muqdisho...
Hay’adda Dr. Ismaaciil
Jimcaale ayaa waxey cambaa-reyneysaa dilalkii loo kala geystay marxuumiinta kala
ah, Gaashaanle Salaad Cali Dhoore {Tima-jilic} oo 20-kii January lagu dilay
degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho wuxuuna marxuumku ka mid ahaa
ciidamada Cirka Soomaaliyeed, Col. Max’ed Xasan Max’ud {Caddaawe} oo 21-kii
January lagu dilay waddada Terabuunka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho,
waxeyna hay’addu sheegtay in marxuumku uu ka mid ahaa ciidamada Booliska
Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxey Hay’addu
cambaareyneysaa dilkii loo geystay Marxuum Cali Xaaji Max’ud {Cali-weyne} oo
21-kii bishan lagu dilay deegaanka Galgalato ee degmada Kaaraan, wuxuuna
marxuumku ka mid ahaa ciidamada Xooggaa Dalka Soomaaliyeed, waxeyna Hay’adda
Ismaaciil Jimcaale ay sheegay in dilalka loo geysanayo saraakiisha ciidamada
Soomaaliya ay geystaan kooxo maleeshiyo ah taasoo ay tilmaantay in ay xadgudub
ku tahay Shareecada Islaamka, Xeerka Soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed
iyo baaqa Caalamiga ah qodobkiisa saddexaad oo leh qof walbaa wuxuu xaq u
leeyahay inuu ku noolaado Nabad iyo Xoriyad, waxaana warsaxaafadeedkani ku
saxiixnaa guddoonka xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda aadanaha Marwo
Maryan Xuseen Owreeye.
Dhinaca kale, hay’adda
Xuquuqda Adanaha ee Gaashaan ayaa waxaa ay cambaareyneysaa dagaalkii Ahliga ahaa
ee ka dhacay tuulada Dacdheer 22-kii bishan, dagaalkaas oo sababay dhimasho,
dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh, waxaana sida hay’addu ay
tilmaantay dagaalkaasi uu ka mid yahay dagaalada Bulsho layska ah ee ka aloosan
deegaano ka mid gobalada goballada Mudug iyo Galgaduud kaasoo u dhaxeeya beelaha
Sacad iyo Suleybaan.
Waxaana hay’addu ay sheegtay
in ay ka xun tahay wax qabad li’ida siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha halkaasi
wada dega iyagoo caadeystay bey tiri in ay shir hal saac iyo ka yar isugu
yimaadaan hoteelada Magaalada Muqdisho ayna soo saaraan qodobo ka sheekeynaya
heshiis la gaaray, waxeyna hay’addu dowladda federaalka mas’uu-liyiinteeda ugu
sarreysa ka codsaneysaa in ay soo kala dhex galaan beelahaasi kor aan ku soo
xusnay.
Waxaana warsaxaafa-deedkaasi
oo ka soobaxay Hay’adda Gaashaan xafiiskeeda Muqdisho ku saxiixnaa guddoomiyaha
Hay’adda Cali Max’ed Max’ud.
Dadkii saarnaa Doontii Burcada Looga Shakiyey
ee ay qabteen Ciidamada Mareykanka oo la geeyey wadanka…
Iyadoo maalintii doraad ahayd
Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Xeebaha Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen
kooxo looga shakiyey burcad badeed soomaali ah oo soo afduubtay Markab ayaa
raggaasi haatan waxaa lasheegay in la geeyay saldhig Mareykanku ku leeyahay
dalka Baxreyn halkaas oo lagu weydiinayo su’aalo la xiriira howlihii looga
shakiyey ee burcad badeedka ah ee ay ka wadeen badda Soomaaliya.
Saxaafadda Mareykanka ayaa
shalay si aad ah u hadal- haysay raggaasi, iyadoo Saxaafadda qaarkood ay soo
bandhigeen raggaas oo katiinadeysan kuna sugan Markab Dushiisa.

Doonta ay qabteen ciidanka Maraykanku...

Isha: AP /US Navy, Kenneth Anderson)
Sawirka waxa uu muujinayaa Markab Maraykan ah
(USS Winston S. Churchill) oo sabtidii Jan. 21. 2006 cayrsanaya dooni
looga shakiyey burcadnimo taas oo mareysey badweynta Hindiya, waxaa doontaas
lagu qabtay 26 nin oo hadda su'aalo la weydiinayo (16 dadkaas doonta saaraa waa
Hindi, halka10 ay yihiin Soomaali). Doontaas waxaa lagu qabtay meel xeebta
Soomaaliya u jirta 54 miles.
Kooxaha burcad badeedka ah
ayaa mudooyinkaa-nba ku soo badanaya xeebaha Soomaaliya kuwaas oo dhibaato xoog
leh ku haya Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa samafalka, iyagoo sanadkii hore
markab kuwa dalxiiska ah ee laga leeyaha dalka Mareykanka uu si dirqi ah kaga
fakatay kooxahaa burcad badeedka ah.
Xafiiska isku xirka Bulshada iyo Dowlada oo
baaq u jeediyey
Shir ay isugu yimaadeen
guddiga fulinta Xafiiska isku xirka bulshada iyo Dowladda uuna shir
guddoominayay guddoomiyaha xafiiska Mudane Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) ayaa
looga hadlay marxaladda uu dalku haatan marayo iyo dhibaatooyinka ka jira dalka
sida cudurada, abaaraha iyo dagaalada.
Dood dheer iyo falanqeyn
kaddib guddiga waxa uu baaq u soo jeediyay beesha caalamka in Soomaaliya lala
soo gaaro gargaar bini’aadannimo oo deg deg ah.
Guddigu waxa uu soo
dhaweynayaa go’aankii ay gaareen Baarlamaanka iyo Xukumadda ee ku kala sugan
Muqdisho iyo Jowhar ee lagu taageerayay heshiiskii Cadan.
Guddigu waxa uu walaac ka
muujiyay dilalka gaadmada ah ee maalmahan ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho,
waxayna u soo jeediyeen kuwa wada in ay ka waantoobaan, guddigu waxa uu soo
dhaweynayaa heshiiskii ay gaareen beelah walaalaha ah ee ku dagalaamaya gobalada
Mudug iyo Galguud, Guddigu wuxuu kalloo aad uga xumaaday dagaalada ka soo
cusboonaaday qaybo ka tirsan dalka, wuxuuna u soo jeediyay waxgaradka
Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sidii dagaaladaasi loo joojin lahaa.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Wafdi
balaaran oo uu hogaaminayo Maxwell Geylard oo maanta soo gaarey Deg.
Garbahaareey.
Xiriiriyaha guud ee gargaarka
Soomaalia Maxwell Geylard iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray
degmada Garbahareey ee gobolka Gedo. iyagoo ka soo kictamay magaalada Waajid ee
gobolka Bakool oo maalinimadii shalay ay soo gaareen.
Maxwell Geylard iyo xubnaha
wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Xubno ka socda DFS, Saraakiil ka socota hay’adaha
samafalka iyo wariyeyaal ka socda warbaahinta caalamka ayaa markii ay ka soo
dageen garoonka diyaaradaha ee Degmada Garbahareey, ayaa waxay kulamo layeesheen
mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi iyo waxgaradka deegaankaasi.
Wafdigan ayaa islamarkiiba
waxa ay u gudbeen dhowr tuulo oo ka tirsan degmada Garbahareey oo ay ka mi
yihiin Tuulo Barwaaqo, Meykaareebeey, Daableey iyo kuwo kale oo mudooyinkaan ay
ka jireen abaaro kulul oo saameeyay nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan
deegaanadaasi.
Gudoomiyaha degmada
Garbahareey Gaarane Nuur Max’uud oo waxyar ka dib aan kula xiriirney khadka
telefoonka ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wafdigaan ay la xiriirto ui
kuurgalida xaaladda abaar ee ka taagan gobolka Gedo iyo sidii gargaar bani
aadnimo loola gaari lahaa dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee gobolkaasi.
Wafdigaan oo uu hogaaminayo
Maxwell Geylard ayaa ah kii ugu sareeyay oo ka socda hay’adaha samafalka oo mudo
ku dhow todobo sano soo booqda gobolka, iyadoo socdaalka wafdigaan uu ku soo
beegmay xilli gobolka ay ka jiraan abaaro saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo
duunyada.
Xasan Cabdi Keynaan
Baardheere.
keynaan270@hotmail.com
|