Col. Cabdi
Cigaal |
SomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay
Col. Cabdi Cigaal Jaamac
Waxaa waraysiga Qaaday:
cabdi khadar
Nuur |
cabdiqadar84@hotmail.com
SomaliTalk.com | Kismaayo | Soomaaliya
Waxaa u suuro gashay shabkada warbaahinta ee
SomaliTalk in ay waraysi dhinacyo badan taabanya ay
la yelato Col. Cabdi Cigaal oo ah sarkaal ka
tirsanaa maamulka isbahaysiga dooxada jubba haatana
ka soo horjestay howlaha maamulka uu ka wado
magaalada kismayo haday ahaan lahayd shirkii la
sheegay in labada gole ee dowlada loogu qabanayo
magaalada kismayo iyo haday ahaan lahayd hub
aruuritna ay ciidanka isbahaysiga ay ka wadaan
magaalada kismayo waraysigaas oo u dhacay sidan.
SomaliTalk:
Marka hore mudane ku soo dhowoow shabakada
warbaahinta ee SomaliTalk.
Cabdi cigaal
: adeer waan dhawahay waadna mahadsantahay.
SomaliTalk:
Col. Cabdi Cigaal Jaamac bal marka
hore waxad inooga war bixisaa waxaa uu ka dhashay
khilaafka muuqda ee haatan idiin dhaxeeya adiga iyo
xildhibaan Barre Hiraale oo aad ka wada tirsaneydeen
maamulka isbahaysiga waliba xubnaha ugu sareeya
maamulka ?
Cabdi cigaal:
bismilaah adeer waxaa uu ka bilowday khilaafka inoo
dhaxeeya aniga iyo barre hiraale ama uu ka dhashay
arimo ku saabsan xaga ra'yiga, arimahaasina waxaa ka
mid ahaa in aanu isku afgaran weyno qaabka shirka
dib u heshiisiinta ee dowladda loo qabanayo arihaas
iyo arimo kale oo yar yar ah markaan isku qabanayna
waxaa dhacday in aniga oo gurigeyga jooga uu bixiyay
Barre Hiiraal amar ah in la isoo dilo arintaasi
ilahay mahadi haka gaadhee aniga waxba la ima
gaarisiin, ciidan baana gurigayga igu soo wareeraray
aniga iyo caruurteydii iyo xaasaskeygii iyo waliba
dariskeygii kadibna arintaasi kor ayay u si kacday
ilaa iyo hadana waanu ku kala taaganahay intii ay
arintaan socotayna dad badan baa galay oo isku dayay
in ay ina dhex dhexaadiyaan, waa ayna suuroobi
weyday balse haatan waxaa ku jira aritnaan taliyaha
cidanka isbahaysiga Goobaale waanu balansanhay wixii
ka soo baxana waanu u joogaa anigana waad maqli
doontaa.
SomaliTalk:
Gartay, hadaba gogosha wada hadal ee la idinka dhex
wado adiga iyo Bare Hiraale haatan waxay u muuqataa
mid sii baa ba' aysa taasna waxa u sabab ah beesha
aad adiga ka soo jeedo markii ay keeneen sharuudo
fara badan oo aan meesha oolin haatan maxaa adiga
kuu qorsheysan dhanka wada hadalka iyo dib u
heshiisiinta adiga iyo barre hiraale?
Cabdi cigaal:
adeer aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay
nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad
leedahay adoyaasha beesha aad ka soo jeedo ayaa
sharuudo la yimidna hadee hadii wada hadal yimaado
waa in la isku sheegaa wixii la isu qabay marka
taasi waa midaa, mida kale aniga mar walba goob
walba waxaan diyaar u ahay in aan nabada qaato waa
haddi la ila qaadanayo inta haatan nuux
nuuxsanaysana aniga ayaa rajo galiyay oo wax ay
arkeen sida aan nabada ugu bislahay marka adeer
qorshahaygu waa in dadku ay helaan cadaalada iyo
sinaan iyo waliba maamul wanaagsan.
SomaliTalk:sida
ay qabaan dad badan oo caalamka ku sugan waxaa ay
aaminsanyahiin in khilaafka haatan idiin dhexeeya
adiga iyo barre hiraale uu bilowday kadib markii
maleeshiyo ka so jeeda beesha aad ka dhalatay ay
afduub u geyesten maraakiib sadex ah oo ku suganaa
xeebaha gobolka jubbada hoose ilaa iyo hadana lama
siideyn maraakiibtaas oo wali waa la hayestaa, maxay
tahay sababta ilaa iyo iminka ay maleeshiyadaas u
haystaan maraakiibtaas maadama aad adiga tahay
masuul sare oo ka soo jeeda beesha afduubka u hesata
maraakibtaas lagana heybeysan karo go'aamada ay
qaataan beeshaas?
Col. Cabdi
Cigaal |
Cabdi cigaal:
adeer horta raga aad sheegeyso ee maraakibta heysta
waa mooryaan kuwa maraakibta watana waa mooryaan
kale waana kuwa badaheena ku soo shuba wasakhda
markii ay maleeshiyadan ay afduubanyeen maraakiibtan
barre hirale magaalada ma uusan joogin ee waxa uu ku
maqanaa gobolka Gedo gaar ahaan magaalada ceelwaaq
waxaa uuna amar ku soo baxshay in maleeshiyadaas
afduubtay maraakiibta la laayo marka dadkii gobolka
ayaa ka soo horjeestay amarkaas oo ku yiri xaal
mastuul wax halagu dhameeyo, anigana waxaan ku jiray
dadkii aritan xal masduur halagu dhameeyo
taageersanaa marka khilaafkenu halkaa kama uusna
bilaaban .
SomaliTalk
: waxaa haatan magaalada laga daremayaa ama lagu
dhex arkayaa in maleeshiyooyin hubaysan oo qoryo ku
dhex wata gudaha magaalada awalna ma aysan jirin in
qori lagu dhex wato magaalada waxaadna ka mid ahayd
dadkii u ololeynayay in aan wax qori ah lagu dhex
wadan magaalada haatan oo aad adiga istaafkaagu ay
magaalada la dhex yaacayaan qoryaha, sideed u
aragtaa arinkaas yaase isleedahay wuu ka masuul
yahay arinkan?
Cabdi cigaal:
arinkaas oo dhan waxaa ka masuul ah maamulka
sababtoo ah ayaga ayaanan isku xilqaamin in bulshada
ay wax ugu qabtaan si isku mid ah doonayana in ay
wax kala faquuqaan .
SomaliTalk :Waxaa
jritay oo aad warbaahinta ka sii deysay in
magaalada kismayo aan lagu qaban Karin wax shir ah
oo lagu dhex dhexaadinayo labada garab ee dowlada ee
iskhilaafsan, bal ka waran hadii hadalkaagaas aan
dhag jalaq loo siin ayna kismayo yimaadaan xubnaha
dowlada ee gogosha loogu qabanayo?
Cabdi cigaal:
hadii ay taasi dhacdo dee wixii halkaas ka yimaadaa
waxaa ka masuul ah Barre Hiraale sababtoo ah
magaalada Barre kaligiis majoogo hadii aysan wax
heshiis ah dhicin Barrana uu arintaas ku dhaqaaqo
wixii dhaca asaga ayaa ka masuul ah .
SomaliTalk:
Marka aad leedahay wixii dhacaa isaga ayaa ka masuul
ah maxaad uga jeedaa, ma waxaad ka wadaa ficil baan
suubinayaa oo dadbaan weerarayaa?
Cabdi cigaal
: aniga kuma aan oran waxbaan
weerarayaa lakiin aniga ayay ii taalaa waxaan sameyn
lahaa.
SomaliTalk
: ugu danbeyntii maxaa haatan iska badalay
fikirkaagii ahaa in aan magaalada kismayo wax shir
ah oo lagu dhex dhexadinayo dowlada aan lagu qaban
Karin?
Cabdi cigaal:
adeer horta shirkaasi hal qof iyo labo qof kaliya
go'aan kama ay gaari karaan, anigana waxan ahay
muwaadin soomaaliyeed, danta shacabka iyo in la
heshiyo waan rabaa lakiin waa in la isla ogaadaa, la
iskuna waafaqsanyahay gogosha kismayo lagu qabnayo
lakiin hadii nin kaligiis gooni ula baxo waxan u
malaynayaa in aysan waxba ka qabsoomi doonin.
SomaliTalk:
aad iyo aad ayaad u mahadsantahay gaashaanle sare
cabdi cigaal.
Cabdi cigaal:
adinka ayaa mudan.
Waxaa waraysiga Qaaday:
cabdi khadar
Nuur |
cabdiqadar84@hotmail.com
SomaliTalk.com | Kismaayo | Soomaaliya
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 3, 2006