SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print


C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL.... Guji..

Col Abdi IgalSomaliTalk.com oo Kismaayo Waraysi kula Yeelatay Col. Cabdi Cigaal Jaamac...
"..aniga horta ma ahi kaabe qabiil ee waxaan ahay nin corneyl ah aritna aad sheegeyso hada ee aad leedahay odayaasha beesha Akhri...
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji

WARARKA: ISNIIN JAN 23, 2006

  • C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kulan albaabada u xirnaa kuyeeshay Garoonka Jomo Kenyatta

  • Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo shalay.dagaal ku dhexmarey...

  • Shaar-Guduud iyo Shiikh Aadan Madoobe oo shariifka ka codsady in Baydhabo..

  • Xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho oo sii Xumaaneyso..

  • Magaallooyinka ku tartamaya marti gelinta kulanka Baarlamaanka..


C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo kulan albaabada u xirnaa kuyeeshay Garoonka Jomo Kenyatta

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa shalay kulan albaabadu ay u xirnaayeen ku yeeshay Garoonka Jooma Kenyatta  ee Magaalada Nairobi. Gudoomiyaha ayaa markii hore ku hormaray Magaalada Nairobi wuxuuna ka degay Garoonka Wilson kaddibna waxa uu u dhaqaaqay garoonka Jooma Kenyatta, markii uu mudo madaxweynaha sugayay ayaa Madaxweynuhu halkaas soo gaaray, waxayna marka hore kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyanaha Wadanka Kenya Kipaki  oo isagu ku sii jeeda dalka Suudaan, kaddibna waxaa kulan albaabada u xirnaa wada yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna isla meel dhigeen halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka ,sidoo kale waxay soo dhaweeyeen labadooduba sida geesinamada leh ay u soo dhaweeyeen heshiiskii Cadan xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Jowhar, waxaana la filayaa in Guddoomiyuhu u maanta ku dhawaaqo halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, waxaana u sharaxan Magaalooyinka Baydhabo, Balcad, Kismaayo iyo Muqdisho. Kaddibna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay kulan isna uu albaabadu u xirnaa la yeesheen Wasiirka beeraha Xasan Max’ed Nuur (Shaar-Guduud) oo isagu wakiil ka ahaa Wasiirada iyo Xildhibaanada ku sugan Magaalada Xudur waxayna isla soo qaadeen sidii Magaalada Baydhabo u noqon lahayd midda martigelisa kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, iyadoo Shaar-Guduud, Shiikh Aadan Madoobe iyo Wasiirada kalaba ay soo dhaweeyeen in Magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo shalay.dagaal ku dhexmarey.

Iyadoo labo maalmood ka soo wareegtay markii waxgarad-ka, Siyaasiyiinta, Odoyaasha, iyo Culuma’u-diinka ee Beelaha Sacad iyo Suleymaan ayaa warar ka imaanay Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in maalintii shalay dagaal qaraari ku dhex maray labadaasi Beelood deegaanka lagu magacaabo DAcdheer, waxaana la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud.

Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi ay ku dhinteen14 qofood ayna ku dhaawacmeen tiro inta ka badan, ilaa iyo hadda lama garanayo cidda weerarka soo qaaday iyadoo beeliba beesha kale ku eedeyneyso in ay iyadu jebisay heshiiskii Xabad joojinta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.   Dagaalkaani ayaa waxa uu niyad jab ku riday intii soo qaban-qaabisay heshiiskii dhex maray labadaasi Beelood, hase yeeshee mar aan la kulanay waxgarad ka tirsan labada Beelood waxay noo sheegeen in aysan ku niyad jabi doonin dagaalka dhex maray labaadi beelood, ayna sii wadi doonaan heshiika dhex maray labada beelood oo ay sheegeen in uu yahay mid muhiimad gaar ah ugu fadhiyay guud ahaan labada Beelood.

Shaar-Guduud iyo Shiikh Aadan Madoobe oo shariifka ka codsady in Baydhabo..

Xasan Max’ed Nuur (Shaar-Guduud) oo ah Wasiirka Beeraha iyo Shiikh Aadan Madoobe oo isna ah wasiirka Garsoorka ayaa si weyn u soo dhaweeyay in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka lagu qabto Magaalada Baydhabo.

Inkastoo Shaar-Guduud iyo Shiikh Aadan Madoobey doonayeen in kulanka ugu horeeya lagu qabto Magaalad Xudur haddana arrinaasi waa lagu diiday, waxayna haatan labadooduba u ololeenayaan in Magaalada Baydhabo ay noqoto halka lagu qabanayo shirka Baarlamaanka. Shaar-Guduud ayaa markii uu shalay la kulmay Madaxweynaha iyo Guddoomi-yaha Baarlamaanka waxa uu ku adkeeyay in Baydhabo ay noqoto halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya, hase yeeshee ilaa iyo haatan xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ka uusan hadlin in Baydhabo lagu qaban karo kulanka Baarlamaaka, balse waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii sida weyn u soo dhaweeyay heshiiskii Cadan ku dhex maray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha.

Xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho oo sii Xumaaneyso..

Tobaadkii hore ayay ahayd markii gaari marayay agagaarka rasaas lala beegsaday, waxaana halkaasi ku geeryooday saddex ruux, sidoo kale waxaa dhacay todobaadkaasi afduubyo iyo dilal, iyadoo maalintii doraad ahaydna Magaalada Muqdisho lagu dilay saddex Sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed mid waxaa lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho axaana magiciisa la oran jiray Cali Weyne, mid kalana waxaa lagu dilay xaafadda Wardhiigley oo la oran jiray Salaad Cali Dhoore, midka saddexaadna waxaa lagu dilay Isgooska KPP waxaa lagu magacaabi jiray Max’ed Xasan  Max’ed (Caddaawe).

Shalay ayay ahayd markii Gaari u socday Magaalada Baladweyne ay xoog dabley ah ku rasaaseeyeen jidka Warshadaha iyagoo xitaa lagu riday Qoriga Baasuukaha ah waxaana ku dhintay saddex ruux, ilaa iyo haddana ma jirto dad isku xilsaaray in ay ka hortagaan nabadgelyo xumidaasi, hase yeeshee dadka qaarkood ayaa waxay leeyihiin waxaa ugu wacan habacsnaan ku timid Maxkamadaha Islaamiga ah.

Ciidammada Maryekanka oo gacanta ku dhigay kooxo Burcad Badeed ah…

Ciidammada Mareykanka ee ka howl gala Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan Kooxo burcad badeed ah oo waayadan ka qowleysanayay Xeebaha Soomaailya, kuwaasoo dhibaato ku hayay Maraakiibta ganacsiga iyo kuwa samafalka.

Ciidammada Mareykanku waxay hor istaageen markab ay wateen kooxihii burcadda, waxayna rasaas digniin ah ku rideen Markabka, hase yeeshee dhowr jeer ayay rasaastaasi ka madax adeygeen kooxihii burcadda ahaa inkastoo markii dambe ay is dhiibeen, halkaas oo uu ciidammada Mareykanku ay gaacanta ku soo dhigeen Markabkii iyo tuugadii afduubatay.

Markabka howlgalkan sameeyey ee Mareykanku leeyahay ayaa lagu magacaabaa Winston Chargill, illaa iyo haddana lama garanayo halkii lala aaday kooxdii burcadda ahayd, balse warar ayaa waxay sheegayaan in loo wado saldhigga Militeriga ee Mareykanku ku leeyahay Jabuuti.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey hawlgalka ay ciidammadu Mareykanka ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafayba kooxahan burcadda ah ay dhibaatooyin ku hayeen Maraakiibta isaga gooshta xeebaha Soomaaliya.     Bishii Nov. ee 2005 ayay ahayd markii Markab kuwa Dalxiiska ah oo uu Mareykanku leeyahay uu ka bad-baaday kooxahan burcadda ah.

Gaari Rakaab ah oo ku sii jeeday Beledweyne oo dadkii saarnaa….

Shalay subaxnimadii ayay ahayd markii Gaari Rakaab ah kuna sii jeeday Magaallada Beled-weyne ay koox dableey ah rasaas oodda kaga qaadeen mar uu marayay jidka Warshadaha meel u dhow Warshadda Biyaha Caafi, waxaana intii ay ku socotay rasaasta gaariga loogu daray qoriga Baasuukaha, balse nasiib wanaag uu kor maray, inkastoo rasaastii kale ee qoryaha culus ay u geysteen baabuurkii dhibaato xoog leh, halkaas oo ay oo ku naf waayeen 3-qofood, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma caadda sababihii gaarigaasi loo rasaaseeyey, iyadoo kooxdii dableyda ahayd ay baxsadeen markii ay dhibaatadaasi geysteen.

Toddobaadkan ayaa Magaallada Muqdisho waxaa ka dhacayay falal carqalad ku ah nabadgelyada iyadoo dhowaan gaari BL ah oo marayay aga-gaarka Baar Ubax sidan oo kale rasaas la huwiyey, halkaas oo ay ku dhinteen 3-ruux, dad kalena ku dhaawacmeen, waxaa kale oo Muqdisho shalay ka dhacay falal lagu dilay 3-Sarkaal oo caan ah, waxaana dilalkan ay ku soo beegmeen xilli uu soo geba-geboobayo khilaafkii u dhexeeyey Xubnaha Dowladda Federal-ka.

Magaallooyinka ku tartamaya marti gelinta kulanka Baarlamaanka..

iyadoo maalmo yar uu ka harsan yahay xilliga la qabanayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamnka ayaa waxaa ku jira dhowr magaallo oo doonaya in ay martigeliyaan kulanka ugu horreeya ee Baarlamanka, waxaana magaallooyinka illaa iyo haatan ugu cad-cad ka mid ah Balcad oo dhowr km u jirta Muqdisho, Baydhabo oo 250m u jirta Muqdisho iyo Magaallada Kismaayo oo Xamar u jirta 500km.

Wararka la isla dhex marayo ayaa waxay sheegayaan in magaallada Balcad ay ugu cad-caddahay marti gelinta kulankan ugu horreeya ee Baarlamanka, iyadoo sabab looga dhigay maadaama ay u dhexeyso Muqdisho iyo Jowhar.

Kooxaha ku sugan Jowhar ayaa iyagu halkaasi imaan kara, dibna uga laaban kara marka uu dhaco kulankaasi, sidoo kale kuwa ku sugan Muqdisho ayaa iyagana marka uu soo geba-geboobo kulankaasi dib ugu soo noqon kara Muqdisho, iyadoo magaalada Balcadna ay tahay magaallo aad u xasiloon oo uu ka taliyo Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, sidoo kale magaallada Balcad waa magaallo ka kharash yar magaalooyinka kale marka la fiiriyo dhinaca gaadiidka, waayo magaallooyinka kale waxay u baahnaanayaan duulimaad dhinaca cirka ah.     Waxay ku xiran tahay guddoomiyaha Baarlamanka oo isagu laga doonayo in uu xusho halka lagu qabanayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamanka, waxaana Guddoomiyaha soo gaaray codsiyo fara badan oo looga dalbanayo qabashada kulanka ugu horreeya ee Baarlamanka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2006

Baydhabo oo laga yaabo in ay martigeliso kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka..
»Labo Sarkaal oo lagu  dilay Magaalada Muqdisho....
»Reer Baydhabo oo farriin gaarsiiyey Shariif Xasan..
»Barre Hiiraale oo soo saaray Wareegto...
iyo Warar GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Jan 22

Maalinta xoriyadda Saxaafadda Soomaaliyeed oo laga xusay Muqdisho