WARARKII ISNIIN
JAN 16, 2006
Dagaalkii u
dhaxeeyay labada maleeshiyo ee kala taageersan
xildhibaan Barre hiraale iyo co. C badi cigaal
oo soo gabagaboobay...
-
Kismaayo: 14 Qof ayaa ku dhintay dagaalkii
socdey labada Maalmood, 34 qofna waa ku
dhaawacmeen...
- Col.
Cabdi Cigaal oo ay Ciidamada Barre Hiiraale
gacanta ku dhigeen...
- Cabdi Cigaal oo
beeniyey in uu isu dhiibey Isbahaysiga…
WAR DEGDEG AH:::
Kismaayo,
Jan 16:
Waxaa haatan
dhamaanba dagan jawiga guud ee magaalada
Kismatyo kadib markii lasoo afjaray dagaalkii
socday mudada labada barri ahayd ayadoo haatan
meesha laga saaray meleeshiyaadkii ay hubka us
saarayeen daaraha qadiimiga ah ee xaafada
calanleey ee ka amar qaadanayay Col. Cabdi
Cigaal.
Dagaalkan
bilowday maamlinimadii shalay ayaa intii uu
socday waxaa uu gayestay qasaaro naf iyo maal
leh ayadoo dagaalkaas ay ku dhinteen in ka badan
14 ruux, ayadoo inta badan dadkaan dhintay ay
ahaayeen maleeshiyadii halkaas uu dagaalka ku
dhex maray, inkastoo ay ku jiraan dhowr qof oo
shacabka ah oo dagaalkaas ku dhintay, waxaana
sidoo kale jira dhaawac aad u fara badan oo
labada dhan ah oo gaaraya ilaa 34 qof ayadoo
dadkaasi dhaawacmay ay inta badan dhaawacoodu
sahalanyahay .
Dagaalkan oo
saameyn weyn ku yeeshay magaalada Kismayo ayaa
sidoo kale waxaa u geystay bur-bur lixaad leh oo
soo gaaray daarahii dheer dheeraa ee ay labada
maleeshiyo isku fara saareen.
Waxaa haatan
dhamaanba soo afjarmay dagaalkii ka socday
xaafada calanleey ee magaalada kismayo ayadoo
maleeshiyadii uu hogaaminayay Col. cabdi cigaal
looga itaal roonaaday dagaalkii halkaa ka socday
waxaan sidoo kale halkaas isku dhiibay oo ay
ciidanka maamulka isbahaysiga gacanta ku dhigeen
Col. cabdi cigaal oo ah ninkii maleeshiyada
saarneyd daaraha xaafada calanley hogaaminayay.
Si kastooy
ahaataba waxaa galabta lagu arkayay laamiyada
waaweyn ee magalada Kismayo dadkii shacabaka
ahaa ee guryahii ay xalay iyo saakay ka qaxeen
dib ugu soo laabanaya kadib markii ay istaagtay
rasaastii ay isweydaarsanyeen labada maleeshiyo
ee kala taageersanaa xildhibaan Barre Hiraale
iyo Col. cabdi cigaal, ayadoo intii uu
dagaalkaas socday la isku adeegsaday hubka
nocyadiisa kala duwan haba ugu badnaadeen hubka
lidka dayuuradaha iyo qoryaha kontoro-kaaraha
taasoo sababtay in ay ka qaxaan guryahooda
dadkii ka agdhawaa xafada calanleey kadib markii
ay u adkeysan kari waayeen dhawaaqa iyo hugunka
iyo waliba waxyeelada madaafiicda la isku
adegsanayo, balse haatan ay dadka reer kismayo
ay ku farax sanyahiin in ay dhamaatay dhamaanba
dagaalkii u dhaxeeyay labadaasi maleeshiyo ee
kala taageersanaa xildhaibaan Barre aadan shire
barre hiraale iyo col. Cabdi cigaal.
cabdi qadar
nuur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya |
cabdiqadar84@hotmail.com
###
Cabdi Cigaal oo
beeniyey in uu isu dhiibey Isbahaysiga…
Maleeshiyooyinka
Barre Hiiraale oo soo gabagabeyeyy dagaalkii
Kismaanyo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararka naga soo
gaaraya Magaalada kismaayo waxay sheegayaan in
Dagaaladii u dhexeeyay Maleeshiyooyinka Barre
Hiiraale iyo kuwa Col. Cabdi Cigaal galabnimadii
Isniinta (Jan 16) la soo gebgabeeyay kaddib
markii maleshooyinka Barre Hiiraale ay ka
guuleysteen kuwii Cabdi Cigaal.
Dagaakaan oo
socday mudo labo maalmood ah ayaa waxaa ku
dhintay ilaa iyo 16 qofood oo labada dhinac ah
iyo dhaawac kor u dhaafay 30 qofood oo haatan
yaala Isbitaalka Magaalada Kismaayo.
Maleeshiyooyinka
Cabdi Cigaal ayaa iyagu kala firxaday kaddib
markii ciidamo ay kala hogaaminayeen Barre
Hiiraale iyo Max’ed Rooble Jimcaale (Goobaale),
weerar laba dhinac ah ay kaga soo qaadeen halkii
ay ku sugnaa Col. Cabdi Cigaal.
Warar kala duwan
ayaa ka soo baxa halkii uu ku dambeeyay Col.
Cabdi Cigaal, wararka qaar ayaa waxay sheegyaan
in uu isku dhiibay ciidankii uu watay Goobaale,
hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegayaan in
Korneylku uu ku sugan xarunta Isbahaysiga
Dooxadda Jubba, gaar ahaan halka uu ku sugan
yahay Barre Hiiraale.
Warar kale ayaa
waxay sheegayaan in Col. Cabdi Cigaal uu weli ku
jiro gurigiisa, kaddib markii uu balanqaaday in
uusan wax dagaal ah sii wadi doonin, wararka ka
imaanaya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in
haatan magaaladu ay xasiloon-tahay, iyadoo
labadii maalmood ee uu dagaalku socday ay
dadweynuhu ku gambanayeen guriyadooda, waxaana
haatan la sheegay in ay u soo baxeen wadooyinka
iyagoo raadinaya wixii ka badbaaday dagaalkii
labada dhinac.
Bishii Juun ee
sanadkii hore ayay markii maleeshooyin ka tirsan
Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo ay kala
hogaamina-yeen Barre Hiiraale iyo Jaamac Aadan
Dheere ay ku dagaalameen magaaladaasi, hase
yeeshee dagaalkaasi markii dambe waxaa lagu
dhameeyay waan waan iyo wada hadal.
Warar goor dambe
aan helney ayaa waxay sheeegayaan Cabdi Cigaal
iyo Ciidamadiisa ay ka baxeen Magaalada balse
wuxuun beeniyey in uu isku dhiibey Isbahaysiga
WARARKA KALE EE
MAANTA:::
»Dagaal
Xoogan oo Khasaaro fara badan gayestay oo Ka
Dhacay magaalada kismayo
»Xafladii
Xilwareejinta Gudoomiyaha G/Bari oo lagu qabtay
Boosaaso.
»Dowladda
Federaalka KMG-ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo
Kuwait uga tacsiyeeysay Geerida Amirkoodii...
»Prof.
Dhalxa “waxaa qasab ah in lala shaqeeyo
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha
»Kulan
saacado qaatay oo ay isugu yimaadeen Cabdulaahi
Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi ..
»Shirweynihii
mideynta xoogagga wadaniyiinta oo qabsoomey..
»Golaha
horumarinta Nabadda Soomaaliya oo kulan u qabtey
Odayaasha Dhaqanka.
Dagaal Xoogan
oo Khasaaro fara badan gayestay oo Ka Dhacay
magaalada kismayo
Wararkii
Xalay ee Kismaayo:
Jawiga
magaalada kismaayo ayaa caawa (Habeenkii
Isniintu soo geleysey) qasanaa waxaana la
maqlayay dhawaaqa rasaasta ay is weydarsanayaan
labada maleeshiyo ee kala taageersan maamulka
Isbahasiga Dooxada Jubba iyo Col. Cabdi Cigaal.
Waxaana haatan sii kordhayay khaaraha uu
dagaalka geyestay ayadoo dadka dhaawaca uu ka
soo gaaray dagaalka dhex maraya labadas
maleeshiyo ay gaarayaan ilaa 7 qof oo labada
dhan ah ayadoo dadkaasi qaar ka mid ah ay yahiin
dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada kismayo,
mana jiraan ilaa iyo hadeer wax dhimasho ah oo
dagaalkaas gayestay (waa markii aan warkan
daabacaynay'e).
Isku dhaca
labadaan maleeshiyo oo bilowday abaare sagaalkii
iyo afartan iyo shan daqiiqo ee galabnimadii
Axada ayaa
ilaa iyo hada ay xabadu socotay waxaana haatan
sii kordhaya tabaabushada ay sameyneyaan labada
dhanba iyo gurmadka ayadoo haatana ay bilowdeen
isticmaalka hubka waaweyn sida lidka dayuuradaha.
Hadaba ma jiraan
ilaa iyo hada cid kala dhex gashay labadaasi
maleeshiyo, waxaana haatan ay dadka ku dhaqan
xaafada calanleey ay bilaabeen in ay ka soo
qaxaan si ay oga bad baadaan rasaasta ay isku
adeegsanayaan labadan maleeshiyo ee halkaas isku
fara saaray galabnimadii Axada, waxaana haatan
dhamaanba la jaray khadka isgaarsiinta ee magaalad
kismayo ayadoo aysan jirin wax telefoon ah oo
dibada lagula hadli karo, arinkaan oo ah amar ka
soo fulay sida la sheegayo maamulka isbahaysiga
dooxada jubba.
CABDI QADARE
NUUR MAXMED (FILIPIIN)
KISMAYO SOMALIYA
cabdiqadar84@hotmail.com
WARBIXIN LABAAD EE DAGALKA
KISMAAYO:
Dagaal aad u qaraar oo ka
bilowday Magaalada.Kismaanyo.
Shalay abaarihii 9-kii galabnimo
ayaa bartamaha Magaalada Kismaayo waxaa ka
bilowday dagaal aad u qaraar oo u dhexeeyay
maleeshiyooyin kala taageersan Gudoomiyaha
Isbahaysiga Dooxadda Jubba Barre Hiiraale iyo
Col. Cabdi Cigaal, waxaana dagaalkaani la isku
adeegsanayay noocyada hubka kala duwan.
Khasaarihii uu gaystay dagaalkaan
ilaa iyo hadda lama hayo, balse warar ayaa waxay
sheegayaan in dagaalkaasi ay ku dhinteen shan
ruux dhowr iyo taban kale ay ku dhaawacmeen.
Afhayeen u hadlay Col. Cabdi
Cigaal ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada Bare
Hiiraale ay ahaayeen kuwii dagaalka u soo qaaday
xarunta uu degan yahay Col. Cabdi Cigaal, hase
yeeshee Sargaal u hadlay Barre Hiiraale ayaa
isna waxa uu sheegay in dagaal ku qaadeen waxa
uu ugu yeeray kooxo burcad ah oo maalmahan
xasilooni daro ka waday Magaalada Kismaayo.
Dagaaalkaan oo taniyo xalay
socday ayaa horey waxaa looga quustay waan waan
ay wadeen Odoyaasha ay ka soo kala jeedaan Barre
Hiiraale iyo Col. Cabdi Cigaal
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
Xafladii
Xilwareejinta Gudoomiyaha G/Bari oo lagu qabtay
Boosaaso.
Gudoomiyaha G/Bari, Muuse Geele Yuusuf
(Faroole) |
SomaliTalk.com
| Boosaaso
Xaflad aad loo
soo agaasmay oo loogu talalay Xil warejinta
Gudoomiyaha G/Bari ayaa Axada Jan 15 ka dhacday
Xarunta G/Bari, Xafladaa ayaa waxaa ka soo Qayb
galay Mas'uuliyin ka tirsan Maamulka DGPL,
Hogaamiye Dhaqameedyo, Gudoomiyeyaasha
Degmooynka G/Bari, Aqoonyahano iyo Bulsho kala
duwan oo ah Dadka Degaanka G/Bari iyo
Aqoonyahano iyo Bulshada kala duwan.
Xafladaa ayaa
waxaa ugu horeentii ka hadlay Gudoomiyihii hore
G/Bari yusuf Maxamed Dhado oo ka warbixiyay
Gobolka iyo wixii uu kaga Tagay waxa ay noqotay
Taariikh aad loogu farxo markuu Gudoomiyaha
sheegay in aan dayn lagu lahayn Gobolka ayadoo
mas'uuliyiintii hore ee Gobolka Gudoomiyaha ka
ahaa ay kaga tageen, masuuliyiinta xilalka
wareejinya ee haya xilalka DGPL ayaa waxaa looga
bartay in ay marka ay xil wareejinayaan ay ka
tagaan Daymo aad u fara badan, Gudoomiyaha ayaa
sheegay in uu Xarunta G/Bari Dayactir uga helay
Hay,ada UNDP lakiin aysan soo gaarin wali.
Waxaa isagana
ka hadlay Gudoomiyaha Cusub Muuse Geele Yuusuf
(Faroole) oo uga mahad celiya Gudoomiyiii hore
sida xilkasnimada leh ee uu u soo waday maamulka
G/Bari uuna u war hayo heerarka ay soo martay
xiliyadii adkeed, Gudoomiyaha ayaa ka codsaday
in ay la shaqeeyaan Bulshada qeybaheeda kala
duwan uuna balan qaadayo in uu muujin doono wada
shaqeyn.
Waxaa iyagana
halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Boosaaso oo
uga mahad celiyay Gudoomiyhii Hore sida wada
shaqeyta leh sidaa si legna ay ku wada shaqeyn
doonaan Gudoomiyaha Cusub, waxaa kadib hadlay
Wasiiro ka socday Muumulka DGPL oo kala ah
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL Bindho
iyo Wassiir kuxigeenka Wasaarada Dowladaha Hoose
iyo Horumarinta Reer Miyiga Axmed Aadan oo
sheegay in Gudoomihii horena ay uga mahad
celinayaan sidii uu xilka u soo waday
Gudoomiyaha Cusubna ay ku dardaarmayaan Xil
gudasho Wanaagsan.
Sawiradii
xafladii xilwareejinta:
Gudoomiyaha Cusub oo kahadlaaya Xafladii
Xiwareejinta
Madaxdii kasoo qaybgashay xilwareejinta
Isimadii iyo shacabkii ka soo qayb galay
xilwareejinta
Wasiirka Ganacsiga DGPL iyoWarshadaha oo
kahadlaya Xafladii Xilwaeejinta
|
Gudoomiyahii hore ee G/Bari
oo kahadlaaya Xafladii Xiwareejinta
Gudoomiyihiihore ooWaraaqihii
xilwareejinta utirinaya Gudoomiyah Cusub
Gudoomiha Degmada Boosaaso oo kahadlaaya
Xafladii xilwareejinta GBari.
Wasiirkuxigeenka DawlahaHoose iyo
Horamarinta Reermiyiga oo kahadlaya
Xafladii Xilwareejnta |
Dowladda
Federaalka KMG-ka ah Jamhuuriyadda
Soomaaliya oo Kuwait uga tacsiyeeysay
Geerida Amirkoodii...
Ra'isul
Wasaaraha Xukuumadda federaalka KMG-ka ah ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Prof Cali
Maxamed Geedi, ayaa isaga oo ku hadlaya
codka dowladda soomaaliyeed waxa uu Tacsi u
diray Dowladda iyo Shacbi weynaha dalka
Kuwait, isaga oo uga tacsiyeeyay geerida ku
timid Amiirkii dalkaasi xukumayay oo maanta
lagu aasay wadankaasi.
waxa uu Dr
Cali Maxamed Geedi sheegay in umadda
soomaaliyeed ay tiiraanyada la wadaagayaan
shabi weynaha Kuwait ee aan walaalaha nahay,
waxana uu xusay oo uu ku celceliyay sida ay
Dowladda soomaaliyeed arrintaasi uga
tiiraanyeeysan tahay.
waxa uu ka
warbixiyay doorka carbeed ee amiirka
geeriyooday ee dalka Kuwait Sheikh Jaber
al-Ahmad al-Sabah, uu ku lahaa hanaanka
nabadda soomaaliya, isaga oo dowladda
wadankaasi u ajeeyay horumar.
Xigasho:
Xafiiska Ra'isul Wasaaraha: Waaxda
warfaafinta
Prof. Dhalxa “waxaa qasab ah in
lala shaqeeyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
Guddoomiyaha ku
xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka
Soomaaliya Prof. Max’ed Cumar Dhalxa oo
wareysi gaaban siiyay Weriye Faarax Blue oo
dhawaan booqday Magaalada Jowhar ayaa
sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee uu
daneynayo ay ka mid yihiin in si deg deg ah
oo la jecleysto oo xamaasadi ku dheehan
tahay uu kulan isugu yimaado Baarlamaanka
Dowladda Federaalka oo mudo 10-bilood ah ku
kala irdheysnaa Magaalooyinka Muqdisho,
Jowhar iyo Gobalada dalka qaarkood. “waxaan
aad u doonayaa in Baarlamaanka oo idil kulan
deg deg isugu yimaado, maxaa yeelay waxa xaq
weyn uu ka saaran yahay aayatiinka Ummadda
iyo danta Soomaaliya, waxaana qasab ah in la
wada shaqeeyo si loo fuliyo balankii la
qaaday” ayuu yiri Prof. Dhalxa. Mar Dhalxa
wax laga weydiiyay meesha uu aaminsan yahay
in kulanku uu ku haboon yahay waxa uu
sheegay in isagu uusan haatan iclaamin karin
meel gaar ah, blasé ay u taalo 275-ta
Xildhibaan ee Golaha Baarlamaanka. Prof.
Dhalxa oo ka hadlayay heshiiska ay gaareen
Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
ayaa yiri “aad ayaan ugu faraxsanahay
heshiiskaas waayo in mudo ah ayaa sugeynay,
waxaana qasab in si weyn loola shaqeeyo
labada mas’uul, ma ahan in la yiraahdo
labadooda ayuu heshiisku ku eg yahay,
waxaana ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dowladda
ku jira, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo cid
kasta oo gacan ka gaysan karta arrimaha
nabadgelyada iyo Siyaasadda ay taageero la
garab is taagaan qorshaha Dowladda ee ku
aadan nabad ku soo dabaalida iyo dib u
dhiska dalka”. Ugu dambeyntii Prof. Dhalxa
waxa uu sheegay in uu rajo weyn ka qabo
Dowladda shaqeynta, loona baahan yahay in
shacabku niyadda ku hayaan helitaanka
waxyaabaha ka maqan, khilaafka Dowladuna uu
mar dhow soo gebagaboobi doono.
Kulan saacado qaatay oo ay isugu
yimaadeen Cabdulaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo
Geedi ..
Wararka naga soo gaaray Magaalada
Nairobi ee dalka Keyna waxay sheegayaan in kulan
saacado qaatay ay isugu yimaadeen Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed,
Gudoomiyaha Baarlamaaka Shariif Xasan Shiikh
Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi,
Wuxuuna kulankaani ka dhacay guriga uu
Madaxweynuhu ka degay Magaalada Nairobi.
Inkastoo warar dheraad ah laga
helin kulankaas ayaa haddana warar ayaa waxay
sheegayaan in kulankaas looga hadlay sidii uu u
qabsoomi lahaa kulanka ugu horeeya ee Golaha
Baarlamaanka iyo halka lagu qaban karo
kulankaasi, sidoo kale waxaa looga hadlay sidii
dalalka deeqda bixiya ay Dowladdu ugu heli
lahayd wixii dhaqaale ah maadaama la soo
gebagabeeyay khilaafkii u dhexeeyay Dowladda
Federaalka.
Guddoomiyaha
Baarla-maanka oo isagu la filayo in uu maalinta
beri ah soo gaaro Magaalada Muqdisho ayaa waxa
uu kulamo la tashiyo ah la sameyn doonaan
Xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada
Muqdisho kaddibna waxa uu dib ugu laaban doonaa
Magaalada Nairobi si uu warbixin u siiyo
Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Shirweynihii mideynta xoogagga
wadaniyiinta oo qabsoomey..
Waxaa maalintii shalay ahayd
Hotel Jidda ee Magalada Muqdisha lagu qabtay
shirweynihii saddexaad ee mideynta xoogagga
wadaniyiinta Soomaaliyeed, waxaana ka qaybgalay
Golaha dhexe iyo guddiga fulinta iy marti-sharaf
kale, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka
soo jeediyay Maryan Maxamuud Cabdi oo iyadu si
aad ah ugu dheeraatay waxqabadkii Mideynta
Xoogagga Wadani-yiinta Soomaaliyeed, waxayna
sheegtay in xoogga Wadaniyiinta ay gacan ka
gaysteen sidii nabad loogu soo dabaali lahaa
dalka, waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Mudane
Cali Xaaji Yuusuf oo isagu sheegay in Mideynta
Xoogagga Wadaniyiinta looga baahan yahay in ay
qayb ka qaataan si loo joojin lahaa colaadda ka
socota dalka.
“Dadka haatan jooga ma garanayaan
qiimaha nolosha” ayuu yiri Cali Xaaji oo soo
jeediyay in loo baahan yahay in dadku akhristaan
Qur’aanka Kariimka si dhibka Alle uga qaado.
Ugu dambeyntii waxaa kalloo ka
hadlay Guddoomiyaha Mideynta Xoogagga
Wadaniyiinta Soomaaliyeed Muuse Xuseen Cumar (Muuse
Afey) oo isagoo ku hadlay magaca Mideynta
Xoogagga Wadaniyiinta ayaa waxa uu u soo
jeediyay baaq nabadeed beelaha ku dagaalamaya
Gobalada Dhexe, Bakool iyo Muqdisho, iyadoo
intii uu socday shirku waxaa suugaan ku
maaweelinayay Mudane Xuseen Deerow.
Idaacadda Afrikada Bari oo xustay
sanadguuradeedii Saddexaad....
Hotel Globol ee Magaalada
Muqdisho ayaa shalay lagu qabtay xaflad aad u
balaaran oo lagu xusayay sanadguuradii 3-aad ee
ka soo wareegtgay markii dhidibada loo taagay
Idaacadda Afrikada Bari waxayna mas’uuliyiintii
iyo Marti-sharaftii kale ee ka qaybgashay ay
daawadeen Riwaayad ay ugu magacdareen (Jooji
Takoorka) oo ay u riyaaqeen dadkii daawanyay.
Xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa
waxaa ka mid ahaa Aadan Xaaji Yabarow (Wiish),
C/llaahi Calas Jimcaale, AVV. Cumar Dhegeey,
Ceyni Abuukar Gacal, Cali Max’ed Nuur
(Tima-Jilic), waxayna dhamaantood u
hambalyeeyeen Idaacadda oo ay sheegeen in ay
tahay Idaacad u adeegta Bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga
Cali Timi-Jilic ayaa gudoonsiiyay agaasimaha
Idaacadda Yuusuf Cai Cismaan shahaadada ugu
sareysa xisbiga, sidoo kale Guddoomiyaha Isirka
Samaale Prof. C/llaahi Axmed Siyaad ayaa isna la
gudoonsiiyay Kutubka Qur’aanka Kariimka ah,
iyadoo halku dhiga Idaacadda sanadkaan uu noqon
doono jooji (Takoorka).
Yuusuf Cali Cismaan oo ah
Agaasimaha Idaacadda ayaa isna halkaasi warbixin
kaga soo jeediyay waxqabadkii Idaacadda isagoo
mahad u celiyay hay’adihii iyo shirkadihii gacan
siiyay Idaacaddaas.
Golaha horumarinta Nabadda
Soomaaliya oo kulan u qabtey Odayaasha Dhaqanka.
Golaha horumarinta nabadda
Soomaaliyeed ayaa kulan maalin ah u qabtay
Odoyaasha dhaqanka Soomaali-yeed, waxa uuna
kulankaasi ka dhacay Hotel Jidda ee Magaalada
Muqdisho. Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadlay
Guddoomiyaha Golaha Max’ed Cabdi Taakow oo
sheegay in nabaddu ay tahay midda furaha u ah
shay kasta oo ay bulshadu u baahan tahaya,
la’aanteed ay bulshadu jiri karin. Xubnihii kale
ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah Xuseen
Tooxoow oo isna si aad ah ugu dheeraaday
faa’iidada nabadda oo uu sheegay in bulsho aan
nabad haysan aysan horumar gaari karin.
Maxamuud Cali Ugaas oo ayaa isna
sheegay in nabaddu u baahan tahay ficil, sidoo
kale waxaa ka hadlay Suldaan Cali Suldaan Axmed
Nuur isna ku hadlay magaca Odoyaasha Dhaqanka
ayaa baaq nabadeed u jeediyay Beelaha ku
dagaalamaya Gobalada Dhexe, Muqdisho iyo Bakool,
sidoo kale waxaa ka hadlay Maxamuud Cali
Jimcaale Koogaar oo isna sheegay in Dowlad
la’aantu ay wax walba ay sabab u tahay sida
nabad la’aanta iyo guud ahaan dhibaatooyin ka
tagaan dalka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: Jan
16, 2006
WARARKII SHALAY HOOS KA AKHRI...
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu
hogaaminayo oo soo gaaray Nairobi..
Nairobi: Jan 15, 2006: Madaxweynaha
soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ka
soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Joma Kenyata
International Airport ee magaalada Nairobi, isaga oo
ka soo kicitimay Magaalada Adis-ababa ee wadanka
Ethiopia, halkaasi oo waqti kooban ku sugnaa, isaga
oo markiisii horena ka yimid wadanka Yaman, oo uu
kaga qayb galay shirka isbahaysiga SANCA,
islamarkaana sidoo kale uu ka dhacay Hishiis
Taariikhi ah, oo uu la galay Gudoomiyaha Barlamaanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Waxaa garoonka ku soo
dhaweeyay Ra'isul Wasaaraha soomaaliya Mudane Prof
Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane
Shariif Xasan Shiikh Aadan, wasiiro iyo Xildhibaano
Dowladda Fs ka tirsan oo muddoyinkan joogay
magaalada Narobi, iyo Guddoomiyaha Gudiga siyaasadda
Gobolka Sh/dhexe Mudane Maxamed Cumar xabeeb (/dheere)
halka dhinaca Kenya ay ka qayb qaateen soo dhaweynta
madaxweynaha madax sare oo uu kamid yahay Ambasador
afey iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.
Madaxweynaha iyo
wafdiga la socday ayaa dabadeed loo sii ka xeeyay
Xarunta gaar ah oo loogu tala galay, iyada oo sidoo
kale ay soo dhaweynta ay ka qayb qaateen soomaali
fara badan oo ku sugan Magaalada Nairobi.
waxa kale oo jira in
wada hadal aan waqti badan qaadan ay yeesheen
sadexda mas'uul ee ugu sareysa dowladda, iyaga oo ku
balamay in la adkeeyo wada shaqeyntooda, danta
qarankana ay wax kasta ka hor mariyaan, loona
istaago sidii soomaaliya loo xasilin lahaa, waxana
ugu dambeyntii Madaxweynaha la dejiyay qasri gaar ah
oo ku yaala Nairobi.
Xigasho: Xafiiska
Ra'isul Wasaaraha, waaxda Warfaafinta
Faafin: SomaliTalk.com
| Jan 15, 2006
Amiirkii
Kuwait oo Geeriyoodey
War
maanta oo Axad ah (Jan 15) laga siidaayey Telefishanka
Kuwait ayaa shaaca ka qaaday in amiirkii Dalkaasi,
Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah, uu geeriyoodey.
Amiir Jaber waxa uu
ahaa amiirkii 13aad ee boqortooyada Kuwait ee dalkaasi
xakumeysey 245 sano.
Sheikh Jaber waxaa
ra'iisul wasaaraha Kuwait loo magacaabay sannadkii 1965,
kaddibna waxaa amiir-suge loo caleemo saaray 1966.
Kaddib waxa uu amiirnimada ka dhaxlay ina-adeerkiis ,
Sabah III Al-Salim Al-Sabah, bishii December 1977.
Sheikh Jaber waxa ay
da'diisu ahayd 77 jir.
Isha: Kuwit TV |
Tarjumadii SomaliTalk.com | Jan 15, 2006