ISBADALKA XUKUUMADA
PUNTLAND OO KU AADAN TAKOOR BEELEED
Waxaa kadhacay degaanka
magalada ganacsiga lehna dakad weyn oo anfacday shacabka
soomaaliyeed gaar ahaan shacab waynaha puntland, dagaal
hunguri oo salkiisu ahaa isku qabsasho dhicida hantida
ummadda soomaaliyeed badaheeda, kuwaasoo loo keensaday
shirkado shisheeye oo xaalufin ba'an kuhaya kheeraadka
wadanka. Kal hore markii uu cabdullahi maamulayay
deeganka puntland kana ahaa madaxweeynaha, wuxuu ka
gatay oo qandaraas riqiis ah kusiiyay badda in ay ka
kaluumaystaan isla mar ahaantaana ka kireeyaan cida ay
doonaan shirkad ajnabi ah oo la oran jiray HARTH GROUP
taasoo uu wakiil uga ahaa wiil uu adeer u yahay oo
layiraahdo Khaliif Ciise Mudan.
Ileen wax xaaran ah
laguma sii raagee waxa la dhacay Cabdullahi Yuusuf oo
Khaliif baa kala baqooley lacag 4,000,000 oo dolarka
Maraykanka ah, taasoo uu dhigtay bangiyo kuyaal dhul
shisheeye. Cabdulaahi way ka caraysiisay arintaan uusan
cidna uuga dacwoonkarin. Laakiin Khaliif wuusii watay
howshiisii bacdamaa Cabdulaahi Gaalkacayo lageeyay
lagana tuuray kursigii taasoo rag Khaliif ku jiro ay
kashaqeeyeen, balse waxay sababtay in lakeeno nin London
qoxooti ku ahaa oo layiraahdo JAAMAC CALI JAAMAC kaasoo
Khaliif ku bixiyay soo saaridiisa hal malayan oo doolar
oo kamid ahaa 4 tii malyan ee laga dhacay kheeraadka
dabiiciga ah ee shacabka Soomaaliyeed dhulkooda.
XAGAY ISKA HELEEN
CABDUWALI CALI TAAR IYO CABDULLAHI?
Waxaan shaki ku jirin xiligii aan
Cabdullahi laga tuurin kursiga in uusan Cabdiwali Calitaar ku heeysanin
saldanada Cabdullahi wax naas nuu jin ah iyo inaadeeroow. Balse jiray xiriir
udhaxeeyay XIIF CALI TAAR oo ahaa gacan yaraha Cabdullahi Yusuf xiligii ay
wada joogeen SSDF. Adoon daalin waxaad garataa in Xiif isku xiray Cabdiwali
iyo Cabdullahi.
Hadaba ninka CABDIWALI CALI TAAR
muxuu ahaa? waxa uu ahaa wiil dhallin yaro ah oo qooxooti ku haa Canada,
waxa uuna kamid ahaa barbaarta soomaaliyeed ee muruqmaalka ah kuna
shaqeeysta TAXI-YADA. Waxaa lala hadlay rag uu ku jiro in tolka laga soo
aruuriyo lacag, taasoo lagu dhisi doono magaalada GARACAD OO XEEB AH
HALKAASOO DAKED LOOGA BAAHAN YAHAY. Bacdamaa reer Bari soo
cayrsadeen C/Laahi Yuusuf iyo xulafadisii si looga maarmo dakada waa in
lahelaa dakad macmal ah oo kutaal mudug. Waxaa la soo uruuriyay lacag dhan
200,000 oo doolar taasoo ay gacanta u gashay Cabdullahi
Yusuf halkii dekad macmal ah laga sugay uu la aaday in uu ku qabsado Bari.
Waana lacagta uu ku hawlgalay qay kamid ah. Markuu ku guuleystay Cabdulaahi
hawl-galkiisii wuxuu hadiyad uga dhigay Cabdiwali calitaar iyo xiif cali
taar in uu u sixiixo heshiis shirkada dad badani ugu yeero "xaalufinta
badaha", balse ay ugu yeeraan "ilaalinta badda" ee SOMCAN.
Dhanka kale Cabdi wali markiisa wuxuu qayb ka
qaatay doorashadii adeerkiis Cabdullahi Yusuf taasoo uu NAIROBI ku
gudoonsiiyay 875,000 oo doolar. Markii Cabdullahi helay
kursiga madaxweeyne nimo waxaa soo kala dhex galay ilma cali taar iyo
cabdullahi mugdi kadib markii ay waayeen Maxamed Cabdi Xaashi oo ay rabeen
in uu madaxweyne kasii ahaado puntland, taasoo dhanka cabdulaahi kasocon
waysay.MAXAA DHACAY
HADII CADE QABTAY SALDANADA PUNTLAND?
Dadka soomaaliyeed oo qaybo kamid ahi si
aan gabasho laheeyn ay u isticmaalaan qabyaalada iyo kala faquuqa ummadda
ayaa waxay dhalinaysaa arimahan. Waxa ku dhacay ilama cali taar in
shirkadoodii afgambi lagu sameeyo, oo layiraahdo xiligiinii waa dhamaadee ee
ka bul dhaha, oo lakeensado shirkado ajnabi ah oo wakiil u yahay nin
sucuudiyaan ah TAASOO LAYIRAAHDO ALKHEYRIYA. Waxaase
yaableh in marlabaad Khaliif keensado shirkadan oo qandaraas ku qaato ayadoo
Cade Muuse uu ku naas nuu jinayo. (NINBA WAA MARKIISE MUS MAKULA
KORAY) waxaa maanka gali waayay badii adeerkaa baa lagaa
qaaday!. Marka waxay sababtay tolaayeey waryaa tolaay iyo in uu
ciidamo beeleedyadii hubaysnaa oo jifadiisa ahaa isku gadaamo, diidana in uu
amarka madaxwaynaha qaato. Dhanka kale Cadde markii loo sheegay waxa uu amar
siiyay ninka uu adeerka u yahay ee Kheyre ee u haya taliska booliska
puntland, kaasoo weeraray Xiif Cali taar balse uu iska difaacay. Sawaxanka
iyo daryaanka kabaxayay Boosaaso waxa uu ahaa qooqaa iyo hungurigaa
xaalufinta iyo boobka badaha soomaaliyeed. Lacagtaas oo jifooyinka jeebkooda
aan soo dhaafin. Taasoo lagu isticmaalo kala geeynta isku dirka iyo
hagardaamada lagu hayo shacabka reer puntland.
CADE MUUSE OO KU HEEYSTA JEEBKA
XUKUUMAD CUSUB MAGACYADOODA.
Waxaa lafishaa isbadal iyo caadalad marka
saldhigu yahay cadaalad, laakiin nin isagiiba sida uu ku yimid kursiga
puntland ummaddu wada ogtahay, oo ah handadaadaad iyo inaadeeroow
Soomaaliyaan ka helay kursi ee fariiso, isla markaana ku laayay dhallin yaro
reer puntland ah oo aan waxba galabsan, makeeni karaa wanaag iyo maamul
fiican? Nin CANADA qol ku xiraa uuna soo duulay oo tuute usoo qaatay dhiiga
shacabka puntland asagoo GENARAAL AH lasaftay jifo hoosaad ma la oran karaa
waxa uu keenayaa cadaalad iyo sinaan? Waxan durba aragnaa sida uu isu
balaarinayo oo uu jifadiisa uugu dhiibay maareeya-yaasha iyo ilaha
dhaqaalaha oo Puntland iyo dhan walba ama ha haato dhaqaale ama ha ahaato
saldano ee.Isbadalka uu wadaa waa
mid ku salaysan qabyaalad oo uu beelaha qaarna ku takoorayo qaarna soo
dhawaysanayo. Hadaad istiraahdo war ninku sidaan maha xusuuso in uu arin
qabyaaladeed iyo jifo hoosaad dhiig uugu daadiyay puntland, tii unbuuna
wadaa. Mar uu handadayay Maxamed Cabdi Xaashi oo aan isku shuqlinin doorasho
markuu arkay meesha la la aaday hanaankii puntland ayuu wuxuu yiri cade
"HADII UU DOORASHO QABAN WAAYO MAXAMED CABDI XAASHI WAN DAGAALAMAYAA KAMANA
YEELAYO" wuxuuna hada isu haystaa nin xoog ku jooga.
Jagooyinka hada wuxuu ka qaaday hal jifo
oo ah jifada Cali Saleebaan oo lagu handadayo reer Mudug iyo Nugaal oo ah
Cali saleebaan dhexdiida oo laysku bad badalay uun, si tolku xataa dhexdiisa
isugu xumaado. kan ka qaad inaadeerkii u dhiib!!! wuxuba waa habqabiil oo
cidwalba wasiirkeeda iyada unbaa leh oo macnuhu yahay madaxweeyna-nimadana
hal cid unbaa dhaxlee. Mala orankaraa hada waxbuu sameeyay isbadal ah mar
hadii cali saleebaan laysku bad badalayo? Hadii Gaagaab ama Faroole laga
qaado mawaxaa lagu badalayaa jifadooda? mise laga qaadi karaa? waxa uu iska
indha tirayaa Cade Muuse kheyre hadii sida uu cade sheegay gardaro ku
weeraray nin shacab ah gurigiisa oo booliisku dadka iska ulaynayo iyadoo la
eegayo sharciga u dhigan puntland maa laga qaadayaa kheyre jagada?
mise waa lama taabtaan?
 
Cadde Muuse iyo askari iyo askari isaga u
adeega... oo uu ku magacaabay taliyaha Booliska..
Hadaba xikamadaa waxay tahay in jagooyinka aan
waxba aheen ee ay dadkoodu soo diidaan lasiiyo beelaha kale. Cade ma waxa uu
naleeyahay waxaan wax kabadalayaa eexdan baahday ee ummaddu layaaban tahay
oo ah wax walba aniga. tusaale:
LIISKA KUWA KU QABAYSTAY QABIILKA
TALIYAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA IYO
KUXUGEENKIISA
TALIYAHA BOOLISKA PUNTLAND
WASIIRKA MAALIYADA
WASIIRKA QORSHEEYNTA IYO XIRIIRKA
CAALAMIGA
WASIIRKA DAWLADAHA HOOSE IYO REER
MIYIGA
GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE EE PUNTLAND
AGAASIMAHA GUUD EE LA DAGALANKA
ARGAGIXISA
WASIIRKA HORMARINTA HAWEENKA IYO
ARIMAHA QOYSKA
WASIIRKA HAWLAHA GUUD IYO GAADIIDKA
WASIIRU DAWLAHA MADAX TOOYADA
WASIIRKA XANAANADA XOOLAHA
Akhristoow maanka ku hay gobolada iyo beelaha
ku bahoobay puntland oo dhan waxay wadaagaan 16 wasiir
halkan 7 kamid ah reer baa jeebka gashaday hab nin jeclaysi iyo
qabyaalad ku salaysan oo xataa sadbursi dhaaftay, halka ummada soo
hartay ay ku filaan wayday beeliha kale ee Puntland dega oo intooda badan
aan helin waxba.
Masoowada koobi karo beelaha dagan puntland
laakiin waa uun tusaale marka 16 kii wasiir waxay qaateen jifada cade muuse
7 kamid ah uuguna muhiimsan ayagoo haysta madax weeyne-nimadii. waxaad yaabi
lahaydeen hadaan idiin soo bandhigo agaasimayaasha,iyo wasiir ku xigeenada
iyo gudoomiya-yaasha dagmooyinka Puntland wuxuba waa iyaga xaqiiqdii. Hadaba
su'aashu waxay tahay ninka cadaaladaradaan dhisay oo madaxweeynu ku ah sidan
miyaa keeni kara isbadal? ma orankaraan cadaalad buu wax u qaybin? mase
kasugi karaa cadaalad? waxaadse dadwaynoow is waydiisaan boobkan iyo
qabyaaladan iyo xaqiridan ku baahday gayiga puntland intee in le eg ayay
soconkartaa cadaalad darada iyo dulmigu? cade muuse iyo jifadiisa malaga
aqbali doonaa waxay isku raaceen oo ah maamulku sheega?
GUNAANAD
Ummaddu waxay ka gadood santahay kuwa aan
damiirka laheen oo dhiigmiiradka ku haya shacabka puntland ee xalaasha ah.
looma dulqaadan doono ee waxa laga hortagi si midaysan kuwa ehelka isku
gubaya oo xaalufinaya kheeraadka degaanka, iyagoo u adeegaya ajnabi ama
shisheeye. Wax walba aniga qaadan mayno, hadaan nahay shacabka puntland.
cabdullahi yusuf axmed waxa uu kusameeyay puntland oo dulmi iyo xaqiraad ah
iyo eex unbuu la dhextagayaa beelaha walaalaha ah ee koonfureed iyo soomaali.
haduu cadaalad ku maamuli waayay puntland miyuu soomaali cadaalad ku
maamulayaa??? arkhristahaan udaayay jawaabta.
Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 14, 2006
|