Madaxweynaha
Dowladda Federaalka KMG-ka ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu
hogaaminayo oo soo gaaray Nairobi..

Madaxweynaha
soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ka
soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Joma Kenyata
International Airport ee magaalada Nairobi, isaga oo
ka soo kicitimay Magaalada Adis-ababa ee wadanka
Ethiopia, halkaasi oo waqti kooban ku sugnaa, isaga
oo markiisii horena ka yimid wadanka Yaman, oo uu
kaga qayb galay shirka isbahaysiga SANCA,
islamarkaana sidoo kale uu ka dhacay Hishiis
Taariikhi ah, oo uu la galay Gudoomiyaha Barlamaanka
Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Waxaa garoonka ku soo
dhaweeyay Ra'isul Wasaaraha soomaaliya Mudane Prof
Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane
Shariif Xasan Shiikh Aadan, wasiiro iyo Xildhibaano
Dowladda Fs ka tirsan oo muddoyinkan joogay
magaalada Narobi, iyo Guddoomiyaha Gudiga siyaasadda
Gobolka Sh/dhexe Mudane Maxamed Cumar xabeeb (/dheere)
halka dhinaca Kenya ay ka qayb qaateen soo dhaweynta
madaxweynaha madax sare oo uu kamid yahay Ambasador
afey iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.
Madaxweynaha iyo
wafdiga la socday ayaa dabadeed loo sii ka xeeyay
Xarunta gaar ah oo loogu tala galay, iyada oo sidoo
kale ay soo dhaweynta ay ka qayb qaateen soomaali
fara badan oo ku sugan Magaalada Nairobi.
waxa kale oo jira in
wada hadal aan waqti badan qaadan ay yeesheen
sadexda mas'uul ee ugu sareysa dowladda, iyaga oo ku
balamay in la adkeeyo wada shaqeyntooda, danta
qarankana ay wax kasta ka hor mariyaan, loona
istaago sidii soomaaliya loo xasilin lahaa, waxana
ugu dambeyntii Madaxweynaha la dejiyay qasri gaar ah
oo ku yaala Nairobi.

Xigasho: Xafiiska
Ra'isul Wasaaraha, waaxda Warfaafinta
Faafin: SomaliTalk.com
| Jan 15, 2006
Amiirkii
Kuwait oo Geeriyoodey
War
maanta oo Axad ah (Jan 15) laga siidaayey Telefishanka
Kuwait ayaa shaaca ka qaaday in amiirkii Dalkaasi,
Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah, uu geeriyoodey.
Amiir Jaber waxa uu
ahaa amiirkii 13aad ee boqortooyada Kuwait ee dalkaasi
xakumeysey 245 sano.
Sheikh Jaber waxaa
ra'iisul wasaaraha Kuwait loo magacaabay sannadkii 1965,
kaddibna waxaa amiir-suge loo caleemo saaray 1966.
Kaddib waxa uu amiirnimada ka dhaxlay ina-adeerkiis ,
Sabah III Al-Salim Al-Sabah, bishii December 1977.
Sheikh Jaber waxa ay
da'diisu ahayd 77 jir.
Isha: Kuwit TV |
Tarjumadii SomaliTalk.com | Jan 15, 2006
Wararkii Soomaaliya ee
Maanta Hoos ka akhri... |
WARARKII MAANTA: JAN 15, 2006
-
Shariif Xasan “Aniga iyo C/llaahi
daacad bay naga tahay Heshiiska ee waxaa..
-
Wasiirka dib u heshiisiinta oo
saxiixay Mashruuca Dib u dhiska ..
-
Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo
walaac.ka muujisey Dagaalada iyo Abaaraha.
-
Warbixin ku saabsan dagaalka ka
dhacay Deegaanka Galgalato..
-
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.oo
si dhaqsi leh ugu ambabaxay.
-
Shaarguduud oo ka qaybgalaya shirka
Wasiirada Beeraha ee ..
Shariif Xasan “Aniga iyo C/llaahi daacad
bay naga tahay Heshiiska ee waxaa..
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan ayaa maalintii shalay Magaalada Niarobi
gaar ahaan Hotelka lagu magacaabo Grand Regency ugu
sameeyay qado xildhibaano tiradoodu gaareyso 35 qofood,
oo iyagu kala taageersanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana la arkay
iyadoo ay ka muuqatay farax iyo reyreyn kana sheekeysaya
waxyaabihii ay soo mareen mudadii sanadka iyo barka
ahayd ee khilaafku u dhexeeyay. Hadal gaaban oo uu
halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan ayaa waxa uu sheegay in Xildhibanaada
looga baahan yahay in ay ku guntadanaa sidii ay
shacabkooda ugu shaqeyn lahayeen wixii khilaaf ahna meel
iska dhegaan. “Aniga iyo Madaxweynaha daacad bay naga
tahay heshiiskaasi” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay
in uu dhawaan tagi doono Magaalada Muqdisho, isa
markaana xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho ugu
dhaadhicin lahaa heshiiskii dhex maray isaga iyo
Madaxweynaha, waxa kalloo uu sheegay in la gaaray
waqtigii shacabka ay u heli lahaayeen Dowlad daacad ah
isla markaana ka shaqeyneysa dib u dhiska dalka.
Guddoomiyaha Baarlamaaka Shariif Xasan waxaa kalloo
kulan gaar ah la yeeshay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi oo isna shalay gaaray Magaalada Niarobi iyadoo
maanta la filayo in ay si wadajir ah ula kulmaan
mas’uuliyiin ka socota Hay’adaha deeqda bixiya iyo
Hay’adaha samfalka si ay uga helaan wixii dhaqaale ah oo
horey loogu xayiray khilaafkii u dhexeeyay xubnaha
Dowladda ee ku sugnaa Muqdisho iyo Jowhar.
Wasiirka dib u
heshiisiinta oo saxiixay Mashruuca Dib u dhiska ..
Wararka naga soo
gaaraya Magaalada Jowhar sheegayaan in Wasiirka dib u heshiisiinta iyo
Jaaliyadaha Max’ed Shiikh Aadan Deeyr ayaa shalay saxiixay mashruuc dib loogu
dhisayo lix Gobol oo ka mid ah Gobalada dalka, waxaan qarashaka ku baxaya
lixdaas gobol ay gaareysa 1-Milyan iyo 250-Kun oo Doollar, waxaana lacagtaan
bixiyana Dowladda Talyaaniga oo iyadu ku wareejiysay hay’ad lagu magacaabo
UN-Open-S.
Wasiirku waxa uu sheegay in
degmo kasta ay soo dirsaneyso toban qofood, iyadoo guddiga howlahaan isku
dubaridayana ay shaqeyn doonaan 25 maalmood oo maalinkii la siinayo 12- Doollar,
sidoo kalena Degmooyinkaas dadka ka imaanaya waxa ay qaadan doonaan Siminaar la
xiriira dib u dhiska oo socon doona afar maalmood.
Gobalada ka qaybgalaya
wajigaan ayaa waxaa ka mid ah Galguduud, Hiiraan, Sh/dhexe, Sh/hoose, Banaadir
iyo Bakool, iyadoo wajiga xiga uu isna bilaaban doono bisha Feebaraayo ee fooda
nagu soo hayso.
Mashruuca dib u dhiska
Gobalada ayaa waxaa kalloo ku jira in Gobalada loo sameeyo maamulo iyo Golayaal
deegaan.
Xarunta Ismaaciil Jimcaale
oo walaac.ka muujisey Dagaalada iyo Abaaraha.
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee
Xaquuqda aadanaha oo inta badan diiwaangelisa tacadiiyada xaquuqda aadanaha ee
ka dhaca daka ayaa wele wel iyo walaac ku haya dagaalada ahliga ah ee ka kala
dhacay deegaanada Galgalato ee Degmada Karaan ee Magaalada Muqdisho iyo dagalkii
ka dhacay deegaanka Galinsoor ee Gobalada Galguduud, waxayna Hay’addu sheegtay
in dagaaladaasi ay sababeen dhimasho, burbur hantiyeed iyo barkac baahsan oo ku
yimid dadka rayidka ah ee lagu dul dagalamay, sida Haweenka iyo Carruurta, taas
o xadgudub ku ah shareecadda Islaamka, Xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka
Soomaaliya iyo Baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadamiga qodobkiisa saddexaad oo
leh qof walbaa waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo.
Sidoo kale waxay hay’addu wel
wel iyo walaac ka muujisay abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya gaar ahaan
Gobalada qaarkood, abaartaas oo ay hay’addu sheegtay in ay ku dhinteen dad fara
badan oo ayna sababtay biyo la’aan iyo macluul daran.
Waxayna ugu baaqeysaa
Hay’adaha samafalka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay gargaar bini’aadannimo la
soo gaaraan dadkaasi, waxaana war-Saxaafadeedkaan ku saxiixnaa gudoonka xarunta
ee Maryan Xuseen Owreeye.
Warbixin ku saabsan
dagaalka ka dhacay Deegaanka Galgalato..
Halka lagu magacaabo Galgalato oo dhowr Kiilo
Mitir u jirta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeyay
maleeshiyooyin kala taageersan Ganacsatada kala ah Bashiir Raage iyo Abuukar
Cumar Caddaan, dagaalkaan oo ah kii ugu qaraaraa ee mudooyinkaan ka dhaca
Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu gaystay khasaaro naf iyo maal ah, waxaana la
xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa iyo 20 qofo, dhaawacana uu gaarayo ilaa iyo 30
qof oo labada dhinac ah.
Dagaalkii shalay dhacay ayaa waxa uu ahaa mid
muuqday goos goos iyadoo maleeshiyooyinka Taageersanaa Ganacsade Bashiir Raage
ay la wareegeen goobihii lagu dagaalamay ee agagaarka Dekedda Ceel-Macaan iyadoo
lagu waramay in labo Tikniko ah laga qabsaday dhinaca Abuukar Cumar Caddaan.
Labada dhinac ayaa isku hub uruursanaya, hase
yeeshee waxaa barbar socoda dadaalo ay wadaan waxgaradka ay ka soo jeedaan
labadaasi nin oo isku Jifo ah.
Waxaa baryaan dambeba meelo ka tirsan Magaalada
Muqdisho ku soo noq noqanayay iyadoo dhawaan dagaal kan la mid ah uu ka dhacay
xaafadda Boondheere oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi.oo si dhaqsi leh ugu ambabaxay.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay
sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaas uu ka ambabaxay wafdi balaaran oo
uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare oo isla shalay gaaray Magaalada Nairobi, waxaana
halkaasi ku soo dhaweeyay xubnaha labada Gole oo marka hore kala fekerka ahaa
kalana taageersanaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Ra’isul Wasaaraha ayaa waxa uu kulamo la yeelan
doonaa Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh oo ay isla soo qadi
doonaan sidii wada shaqeyn xoog leh ay u dhex mari lahayd Xukumada iyo Golaha
Baarlamaanka, iyadoo maanta Ra’isul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha ay kulamo la
yeelan doonaan Mas’uuliyiin ka socota wadmada deeqda bixiya iyo Hay’adaha
samafalka si ay u uga helaan dhaqaale maaliyadeed oo markii hore loo joojiyay
khilaafkii u dhexeeyay xubnaha Dowladda ee kala degay Magaalooyinka Muqdisho iyo
Jowhar.
Dhinca kale waxaa la filayaa in Magaalada Nairobi
uu soo gaaro Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed si uu ugu
biiro madaxdaasi, sidoo kale waxaa la filayaa in Nairobi soo gaaraan Wasiirada
Hubeysan ee ku sugan Muqdiso oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi Yalaxow, Cismaan
Xasan Cali Caato iyo Max’ed Qanyare Afrax.
Shaarguduud oo
ka qaybgalaya shirka Wasiirada Beeraha ee ..
Xasan Max’ed Nuur Shaarguduud oo ah Wasiirka
Beeraha oo mudooyinkaaba ku sugnaa Magaalada Waajid ayaa shalay u ambabaxay
Magaalada Niarobi halkaas oo uu kaga qaybgalayo shir ay isugu yimaanayaan qaar
ka mid ah Wasiirada Beeraha ee IGAD oo ay ka mid yihiin Itoobiya,Kenya iyo
Soomaaliya, waxaana shirkaan looga arrinsanayaa arrimo la xiriira sidii wax
looga qaban lahaa abaar baahsan oo looga cabsi qabo in ay ku habsato saddexdaa
wadan, madaama xiliyadii la soo dhaafay aysan heli wax roob ah.
Shaarguduud waxa uu ku biiri doonaa sidoo kale
shirka ay isugu imaanayaan Guddoomi-yaha Baarlamaanka Shariif Xasna Shiikh Aadan
iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geede.
Dhinaca kale Wasiiro badan oo markii hore kala
aragti duwanaa ayaa haatan ku sii qulqulaya Magaalada Naribo si ay uga
qaybgalaan kulan guud oo dhex mari doona Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladda
Federaalka oo dhawaan ka dhici doona Magaalada Niarobi.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
|